Skip to main content

Sucuudi Carabiya: 12,000 oo Soomaali ah oo la soo Tarxiilay

Tarxiil Baahsan, Iyadoo Codsiyadii Qaxootiga aan La Tixgalin

(Nairobi) – Mas’uuliyiinta Sucuudigu waxay Soomaaliya u tarxiileen in ka badan 12,000 oo qof tan iyo koowdii Janaayo, 2014-ka, dadkaas oo ay ku jiraan boqolaal haween iyo caruur ah, iyadoon cidna loo ogolaan codsiyadii qaxootiga, sidaasi waxaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Sucuudi Carabiya waa in ay joojisaa tarxiilka aan kala sooca laheyn, taasoo halis u galinayso inay ku xadgudubto waajibaadkeeda caalamiga ah oo ku aadan in aan dib loogu celin shakhsi goob naftiisa iyo xoriyaddiisa ay halis ku galeyso ama ay dhibaato weyn ay ku soo wajihi karto.

Todobo qof oo Soomaali ah oo dhawaan laga soo tarxiilay Sucuudi Carabiya ayaa ugu sheegay baarayaasha Human Rights Watch magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya, in mas’uuliyiinta Sucuudigu ay xireen dhowr todobaad iyagoo ku jiray xaalad xun, qaarna waxayba sheegeen in ciidammada ammaanka Sucuudiga ay garaaceen. Cidna looma ogolaan in ay la hadasho Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR) si ay ugala hadlaan suuragalnimada in ay codsadaan qaxootinimo ka hor inta aan la tarxiilin. UNHCR ayaa bartamihii Janaayo  sheegtay in “Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay tahay meel aad khatar u ah.” UNHCR ayaa sidoo kale waxay sheegtay in mas’uuliyiinta Sucuudigu ay u diideen howlwadeenadeeda in ay galaangal u yeeshaan Soomaalida lagu xiray dalkaas.

“Mas’uuliyiinta Sucuudiga waxa ay kumanaan rag, haween iyo caruur ah u tarxiileen dalka ay colaadu burburisay ee Soomaaliya, iyagoo u diiday fursad ay ku doonan lahaayeen magangalyo,” waxaa sidaasi yiri Gerry Simpson, oo ah sarkaal sare oo Human Rights Watch u qaabilsan cilmibaarista arimaha qaxootiga. “Sucuudi Carabiya waa in ay u ogolaadaan in uu codsado qaxootinimo qof kasta oo ka cabsi qaba in si xun loola dhaqmi doono haddii lagu celiyo dalkiisa, iyadoo ay gacan siinayso UN-ta, haddii loo baahdo.”

Madaxa Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa 3-dii bishii Febraayo u sheegay baarayaasha Human Rights Watch in Sucuudi Carabiya ay soo tarxiishay 12,332 qof oo Soomaali ah kuwaasoo la geeyay magaalada Muqdisho laga soo bilaabo koowdii Janaayo. Sida ay sheegaytay UNHCR-na, tiro ka mid ah dadka la soo tarxiilay aanay ka iman Muqdisho kaliya balse waxaa jira dad ka yimid qeybo kale oo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hay’adda Caalamiga ah ee Muhaajiriinta ee (IOM) ayaa sheegtay in wasaarada arrimaha gudaha ee Soomaaliya ay filayso in todobaadyada soo socda ay Sucuudi Carabiya soo tarxiili doonto 30,000 oo qof oo kale. Tarxiilka ayaa wuxuu qeyb ka yahay olole ay dowladda Sucuudigu ku doonayso in ay dalka kaga saarto shaqaalaha ajaanibta ah ee aan dalka sharciga ku joogin.

Sucuudi Carabiya waa in ay si degdeg ah ku sameyso hannaan u ogolaanaya dadka qaxootiga ah ee ay Soomaalidu kujiraan doonashada magangalyo ama hab kale oo ilaalin kara, Human Rights Watch ayaa sidaasi tiri. Caruurta waa in aan loo xirin inay yihiin muhaajiriin awadeed, caruurta aan lala soconna waa kuwa kaligood safra iyadoo aanu jirin cid daryeelaysa – waa in aan lala xirin dad waa weyn oo aan qaraabo la aheyn. Haddii Sucuudi Carabiya ay ogaato qof khatar ku gali kara Soomaaliya, mas’uuliyiinta waa in ay siiyaan sharci uu ku joogi karo dalka oo si dhawna ula shaqeeyaan UNHCR, haddii loo baahdo. Sidoo kale waa in ay si degdeg ah u hagaajisaa xaaladaha goobaha dadka tarxiilka sugayo lagu xiro, xiritaankuna waa in uu noqdo oo kaliya mid lagama maarmaan ah oo dheeli tiran una qalma si ay u fuliyaan howshooda.

