Skip to main content

Soomaaliya: Baaritaannada Gaabiska Ah Ee Duqeymaha Maraykanka

Weerarro U Muuqda Sharci Darro, Rayidka La Dilay Oo Aan Magdhaw Helin

Qoysas Soomaali ah oo ka soo qaxay gobolka Shabeellaha Hoose xilli ay sare u kaceen duqeymaha Maraykanka, ayaa ku nasanaya xero dadka soo barakacay ay ka sameysteen meel u dhaw Muqdisho, Soomaaliya, 12-kii Maarso 2020.   © REUTERS

(Nairobi) – Laba duqeyn oo uu Maraykanka ka fuliyay Soomaaliya horraantii 2020 ayaa waxaa ku dhintay todobo qof oo rayid ah, taasoo xadgudub ku ah xeerarka dagaalka, sida ay maanta sheegtay Human Rights Watch. Ciidamada Maraykanku baaritaan ku filan kuma aanay sameyn duqeyn 2-dii Febraayo ay ku dhimatay haweeney gurigeeda joogtay, iyo weerar 10-kii Maarso lagu beegsaday gaari Caasi ah oo ay ku dhinteen shan nin iyo wiil yar.

Human Rights Watch ma aanay arag caddeyn muujineysa in labada bartilmaameed ee duqeymaha ay ahaayeen kuwo ciidan oo uu ku lug leeyahay ururka Al-Shabab. Lama sheegin wax xiriir ah oo ay Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo Dowladda Soomaaliya la sameeyeen qoysaska dadkaasi la dilay si ay u baaraan waxa dhacay ama ay u qiimeeyaan sidii looga shaafin lahaa dhibta gaartay. Milateriga Maraykanka waa inuu xaqiijiyo in si dhab ah, dhexdhexaad ah oo hufan ay u baaraan dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ka soo gaara hawlgalladooda ciidan ee Soomaaliya.

“Milateriga Maraykanku si dhab ah uma aanu baarin labada duqeyn ee dhawaan ka dhacay Soomaaliya ayna ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah, taasoo xadgudub ku ah xeerarka dagaalka,” ayay tiri Laetitia Bader, agaasimaha Human Rights Watch ee Geeska Afrika, oo intaa raacisay, “In lala xiriiro dadka rayidka ah ee doonaya in laga xaalmariyo dhibta gaartay ma aha oo keliya arinta saxa ah, ee sidoo kale waxay gacan ka geysaneysaa in si sax ah loo qiimeeyo khasaraaha gaaray dadka rayidka ah.”

Mudadii u dhexeysay Febraayo iyo Mey, Human Rights Watch waxa ay telefoon ku waraysatay 14 qof oo ay kamid yihiin ehelada dadkii ku dhintay duqeymihii Febraayo iyo Maarso dhacay, afar kamid ahna ay tageen goobaha ay weerarradu ka dhaceen waxyar uun kadib duqeymaha. Hay’adda ayaa sidoo kale qiimeysay macluumaadka shaac-baxsan ee laga helay duqeymaha.

Sanadkan 2020, warbixintii ugu horreysay ee saddexdii bilood uu mar Taliska AFRICOM ku qiimeeyo khasaaraha weerarradiisa ka soo gaaray dadka rayidka ah, ayaa waxaa lagu sheegay inay baaritaan ku sameeyeen 20 duqeyn oo la sheegay inay waxyeello gaarsiiyeen shacabka mudadii u dhexeysay Febraayo 2019 illaa Maarso 2020, iyo inay weli baaritaan ku wadaan 7 dhacdo oo dheeraad ah, kuwaasoo laba kamid ah ay baartay Human Rights Watch. Baaritaanka Human Rights Watch ayaa lagu ogaaday in 7 qof oo rayid ah ay ku dhinteen halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymahaasi, mana aysan arag caddeyn muujineysa in dadkaasi ay xiriir la lahaayeen Al-Shabab. Human Rights Watch uma aanay suuragelin inay ogaato shakhsiyaadka lagu beegsanayay duqeymahaasi ka dhacay deegaannada uu maamulo ururka Al-Shabab. 

