A child surrounded by her family’s belongings during the massive forced eviction by Somali authorities of a displaced person’s camp in the Kadha (formerly Dharkenley) district of Mogadishu, Somalia on March 4, 2015.

© 2015 Private

(Nairobi) – Ciidammada ammaanka ee dawladda Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso ee 2015-ka, si xoog ah ku raray ku dhawaad 21,000 oo qof oo ahaa barakacayaal caasimadda ku nool. Sidaasi waxaa warbixin ay manta soo saartay ku sheegtay Human Rights Watch. Ciidammada dawladda ayaa taariikhdu markii ay ahayd 4-ta iyo 5-ta Maarso, karbaashay qaar ka mid ah barakacayaasha la raray, waxaana ay ka burburiyeen hoygoodii, iyagoo cunno iyo biyo la’aan dhigay. Inta badan dadkaasi la raray ayaa guryahoodii uga soo barakacay abaartii iyo dagaalladii dhacay 2011-kii, waxaana marar badan ay ahaayeen kuwo lasii barakiciyo.

Dawladda Soomaaliya waa inay joojisaa xoog ku rarida barakacayaasha Muqdisho, taa bedelkeedana ay difaacdaa oo ay kaalmeysaa dadkaasi, sidaa ayay sheegtay Human Rights Watch.  

“Dawladda Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee lasoo dhaafay aan wax badan ka qaban xaaladda murugsan ee ay ku noolyihiin kumannaanka barakacayaasha ah ee ku nool Muqdisho,” waxaa sidaa tiri Leslie Lefkow, oo ah ku xigeenka agaasimaha Afrika ee Human Rights Watch. “Xilligan la joogo, halkii ay dawladda dadkaasi barakacayaasha ah ka siin lahayd biyaha iyo fayadhowrka ay u baahanyihiin, ayaa ciidammada ammaanka waxa ay si naxariis la’aan ah uga rarayaan goobihii ay deganaayeen, iyadoo taasina ay ka dhigeyso kuwo hoy la’ isla markaana rafaadsan.”   

Human Rights Watch ayaa la hadashay 17 qof oo xeryaha barakacayaasha ku nool iyo 6 qof oo kale oo goobjoogayaal u ahaa raritaanki Maarso, waxaana ay sidoo kale eegtay sawiro satalayt ah oo deegaankaasi laga qaaday mudadii u dhexeysay 27-kii Febaraayo ilaa 9-kii Abriil.

Intii u dhexeysay 4-tii ilaa 7-dii Maarso, booliska Soomaaliya, hay’adda sirdoonka qaranka iyo askarta dawladda hoose, ayaa kumannaan barakacayaal ah si xoog ah uga raray xerooyin ku yaalla degmada Kaxda (markii hore loo yaqaanay Dharkenley) ee magaalada Muqdisho. Xilligii uu socday howgalkaasi, ciidammada ayaa karbaashay oo u cagajugleeyay barakacayaasha diiday inay guuraan, waxaana ay burburiyeen iyaga oo gacmahooda iyo cagaf-cagafba adeegsanaya cooshashkii iyo dukaamihii ay barakacayaasha lahaayeen.

Dawladda ayaa ku guuldareysatay inay xilli wanaagsan barakacayaasha ku wargeliso raritaankooda, amaba ay magdhow siiso, mana aanay siinin dib u dejin ama fursad ay bulshada ku dhex galaan, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

Hay’addaha gargaarka ayaa sheegay in dad tiradooda lagu qiyaasay 1.1 milyan oo qof ay barakacayaal ku yihiin gudaha Soomaaliya, waxaana dadkaasi ka mid ah 370,000 qof oo ku nool Muqdisho. Tirakoob sax ah oo muujinaya tirada barakacayaasha ayaanan jirin, maadaama aysan dawladda diiwaangelin barakacayaasha.

Tan iyo 2011-kii, barakacayaal ku nool xeryaha oo isugu jira haween, rag iyo caruur ayaa la kulmay tacadiyo xun oo ay ka mid yihiin kufsi, weerarro, xanibaad dhanka gargaarka ah iyo faquuq ku salaysan qabiil oo ay kula kaceen ciidammada dawladda, maleeshiyaad taabacsan iyo shakhsiyaad gaar ah.

Sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, UNHCR, ugu yaraan 25,700 oo barakacayaal ah ayaa qasab lagu raray laba bilood ka hor howlgalkii Kaxda, balse sida ay sheegtay Human Rights Watch, howlgalkaasi Kaxda ayaa ahaa mid xoog badan loo adeegsaday.

Human Rights Watch ayaa heshay nuqul ka mid ah wargelintii 25-ka Febaraayo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir uuna ku saxiixan yahay duqa Muqdisho. Waxaa wargelinta lagu sheegay in dadka ku nool deegaan cabirkiisu yahay 600-X-650-mitir laguna sheegay dhul ay dawladda leedahay, ay ku guuraan mudo todobaad ah, waxaana lagu amray gudoomiyaha degmada in uu dadkaasi u sheego amarka.

