(Nairobi) –Mas’uuliyiinta Soomaaliya waa inay xoojiyaan baaritaanka ay ku hayeen dhacdadii Mey 2020 ee inta todobo hawlwadeenno caafimaad iyo qof bartay dawada la afduubtay, kadibna sida muuqata qaab bareer ah loo dilay, ayay maanta sheegtay hay’adda Human Rights Watch. Lix bilood kadib, baaritaanka dowladda ayaan horseedin in dad loo qabto ama loo maxkamadeeyo falkaas, halka ehelada dadka la laayay ay sugayaan cadaallad.
27-kii Mey abaare 1:30 duhurnimo, shan nin oo wejigu soo duubtay ayaa galay xarun dhallaanka iyo hooyada lagu daryeelo oo ay hay’adda Zamzam foundation ku leedahay tuulada Gololey ee degmada Balcad, maamul goboleedka HirShabeelle. Dhowr qof oo goobjoog ahaa ayaa sheegay in dableyda – oo saddex kamid ah ay xirnaayeen dareeska milateriga Soomaaliya, midna uu xirnaa dhar u muuqday kan booliska oo ah buluu khafiif ah, halka kan kalena uu dhar caadi ah watay – ay kala sooceen shan dumar ah iyo todobo rag ah oo ahaa halwadeennada caafimaadka iyagoo dhinac u bixiyay todobada ragga ah, indhahana ka xiray, kuna soo daray nin farmashi ku haystay meel u dhaw xarunta. Dableyda ayaa kaxeystay raggaas. Gelinkii dambe ee 28-kii Mey, dadka deegaanka ayaa meel ka baxsan tuulada ka helay meydadka raggaas oo ay ku yaalaan xabbado badan.
“Falkan sida bareerka ah loogu laayay todobada hawlwadeennada caafimaadka ahaa iyo ninka farmashiyaha haystay ayaa ka dhigay dadka deegaankaas kuwo weli la argagaxsan dadka laga dilay, isla markaana si weyn ugu baahan daryeel caafimaad,” ayay tiri Laetitia Bader, oo ah agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch. “Suurtagalnimada ah in falkaas argagaxa leh ay ku lug lahaayeen xooggaga ammaanka ayaa sii ballaarinaysa mas’uuliyadda dowladda ka saaran baaritaan wax ku ool ah, maxkamadeynta kuwa falkaasi geystay iyo in sida ku haboon magdhaw loo siiyo qoysaska dhibbanayaasha.”
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalkaas. Ururka Al-Shabab ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa, halka taliyaha ciidamada Federaalka uu markii hore beeniyay eedeymo ay soo jeediyeen dadka deegaanka oo sheegay in xooggaga ammaanka ay dilalka ku lug lahaayeen. 29-kii Mey, Madaxweynihii Hirshabelle ayaa sameeyay guddi heer-sare ah oo baaritaan ku sameeya dhacdadaas, waxaana uu sheegay inay tahay inay warbixin dhamaystiran usoo gudbiyaan 30 maalmood gudahood. 14-kii Sebtembar, wasiirka amniga ee Hirshabeelle ayaa waraysi telefoonka ah ugu sheegay Human Rights Watch in baaritaanka uu hakad galay. Laanta dembi baaritsa ee booliska Federaalka ayaa dhankeeda ka bilowday baaritaan.
Mudadii u dhexaysay Juun iyo Sebtembar ee sanadkan, Human Rights Watch ayaa telefoonka ku waraysatay 13 goobjooge iyo dad ehel u ah hawlwadeennada la laayay, iyo weliba shan weriyeyaal iyo shaqaalaha gargaarka ah oo aqoon u leh deegaanka. Human Rights Watch ayaan jawaab ka helin warqad ay Booliska Soomaaliya u dirtay 5-tii Oktoobar oo ay ku codsadatay faahfaahinta halka ay marayaan baaritaannada.