Gelinkii dambe ee 2-dii Febraayo, ugu yaraan hal duqeyn ayaa lala helay guri ku yaal magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana isla goobtaasi ku dhimatay haweeney 20 jir ah, waxaana ku dhaawacmay laba gabdhood oo la dhashay oo aan qaangaarin iyo ayeydood. Mid kamid ah gabdhaha oo qiyaastii 14 jir ah iyo ayeydeed oo 70 jir ah ayaa waxaa gaaray dhaawac xooggan. Taliska AFRICOM ayaa baahiyay war uu ku sheegayo in ciidamada Maraykanka ay maalintaas duqeyn ka fuliyeen “aagga Jilib” waxaana qoraalka lagu sheegay in halkaa lagu dilay hal qof oo “argagixiso ah”. Qiimeynta koobaad ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in dadka rayidka ah aanay khasaaro kasoo gaarin duqeyntaasi. Markaas kadib waxa uu talisku sheegay inuu weli baaritaan ku hayo dhacdadaasi.

10-kii Maarso, meel u dhaw magaalada Janaale ee Shabeellaha Hoose ayaa duqeyn lala beegsaday gaari caasi ah waxaa ku dhintay ugu yaraan lix qof oo uu kamid yahay wiil yar. Afar kamid ah dadka gaariga saarnaa ayaa kasoo laabtay dhageysiga dawcad dhul oo subaxaasi lagu qaaday magaalada, waxaana marka uu weerarka qabsaday ay kusoo socdeen xaafadahooda oo ku yaal dhanka Muqdisho. 

Qof kamid ah ehelada mid kamid ah dadka halkaa ku dhintay, galabkaasina tegay goobta ay duqeyntu ka dhacday ayaa sheegay inuu arkay laba meyd oo keliya iyo hilib bani’aadan oo dhulka daadsan. Nin la dhashay qof kale oo kamid ahaa dadka dhintay goobtana tegay subixii xigay ayaa yiri: “Waxaan aqoonsaday oo keliya kabaha iyo suunka uu xirnaa walaalkay. Taarikada caasiga dhulka ayay taallay, waxa keliya ee gaariga ka haray ayaa ahaa qeybta dambe iyo shaagagga, inta kale waa uu burburay.”


Taliska AFRICOM ayaa isla maalintaa shaaciyay inuu weerar ka fuliyay aagga Janaale, ayna ku dileen 5 qof oo “argagixiso ah.” Waxa uu intaa ku daray inuu ka warqabo wararka baraha bulshada lagu faafiyay ee sheegaya in dad rayid ah uu khasaare ka soo gaaray weerarka, ayna qiimeyn doonaan macluumaad kasta oo loo soo gudbiyo, gaar ahaan xogta ay ka helaan darafyada saddexaad.

Ehelada dadka lagu dilay labada weerar ayaa si shaac-baxsan u beeniyay sheegashada AFRICOM ee ah in dadkaasi ay ahaayeen Al-Shabaab, waxaana ay taliska iyo dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay la kulmaan. Illa dabayaaqadii Mey, taliska AFRICOM wax xiriir ah lama aanu sameyn ehelada dadka dhintay ee u warramay Human Rights Watch, oo dhammaantood sheegay in aanay wax magdhaw ama kaalmo ah ka helin dowladaha Maraykanka ama Soomaaliya.


Qof ka tirsan ehelka wiilka yar ee lagu dilay duqeynta caasiga ayaa u sheegay Human Rights Watch:

Waxaan ka codsaneynaa inay joojiyaan dilka dadka aan waxba galabsan. Waa inay xaqiijiyaan in qofka ay beegsanayaan uu yahay askari ama qof rayid ah, waa inay si sax ah u gartaan cidda ay bartilmaameedsanayaan kahor inta aanay weerarka fulin. Waxaan sidoo kale codsaneynaa in magdhaw ay na siiyaan dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka, iyadoo la kaashanayo tan Soomaaliya.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in baaritaannadii hore ee uu taliska AFRICOM ku sameeyay duqeymaha ay u muuqdaan kuwo gaabis ahaa. Taliska ayaa warbixintii Abriil ku sheegay inuu macluumaad ka helay darafyo saddexaad oo ay kamid yihiin warbaahinta caadiga ah, tan baraha bulshada iyo hay’adaha aan dowliga ahayn. Balse warbixinta laguma sheegin in taliska uu la xiriiray ama doonayo inuu la xiriiro dadkii goobjoogga u ahaa weerarrada ama xubnaha qoysaska dadka la sheegay inay waxyeellada soo gaartay. Kiis 2018 ahaa oo ay AFRICOM qiratay in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay, ayaa hay’adda Amnesty International waxa ay ogaatay in AFRICOM ama safaaradda Maraykanka aanay wax xiriir ah la sameyn ama wax magdhaw ah siin ehelada dadkaasi la dilay.