Soomaalida la soo tarxiilay ee ay Human Rights Watch wareysatay ayaa waxay tilmaameen in goobaha Sucuudiga ee lagu xiray markii la sootarxiili rabay ay ka jireen ciriiri fara badan, hawo iyo iftiin la’aan, kuleyl xad dhaaf ah, iyo kaalmo caafimaad oo xaddidan. Dhammaantood waxay ka cawdeen tayada iyo inta ay leékeyd cuntada la siin jiray. Qof la soo tarxiilay ayaa sheegay in ilaalada xabsigu ay si joogta ah u garaaci jireen, midkalana wuxuu arkay ilaalada xabsiga oo garaacayay maxaabiis ka cawday xaaladaha xabsiga. Markii laga reebo hal xabsi, dhammaan goobaha dadka lagu xiro ma aanay laheyn sariiro maxaabiistuna dhulka ayey seexanayeen.

Soomaalidu waxa ay sheegeen in garaaca iyo tacaddiyada kalaba ay socdeen markii la soo tarxiilayay. Haweeneey xaamilo ah oo ku jirtay bishii sagaalaad oo lagu magacaabo Sacdiyo oo la xiray dabadeedna la sootarxiilay iyadoon ninkeeda la socon, ayaa Human Rights Watch u sheegtay in haweeney boolis Sucuudiyaan ah ay dhabarka kaga garaacday bud/budh xilli ay ku jirtay saf gagida diyaaraha ee magaalada Jeddah. Fooshii ayaa qabatay waxayna ku dhashay sagxadda diyaarada markii ay Muqdisho usoo duushay.

“Mas’uuliyiinta Sucuudigu waa in ay baaraan eedaha tacaddiyada ka dhaca goobaha dadka lagu xiro iyo xilliga la tarxiilayaba,” Simpson ayaa sidaa yiri. “Dowladdu waa in ay si degdeg ah wax uga qabato xaaladda liidata ee goobaheeda dadka lagu xiro.”

Qof Soomaali ah oo la soo tarxiilay oo lagu magacaabo Maxamed ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Sucuudigu ay ku xireen 5 goobood oo kala duwan oo uu ku xirnaa 57 maalmood ka hor inta aan la tarxiilin.

“Xabsigii ugu horreeyay oo ku yaalay Riyaad [caasimmada Sucuudiga], cuntada aad ayey u yareyd oo waanu isku dagaali jirnay marka qofka ugu xoogga badan ayaa cuni jiray inta ugu badan,” ayuu yiri. Wuxuuna intaa ku daray “Ilaalada xabsiga waxay noo sheegi jireen in aan darbiga eegno kaddibna dhabarka ayey ulo bir ah nooga garaaci jireen. Xabsiga labaadna, laba musqulood ayaa waxaa isla isticmaali jiray 1,200 oo qof, oo ay ku jireen tobaneeyo caruur ah.”

Dadka la soo tarxiilay waxaa soo wajihi kara xaalado halis ah oo khatar galiya naftooda ama nolol liidata oo bini’aadamnimada ka baxsan oo ku soo wajihi karta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, Human Rights Watcha ayaa tiri. Magaalada Muqdisho, qiyaastii 370,000 oo qof oo barakacayaal ah ayaa ku nool xeryo ay ku haysato xaalado qalafsan, dadkaas oo ka soo barakacay macaluul iyo colaado ka dhacay goobo kale oo dalka ka mid ah, ammaan ku filanna kuama haystaan xeryaha. Dagaalo ayaa ka soconayo qeybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Kooxda Islaamiga ah ee hubeysan ee al-Shabaab ayaa weli si khasab ah waxa ay askar uga dhigaan dad waa weyn iyo caruurba.

Qaraxyada al-Shabaab iyo weerrarada kale ee ay ka geysato Magalaada Muqdisho ayaa inta badan bartilmaameedsada ama dila ama dhaawac u geysta dad rayid ah. 13-kii bishii Febraayo, al-Shabaab waxay sheegteen in maalintaas ay mas’uul ka ahaayeen qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay bannaanka hore ee gagida diyaaradaha Muqdisho, oo markaas lagu bartilmaameedsaday kolonyo Qaramada Midoobay ay lahayd, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof.

