Dumar Soomaliyeed iyo carruur ka cararaya guryahooda xaafada ay soomalida ku badantahay ee Eastleigh ee Magaalada Nairobi, 20-kii Novembar, 2012-kii. Waxay ahayd laba maalmood ka dib markii weerar dad aanan la garaneyn ay ku qaadeen bas xaafadda marayey ay ka dhasheen rabshado iyo weerar lala beegsaday qaxootiga soomalida ah iyo Soomalida u dhashay Kenya. Booliska ayaa soo afjaray rabshadihii, balse waxay haddana kula kaceen dadkii xaafada kunoolaa toban isbuuc oo jir dil iyo xadgudubyo kale ah, dhibatadaas oo saameysay ugu yaraan kun qof oo qaxooti, dad magangalyo doon ah iyo dad soomali ah oo reer Kenya ah.

© 2012 REUTERS/Noor Khamis

Booliska Kenya ayaa Magaalada Nairobi ku jir dilay, ku kufsaday, ama xad gudubyo ugu geystay isla markaana si aan sharci ahayn u xirxiray ugu yaraan 1,000 qof oo qaxooti ah intii u dhexeysay bartamihii bishii Nofember  2012 iyo daba yaaqadii Janaayo 2013, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin la sii daayay maanta. Hayadaha dowliga ah waa in durba ay furan baaritaan cad oo madax bannaan,hayada QM ee Qaxootiga—oo iyana aan si cad uga hadlin xadgudubyada—waa in ay qorto oo si cad u soo tebiso wixii xadgudubyo ah oo mustaqbalka qaxootiga lagu sameeyo, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

Warbixinta oo ka kooban 689 bog laguna magacaabo, “‘Dhammaantiin Waxaad Tihiin Argagixiso:’ Booliska Kenya oo Ku Xadgudba Qaxootiga Nairobi,”ayaa waxay ku salaysneyd wareysiyo lala yeeshay 101 qof oo qaxooti, magangalyo doon, iyo Soomaali Kenyan isugu jiray.Warbixintu waxay muujinaysaa sida boolisku ugu isticmaaleen weeraradii bambaanooyinka iyo weeraro kale oo ay qaadeen dad aan haybtooda la garanayn kuwaasoo ka dhacay gudaha nawaaxiga Soomaalidu u badan tahay ee Eastleigh ee Nairobi iyo amar dowlada ka soo baxay oo ahaa in qaxootiga magaalo-joogga ah loo raro xeryaha qaxootiga marmarsiinyo ay ku kufsadaan, ku garaacaan, laaluush uga qaataan si aan sharci ahayna u xiraan ugu yaraan 1,000 qof. Boolisku waxay ku sheegeen dhibbaneyaasha ay dhibaatooyinka u geysteen “argagixiso,” waxayna dalbadeen in lacag la siiyo si ay u sii daayaan. Human Rights Watch waxay sidoo kale qortay 50 kiis oo kale oo xadgudubyadu ay gaarayaan heerka jirdilka.

“Qaxootiga ayaa inoo sheegay sida boqolaal booliska Kenya ka tirsan ay ugu fuliyeen 10 asbuuc oo dhibaatooyin ah bulshooyin meel u dhow faras magaalaha Nairobi, ayagoo jir dilayay, ku xad gudbayay, waxna ka xadaayay qaar ka mid ah dadka wadanka ugu faqiirsan uguna nugul,” sidaa waxaa yiri Gerry Simpson, oo ah cilmi baare sare oo soo baara arimaha qaxootiga oo ka tirsan Human Rights Watch isla markaana ah qofkii sanifay warbixinta. “In si aan kala sooc lahayn loo weeraro rag, dumar iyo carruur kusugan guryahooda iyo waddooyinka waa hab aan wax ku ool ahayn oo aan lagu badbaadin karayn amni qaran.” Sidaa ayuu raaciyay. 

Janaayo, Maxkamada Sare ee Kenya waxay amar ku siisay hayadaha dowliga ah inay soo afjaraan qorshihii la doonayay in qaxootiga lagu raro—kaasoo 55,000 oo qof oo qaxooti iyo magan galyo doon ka koobnaa la doonayay in ay uga tagaan caasimadaha una guuraan xeryo qaxooti oo wasaq miiran ah, buuxdhaafay isla markaana xiran—ilaa maxkamadu go’aan ka gaarto in uu sharci yahay iyo in kale. Maxkamada ayaa lagu wadaa in ay arinka xukun ku rido muddo asbuucyo ah gudahood kadib dhagaysiga kiiska oo dhacaya 22ka Maayo.

