Kenya: Caddeymo Cusub Oo Ku Aaddan Tacaddiyadii Xilliga Doorashada
Booliska iyo burcad hubaysan ayaa ugu yaraan 37 qof ku dilay magaalada Nairobi intii u dhexeysay Sebtembar iyo Nofembar 2017, xilligaasi oo lagu guda jiray wajiga labaad ee doorashadii madaxtinnimo ee Kenya, waxaa sidaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Waa in dowladda Kenya ay degdeg u baarto dilalkaasi iyo dhammaan kuwa kale ee la diiwaangeliyay inta ay socotay doorashada, ayna xaqiijiso in lala xisaabtamo kuwa geystay dilalkaasi sharci darrada ah.