(Nairobi, July 2, 2020) – Dowladda Jabuuti waxaa looga baahan yahay inay si dhexdhexaad ah u baarto eedeymaha sheegaya in si xun loola dhaqmay duuliyaha hore ee xiran, iyo inay xaqiijiso in la mariyo hannaanka saxda ah ee uu xaqa u leeyahay, sida ay maanta sheegtay hay’adda Human Rights Watch. Dowladda dalkaasi ayaa gacan bir ah ku qabatay dibedbaxyo ka dhashay xariga duuliyaha.
Fu’aad Yuusuf Cali, oo ahaa xidigle ka tirsan ciidanka cirka ee Jabuuti, ayaa dhamaadkii Maarso 2020 u baxsaday dalka Itoobiya, halkaasi oo sida muuqata uu magangelyo weydiisan rabay. Kahor inta aanu bixin, waxa uu Fu’aad baahiyay muuqaal uu ku sheegayo in musuq-maasuq ay ku kaceen taliyeyaal sarsare oo milateriga ah iyo fuquuq ku salaysan qabiil, waxaana uu ku baaqay kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dowladda Jabuuti. Bishii Abriil, Itoobiya ayaa dib ugu soo celisay Jabuuti, waxaana lagu qaaday dacwad ah khiyaano qaran isaga oo aanu la joogin qareenkiisa. Bishii Juun, Fu’aad ayaa baahiyay muuqaal uu kasoo duubay qolka uu uga xiran yahay xabsiga dhexe ee Gabode, kaasoo uu ku sheegay in si xun loola dhaqmay, waxaana muuqaalkaasi ka dhashay dibedbaxyo lagu baaqayo sii deyntiisa.
“Waa in dowladda Jabuuti ay baaritaan wax ku ool ah ku samayso sheegashada Fu’aad ee ah in si xun loola dhaqmay, iyo inay xaqiijiso in la ilaaliyo xuquuqdiisa asaasiga ah,” ayay tiri Laetitia Bader, agaasimaha Geeska Afrika u qaabilsan Human Rights Watch oo intaa raacisay, “Ma aha in dowladda Jabuuti ay kiiskan ka dhigato marmarsiyo lagu caburinayo isu soo baxyada shacabka, gaar ahaan xilli ay dhawaan dalkaasi ka dhacayso doorasho.”
Tan iyo markii uu xukunka Jabuuti la wareegay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sanadkii 1999, dowladda dalkaasi ayaa si joogta ah gacan bir ah ugu qabatay dibedbaxyo goos goos ahaa, waxaana ay sidoo kale xakameysay xoriyadda saxaafadda iyo dibedbaxyada nabdoon. Xakameynta noocaasi ah ayaa xoogeysatay bilihii ka horreeyay doorashadii la soo dhaafay. Dalkaasi ayaa lagu wadaa in doorasho Madaxweyne ay ka dhacdo sanadka 2021.
Jabuuti ayaa goob muhiim ah uga taalla Gacanka Cadmeed, waxaana ku yaal saldhigyo milateri oo ay leeyihiin Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska iyo kuwo kale. Dabayaaqadii bishii Juun, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo doonayay in dalkiisa uu ku guulaysto kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa waxa uu waddankiisa ku ammaanay dowrka uu ka cayaaray horumarinta nabadda Geeska Afrika. Sidaa oo ay tahayna, waxa aan weli xal loo helin colaadda kala dhaxaysa Eritrea oo muddo saddex maalmood ah ay sanadkii 2008 ku dagaallameen xuduudda labada dal, maxaabiis dagaalna looga qabsaday Jabuuti.
Ehelada Fu’aad ayaa u sheegay Human Rights Watch inuu doonayay in magangelyo uu weydiisto Itoobiya, balse loo soo gacangeliyay Jabuuti, kadibna lagu xiray qol gooni ah oo ku yaal xabsiga Gabode isagoo aan loo oggolaan qareen ama inay soo booqdaan qoyskiisa. Waa in Itoobiya ay baaritaan ku sameyso in hay’adaheeda dhiibay Fu’aad ay tixgeliyeen xaqa uu u leeyahay magangelyo, ayay tiri Human Rights Watch.