Qaxooti Soomaali iyo Itoobiyaan ah iyo magan galyo doon ku dhex noolaa qoysaskooda sanado badan gudaha xaafada Eastleigh ayaa waxay usheegeen Human Rights Watch in boolisku ku weyraxeen nawaaxigaa dhexdiisa  19kii Nofember, 2012, maalin ka dib markii dad aan haybtooda la garanayn ay weerareen bas yar, ayagoo halkaa ku dilay 7 qof dhaawacna u geystay 30 qof oo kale. Dad lala yeeshay wareysiyo ayaa sheegay in xubno ka tirsan booliska oo ka kala tirsan afar waaxyood oo ka tirsan booliska Kenaya—kuwaasoo ah Waaxda Adeegyada Guud ee General Services Unit (GSU), Booliska Rigliga ah ee Regular Police (RP), Booliska Maamulka ee Administration Police (AP), Qeybta Dambi Baarista ee Criminal Investigations Department (CID)—ay ku xad gudbeen, ayaoo kuwa ka socday waaxda GSU ay geysteen inta badan xadgudubyada la qoray.

Todobo dumar ah ayaa sheegay sidii boolisku ugu kufsadeen guryahooda, dhinacyada waddooyinka, iyo luuqluuqyo, mararka qaarkoodna ayadoo xataa carruuri ay meelahaa ka ag dhawaayeen. Mid ka mid ah dumarka la kufsaday ayaa sheegtay in boolisku sidoo kale ay kufsadeen saddex dumar ah oo kale isla halkaa mar. Afartan qof oo qaxooti ah oo ay ku jireen haween badan, ayaa sheegay sidii boolisku u garaaceen, sida ay laad ula dhaceen iyo sida ay u feereen ayaga iyo carruurtoodaba ayagoo joogay guryahooda, wadooyinka iyo ayagoo saaran gawaarida booliska, arintaas oo u keentay dhaawacyo halis ah iyo xanuun muddo dheer qaata. Daraasiin qof ayaa ka hadlay sidii boolisku usoo galeen goobahooda ganacsiga iyo guryaha taasoo inta badan dhacday saqda dhexe ee habeenkii, sidii ay u xadeenlacago badan iyo alaabo kale oo shakhsiyaad ay leeyihiin, iyo sidii ay laaluush uga qaateen si ay u sii daayaan.   

Human Rights Watch waxay sidoo kale qortay ku dhawaad 1,000 kiis oo ku saabsan sidii boolisku si aan sharci ahayn ugu xireen qaxooti iyo magangalyo doon joogay guryahooda, waddada, ama saarnaa gawaarida booliska, amaba ku jiray saldhigyo boolis. Boolisku waxay ku hayeen dadka—mararka qaarkood maalmo badan xaalado baniaadminimada ka baxsan oo dulleyn ah—ayagoo ugu hanjabayay inay ku soo oogayaan, ayadoo aysan jirin wax daliil ah, dacwado ama kusaabsan argagixisonimo ama inay carqaladeeyeen kala dambaynta dad weynaha. Hal kiis ayaa waxaa dhacday in boolisku ay dacwado ku soo oogeen 100 qof daliil la’aan balse waxaa bilo ka dib kiiska tuuray maxkamadaha oo iska daayay kadib markii daliil la waayay.

Hayadaha dowliga ah ee Kenya kama aysan soo jawaabin codsi Human Rights Watch ay ku doonaysay inay wax ka dhahaan waxyaabaha warbixinta ku xusan ee la soo ogaaday welina shaaca kama aysan qaadin wax tillaabooyin ah oo lagu soo baarayo xadgudubyada. Wax ka qabasho la’aantu waxay sii qotto dheereyneysaa isla xisaabtan la’aantii mudada dheer ka jirtay Kenya ee ciidamada ammaanku sanado badan ay ugu xadgudbayeen Soomaalida Kenyanka ah ee ku nool gobolka Waqooyi Bari ee wadanka, oo ay kujiraan xerooyinka buux dhaafay ee qaxootiga ee kuyaala Dhadhaab oo u dhow xadka wadanku la wadaago Soomaaliya. Wadama deeqda baxsha waa in aysan taageerin afarta waaxood ee booliska ee xadgudubyada geystay midoodna, gaar ahaana waaxda  GSU, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

Qodobka  1 ee Heshiiskii Qaramada Midoobe ee ka dhanka ahaa Jirdilka, kaasoo Kenya lagula xisaabtami karo, wuxuu ku qeexayaa jirdil inuu yahay  “wixii ficil ah oo qof si ula kac ah loogu sameeyo hadii uu yahay mid toos jirkiisa loogu gaysto iyo hadii uu yahay mid miskaxiyan si ah loo geysto kaasoo keenaya xanuun iyo dhibaato [si] … loo ciqaabo asaga ficil asaga ama qof kale oo saddexaad uu geystay dartii ama looga shakiyay, ama in la maago ama la cadaadiyo asaga … ayadoo xanuunka noocaa ah ama dhibaatada noocaa ah uu geysanayo … sarkaal dowladeed.”

