(Nairobi) – Waxaa la gudboon Madaxweynaha Soomaaliya inuu dib u dhigo saxiixa hindise sharciyeedka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HSNQ), kaasoo ballaarin doona awoodaha hay’addan lagu bartay tacaddiyada, waxaa sidaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Hindise sharciyeedka oo uu Aqalka Sare anxisiyay 22-kii Febraayo 2023 ayaa waxaa uu HSNQ siinayaa awooddo ballaaran oo ay dadka ku qaban karto, xabsi ku hayn karto, isla markaana ay dabagal ku sameyn karto, iyadoo ay yartahay korjoogteynta madaxa bannaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haysta muddo 21 maalmood ah si uu hindise sharciyeedka loo gudbiyay u saxiixo, ama waxaa u furan inuu soo jeediyo in wax ka bedal lagu sameeyo oo uu dib ugu celiyo baarlamaanka. Waxaa habboon in Madaxweynuhu uu degdeg dib ugu celiyo hindise sharciyeedka oo ay ku lammaan yihiin talooyin wax ku ool ah, si meesha looga saaro qodobada xadgudubka ah.
“Halkii ay ka meelmarin lahayd awoodaha xad dhaafka ah ee hay’addan lagu bartay tacaddiyada, waxaa wanaagsan in xukuumadda ay xakameyso awoodaha hay’adda, ayna wanaajiso isla xisaabtanka,” ayay tiri Laetitia Bader agaasime kuxigeenka Afrika ee Human Rights Watch, oo intaa raacisay “Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la gudboon inuu hindise sharciyeedka dib ugu celiyo baarlamaanka oo uu dalbado in lagu sameeyo dib u eegid ballaaran si wax looga qabto walaaca ku aaddan xuquuqda aadanaha.”
Hindise sharciyeedka waxaa ku jira qodobo loogu qiil-dayi karo beegsi ka dhan ah mucaaradka siyaasadeed ee dowladda iyo warbaahinta, sida ay sheegtay Human Rights Watch. HSNQ ayaa si aan kala sooc lahayn u xirtay dad loo arkay mucaarad iyo weriyayaal, waxaana ugu dambeeyay Cabdalla Axmed Muumin oo u ololeeya xorriyadda saxaafadda, iyadoo sidoo kale xirtay xarumo warbaahineed.
Hay’adda sirdoonka ayaa muddo sanado ah ku shaqeynaysay sharci aan caddeyn, waxaana taasi ay u sahashay xarig aan kala sooc lahayn iyo tacaddiyo kale. Human Rights Watch ayaa intii muddo ah ku baaqaysay in la sameeyo sharci amniga qaranka khuseeya oo ilaalinaya xuquuqda aadanaha, kaasoo qeexaya shaqooyinka kala duwan ee hay’adaha amniga dalka, si waafaqsan dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo ka hor istaagaya hay’adda sirdoonka inay dadka qabato ama xabsi ku hayso.
Hindise sharciyeedka oo uu Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya meelmariyay 7-dii Febraayo, ayaa waxaa uu HSNQ siinayaa awooddo ballaaran oo ay dadka ku xiri karto, ku baari karto, isla markaana ku sameyn karto dabagal. Waxaa ku jira qodobo aan si wanaagsan loo qeexin oo ka hadlaya dembiyada ay hay’addu la tacaali karto, gaar ahaan falalka “wax u dhimi kara amniga, sumcadda, madax bannaanida, danaha, iyo sharafta Qaranka Soomaaliya.” Dembiyadaas ballaaran, oo qaarkood ay si aan la qeexin ugu jiraan Xeerka Ciqaabta dalka ee mar hore la sameeyay, ayaa loo adeegsan karaa in lagu dhibaateeyo xuquuqda hadalka, tan urur sameysashada iyo isu soo baxyada nabadeed, taasoo xakameyn karta waxyaabaha ay oggolyihiin shuruucda caalamiga ah ee u furan siyaasiyiinta mucaaradka ah, dadka u doodda xuquuqda iyo warbaahinta.
Hindise sharciyeedka ayaa ku amraya HSNQ in dadka ay qabato ay maxkamad ku soo taagto muddo 48 saac gudahood ah, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, sidaa oo ay tahayna Human Rights Watch waxay ogaatay in HSNQ aanay inta badan ku dhaqmin qodobkaas, oo xitaa ku xusan xeerka habka ciqaabta. Hindise sharciyeedka ayaa keliya u oggol dadka xiran in qareenadooda iyo qoysaskooda ay soo boqon karaan kadib marka ay xabsiga ku jiraan 48 saac, iyadoo la ogyahay in jirdilka iyo tacaddiyada kale ay qofka ku dhacaan saacadaha ugu horreeya ee marka uu xabsiga galo. Waxaa intaa dheer in hindise sharciyeedka uu HSNQ “xaalado degdeg ah” oo aan la qeexin u oggol yahay inay dadka xiraan iyagoo aan wadan warqad maxkamadeed.
Human Rights Watch ayaa marar badan diiwaangelisay tacadiyadda HSNQ, gaar ahaan xariga iyo xabsi ku haynta, waxaana kamid ah in dadka ay muddo dheer xabsi ku hayso iyagoo aan maxkamad la geyn. Muddo xileedkii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh (2012-2017), HSNQ ayaa xabsiga dhigtay carruur, kuwaas oo ay si adag ula dhaqantay, oo ay isugu dartay su’aallo weydiin, in ay arki waayaan qareenno iyo ehelkooda, cagajugleyn, garaac iyo jirdil.
