(Nairobi) – Xubno ka tirsan ciidamada ammaanka ee dowlada iyo kooxo hubeysan ayaa kufsaday, garaacay, ama xadgudub u geystay Soomaali barakacayaal ah oo yimid caasimada Soomaaliya ayagoo ka soo cararayay macaluul iyo colaado hubeysan laga soo bilaabo 2011, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin maanta la soo saaray. Dowlada cusub ee Soomaaliya waa in ay si dagdag ah u horumariso badbaadinta iyo ammaanka dadka wadanka gudihiisa ku barakacay ee haatan ku sugan Muqdisho, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.
Warbixinta oo ka kooban 80-bog laguna magacaabo, “Lahaysteyaasha Waardiyeyaasha Ganjeelka: Xadgudubyada ka dhanka ah Dadka Wadanka Gudihiisa Ku Barakacay ee ku sugan Muqdisho, Soomaaliya,” ayaa waxay faahfaahinaysaa xadgudubyo xunxun, oo ay kujiraan weeraro toos ah, xanibaadyo dhanka dhaqdhaqaaqa iyo helitaanka raashinka iyo hoyga ah, iyo takoorid qabyaalad ku salaysan oo ka dhan ah dadka soo barakacay ee ku sugan Muqdisho kuwaasoo halkaa ku soo barakacay markii ay macaluushu mareysay meeshii ugu xumayd bartamihii-2011 ilaa 2012. Wareysiyo lala yeeshay 70 qof oo barakacayaal ah ayaa waxay muujiyeen siyaabaha ciidamada dowlada, dabley taabacsan, iyo darafyo gaar ah, oo inta la og yahay ah maareeyeyaasha xerooyinka oo loo yaqaano “waardiyeyaasha ganjeelka,” ay uga faaiideystaan unuglaanta bulshadu u nugushahay dhibaatooyinka.
“Badalkii meel wanaagsan oo ay uga badbaadaan dagaalka iyo macaluusha ay heli lahaayeen, barakacayaal badan oo Soomaali ah oo yimid Muqdisho waxay la kulmeen cadaawad iyo xadgudub,” sidaa waxaa tiri Leslie Lefkow, oo ah kuxigeenka agaasimaha waaxda Afrika ee Human Rights Watch. “Dowlada cusub ee Soomaaliya waa in ay si dhaqso ah wax uga qabato guul darrooyinkii dowladii hore, ay horumariso badbaadada dadka barakacayaasha ah, isla markaana ay la xisaabtanto xubnaha ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo dadka kale ee ayagu mas’uulka ka ah xadgudubyada.” Sidaa ayay raacisay.
Soomaaliya waxay si tartiib ah uga soo baxaysaa labaatan sano oo dagaal ah. Sanadkii 2011, dagaal ay ku lug lahaayeen ciidamada Dowladii Federaalka Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) kaasoo ka dhan ahaa kooxda Islaamiyiinta ee hubeysan ee al-Shabaab, abaar ba’an, iyo culeys ku yimid helitaankii dadka rayidka ahi ay heli lahaayeen gargaar baniaadminimo ayaa waxay sababeen macaluul ba’an. Tobanaan kun oo dad ah ayaa inta ay ka carareen koofurta iyo bartamaha Soomaaliya waxay gaareen Muqdisho halkaas oo dad badan oo ayaga ka mid ahaa ay haatan ku nool yihiin xerooyin.
Kufsiyo iyo xadgudubyo dhanka galmada ah oo loo geystay dumar iyo gabdho, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo askarta dowlada iyo xubno ka tirsan dabley ay geysteen, ayaa waxay ahaayeen dhibaato weyn oo ka dhacday deegaanka aan la badbaadin ee xeryaha, Human Rights Watch ayaa sidaas ogaatay. Dhibaneyaal badan oo loo geystay carqalad dhanka galmada ah uma soo sheegaan wixii qabsaday hayadaha dowliga ah sababtoo ah waxay ka baqaan in aargoosi dadka soo weerara ay kula kacaan, waxay sidoo kale ka digtoon yihiin in bulshadu ku ceebeyso wixii ku dhacay, waxayna kalsooni aad u yar ku qabaan nidaamka caddaalada. Aabaha haweeney da’ yar oo la sheegay in afar askari ay kufsadeen ayaa wuxuu Human Rights Watch u sheegay sidaan, “Anagu ma anaan isku dayin inaan aadno caddaalada, sababtoo ah waxaa na dhibayay taliyaha markii gabadhayda la kufsaday. Marka sidee ayaan halkaan qof u aamini karaa? Waxaanu ku qasbanahay inaan aamusno.”
