(Nairobi) – Labadii sano ee lasoo dhaafay intii uu socday hawlgalka argagixiso la dagaallanka ee Waqooyi Bari Kenya iyo Nairobi, waxaa la waayay ugu yaraan 34 qof oo ay wateen laamaha ammaanka ee dalka, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin ay maanta shaacisay ha'yadda Human Rights Watch. Dowladda Kenya waa in ay soo afjartaa tacaddiyada ka dhasha hawlgalka argagixiso la dagaallanka, ayna si degdeg ah u baartaa dadka la la’ yahay iyo dadka ku dhintay iyaga oo ku xiran Waqooyi Bari.

Saynab Buuley Xuseen oo haysa kaarka aqoonsiga qaran ee wiilkeeda Cabdi Bare Maxamed. Qof ka tirsan dadka deegaanka ayaa ku arkay meydka Cabdi Bare meel 18 kilo mitir u jirta magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya, saddex todobaad ka dib markii ay askar boolis ah ka qabteen bannaanka hore ee guriga qoyskiisa bishii Agoosto 2015. 

© 2015 Sawirkan waxaa The Washington Post u qaaday Will Swanson oo usii mariyay Getty Images

Warbixinta oo ka kooban 87 bog, cinwaanna looga dhigay, “Dilal iyo Dad La Waayay: Tacaddiyada Hawlgalka Argagixiso La Dagaallanka ee Nairobi iyo Waqooyi Bari Kenya,” ayaa diiwaangelisay 34 dhacdooyin ay ka qeyb qaateen laamaha kala duwan ee ammaanka, ayna milateriga Kenya si toos ah ugu lug lahaayeen hawlgalo lagu baarayay guryo ama lagu soo qabanayay dad looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabab. Hasayeeshee ka dib bilooyin ama mararka qaar muddo sanad ka badan, dadka laga shakiyay ayaan la hor keenin maxkamad, qoysaskoodana ma garanayaan halka ay jiraan. Dhammaan ehelada dadka la la’ yahay ayaa booliska ku wargeliyay maqnaanshahooda, waxaana ay garab ka raadsadeen laamaha kala duwan ee dowladda, balse ma jirto cid u sheegtay halka ay ku sugan yihiin dadka la watay, ama baaritaan wanaagsan ku samaysay tacaddiyada la sheegay.

“Dadka ku nool Waqooyi Bari Kenya waxay mudan yihiin in laga difaaco weerarrada Al-Shabab, ee ma aha in ay tacaddiyo dheeraad ah kala kulmaam dowladda,” waxaa sidaa yiri Ken Roth, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Human Rights Watch. “In dadka inta la uruuriyo, haddana la sheegi waayo meesha ay ku sugan yihiin waa dembi halis ah, waxaana ay sii kordhineysaa cabsida iyo aaminaad la’aanta laga qabo laamaha ammaanka.” ayuu raaciyay.

Human Rights Watch ayaa muddo ka badan sideed bilood baaraysay tacaddiyada ka dhaca Nairobi iyo deegaannada Waqooyi Bari Kenya ee Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera. Waxa ay wareysatay 117 qof oo ay ku jiraan dhibanayaal, dad goob joog u ahaa hawlgalada argagixiso la dagaallanka, imaamyo, mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, weriyayaal, qareenno, kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha, saraakiil boolis iyo milateri ah iyo hogaamiyayaasha beelaha deegaanka. Human Rights Watch ayaa sidoo kale wareysiyo dabagal ah la yeelatay dad ku sugan Nairobi waxayna sidoo kale telefoon kula hadashay dhibanayaasha iyo marqaatiyada ku sugan Waqooyi Bari.

Video: Kenyan Authorities Disappear People

Families reported the disappearance of their relatives to the police and sought help from various authorities, but the authorities failed to inform them of the detainees’ whereabouts or to properly investigate allegations of abuse.

Walaaca laga qabo xaaladda ay ku sugan yihiin 34ta qof ayaa waxaa uga sii daray meydadka in ka badan 11 qof oo labadii sano ee lasoo dhaafay la helay, qaarkoodna lagu arkay meel aan ahayn halkii laga qabtay, dadkaasi oo ahaa kuwo ay markii hore xireen laamaha ammaanka ee Kenya. Inta ay ogtahay Human Rights Watch, boolisku ma aanay samayn baaritaan micna leh oo ku aaddan dhimashada dadkaa. Waxaa meydadkaasi ka mid ah mid laga helay deegaanka Mandheera, oo laga soo saaray god lagu aasay ka dib markii ay shacabku sidaa dalbadeen, hasayeeshee dowladda Kenya meydkaasi kuma aanay samayn baaritaan micna leh sida uu dhigayo sharciga dalka u yaalla.