Hindise sharciyeedka ayaa si gaar ah uga mamnuucaya HSNQ inay yeelato “xabsiyo qarsoodi ah” balse waxaa uu u oggol yahay inay maamusho xarumaha dadka lagu hayo iyadoo aan la qeexin goobaha ay tahay inay ku yaallaan xarumahaas. Lama qeexin dowrka ay HSNQ ku leedahay baaritaannada iyo dacwad oogidda, ama maxkamadaha awoodda u leh inay qaadaan dembiyada ku xusan hindise sharciyeedkan. Hay’adda ayaa marar badan la tuhunsanayaal aan askar ahayn oo ay kamid yihiin weriyayaal loo haystay dembiyo la xiriira Al-Shabaab u gacan gelisay maxkamada ciidamada Soomaaliya, arrintaas oo hareer marsan heerarka caalamiga ah ee maxkamadeynta ku dhisan cadaaladda.
Waxaa habboon in hindise sharciyeedka uu awoodda HSNQ ku koobo arrimaha sirdoonka caadiga ah, oo uu ka saaro shaqooyinka ay la wadaagayso booliska, isla markaana si cad loo tilmaamo in hay’adda aanay shaqo ku lahayn qabashada iyo xabsi ku haynta la tuhunsanayaasha, ayay sheegtay Human Rights Watch.
Hindise sharciyeedka ayaa waxaa ku jira qodobo kale oo loo adeegsan karo caburinta xoriyadaha hadalka iyo warbaahinta. Qodobka sida ballaarana uga mamnuucaya “qof kasta” inuu faafiyo xogta hawlgallada sirdoonka iyo xubnaha HSNQ ayaa loo adeegsan karaa in lagu dhibaateeyo weriyayaasha, siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyo dadka u doodda xuquuqda aadanaha ee ka hadla tacaddiyada ay geysato dowladda. Awoodaha dabagalka, gaar ahaan mas’uuliyadda ah inay la socoto isgaarsiinta, internet-ka iyo boostada ayaa horseedi kara in lagu xadgudubo nolosha gaarka ah ee shakhsiyaadka iyo xoriyadda hadalka.
Hindise sharciyeedka ayaa awood u siinaya HSNQ iyo shaqaalaheeda in ay dabagal, su’aallo weydiin iyo xarig kula kacaan “qof kasta oo loo arko inuu khatar ku yahay amniga ama uu qeyb ka yahay fal dembiyeed,” waxaana looga baahan yahay dhammaan muwaadiniinta iyo ajaanibta “in ay ka caawiyaan hay’adda hawlaha qaranka.” Waxaa uu hindise sharciyeedka sidoo kale siinayaa hay’adda awood ay kula socon karto “shaqooyinka hay’adaha ajaanibta ah iyo shirkadaha ku hawlan arrimaha bani’aadannimada/samafalka,” qodobkaas oo caqabad ku noqon kara hawlaha ay fuliyaan hay’adaha gargaarka iyo kuwa aan dowliga ahayn.
Inkastoo hindise sharciyeedka uu mamnuucay “jirdilka iyo ficillada ka baxsan bani’aadannimada,” ayaa haddana waxaa loo adeegsan karaa in lagu horjoogsado maxkamadeynta xubnaha hay’adda ee tacaddiyada gala, isagoo dhanka kale u sahli kara HSNQ in aanay gacan ka geysan baaritaannada falal dembiyeedyada lagu eedeeyo xubnaheeda. Agaasimaha guud ee HSNQ ayaa la siiyay awood ballaaran oo ah inuu go’aan ka gaari karo baaritaannada ka dhanka ah xubnaha hay’adda, taasoo ka difaacaysa in la maxkamadeeyo, isla markaana meel ka dhac ku ah sharciga caalamiga ah.
Ma jiro qodob u oggolaanaya shakhsiyaadka iyo bulshada in ay cabasho ka gudbin karaan saraakiisha HSNQ. Hindise sharciyeedka ayaa u oggolaanaya keliya guddi hoosaadka Golaha Shacabka ee baarlamaanka inuu u yeero oo uu su’aallo ku aaddan hawlaha hay’adda weydiiyo Wasiirka Amniga Gudaha. Waxaa habboon in Madaxweynaha uu xoogga saaro sidii loo samayn lahaa xafiis madax bannaan oo lagula soconayo tacaddiyada hay’adda, isla markaana warbixinnada u gudbiya baarlamaanka dalka, sida ku cad dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka, ayay sheegtay Human Rights Watch.
“Waxaa la gudboon saaxiibadda caalamiga ah ee Soomaaliya in ay tilmaamaan qodobada walaac weyn laga muujiyay ee ku jira hindise sharciyeedkan,” ayay tiri Bader oo intaa raacisay “Waa in ay ku cadaadiyaan dowladda in dib u eegid lagu sameeyo hindise sharciyeedka si loo xaqiijiyo inuu ilaaliyo xuquuqda aadanaha, halkii uu sahli lahaa tacaddiyada isla markaana uu gabbaad u noqon lahaa xubnaha sirdoonka.”