Hay’adaha ka shaqeeya bani’aadannimada ee Soomaaliya, oo ay kamid yihiin kuwa bixiya gargaarka caafimaad ayaa wajaha culays ku aaddan sidii ay u gaari lahaayeen dadka u baahan sababo la xiriira amni darro, weerarro lala beegsado shaqaalaha gargaarka, rabshado guud iyo xayiraado ay soo rogeen dhinacyada dagaallamaya. Sida ay xogteeda Ammaanka Shaqaalaha Gargaarka ku sheegtay hay’adda Humanitarian Outcomes, 14 kamid ah shaqaalaha gargaarka ayna ku jiraan todobadii lagu laayay Gololey ayaa Soomaaliya lagu dilay sanadkan 2020. Arintaas ayaa saameyn weyn ku yeelatay xuquuqda helitaanka caafimaadka ee bulshada loo shaqeynayay. Hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa ku warrantay in 15% keliya dadka ku nool deegaannada miyiga ah ee Soomaaliya ay helaan daryeel caafimaad.
Tuulada Gololey ayaa muhiim u ah isku xirka magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ka dhacay tiro weerarro ah oo ay xooggaga Al-Shabab ku beegsadeen kolonyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliya. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xiriirka ay la leeyihiin ciidamada dowladda uu xumaa gaar ahaan tan iyo dhammaadkii 2019, xilligaas oo xooggaga ammaanka ay dhowr jeer xireen qaar kamid ah dadka tuulada kadib markii weerarro lala beegsaday. Dadkaas ayay ku eedeeyeen inay gacan-saar la leeyihiin Al-Shabab.
26-kii Mey, maalin ka hor inta aan la kaxeysan hawlwadeennada, Al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar qarax loo adeegsaday oo kolonyo ciidamada dowladda ah lagula beegsaday afaafka hore ee Gololey, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan sideed askari. Human Rights Watch waxaa u suurtageli weyday inay xaqiijiso aragtida ay dad badan qabaan ee ah in weerarka lala beegsaday kolonyada ciidanka iyo dilalka hawlwadeennada caafimaadka uu xiriir ka dhexeeyo.
Qof ku sugnaa xarunta maalinta ragga la kaxeysanayay ee 27-ka Mey ayaa sheegay in dableyda ay weydiiyeen halka ay joogaan saddex nin oo deegaanka ah oo kale oo ah; darawalka xarunta oo aan markaa shaqada joogin iyo laba nin oo la dhalatay ninka farmashiyaha haystay. Saddex kamid ah dableyda ayaa qori caaradii ku qasbay mid kamid ah dumarka hawlwadeennada caafimaadka si ay u geyso guriga darawalka oo aanu markaa joogin. Dableyda ayaa markaa kadib soo qabtay farmashilaha.
Dableyda ayaa telefoonnada ka qaaday haweenka ka shaqeynayay xarunta ka hor inta aanay wadan sideeda nin. Dadka deegaanka iyo shaqaalaha hay’adda Zamzam foundation ayaa sheegay inay marar badan 27-kii iyo subaxnimadii 28-kii Mey la xiriireen saraakiisha dowladda ee Balcad, balse aanay ka helin xog ku aaddan halka la geeyay raggaas.
Dhowr kamid ah ehelada raggaas ayaa sheegay inay moodayeen in su’aalo la soo weydiinayo oo keliya. Aabaha mid kamid ah raggaas ayaa yiri, “Waxaa telefoonka la iigu sheegay in wiilkeyga lala kaxeystay dhakhaatiirta kale oo ay wateen askarta dowladda oo wejiga soo xirtay. Walaac badan ima gelin maadaama dadka ay ciidanku wataan ay soo celin jireen.”
Markii ay dadka deegaanka Gololey heleen meydadka raggaas, waxaa ay ahaayeen kuwo gacmaha ka xiran, rasaasna ay uga taalo madaxa iyo xabadka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in meydadka ay qurmeen, taasoo muujinaysa in la dilay maalin ka hor. Haweeney ka tirsan shaqaalaha xarunta oo aragtay meydadka raggaas ay shaqo wadaagga ahaayeen ayaa tiri: “Wejiga ayaa wali u daboolnaa, gacmahana way ka xirnaayeen. Aad baan uga naxay. Intooda badan xabbadaha madaxa ayaa looga dhuftay, maskaxdoodana way soo daadatay.”