Dowladda Maraykanka ayaa u oggol taliyeyaasha ciidanka inay lacag “tacsi” ah siiyaan qoysaska ay dhibaatadu kasoo gaarto hawlagallada milaterigeeda. Lacagahaasi ayaa ah kuwo khiyaari ah oo aan ka dhigneyn qirasho dembi ama mas’uuliyadeed. Taliska AFRICOM ayaa warqad uu 1-dii Juun usoo diray Human Rights Watch ku sheegay in wax lacag ah aanu siin ehelada shacabkii ku dhintay labada duqeyn ee uu qirtay in Soomaaliya ay dad rayid ah ku dileen tan iyo 2017. Waxa uu talisku sheegay inuu kala shaqeynayo dowladda Soomaaliya iyo wasaaradda arimaha dibedda ee Maraykanka “tallaabooyinka ku haboon ee wax looga qabanayo dhacdooyinkaasi nasiib darrada ah ee helay dadka rayidka ah,”

AFRICOM ayaa dhawaan sameysay bar internet-ka ah oo si shaac-baxsan loogu gudbin karo wararka khasaaraha la sheego inuu soo gaaro dadka rayidka, taasoo leh software tarjuma luuqadda Soomaaliga. Balse bartaasi ma geli karaan Soomaali badan oo ku nool deegaannada fog ee laga mamnuucay internet-ka, gaar ahaan kuwa uu gacanta ku hayo ururka Al-Shabab, sida ay sheegtay Human Rights Watch.

Waa in AFRICOM ay si degdeg ah ula xiriirto ehelada dadka rayidka ah ee ay waxyeelladu kasoo gaartay weerarradii Febraayo, Maarso iyo duqeymaha kale ee Maraykanka, si loo xaqiijiyo in cabashadooda iyo dalabkooda magdhaw la dhegaysto, ayay tiri Human Rights Watch.

Xeerarka dagaalka ayaa ka doonaya dhinacyada ay colaaddu u dhexayso inay sida ugu macquulsan uga taxadaraan khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah iyo hantidooda. Weerarrada ula kaca ah iyo kuwa aan kala sooca lahayn ee dadka rayidka ah lala beegsado, gaar ahaan weerarrada laga fuliyo meel aan bartilmaameed milateri ahayn ayaa la mamnuucay. Dhinacyada dagaallamaya waxaa ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay baaraan eedeymaha ku aaddan xadgudubyada waaweyn ee ka dhanka ah xeerarka dagaalka, iyo inay magdhaw ka bixiyaan khasaaraha ka dhashay xadgudubyadaasi. Tacaddiyada waaweyn ee sida ula kaca ama taxadar la’aanta ah loo geysto ayaa noqonaya dembiyo dagaal.

Ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala Soomaaliya waxa uu waajib ka saaran yahay inay xalliyaan eedeymaha ku aaddan xadgudubyada xeerarka dagaalka iyo inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo khasaaraha soo gaari kara dadka rayidka ah. Kiisaska soo noq-noqonaya ee dhibaatada dadka rayidka ah ka soo gaaraysa weerarrada laga fuliyo goobaha aanay ka muuqan bartilmaameed ciidan, ayaa muujinaya baahida loo qabo in ciidamada Maraykanka ay dib ugu laabtaan qaabka ay wax u beegsadaan iyo inay qaadaan tallaabooyinka muhiimka u ah xaqiijinta waajibaadkooda sharci ee caalamiga ah, ayay tiri Human Rights Watch.

“AFRICOM ayaa u muuqata mid ay ka go’an tahay in aanay daaha ka rogin in duqeymaheeda lagu dilay dadka rayidka ah ay xadgudub ku yihiin xeerarka dagaalka,” ayay tiri Bader oo intaa raacisay, “Waa in qeybaha kala duwan ee taliska milateriga ay aqoonsadaan in mas’uuliyadda sharci ee baaritaanka oo keliya aanay saarneyn, balse looga baahan yahay inay si naxariis leh u qaabilaan qoysaska dadkooda ay waxyeellada soo gaartay, taasoo ka dhigan kaalmo dhaqaale iyo raali-gelin, oo aanay ka aamusin.”

Ehellada lixda qof ee lagu dilay duqeyntii 10-kii Maarso oo tegay goobta uu weerarka ka dhacay, isla markaana ururiyay waxyaabihii ay halkaa ku arkeen.  © Gaar 

Hawgallada Milateriga Maraykanka ee Soomaaliya

Maraykanka ayaa hawgallo milateri oo ka dhan ah Al-Shabab ka waday Soomaaliya tan iyo ugu yaraan 2007. Duqeymaha cirka ayaa si weyn u kordhay tan iyo horraantii 2017. Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in sanadkii 2019 ay Soomaaliya ka fuliyeen 63 duqeyn, iyo ugu yaraan 40 kale shantii bilood ee ugu horreeyay 2020.