Dowladda Jabuuti ayaa 22-kii Abriil maxkamad soo taagtay Fu’aad oo aanu la joogin qareenkiisa, waxaana lagu oogay khiyaano qaran, gaar ahaan inuu xiriir la leeyahay dal shisheeye oo ah Eritrea; inuu wax u dhimaty sumcadda ciidanka; kicin dadweyne iyo ku baaqidda kacdoon shacab. Dembiga khiyaano qaran ayaa waxa uu wataa ciqaab dhan xabsi daa’in. Sakariye Cabdullahi Cali oo ah qareenka Fu’aad ayaa Human Rights Watch u sheegay in macmiilkiisa uu xirnaa in ka badan 48-da saac ee uu Habraaca Xeerka Ciqaabka oggol yahay kahor inta aan maxkamadda la soo taagin. Waxa kale oo uu sheegay in aan loo oggolaan inuu Fu’aad la kulmo kahor 13-kii Mey. Ehelada Fu’aad ayaa sheegay in 25-kii Abriil loo sheegay halka lagu hayo, ayna arkeen oo keliya 7-dii Juun.
3-dii Juun, Fu’aad ayaa baahiyay muuqaal uu kasoo duubay qolka uu ku xiran yahay, waxaana uu ku sharraxay xaaladda adag ee ku noolyahay iyo nabro badan oo jirkiisa ku yaalla. Muuqaalka oo ay aragtay Human Rights Watch, ayaa muujinaya Fu’aad oo ku sugan qol aad u yar, intiisa badanna musqul ah, oo aan lahayn dariishad. Muuqaalka ayaa caro badan ka dhaliyay gudaha Jabuuti, waxaana 4-tii iyo 5-tii Juun ay dibedbaxyo ka bilowdeen caasimadda Jabuuti iyo Cali Sabiix oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha u doodda ayaa horay u diiwaangeliyay dacdarrada maxaabiista siyaasadda u xiran ku haysata xabsiga Gabode, oo ay kamid tahay in 2017 uu jeelkaasi caafimaad darro ugu dhintay Maxamed Axmed oo ka tirsanaa mucaaradka Jabuuti oo u xirnaa arimo siyaasadeed.
Qareenka Fu’aad ayaa maxkamadda ka codsaday in macmiilkiisa loo wareejiyo cisbitaal ama si kumeelgaar ah loo sii daayo. 18-kii Juun, maxkamadda racfaanka ee Jabuuti ayaa diidday codsigaasi kadib baaritaan caafimaad oo ay Fu’aad ku sameeyeen dhakhaatiir ay maxkamaddu u qabatay, kuwaasoo la sheegay inay go’aamiyeen in daryeelka caafimad ee uu Fu’aad ku haysto xabsiga uu ku filan yahay.
Dowladda Jabuuti ayaa si cad u beenisay sheegashada Fu’aad ee ah in si xun loola dhaqmay. 11-kii June, Xafiiska Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Fu’aad inuu “jilay” xaaladdiisa xabsiga. Dacwad-oogaha guud, Jamac Suleyman Cali ayaa warbaahinta u sheegay in dadka ku xiran qolalka goonida ah ay maalin kasta waqti u helaan bannaanka, wasiirka cadaalladana uu amray in baaritaan lagu sameeyo xaaladda keentay in muuqaalka la duubo iyo guud ahaan noolasha xabsigaasi.
Samiira Jaamac oo ah xaaska Fu’aad ayaa u sheegtay Human Rights Watch in qoyskeeda ay dhibaateyn la kulmayeen tan iyo markii uu seygeeda dalka ka baxsaday. 27-kii Maarso, dowladda ayaa xabsiga dhigtay Samiira, laba canug oo ay dhashay oo kala ah da’da 13 iyo 16 jir, waxaa sidoo kale lala xiray 15 kamid ah qoyskeeda iyo deriskeeda. Waxa ay sheegtay in todobaad lagu hayay saldhigga dhexe ee booliska, si joogta ahna su’aal looga weydiinayay halka uu jiro seygeeda.