Xeerarka caalamiga ah waxa ay mamnuucayaan in qof lagu celiyo goob naftiisa iyo xoriyaddiisa ay halis ku geli karto ama goob ay dhibaato ku wajahi karto sida jir dil, ama nolol liidata oo bini’aadamnimada ka baxsan. 17-kii bishii Janaayo, UNHCR waxa ay soo saartay mabaadii’da ay tahay in la tixraaco markii la doonayo in qof lagu celiyo Soomaaliya, waxayna ugu baaqday wadammada in aanay qof celin ka hor inta aanay wareysan oo aanay xaqiijin in qofku uusan la kulmeyn halis ama dhibaato kale oo weyn haddii dib loo celiyo. UNHCR iyo IOM-ba waxay sheegeen in Sucuudi Carabiya aanay raacin habkaas markii ay Soomaalida dib u celinayeen.

“Soomaaliya weli waxaa hareeynaya colaad ay ku dhintaan kuna dhaawacmaan dad rayid ah, halka boqolaal kun oo barakacayaal ahna ay ku nool yihiin xeryo aan ammaan aheyn,” Simpson ayaa sidaasi yiri. “Sucuudi Carabiya iyo wadammada kale ee ay Soomaalida ku nool yihiin waa in ay si qoto dheer u eegaan codsiyada qaxootiga iyo codsiyada kale ee magangalyo doonka ee ay soo gudbiyaan Soomaalidu.”

Sucuudi Carabiya ma aanay saxiixin Sharciga Qaxootiga ee la sameeyay 1951 mana laha haba yaraatee hannaan magangalyo. UNHCR, oo xafiis yar ku leh magaalada Riyaad ayaan loo ogoleyn in ay qabato ama ay dib u eegid ku sameyso codsidayada qaxootiga, hannaankaas waxaa loo yaqaan “Ogaanshaha Xaalada Qaxootiga.” Mas’uuliyiinta Sucuudiga ma laha habab kale oo u ogolaanayo Soomaalida ama dadka kale ee ka cabsi qaba dhibaatooyin haddii ay ku laabtaan dalalkooda in ay magangalyo ka helaan Sucuudi Carabiya.

Wadammada deeqda ugu badan siiya UNHCR oo ay ku jiraan Midowga Yurub iyo Mareykanka waa in ay ku cadaadiyaan Sucuudi Carabiya in ay soo afjarto tarxiilidda ay ku hayaan Soomaalida.

“Dowladda Sucuudiga waxay xaq u leedahay in ay horumariso fursadaha shaqo ee ay helaan muwaadiniinteeda, hasayeeshee waxaa loo baahan yahay in ay xaqiijiso in aanay dadka dib ugu celin meel ay naftooda halis ku gali karto,” Simpson ayaa sidaasi yiri. “Sucuudi Carabiya marmarsiyo uma heli karto in aanay nabadgalyo siin qaar ka mid ah dadka dhibaatada ugu weyn ay dunida ku haysato.”

Soomaalida oo Tilmaantay Xaalada Xabsiyada Kuyaal Sucuudi Carabiya
Dhowr qof oo la soo tarxiilay oo la hadlay baarayaasha hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegay in ay ku dhaceen caafimaad darro xun intii ay ku sugnaayeen xabsiyada Sucuudiga, oo ay ka mid tahay qufac joogta ah. Qaar waxay sheegeen in ay arkeen carruur la xirnaa dad waaweyn oo qaraabadooda ah. Mid ayaa sheegay in uu la xirnaa qiyaastii 30 carruur ah oo yaryar oo aanay la socon dad caawiya.

Haweeney ka shaqeysa caafimaadka oo joogta magaalada Muqdisho ayaa u sheegtay Human Rights Watch in dhowr todobaad ay isbital ku yaal magaalada Muqdisho ku daweysay wiil hal sano jir ah. Canuga ayaa waxaa lala xiray aabihii muddo bil ah inta aan la soo tarxiilin ka hor waxaana ku dhacay shuban biyood, fuuqbax iyo dhiig la’aan.