Bishii Abriil, taliska AFRICOM ayaa shaaciyay warbixintii ugu horreysay ee saddexdii biloodba uu mar uga hadlo khasaaraha weerarradiisa ka soo gaaray dadka rayidka ah, taasoo uu ku qirtay in weerar dhacay 23-kii Febraayo 2019 ay ku dhinteen laba qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen saddex kale. Tirada guud ee dadka rayidka ah ee uu dilkooda qirtay Maraykanka tan iyo 2007 ayaa sidaa ku noqotay afar qof. Hase yeeshee hay’adda Amnesty International ayaa diiwaangelisay dhimashada 21 qof oo rayid ah oo lagu dilay 9 duqeyn oo dhacay mudadii u dhexaysay Oktoobar 2017 iyo Febraayo 2020.

Ma cadda habraaca sharci ee uu Maraykanka awoodda wax disha ugu adeegsado gudaha Soomaaliya, gaar ahaan heerarka uu ku qiimeeyo khasaaraha soo gaara rayidka. Bishii Maarso 2017, maamulka Trump ayaa shaaciyay in qeybo kamid ah Soomaaliya ay yihiin “kuwo ay colaaddi ka taagan tahay,” isla markaana loo adeegsanayo xeerarka bartilmaameedsiga ee goobaha colaadda ugu yaraan muddo 180 maalmood ah.  Warbixinta sanadlaha ah ee ay wasaaradda arimaha dibedda Maraykanka uga hadasho khasaaraha gaara dadka rayidka ah ayaa waxa ay ku qeexday Soomaaliya “khatar la shaaciyay oo colaad hubaysani ka taagan tahay.” Balse jawaab uu 1-dii Juun taliska AFRICOM siiyay Human Rights Watch, ayaa waxa uu ku sheegay in sanadkii 2017 uu milateriga Maraykanka madaxweynahooda ka helay oggolaansho ah “inay hawlgallada AMISOM iyo kuwa ciidamada Soomaaliya siiyaan taageero dheeraad ah oo ah duqeymaha bartilmaameedyada saxda ah,” ayna ku jirto “mas’uuliyadda inay duqeymo fuliyaan.”


Siyaasad ahaan, dowladda Maraykanka waxa ay magdhaw ama lacag “tacsii ah” ku bixin kartaa khasaaraha hantiyeed iyo tan naf ee dadka rayidka ah ka soo gaarta weerarrada ciidamadeeda, oo ay kamid yihiin kiisaska aan lagu xadgudbin xeerarka dagaalka. Noocyada kale ee tacsida ayaa waxaa kamid ah qirashada mas’uuliyadda iyo bixinta daryeel caafimaad. Congress-ka Maraykanka ayaa u oggolaaday wasaaradda gaashaandhigga in sanadkiiba ay lacag dhan 3 milyan oo dollar ku bixin karto magdhawga noocaasi ah. Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegtay in sanadkii 2019 ay 611 kiis ka bixisay lacagahaasi “kuwaasoo la xaqiijiyay in khasaare hanti, dhaawac iyo dhimasho ay ka dhasheen hawlgallada ciidan ee uu Maraykanka ka fuliyo dalalka dibedda,” Warbixintu ma aanay sheegin ciidda iyo dalalka la siiyay lacagtaasi.

Mudadii u dhexeysay Febraayo iyo Mey, Human Rights Watch waxa ay telefoon ku waraysatay 14 qof oo ay kamid yihiin ehelada dadkii ku dhintay duqeymihii Febraayo iyo Maarso dhacay, afar kamid ahna ay tageen goobaha ay weerarradu ka dhaceen waxyar uun kadib duqeymaha. Hay’adda ayaa sidoo kale qiimeysay macluumaadka shaac-baxsan ee laga helay duqeymaha, oo ay kamid yihiin warbixinnada warbaahinta, macluumaadka ay cid kasta heli karto, qoraallo ka soo baxay taliska milateriga Maraykanka iyo warbixin ay Amnesty International ka diyaarisay duqeynta dhacday 2-dii Febraayo taasoo lagu soo bandhigay xog faahfaahsan oo ku aaddan dhacdadaasi, isla markaana gacan ka geysatay aqoonsiga magacyada, da’da iyo xaaladda dhibbanayaasha. Duqeyntii dhacday 10-kii Maarso ayaa Human Rights Watch waxa kale oo ay eegtay kaararka aqoonsiga rasmiga ah, warqado maxkamadeed, muuqaallo iyo sawirro la sheegay in laga qaaday goobta weerarka.