Waardiyeyaasha Ganjeelka iyo dabley maamula xerooyinka ayaa waxay sidoo kale meelo kale u weeciyeen oo xadeen raashin gargaar ahaa oo loogu tala galay dadka xerooyinka daggan ee abaartu ku dhacday, Human Rights Watch ayaa sidaa ogaatay. Haweeney 30 jir ah oo xero joog ah ayaa ka warantay xaalada qallafsan ee qoyskeedu uu ku nool yahay: “Wax ka xun ma jiro xaalada aanu ku jirno. Iminka waxa aanu doonayno waa inaan helno gaari aan raacno iyo inaanu ku laabano tuulooyinkeenii, sababtoo ah hadii aan halkaan cuno la’aan ugu dhiman karo, waa inaan ku dhinto tuuladeydii, sababtoo ah dhimasho waa dhimasho.”
Waardiyeyaasha Ganjeelka mararka qaarkood waxay ka hor joogsan jireen dadka xerooyinka daggan inay tagaan si dabadeed loo helo gargaar baniaadminimo oo intii hore ka badan, kaasoo ay ayagu doonayeen inay xadaan si ay ayaga qudhooda lee ugu intifaacaan. Haweeney ayaa Human Rights Watch waxay u sheegtay: “Hadii aanu isku dayno inaan xerada ka tagno, ayada [alyacni haweeney ka tirsan Waardiyeyaasha Ganjeelka] waxay naga qaadaneysaa teendhooyinka. Anagu ma haysano bac, ma haysano gabbaad kale, mana haysano meel aan seexano. Marka tan iyo inta nalaka badbaadinaayo waxaa qasab nagu ah inaan halkaa joogno sidii la haysteyaal oo kale.”
Beelaha ka soo jeeda gobolada macaluushu sida ugu ba’an u saamaysay, kuwaasoo ah beelaha Raxanweyn iyo Bantu, waxay si gaar ah ugu nuglaayeen welina ugu nugul yihiin xadgudubyada, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Waardiyeyaasha Ganjeelka iyo xubno kooxo hubeysan ka tirsan, kuwaasoo ay kujiraan maleeshiyaad dowlada taabacsan, ayaa waxay ula dhaqmaan sidii muwaadiniin heerka dabaqada labaad ah wayna garaacaan wayna caayaan hadii kalana waxayba ula dhaqmaan si arxan darro ah.
Dowladii Federaalka Kumeel Gaarka ahayd waxay asaas ahaan mas’uul ka ahayd ka baaqsashadii laga baaqsaday in la badbaadsho barakacayaasha iyo in lala xisaabtamo dadka xadgudubyada ka dambeeya, laakiin dowladaha deeqda baxsha ee Soomaaliya arimaheeda kulugta leh kama aysan dhigin arimahaan mudnaan, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Deeqbixiyeyaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan hayadaha arimaha gargaarka baniaadminimo ka shaqeeya, waa in ay noqdaan kuwo xaqiijinaya isla xisaabtan intii hore ka weyn oo ku saabsan cawimaada ay baxshaan.
“Dowlada cusub waa in ay gadiso baalka ay ku xusan yihiin guul darrooyinkii dowladii ku meel gaarka ahayd isla markaana waa in ay bixiso badbaado isla xisaabtan ku dhisan oo la siinayo barakacayaasha, oo ayagu kujira muwaadiniinta Soomaaliya ee ugu nugul,” Lefkow ayaa sidaa tiri. “Deeqbixiyeyaashu waa in ay ku dadaalaan in kala xisaabtamida ciidamada ammaanka xadgudubyada ka dhanka ah dadka barakacayaasha ah ay u noqoto muhiim horumarinta ammaanka iyo xukunka sharciga gudaha Muqdisho.”