Booliska kusugnaa gudaha Eastleigh ee kufsaday una weeraray sida xun qaxootiga iyo dadka magan galyo doonka ah ayagoo ugu yeerayay argagixiso ama lacag ka qaadanayay laaluush ah waxay si ula kac ah ugu geysteen xanuun daran oo dhanka jismiga iyo dhanka maskaxda ah iyo dhibaato ayagoo u ciqaabaya weeraro dad kale ay ka fuliyeen gudaha Eastleigh iyo in ay cadaadiyaan si ay lacag u bixiyaan, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Heeshiiska Qaramada Midoobe ee  ka dhanka ah Jirdilka wuxuu ku waajib yeelayaa dowlada Kenya in ay qaado baaritaano dagdag ah oo xaq ah kuwaasoo lagu samaynayo xubnihii booliska ka tirsanaa iyo taliyeyaashii soo amray ee masuulka ka ahaa jirdilka iyo inay dacwad ku soo oogto kuwa la ogaado in ay masuulka ka ahaayeen.

“Sharciga caalamiga ah wuxuu ka doonayaa Kenya in ay xaqiijiso in xubnihii booliska ee jirdilka u geystay qaxootiga—ee kufsaday dumarka, carruurta iyo raggana garaacay ilaa ay ka suuxaan ayagoo ku sheegayay in ay yihiin argagixiso—la soo baaro lalana xisaabtamo.” Sidaa waxaa yiri  Simpson.

Dowrka  UNHCR ee ah inay si cad u taageerto in la soo afjaro xadgudubyada noocaas ah si gaar ah ayuu muhiim u yahay maadaama aysan jirin tillaabo dowladu ay qaaday oo ay kula xisaabtamayso qof kasta oo ka dambeeyay xadgudubyada, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. UNHCR waxay ka baaqsatay in si fiican ay wax uga qorto si fiicana uga hadasho xadgudubyada waana in ay horumariso sida ay ula socoto xadgudubyada ka dhanka ah qaxootiga waana in ay qorto si cadna u cambaarayso wixii xadgudubyo ah oo kale oo intaa dheer oo dhaca.

“Waxaa jiray aamusnaan aad ah oo dhanka UNHCRta ah marka laga hadlayo xadgudubyada, inkastoo ay xadgudubyadu ka dhaceen meel marka gaari la wado loo socon karo nus saac qura marka laga yimaado xafiisyadooda  Nairobi,” Simpson  ayaa sidaa yiri. “10 asbuuc muddo ah boolisku waxay xor u ahaayeen inay xoogaan, weeraraan, waxna ka xadaan in kabadan  1,000 qof oo qaxooti iyo magan galyo doon isugu jiray  ayadoo hal eray oo cad uusan ka soo bixin hal hayad oo caalami ah oo si sharci ah ogolaansho ugu haysata inay difaacdo qaxootiga.”

UNHCR dowrkeeda kaga aaddan qoritaanka iyo jawaab ka bixinta xadgudubyada boolisku ay geystaan aad ayuu muhiim u yahay maadaama ay jirto halis ah xadgudubyo dheeraad ah oo laga yaabo inay dhacaan inta ay socdaan isku dayitaano macquul ah oo mustaqbalka la isku dayi doono in xeryaha loo raro qaxootiga magaalo-joogga ah, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.                                                                                                                                        

Taariikh 13 Disembar, 2012, Waaxda  Kenya u Qaabilsan Arimaha Qaxootiga (DRA) ayaa shaacisay  in mowjadaha weerarada bambaanooyinka ah iyo weerarada kale ee ka dhacay gudaha Nairobi iyo qeybo kale oo Kenya ka tirsan kuwaasoo dhacayay laga soo bilaabo Oktoobar 2011 ay keenayaan in dhammaan 55,000 oo qof oo ahaa qaxooti iyo magangalyo doon  ku noolaa Nairobi ay u guuraan xerooyinka wadanka ee qaxootiga ee xiran ee u dhow xaduudaha Soomaaliya iyo Sudan ama lagu samayn doono dib u rarid qasab ah oo meelahaa lagu geynayo iyo in dhammaan diiwaan galinta iyo adeegyada loogu tala galay qaxootiga magaalo-joogga ah durba lasoo afjaro.  