Human Rights Watch ayaa 15-kii Mey taliska AFRICOM la wadaagtay waxyaabaha ay sida hordhaca ah ugu oggaatay baaritaankeeda ku aaddan labada duqeyn. Taliska ayaa jawaab uu soo diray 1-dii Juun ku sheegay inuu wado baaritaan ku aaddan dhacdooyinkaasi, waxaana uu hay’adda u tilmaamay qiimeynta hordhaca ah ee uu ka sameeyay weerarka iyo war saxaafadeedkiisa ku aaddan arinkaasi.

Duqeynta Jilib, Jubbada Dhexe

Fiidnimadii 2-dii Febraayo, bartamaha degmada Jilib ee uu ka taliyo ururka Al-Shabab, ayaa duqeyn Maraykanka uu u adeegsaday walxaha qarxa oo aan la aqoonsan waxa ay haleeshay guriga qoys xilligaas casheynayay.


Baaritaanka ay sameysay Human Rights Watch ayaa muujinaya in haweeney rayid ah ay halkaa ku dhimatay, saddex kale oo ay ku jiraan laba gabdhoodna ay ku dhaawacmeen.

Nuurto Kuusow Cumar oo 20 jir ahayd ayaa goobta ku naf-baxday, kadib markii uu firir ka galay madaxa. Ayeydeed Khadiijo Cumar Geedow oo qiyaastii 70 jir ah ayaa waxa uu dhaawac xooggan ka soo gaaray lugaha waxaana ay gabtay socodkii. Faadumo Kuusow Cumar oo 14 jir lagu qiyaasay ayaa qalliin gashay si looga soo saaro firir feeraha ka galay. Caddey oo 5 jir lagu qiyaasay ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud, balse waxa ay jug ka gaartay dhagaha oo maqalka ayaa hadda ku adag.

 Nuurto eedadeed oo guriga gaartay subixii xigay ayaa ka warrantay waxa ay xubnaha qoyska u sheegeen: “Nuurto waxa ay taagneyd albaabka, hooyadayna waxa ay joogtay meel u dhaw. Qaraxa ayaa goobta qabsaday, waxaana uu firirka madaxa ka galay oo dilay Nuurto.”

Kuusow Cumar Abukar oo ah aabaha dhalay Nuurto iyo gabdhaha dhaawacmay ayaa qof ehelkiisa kamid ah u sheegay inuu maqlay jug culus, isla markaana muddo nus saac ah uu wax la arki waayay qiiqa iyo uurada darteed. Waxa uu sheegay inuu garan waaya waxa ku dhacay. Waxa uu qofkaasi u sheegay inuu “u welwelay gabdhihiisa balse uusan xilligaa arki karin.”

Maalintii xigtay, qoyska ayaa aasay Nuurto, waxaana ay cisbitaal geeyeen Khadiijo iyo Faadumo iyagoo aan wax faragelin ah kala kulmin Al-Shabab.

Guriga oo cariish ahaa ayaa si weyn ugu burburay duqeynta. Eedada gabdhaha ayaa tiri: “Qaraxa ayaa meel kasta gaaray, dhowr qol ayaa gubanayay, halka kuwo kalena uu saameeyay qaraxa xoogga badan.”

Taliska AFRICOM ayaa qiray in mudadii u dhexaysay 27-kii Janaayo iyo 3-dii Febraayo uu afar duqeyn ka fuliyay aagga Jilib, ayna kamid yihiin duqeymo dhacay 1-dii, 2-dii iyo 3-dii Febraayo. Waxa uu taliska u sheegay kooxda ururisa xogta duqeymaha ee Airwars in duqeymaha 1-dii iyo 3-dii Febraayo aanay dilin wax “argagixiso ah” ama aanay sababin khasaare hanti. Human Rights Watch ayaa eegtay muuqaallo dayax-gacmeed lagu qaaday mudadii u dhexaysay 11-kii Janaayo iyo 1-dii Maarso 2020, kuwaasoo muujinaya burbur cusub oo ka muuqda dhowr meelood oo ka tirsan degmada Jilib.

Duqeyn ka dhacday meel u dhaw Ugunji, Shabellaha Hoose

10-kii Maarso, xilli u dhexeeyay 3-da ilaa 4-da galabnimo, ayaa meel dhowr kilomitir u jirta tuulada Ugunji ee Shabeellaha Hoose waxaa uu Maraykanku ku duqeeyay caasi Homay ah oo ka yimid degmada Janaale kuna socday caasimadda Muqdisho. Waxaa duqeyntaasi ku dhintay lix qof oo rakaab ahaa.