Dowlada cusub ee Soomaaliya, ee ayadu baddashay Dowladii Federaalka Kumeel Gaarka ahayd bishii Agoosto 2012 ka dib hannaan doorasho oo QM ay maal galisay, waxay shaaca ka qaaday qorsheyaal dib meelo kale loogu raraayo tobanaan kun oo barakacayaal ah oo ku nool caasimada sanadka 2013. Dowladu waa in ay xaqiijiso, sida waafaqsan sharciga caalamiga ah, in dib u dejintu ay tahay mid iskaa ah oo qasab uusan ku jirin, iyo in si badbaado leh oo sharaf leh loo sameeyo, oo ciidamo boolis ah oo waayo arag ah ayaa waxay sugi karaan ammaanka goobaha dib u dajintu ka dhacayso.
Ururada ka shaqeeya arimaha gargaarku waxay ku qiyaaseen in inta u dhexeysa 180,000 iyo 370,000 oo barakacayaal ah ay kunool yihiin Muqdisho laakiin macluumaad kooban ayaan la heleyn sababtoo ah barakacayaasha waligoodba si rasmi ah looma diiwaan galin. La’aanta xog ku saabsan bulshada barakacday ayaa waxay kordhinaysaa baahida loo qabo in dowlada, Qaramada Midoobay, iyo hayadaha gargaarku ay sameeyaan howlo lagu soo baarayo macluumaadka saxda ah si loo ogaado baahida dadka, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Dadaalku waa inuu caddeeyo dadka dhibaatooyinka ugu nugul –sida qoysaska dumarku hoggaamiyaan, carruur kaligood ah oo cidina aysan wehelin, dadka waayeelka ah, iyo dadka curyaanka ah – ka hor inta aan wax qorshe ah oo dib u rarid iyo dib u dejin ah aan la samayn.
Jawaabta dowladu ay ka bixinayso arimaha muhiimka ah ee saamaynaya barakacayaasha waxay ilaa iyo hada tahay mid qasan, Human Rights Watch ayaa sidaa tiri. Halka saraakiil sarsare oo dowlada ka tirsan, oo uu ku jiro Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ay sameeyeen ballan qaadyo la jecleysan karo oo cadcad oo wax looga qabanaayo xadgudubka, xadgudubka oo uu kujiro kufsiga ciidamada dowladu ay geysteen, ballanqaadyadaasi weli laguma turjumin tillaabo dhab ah. Dacwad ku soo oogidii dhacday asbuucyadii dhawaa ee haweeney ka mid ah barakacayaasha oo sheegatay in askarta dowladu ay kufsadeen iyo wariye wareysi ka qaaday ayada, ayaa waxay dirtay farriin dhibkeedu qotto dheer yahay waxayna sigaysaa in ay hoos u dhigto qorsheyaasha isbadalada ee dowlada.
Ujeedka la caddeeyay ee dowlada ee ah in la dhammeeyo raritaanka dadka barakacayaasha ah wixii loo gaaro Agoosto 20, sanad guurada kowaad ee kasoo wareegatay dhammaadkii dowladii kumeel gaarka ahayd, inkastoo caqabado waaweyn ay kajireen bixinta cawimaada iyo badbaadinta goobaha dib u dejinta ee cusub, wuxuu ku keenayaa barakacayaasha halis intii hore ka weyn oo ay u galayaan xadgudub iyo dayac, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.
“Dowlada waxaa soo food saartay caqabado wax niyad jabinaya, inkastoo ay u muuqato mid ku dhiirran wax ka qabashada xaalada ba’an ee barakacayaasha ku sugan Muqdisho,” Lefkow ayaa sidaa sheegtay. “Laakiin hadii xaquuqaha, baahida jirta, iyo rajooyinka barakacayaasha laftooda aan wax laga qaban, waxaa loo badinayaa inay soo wajahaan dhibaatooyin iyo xadgudubyo xataa intii hore ka badan.”