Ehelada raggaas ayaa meydadka gaari ku raray oo u qaaday Balcad, kadibna waxay u gudbiyeen xarunta Dembi Baarista ee Muqdisho si baaritaan loogu sameeyo.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta ay Gololey tageen 29-kii Mey, maalin kadib markii la helay meydadka. Goobjoogayaal, shaqaalaha hay’adda iyo dadka deegaanka Gololey ayaa sheegay in guddiga Hirshabeelle iyo saraakiisha Dembi Baarista ee Muqdisho ka tegay ay labaduba su’aalo weydiiyeen, balse aan lagu soo wargelin si loo ogaysiiyo halka ay marayaan baaritaannada. Aabaha mid kamid ah hawlwadeennada caafimaadka ee la laayay ayaa yiri, “Weli ma hayno jawaab ku aaddan cidda dishay dhalinyaradaas. Markii aan meydadka arkay, waan u qaadan waayay inuu wiilkeyga kamid yahay. Aad baan umurugooday oo u walwalay. 19 jir buu ahaa. Qoyskiisa ayuu u shaqeynayay. Hooyadii aad ayay u argagaxday, illaa haatana oohin ayay wadaa oo waali ayay ku dhawdahay. Waa musiibo xun.”
Ehelada iyo goobjoogayaal ayaa marar badan u sheegay Human Rights Watch inay doonayaan in cadaallada loo helo kiiskan. Xarunta ayaa la xiray dilalkaas kadib, waxaana dib loo furay bishii Agoosto. Mid kamid ah dumarka hawlwadeennada caafimaadka ah ayaa tiri, “Walaac badan ayaa ila soo darsay intii muddo ahba. Waxaan shaqada ugu soo laabanay dadka tuuladoo u baahan daryeelka caafimaad awgood. Waad dareemi kartaa dhibaatada ay leedahay in aanay nooleyn dadkii aad wada shaqeyn jirteen. Waxaan rajeyneynaa in maalin un ay heli doonaan cadaallad.”
Sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada oo khuseeya dhammaan dhinacyada ku dagaallamaya Soomaaliya ayaa mamnuucay dilalka sharci darrada ah, gaar ahaan kuwa ku salaysan aargoosiga. Cisbitaallada iyo xarumaha kale ee caafimaadka ayaa ka caagan weerarrada, haddii aanu cadowga u adeegsaneyn falal khatar ku ah dhinaca kale; falalkaasina kama mid ah daweynta dhaawaca ama xubnaha ka xanuunsan dagaalyahannada. Dowladaha waxaa waajib ku ah inay baaraan ayna sida ku haboon u maxkamadeeyaan kuwa lagu eedeeyo dembiyada dagaalka.
Weli waxaa Soomaaliya ka jirta isla xisaabtan la’aan ku aaddan tacaddiyada waaweyn, iyadoo inta badan lagu tiirsan yahay maxkamadaha milateriga ee qaada kiisas kala gedisan, kuwaas oo hannaankoodu hareer marsan yahay heerarka maxkamadeynta cadaallada ku dhisan, isla markaana inta badan ku guuldareystay xaqiijinta in cadaallad loo helo dembiyada waaweyn.
“Weerarrada lagu beegsado shaqaalaha caafimaadka ayaa caqabad ku ah asaaska shuruucda dagaalka, weyn sii jiri doonaan haddii aan la ciqaabin kuwa mas’uulka ka ah,” ayay tiri Laetitia Bader, oo intaa raacisay “Dowladu waa inay muujiso inay si lagu kalsoonaan karo u maxkamadeyn karto dadka lagu tuhunsan yahay dhacdadaas gilgishay bulshada xilli ay aad ugu baahan yihiin hawlaha caafimaadka.”