Janaale oo 95 kilomitir u jirta Muqdisho ayaa muddo sanado ah saldhig u ahayd ururka Al-Shabab. Inkastoo dad goobjoog ahaa ay sheegeen in wax dagaal ah aanu dhicin maalintaasi, ayaa haddana AFRICOM waxa ay todobaadkaasi kordhisay duqeymaheeda, iyadoo uu talisku qiray in ugu yaraan todobo duqeyn uu mudadii u dhexaysay 9-kii illaa 17-kii Maarso ka fuliyaya aagga Janaale. 16-kii Maarso, ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kan Uganda ee ka tirsan AMISOM ayaa qabsaday Janaale.

Baaritaanka Human Rights Watch ayaa lagu ogaaday in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen duqeyntaasi, ayna kamid ahaayeen saddex nin oo da’doodu ka weyneyd 55 jir iyo wiil 13 jir ah, kuwaasoo ka soo laabtay deegaanka Ceelasha Biyaha kuna socday guryahooda Muqdisho. Ma jirto caddeyn muujinaysa inay xiriir la lahaayeen Al-Shabaab.

Human Rights Watch ayaa heshay macluumaad aan la xaqiijin oo sheegaya in laba ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabab ay suuragal tahay inay gaariga ka soo raaceen Ugunji ama meel u dhaw. Waxaa dhici karta in raggaasi ay ahaayeen bartilmaameedka duqeynta caasiga. Weerarka ayaa noqon kara mid sharci darro ah oo aan isu-dheelitirneyn iyadoo la eegayo muhiimadda milateri ee ay lahaan kareen dagaalyahannada Al-Shabab ee la sheegay.

Gelinkii hore ee 10-kii Maarso, afar nin ayaa ka baxay Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha iyagoo ku socday degmada Janaale si halkaa loogu dhegaysto kiis ku saabsan dacwad dhul. Afartaasi nin waxaa kamid ahaa: Cabdullahi Cali Maxamuud (Macallin Cabdullahi) oo 56 jir ahaa; Cabdiraxmaan Cali Muxumad (Cabdiraxmaan Wadhoor) oo da’ 60 ahaa; iyo Maxamed Isaaq Maxamed (Sheekh Macallin Ooyaaye) oo 67 jir ahaa. Saddexduba waxa ay ku noolaayeen Muqdisho, waxaana ay ka tirsanaayeen dariiqada Qaadiriyada.

Cabdiraxmaan Wadhoor iyo Sheekh Macallin Ooyaaye ayaa qaraabo la ahaa Sheekh caan ah oo ka tirsan dariiqadooda, kaasoo qoyskiisu lahaa  dhulka lagu muransan yahay, balse isagu awoodi waayay inuu u safro Janaale. Waxaa la socday Axmed Aadan Cismaan (oo loo yaqaan Axmednuur ama Axmedniic), kaasoo ka tirsanaa dariiqada, nootaayadiisana ay diiwaangelisay kiiska.

Ehelada raggaasi ayaa sheegay in muranka dhulka oo muddo soo jiitamayay, balse dhegaysiga 10-kii Maarso uu ahaa kama dambeys lagu soo afjarayay kiiska. Sida ay sheegeen ehelladaasi kuna cad warqado maxkamadeed oo ay aragtay Human Rights Watch, kiiska ayaa sanadkii 2019 lagu dhegaystay maxkamad heer degmo ah oo ku taal Muqdisho, iyo tan racfaanka ee Shabellaha Hoose ee degmada Marka.

Qof qaraabo la ah Sheekh Macallin Ooyaaye ayaa sheegay in ka hor inta aanay raggaasi u dhaqaaqin Janaale “ay Sheekha ku wada tukadeen masjid saaladdii subax ee maalintaasi.” Waxa uu intaa ku daray, “Waxa uu aadday gurigiisa, si wanaagsan ayuuna usoo labistay. Waxa uu ii sheegay inuu Sheekh Nuur u diray Janaale isaga iyo laba nin oo kale, si ay usoo xalliyaan muranka dhulka,’ waxaan u sheegay in deegaankaasi khatar badan yahay, balse aan iska warqabno.”


Darawalka gaariga caasiga ah, Cabdiweli Aadan Barre oo ahaa 30 jir dhalay 5 carruur ah ayaa isana ku dhintay duqeynta. Qof ehelkiisa ah ayaa sheegay inuu si joogta ah ugu kala gooshi jiray Ceelasha Biyaha iyo Janaale, isagoo badanaa safrin jiray khudaar iyo rakaab. Qaraabada ragga afarta ah ee u socday dacwadda dhulka ayaa sheegay in nimankaasi ay kireysteen gaariga Cabdiweli kadib markii ay raadiiyeen darawal fasaxa ka haysta Al-Shabab si uu wadadaasi ugu safro.