Human Rights Watch ayaa ogaatay in dadka lagula kaco xariga aan loo meel dayin xilliyada hawlgalka ammaanka ay ka mid yihiin dhalinyaro Soomaalida Kenya ah, imaamyo iyo macallimiinta dugsiyada Quraanka. Waxaa dadkaasi lagu xiray, ugu yaraan markii hore, saldhigyo milateri iyo xeryo kumeel gaar ah oo ay ciidanka ku leeyihiin keymo ku yaalla Waqooyi Bari iyo qeybo kale oo dalka ka tirsan. Mararka qaar, waxaa dadka qabqabta ciidanka booliska, ka dibna waxa ay ku wareejiyaan milateriga.

Nin 48 jir ah ayaa u sheegay Human Rights Watch in booliska ay xireen bishii Mey 2015, laba maalmood ay ku hayeen saldhiggooda degmada Wajeer, ka dibna ay u dhaadhiciyeen xerada milateriga ee Wajeer. Wuxuu sheegay in muddo ka dib ay milateriga soo qabteen walaalkii, ayna ku wada xirnaayeen xeradaasi. Askarta milateriga ayaa laad, dharbaaxo, garaac iyo koronto ay ku qabteen isugu daray ninkan, waxaana la sii daayay 15 maalmood ka dib. Lama ogga halka uu ku dambeeyay walaalkii.

21-kii Maarso, 2015, afar askari oo milateri ah ayaa gurigiisa Mandheera ka watay Cabdiweli Ibraahim Sheekh oo 28 jir ah, waxaana goob joogayaal ay arkeen asaga oo loo wado xerada milateriga Mandheera. Dib dambe looma arag. “Saraakiisha ammaanka ayaa noo sheegay in ay su’aallo weydiin rabaan, ka dibna ay soo deynayaan,” ayuu yiri nin 50 jir ah oo Cabdiweli la joogay markii la xirayay. “Ma aanan ogeyn in sidaa lagu weyn doono.” ayuu raaciyay.

Ehelada dadka la la’ yahay ayaa si weyn u baadi goobay, waxaana ay ka raadiyeen goobaha dadka lagu hayo, iyaga oo garab ka codsaday siyaasiyiinta iyo culimada diinta, mararka qaarna baraha bulshada maciin biday si ay u helaan dadka ka maqan. Qaar ka mid ah eheladaasi ayaa gudbiyay codsi ay maxkamadaha dalka uga dalbanayaan in ay dowladda ku amraan bixinta xogta dadka la la’ yahay. Hasayeeshee mas’uuliyiinta ayaa beeniyay in ay ogyihiin halka ay jiraan dadkaasi la waayay.

“Haddii dad Kenyan ah la la’ yahay, booliska waxay mas’uuliyad ka saaran tahay in ay si muuqata ula shaqeeyay qoysaska dadkaasi iyo marqaatiyada, si dadka maqan loo helo,” ayuu yiri Roth oo ku daray “Aamusnaanta dowladda ayaa waxbadan muujineysa.”

Hawgalada argagixiso la dagaallanka ah ee laamaha ammaanka ay ka wadaan Waqooyi Bari, ayaa bilowday waxyar ka dib weerarkii Sebtember 2013 lagu qaaday xarunta dukaamaysiga ee Westgate, caasimadda Nairobi, balse waxay xoogeysteen Abriil 2015, ka dib weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dhinteen 147 qof oo 142 ka mid ah ay arday ahaayeen. Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay fulisay labadaasi weerar. Wuxuu ururkaasi sidoo kale sheegtay weerarro kale oo khasaare badan ka geystay gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Si looga jawaabo weerarradaasi ayaa Ciidanka Difaaca Kenya, Booliska, Sirdoonka Qaranka, iyo Kuwa Ilaalada Duurjoogta waxaa la geeyay gobolka Waqooyi Bari, waxaana mararka qaar ay ciidammadaasi la shaqeynayeen unugyo kale oo ku sugan Nairobi.

Human Rights Watch waxa ay rumeysan tahay in 34ta qof ay yihiin dhibanayaal qasab lagu kaxaystay, oo sharciga caalamiga ah uu u aqoonsan yahay dad xoriyadooda ay ka qaateen laamaha dowladda, isla markaana la inkiray xarigooda ama la qariyay xaalkooda iyo halka ay ku sugan yihiin. Milateriga iyo booliska Kenya ayaan ka jawaabin su’aallo ay Human Rights Watch ka weydiisay halka ay ku sugan yihiin 34ta qof.