Salaado oo ah 35 sano jir ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Sucuudigu ay xireen ayada iyo labadeeda canug oo 7 iyo 9 jir kala ah, iyo saddex canug oo ay dhashay walaasheed muddo sagaal maalmood ah ka hor inta aan la soo tarxiilin: “Qolka aan ku xirnayn oo ay ku jireen 150 haween iyo carruur ah aad ayuu u kululaa mana laheyn qaboojiye. Carruurtu way xanuunsanayeen. Wiilkeyga waa uu hunqaacayay/matagayay calooshiisana way weynaatay. Majirin firaash/joodari oo dadku dhulka ayey jiifeen.”

IOM ayaa si cad u sheegtay in dad badan oo ka mid ah dadka la soo tarxiilay ay ku jiraan xaalad caafimaad oo hooseysa oo ay ka qaadeen xabsi dheer iyo xaalado aad u liita oo ay ku sugnaayeen ka hor inta aan la soo tarxiilin. Qaar waxaa ku dhacay waxyeelo dhanka jirka iyo maskaxda ah ama waxaa ku dhacay xanuuno xagga habdhiska neefsiga ah oo ay ku jiraan koolba aaryo/burukiito. IOM waxay sheegtay in “dad badan ay suuragal tahay in si xun loola dhaqmay.”

Howlwadeen ka tirsan IOM ayaa Human Rights Watch u sheegay in ay qorsheynayaan in ay rug caafimaad ka sameeyaan gagida diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si dadka la soo tarxiilay ay u siiiyaan gargaar caafimaad oo degdeg ah iyo qalab kale oo aan cunno aheyn sida bustayaal iyo biyo, inkastoo adeegyadaas aanay bilaaban ilaa 17-kii bishan Febraayo. UNHCR ayaa u sheegtay Human Rights Watch in howlwadeenadeeda ay la shaqeyn doonaan IOM si loo ogaado dadka khatarta weyn ay ku soo wajihi karto Soomaaliya.

Tarxiilka muhaajiriinta aan sharciga haysan ee ku sugan Sucuudi Carabiya
Sida ay UNHCR sheegayso, tarxiilkan ballaaran ee bishii Janaayo lagu sameeyay Soomaalida waxaa ka horeeyay ugu yaraan 12,000 oo Soomaali ah oo dowladda Sucuudi Carabiya ay Muqdisho u soo tarxiishay sanadkii 2013-ka iyo kumanaan kale oo la soo tarxiilay sanadkii 2012-ka.

Bishii Nofeembar, saraakiisha Sucuudi Carabiya ayaa dib u bilaabay olole markii hore la bilaabay bishii Abriil oo wax yar un kaddib la hakiyay oo looga dan lahaa in lagu ogaado laguna tarxiilo shaqaalaha ajanabiga ah oo lagu tilmaamay in ay ku xad gudbayeen shuruucada shaqaalaha ee maxalliga ah, ajaanibtaas oo ay ku jiraan shaqaale ka yimid Soomaaliya, Bangladesh, Itoobiya, Indiya, Filibiiniyiin, Nepal, Pakistan iyo Yemen. Wasaarada arrimaha gudaha ee Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday 21-kii Janaayo in ay tarxiishay in ka badan 250,000 oo qof laga soo bilaabo bishii Nofeembar.

Human Rights Watch waxay wareysatay 42 qof oo shaqaale Yamaniyiin ah oo laga soo tarxiilay Sucuudi Carabiya bishii Nofeembar, kuwaas oo tilmaamaha ay ka bixiyeen xaaladaha xabsiyada ay la mid yihiin kuwa Soomaalida la soo tarxiilay ay sheegeen. Inta badan waxay sheegeen in xabsiyada ay ciriiri ahaayeen, cuntada aanay ku filneyn oo biyo lacabi karana aanay jirin, waxayna sidoo kale sheegeen in ay jirtay garaacid joogta ah oo ay u geysanayeen ilaalada xabsiyada. Shan qof oo u dhashay waddanka Itoobiya ayaa Human Rights Watch u sheegay bishii Nofeembar in kumanaan shaqaale ajnabi ah lagu xiray xabsiyo ku meel gaar ah oo ku yaal magaalada Riyaad oo aanan la siin jirin gabaad iyo cunto ku filan ka hor inta aan la tarxiilin.

Colaadda ka Taagan Soomaaliya
17-kii bishii Janaayo, UNHCR ayaa waxay soo saartay mabaadii’ay tahay in ay tixgaliyaan wadammada qiimeynaya codsiyada qaxootiga Soomaalida ah ama codsiyada kale ee magangalyo doonka ah oo ku saleysan sharciga xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah. 28-kii bishii Janaayo, UNHCR ayaa waxa ay soo saartay warsaxaafadeed ku saabsan mabaadii’daas, iyadoo ka codsatay dhammaan dowladaha “in ay fuliyaan waajibaadkooda” ku aaddan in aanay qof qasab ugu celinin Soomaaliya haddii aanay ku qancin in qofkaas aanu dhibaato kula kulmeyn haddii lagu celiyo halkaas.