Cabdifataax Farxaan Maxamuud, oo 13 jir ahaa, ehelna ay ahaayeen darawalka, kaasoo la soo noqday baska ayaa kamid ahaa dadka ku dhintay duqeynta. Waxa uu u socday Ceelasha Biyaha kadib markii uu booqasho ugu tagay aabihii oo ku sugan Janaale.

Ehelada ayaa Human Rights Watch u sheegay in markii ugu dambeysay ee ay maqleen warka ragga afarta ah iyo darawalkooda ay ahayd abaare 2-dii duhurnimo xilligaasi oo ay tuulada Ugunji oo 8 kilomitir u jirta Janaale u joogsadeen si ay uga qadeeyaan, xilli ay guryahooda u soo socdeen.


Duqeynta ayaa gaariga ku qabsatay meel dhowr kilomitir u jirta Ugunji, waxaana isla goobtaasi ku naf-waayay lixda qof, gaariguna ku burburay.

Qof kamid ah ehelka wiilka yar ee Cabdifitaax oo saacado kadib tegay goobta duqeyntu ka dhacday ayaa yiri:

Waxaan arkay meydka Cabdifitaax iyo qof kale oo la garan karay inuu bani’aadan uun yahay, balse meydadka kale ayaa ahaa kuwo gebi ahaanba gubtay oo hilbo keliya ah. Cabdifitaax qudhiisu wuu gubtay, qeyb yar oo wejigiisa ah ayaa la garan karay. Weli waan xusuustaa waxaan halkaa ku arkay, ma aha mid aan hilmaami karo.

Qofkaasi ayaa sheegay in isaga iyo dadka deegaanka ay isla galabtaasi meydadka ku aaseen meel u dhaw tuulada Ugunji. Ehelada darawalka iyo odayaal kale oo maalintii xigtay gaaray deegaanka ayaa sheegay in maamulka Al-Shabab uu ku wargeliyay in xaaladda meydadka awgeed ay ku qasbanaadeen inay degdeg u aasaan.

Qaraabada goobta tegay ayaa sheegay inay arkeen qeybta dambe ee gaariga, shaagaggiisa iyo taarikada oo ka go’day. Human Rights Watch ayaa aragtay sawirro iyo muuqaallo ay la wadaageen ehellada ragga dhintay balse ay markii hore duubeen Al-Shabab, waxaana ka muuqday meydka Cabdifitaax iyo burburka gaariga. Jirka wiilkaasi ayaa waxaa ka muuqday gubasho ballaaran oo maqaarka iyo dharka ah. Sawiradda ayaa waafaqsan tilmaanta ay bixiyeen ehellada.

Cilmi-baare hubka u qaabilsan Human Rights Watch oo darsay sawiradda gaariga iyo goobta ay ka dhacday duqeynta ayaa sheegay in baabuurka ay u badan tahay in lagu dhuftay gantaal hawada laga soo riday oo leh astaamaha kan Hellfire loo yaqaan ee Maraykanka. Gaariga ayaa ku burburay qarax awood badan oo baabi’yay qeybta rakaabka, xoog ku furay albaabka dambe, isla markaana burburiyay muraayadaha ku xiran. Ehellada ayaa sidoo kale Human Rights Watch la wadaagay haraadiga gantaal Hellfire ah oo ay sheegeen in laga helay goobta, balse ma caddeyn in haraadigaasi uu ka dhashay duqeynta halkaa ka dhacday.

Ehellada ayaa qaaday waxyaabaha ay goobta ku arkeen. “Waxaan arkay kabo,” ayuu yiri nin la dhashay mid kamid ah ragga meesha ku dhintay. “Ma xaqiijin karin kabaha uu xirnaa walaalkay, marka waxaan wacay xaaskiisa oo ii sheegtay inay ahaayeen buud madow. Waxaan sidoo kale qaatay cad yar oo aan ku arkay geed hoostii.”