Hayadaha dowliga ah ee Kenya waa in ay ka tanaasulaan qorshahooda raritaanka ah, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Shaaca ka qaaditaankii raritaankii 13kii Disembar wuxuu ka baaqsanayaa inuu muujiyo, sida sharciga caalamiga uu doonayo, in qorshaha ah in lagu qasbo tobanaan kun oo qaxooti ah oo ku nool caasimadaha Kenya inay galaan xeryo xiran uu lagama maarmaan u yahay in lagu guulaysto amni qaran oo horumarsan ama tillaabada ugu yar ee wax lagu xadeyn lahaa isla markaana ay suurtagalka tahay in wax looga qaban lahaa walaacyada dhabta ah ee amniga qaranka Kenya. Ilaa iyo hada hal qof oo kaliya— qof Kenyan ah oo aan ka mid ahayn qabiilka Soomaali—ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad laguna riday xukun ah inuu asagu ka dambeeyay mid ka mid ahaa ugu yaraan 30 weerar oo Kenya ka dhacay laga soo bilaabo Oktoobar 2011, markii Kenya ay ciidamo u dirtay Soomaaliya.

Sidoo kalana qorshaha raritaanka ahi wuxuu si aan sharci ahayn ukala takoorayaa muwaadiniinta Kenya iyo qaxootiga maadaama siyaasadu ogolaanayso Kenyanku in ay si xor ah meel walba u maraan balse ay ka horjoogsanayso qaxootiga xaqaas. Intaa waxaa dheer, raritaanka tobanaan kun oo qaxooti ah inta laga raro caasimadaha la geynayo xeryo qaxooti oo xiran kuwaasoo ay haysato hoos u dhac maalgalin oo gaareysa in ka badan $100 milyan waxay sidoo kale tahay xadgudub ka dhan ah xaquuqahooda kale ee badan. Xaquuqahaas waxaa kujira xaqooda dhaqdhaqaaqa, xaqooda ah in aan si qasab ah looga rarin guryahooda, iyo xaqa ah inaan la dhimin helitaankooda xaquuqaha asaasiga ah—sida xaqa helitaanka raashinka, maciishada, daryeelka caafimaadka, iyo waxbarashada.

Warbixintu waxay sidoo kale qoreysaa dhibaato haatan socota oo ah dhanka baniaadminimada iyo dhanka ammaanka oo ka jirta xeryaha qaxootiga ee Kenya kuyaala ee Soomaalidu kujiraan, kuwaasoo u dhow magaalada Dhadhaab ee kutaala waqooyiga bari ee Kenya, iyo amni darrada socota ee ka jirta inta badan Soomaaliya qeybaheeda oo dhan. Saraakiil sarsare oo Kenyan ah ayaa si ku celcelis ah ugu baaqay qaxootiga Soomaalida ah in ay kulaabtaan wadankooda waxayna sheegeen in u raritaanka qaxootiga magaalo-joogga ah xeryaha ay durba daba socon doonto dib ugu celinta Soomaaliya qaxootiga Soomaaliya ka yimid oo dhan.

Inta badan ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya waxay weli aad u yihiin meelo aan ammaan ahayn, ayadoo ay ka socdaan colaad, dilal, carqalad aan kala sooc lahayn oo ka dhan ah rayidka, iyo helitaanka hayadaha gargaarka oo xaddidan.

Human Rights Watch waxay sheegtay in hayadaha dowliga ah ee Kenya aysan ku cadaadin qaxootiga in ay Soomaaliya ku laabtaan. Cadaadiska noocaas ah wuxuu ku xad gudbayaa waajibaadka Kenya ee ah inaysan si qasab ah – dib ugu celin- qaxootiga xaalado gabboodfal ah ama carqalad guud. Wadamada deeqda bixiya waa in ay sii wadaan inay maalgaliyaan kooxaha la shaqeynaya qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Kenya waana in ay ku tirtirsiiyaan hayadaha dowliga ah ee Kenya in ay joojiyaan qasbitaanka ay qasbayaan dib u celinta aan waqtigeedii la gaarin ee qaxootiga ay doonayaan inay dib ugu celiyaan Soomaaliya. 

“Hayadaha dowliga ah ee Kenya waa in aysan cadaadis ku saarin Soomaalida in ay naftooda halis galiyaan inta ay dib wadankoodii ugu noqdaan,” Simpson ayaa sidaa sheegay. “Wadamada deeqda baxsha waa in ay si deeqsinimo leh u taageeraan hayadaha caawinaya Soomaalida ku sugan gudaha Kenya.”