UNHCR ayaa sheegtay in koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya “ay weli tahay meel aad halis u ah” sidaas awgeedna “waxay u aragtaa in fursadaha ay Soomaalida ku heli karaan nabadgalyo ka celisa dhibaato khatar ah oo ku soo wajahda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya in ay tahay mid xaddidan.” Hay’adda ayaa sheegtay in “gaar ahaan ay arrintaasi xaqiiqo ka tahay deegaano ballaaran oo ay gacanta ku hayaan al-Shabaab,” taasoo “gaar ahaan mamnuucday qeybo kala duwan oo xuquuq iyo xoriyadd ah, gaar ahaana waxay arintaasi saameysay haweenka” waxayna u adeegsataa ciqaab ahaan “in dadka lagu garaaco meel fagaare ah, gacmaha oo la jaro … iyo qoorgoyn.”  

UNHCR ayaa sidoo kale waxay sheegtay in tirada weerrarada al-Shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho ee ay ku dhinteen dadka rayidka ah ay sare u kacday 2013-kii iyadoo mas’uuliyiinta Soomaaliya “la sheegay in ay ku guuldareysteen in ay inta badan bulshada siiiyaan ammaan ku filan.”

Human Rights Watch ayaa sidoo kale waxay wax ka qortay in al-Shabaab ay tacaddiyo waaweyn oo ka dhan ah muwaadiniinta ay geysteen, oo ay ka mid tahay caruurta oo si khasab ah askar looga dhigo iyo weerraro loo geysto dad lagu tuhmayo in ay taageero u yihiin dowladda Soomaaliya. Kooxda hubeysan waxay bartilmaameedsataa ardayda, macalimiinta, dhismooyinka dugsiyada iyadoo dugsiyadana u isticmaala goobo dab rid ah iyo iyagoo ardayda ka dhigta gabaad.

Bishii Maarso, Human Rights Watch waxay ka warrantay tacaddiyo dhanka galmada ah iyo tacaddiyo kale oo loo geystay dad barakacayaal ah oo ku nool xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho.

Bishii Janaayo 2013-kii, dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday qorshayaal dib u dejin loogu sameynayo kumanaan kun oo barakacayaal ah oo ku sugan magaalada Muqdisho. Qorshayaashaas waxaa asal ahaan hakiyay awood darada dowladda ee ku aaddan in ay dadkaasi ilaalo ku siiso goobaha dib u dejinta loogu sameyn lahaa. Sida ay UNHCR sheegtayna, ku dhawaad 60,000 oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya sagaalkii bilood ee ugu horreeyay 2013-kii, taasoo ka dhigaysa tirada barakacayaasha ilaa 1.1 milyan oo qof.

13-kii bishan Febraayo, 2014-ka, warbixin ay soo saartay Human Rights Watch ayaa lagu sheegay kufsi heerar sarsare ah iyo tacaddiyo dhanka galmada ah oo loo geystay haween iyo gabdho ku nool magaalada Muqdisho sanadkii 2013-ka, gaar ahaan haweenka barakacayaasha ah oo lagu weerraray gudah xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha iyo nawaaxigooda.

Bishii Nofeembar, UNHCR, Kenya, iyo Soomaaliya ayaa waxa ay saxiixeen Heshiis saddex geesood ah oo lagu qeexayo hannaanka loo marayo sidii lagu caawin lahaa Soomaalida doonaysa in ay dib ugu laabtaan Soomaaliya. Heshiiska wuxuu ku celceliyay in aad loo xushmeeyo mabda’a ah in dadka aan lagu celin meel ay dhibaato weyn kala kulmi karaan. Warsaxaafadeed ay UNHCR soo saartay bishii Janaayo ayey ku sheegtay in heshiiskaas iyo qorshaha suuragalka ay tahay in ay ku caawiso dadka iskood ugu laabanyo dalkooda aan loo tarjumi karin in Soomaaliya ay nabad u tahay qof walba. Hay’adda ayaa ku warrantay in 2013-kii ilaa iyo 42,000 oo Soomaali ah ay ka carareen dalkooda si ay magangalyo uga doontaan caalamka.

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.