Ehelladu Waxay Dalbanayaan Cadaallad

Qoysaska dadka rayidka ah ee lagu dilo dagaallada Soomaaliya, oo ay kamid yihiin kuwa ku dhintay duqeymaha cirka, ayaan inta badan ka hadlin khasaaraha gaaray, maadaama ay ka cabsi qabaan in la bartilmaameedsaday, gaar ahaan Al-Shabab, iyo jawiga isla xisaabtan la’aanta ee dalka ka jira. Hase yeeshee qaraabada dadka ku dhintay duqeymihii dhacay Febraayo iyo Maarso – oo dhowr kamid ah ay ku nool yihiin Muqdisho – ayaa si cad uga dalbaday taliska AFRICOM inuu qirto in dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymihiisa.

Ehelladaasi ayaa u warramay warbaahinta maxalliga ah iyo tan caalamiga ah ee Muqdisho. Mid kamid ah ayaa bartiisa Twitter ku dhaleeceeyay duqeyntii 2-dii Febraayo, halka xildhibaan metala dhibbanayaasha duqeyntii 10-kii Maarso oo si shaac-baxsan uga hadlay.

Eheladda ay waraysatay Human Rights Watch ayaa sheegay in AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya toona aanay kala soo xiriirin dhibta gaartay ama aanay siin taageero caafimaad ama mid dhaqaale.

Qof kamid ah ehelka dhibbannayaasha duqeyntii 2-dii Febraayo ayaa sheegay in ayeeyo Khadiijo aanay “weli istaagi karin, musqusha aadi karin, ayna qoyskeeda oo dhan dul joogaan.”

Wiil uu adeer u yahay Cabdiraxmaan Wadhoor oo kamid ah ragga lagu dilay gaariga ayaa yiri:

Dhibka noocan ah wuu soo laaban doonaa, mana joogsan doono. Kama aamusnaan karno. Dhib nagu filan waxaa noo geystay Al-Shabab. Waa in Maraykanka uu raali-gelin ka bixiyo dilalkan, uuna qirtaa inuu dad rayid ah laayay oo aan Al-Shabab ahayn. Waa inuu magdhaw bixiyo.Qaar kamid raggaasi dhintay carruur ay ka tageen. Nin deriskeyga ah wuxuu ka dhintay shan carruur ah. Adeerkey waxa uu lahaa ilmo da’ yar.”

Talooyin ku aaddan AFRICOM iyo taageerada Dowladda Soomaaliya

  • In la qaado dhammaan tallaabooyinka muhiimka u ah yareynta khasaaraha nafeed iyo tan hanti ee dadka rayidka ah ka soo gaara hawgallada milateri, iyo fulinta xeerarka colaadaha hubaysan ee khuseeya Soomaaliya
  • In si degdeg ah oo hufan baaritaan loogu sameeyo eedeymaha ku aaddan xadgudubyada ka dhanka ah xeerarka dagaalka iyo in la shaaciyo waxyaabaha lagu ogaaday baaritaannada iyo tallaabooyinka edbinta ah ee la qaaday
  • In la xoojiyo dedaallada lagula xiriirayo ehelka dadka rayidka ah ee ku dhinta hawgallada milateri. Hirgelinta hannaan ay si badqabta qoysaska ugu soo sheegi karaan khasaaraha gaara dadka rayidka ah, oo ay kamid yihiin inay xogta soo marin karaan xildhibaannadooda, wakiillada qabaa’ilka, ama wasaarad gaar ah oo ka tirsan dowladda
  • In la hirgeliyo lambar telefoon oo bilaasha ah ammaankiisana la isku hub kaasoo qoysaska aan heli karin internet-ka ama aan dooneyn inay cabashadooda soo mariyaan xubnaha dowladda ay luuqada Soomaaliga kusoo gudbin karaan eedeymahooda
  • In si degdeg ah magdhaw ku filan loo siiyo dhibbanayaasha rayidka ah ee xadgudubyada xeerarka dagaalka, In la sameeyo hannaan lagu bixinayo lacagta tacsida ee khasaaraha naf iyo maal ee rayidka kasoo gaara hawlgallada, sida laga sameeyay dalalka ay Afghanistan kamidka tahay. Waxaa lacagahaasi dheeraan kara in si shaac-baxsan loo qirto mas’uuliyadda weerarka, raali-gelin iyo taakuleynta noolasha qoyskaasi, iyadoo la eegayo xaaladda, baahida iyo waxa ay doorbidayaan dadka ay arintu saameysay
  • In baaritaannada Maraykanka ee saddexdii biloodba mar lagu sameeyo khasaaraha gaaray rayidka lagu daro qaabka loo maray qiimeynta ku aaddan kala soocidda in bartilmaameedku yahay ciidan ama rayid
  • In waqti kadib dib u eegis lagu sameeyo qaabka la isticmaalay si loo wanaajiyo saxnimada iyo hufnaanta qiimeynta

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.

Region / Country