Tallaabada ay dowladda wax uga qabaneyso tacaddiyada ka dhasha hawlagalada argagixiso la dagaallanka ayaa ah kuwo aan la qaadin waqtigii loo baahnaa, waxaa sidaa sheegtay Human Rights Watch. Dowladdu waa in ay bixisaa xogta asaasiga ah ee ku aaddan heybta, masiirka, iyo halka ay ku sugan yihiin dadka lagu xiray hawlgalada noocaasi ah, iyo in ay xaqiijiso in qof kasta oo la xiro ama lasoo qabto la mariyo habka sharciga ah.

Booliska iyo milateriga Kenya waa in ay si degdeg ah u baaraan dadka la sheegay in la la’ yahay, dilalka iyo jirdilka ka dhaca Waqooyi Bari iyo in ay cadaallada mariyaan kuwa masuulka ka ah arrimahaas. Madaxweynaha waa in uu alkumaa gudi gaar ah oo baaritaan ku sameeya inta ay gaarsiisan yihiin tacaddiyada ka dhasha hawlagalada argagixiso la dagaallanka ee Kenya.

“Shaki kuma jiro in Kenya ay wajahayso caqabado waaweyn oo dhanka ammaanka ah, balse masuuliyiinta waxaa waajib ku ah in jawaab celintooda ay noqoto mid wax ku ool ah, ayna xushmeeyaan habka sharciga ah markasta oo ay laamaha ammaanka hawlgal samaynayaan,” ayuu yiri Roth oo intaa raaciyay “Dadka la la’ yahay iyo kuwa aan dilkooda la baarin ee Waqooyi Bari ayaa ah kuwo loo maray qaab sharci darro ah, waxaana ay arimahaasi sababi karaan in lasii fogeeyo bulshooyinka maxaliga ah, kuwaasoo iskaashi in lala sameeyo loo baahan yahay.”

 

Sharraxaad ay bixiyeen qaar ka mid ah dadka lagu wareystay warbixintan

“Waxa ay u sheegeen Cumar in ay su’aallo ka weydiinayaan ammaanka qaranka, ka dibna ay sii deyn doonaan. Ma aanay sheegin magacyadooda, balse waxay ahaayeen askar la yaqaano oo ka tirsan Waaxda Dembi Baarista, sidaa awgeed Cumar ma aanu weydiin aqoonsigooda. Markaas ayaa noogu dambeysay in aan aragno.”

– Waxaa sidaa yiri nin qaraabo la ah Cumar Yuusuf, oo laga qabtay magaalada Mandheera bishii Abriil 2015.

“Askarta ayaa shanta nin ku kaxaystay gawaari Land Cruiser u eg oo ay ku taallay astaanta Hawgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

 Waxaan markii dambe ka ogaannay dad kala duwan oo gawaaridaasi wadada ku arkay in ay u socdeen dhanka Soomaaliya.”
 – Waxaa sidaa yiri nin 50 jir ah oo taagnaa markii ay askar ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya galeen maqaayad ku taalla Gaarisa, iyaga oo rasaas ku riday isla markaana qabtay shan nin, oo uu ka mid yahay Xasan Cabdulaahi, oo aan ilaa hadda la ogeyn halka uu ku sugan yahay.

“Booliska saldhigga Gaarisa kama aan helin wax caawimaad ah, mana filayo in caawinteena ay xil iska saarayaan. Waxay noo sheegeen in isla maalinkaasi ay maqleen rasaasta, balse waxay beeniyeen in ay wax ka ogyihiin arrinta dhacday. Gudoomiyaha deegaanka Gaarisa ayaa noo sheegay in aanu waxba kala socon waxa dhacay, balse waxa uu u muuqday mid aan dooneyn in uu naga caawiyo sidii aan u ogaan lahayn waxa dhacay. Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa noo sheegay in markii uu rasaasta maqlay uu booliska telefoon u diray, balse daqiiqado gudahood laga soo wacay lambar qarsoon, loona sheegay in uu goobtaasi ka tago isla markaana aanu ka hadlin arrintaas.”
 – Waxaa sidaa yiri 25 jir qaraabo la ah nimanka la la’ yahay.

“[Walaalkey] waxaa laga qabtay degmada uu ku dhashay, ku koray, ilmana ku dhalay. Xilligan la joogana, ma jirto cid og in uu nool yahay ama in kale. Marka, qof kasta wuu dareemi karaa xanuunka ay arrintaasi leedahay. In aad aragto meydka qof aad jeceshahay ayaa ah mid xanuun badan, balse taasi waxay kaa caawineysaa in aad xaqiiqsato geeridiisa.”
 – Waxaa sidaa yiri nin aan walaalkii la arag tan iyo markii ay booliska qabteen 26-kii Abriil 2015.