Dowladda ayaa sheegtay in dibedbaxyada ka dhashay baahinta muuqaalka Fu’aad aysan “oggolaansho” haysan waxaana ay ku dalbatay laamaha ammaanka si dadkaasi loo kala eryo. Warbaahinta ayaa tebisay in laamaha ammaanka ay dibedbaxayaasha Cali Sabiix u adeegsadeen rasaasta wax disha. Dowladdu waa inay si dhexdhexaad ah u baarto dhammaan wararka sheegaya in dibedbaxayaasha loo adeegsaday awood xad-dhaaf ah, ayay tiri Human Rights Watch.
Warbaahinta ayaa sheegtay in dibedbaxyo kooban oo lagu dalbanayo sii deynta Fu’aad ay sii socdeen. Laamaha ammaanka ayaa xabsiga dhigay tobanaan dad ah, sida ay wararku sheegeen, waxaana dadkaasi kamid ahaa laba weriye oo ka tirsan Voix de Djibouti, oo kala ah Kasim Nuur Abar oo gelinkii hore ee 5-tii Juun laga qabtay gurigiisa ku yaal Cali Sabiix iyo Maxamed Ibraahim Waiss oo 7-dii Juun lagu xiray caasimadda. Waxaa la hayay muddo ka badan 48-da saac ee sharcigu oggol yahay, waxaana la sii daayay iyagoo aan maxkamada la geyn.
11-kii Juun, Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegay in la qabtay dhowr qof intii ay dibedbaxyada socdeen, “ayna kamid yihiin dad si been ah u sheegtay inay weriyayaal yihiin.” Weriyayaasha la Voix de Djibouti, oo ah warbaahin uu gaar u leeyahay Dhaq-dhaqaaqa mucaaradka ah ee Dib u Cusbooneysiinta Dimuqraadiyadda ayaa la kulma hanjabaado joogta ah iyo xarig aan loo meeldeyin, sida lagu sheegay warbixinnada ayna tebisay warbaahinta.
Kahor doorashadii madaxtinimada ee 2011, Human Rights Watch ayaa oggaatay in dowladda Jabuuti ay mamnuucday dhammaan dibedbaxyada ayna xarig iyo maxkamadeyn kula kacday dadka sida nabdoon u mudaharaadayay iyo hogaamiyayaasha mucaaradka.
Dabayaaqadii 2015, kadib markii la shaaciyay in Madaxweyne Geelle uu mar afaraad u tartamayo madaxtinimada Jabuuti, hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta ayaa ku warramay in la xiray tobanaan kamid ah taageerayaasha mucaaradka oo ka mudaharaaday arinkaasi. 23-kii Disembar 2015, ugu yaraan 19 qof ayaa lagu dilay xus diimeed ka socday Balbal. Isla bishaasi, dowladda Jabuuti ayaa ansixisay xeerka xaaladda degdega ah, kaasoo u oggolaanaya golaha wasiiradda inay kala diraan hay’ad kasta oo loo arko inay khatar ku tahay kala dambeynta.
Jabuuti waxa ay kamid tahay dalalka saxiixay Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Madaniga ah iyo tan Siyaasadda, kaasoo mamnuucaya xariga aan loo meeldeyin, falalka arxan darrada ah ee bani’aadannimada ka baxsan, isla markaana ilaalinaya xuquuqda maxbuusku u leeyahay qareen iyo maxkamadeyn cadaalad ah, iyo xoriyadda hadalka, ku biiridda iyo isu soo baxyada nabdoon.
“Hogaanka Jabuuti waxa uu raadiyay aqoonsi sare oo caalami ah,” ayay tiri Bader oo intaa raacisay, “Waa in hogaanka uu marka hore kobciyo xuquuqda aadanaha ee gudaha dalka, gaar ahaan xurmeynta dibedbaxyada nabdoon, xoriyadda warbaahinta iyo xuquuqda maxaabiista.”