Barakacayaasha ayaa u sheegay Human Rights Watch in qaar badan oo ka mid ah barakacayaasha aanay wax wargelin ah ka helin gudoomiyaha degmada. Dhowr ka mid ah barakacayaasha ayaa howlgalka ka warhelay ku dhowaad saddex maalmood ka hor inta aanu bilaaban, kaddib markii ay xerada yimaadeed ciidammo kuwaas oo dukaamaha qaar xigay wadada weyn ku qoray erayga dumis. Dhammaan dadka u warramay Human Rights Watch ayaa sheegay in aanay arag warqada wargelinta rasmiga ah, intooda badana anaay ogeyn raritaanka la qorsheeyay.

Dhowr ka mid ah barakacayaasha xeradaasi ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ay karbaasheen markii ay diideen inay guuraan, isla markaana cooshashkoodii la burburiyay 4-tii Maarso.

Hooyo 33 jir ah oo 7 caruur dhashay ayaa u sheegtay Human Rights Watch:

Waxa ay ahaayeen saddex nin oo hubeysan. Mid ka mid ah ayaa gilgilay cooshkeyga, waxaana isku dayay in aan ka celiyo maadaama uu cunug iiga jiray cooshka. Wuu i dharbaaxay, balse waxaan ku qeylinayay in gabadheyda ay ku jirto cooshka. Markii dambe ayuu joojiyay gilgilitaanka, waxaana uu ii sheegay in aan gabadha ka baxsado. Markii aan sidaa u galayba, wuu igu dumiyay cooshka, wuxuuna u dhaqaaqay midka igu xiga.

Dawladaha ayaa marxaladaha qaar si sharci ah dadka u rari kara, sida haddii ay taasi ku jirto danta shacabka. Si kastaba, si uu sharci u ahaado raritaanka, waa inuu waafaqsanaadaa shuruucda xuquuqda aadanaha ee dalka iyo kuwa caalamiga ahba, oo ay ka mid yihiin in waqti wanaagsan dadka lagu wargeliyaa raritaanka iyo in si wanaagsan loo ilaaliyaa xuquuqda dadkaasi. Dadka laga raray goobtii ay ku noolaayeen waa in la siiyaa goob kale oo bedel ah iyo cunno, waxbarasho, caafimaad, shaqooyin iyo fursadaha kale ee noolasha.

Dawladda Soomaaliya ayaa meel marisay siyaasad cad oo ku aaddan barakicinta, qaabka loo difaacayo dadka la barakiciyo xilliga raritaanka, iyo xaqiijinta in raritaanka uu yahay mid sharciga ku dhisan, balse dawladda ayaa ku guuldareysatay adeegsiga siyaasadaasi, sida ay sheegtay Human Rights Watch.

“Xilli kasta oo ay dhawacaan howlagaladaan, dawladdu waxa ay jebisaa siyaasadaheeda ku aaddan raritaanka,” Lefkow ayaa sidaa tiri. “Haddii dawladda Soomaaliya ay dooneyso inay rarto barakacayaal, dawladda hoose iyo federaalka Muqdisho waa in marka hore ay diyaariyaan qorshe lagu xaqiijinayo ammaanka iyo helitaanka adeegyada asaasiga ah ee dadkaasi.”

Dadka la raray ayaa u sheegay Human Rights Watch, inay dib u dageen meel lagu magacaabay “marinka Afgooye” oo ku taalla wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee dhinaca waqooyiga. Waxa ay sheegeen in aanay halkaasi ku haysan biyo nadiif ah iyo musqulo, ayna qabaan cabsi caafimaad iyo mid ammaanba, isla markaana ay macquul tahay inay meel kale uga guuraan.

Ammaanka marinka Afgooye ayaa ah mid laga walwalsan yahay, marka la eego weerarrada ay Shabaab ku qaadaan ciidammada dawladda iyo kuwa Midowga Afrika. Mid ka mid ah saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa u sheegay Human Rights Watch in shaqaalaha hay’adooda ay ka xun yihiin booqashada xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla goobaha fog ammaan darrida awgeed.

 “Xoog ugu rarida barakacayaasha goobo aan ammaan ahayn, oo aanay difaac ku heleyn, gargaarka ay heli karaana uu kooban yahay, ayaa waxa ay khatar gelineysaa noolashooda,” Lefkow ayaa sidaa tiri. “Dhammaan kuwa ay khuseyso, oo ay ka mid yihiin dawladda, deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha samafalka, waa inay xaqiijiyaan in raritaanka kasta uu si buuxda u xushmeeyo xuquuqda barakacayaasha, ka hor, inta lagu guda jiro iyo weliba kaddib howlgalka raritaanka.”

Haddii aad dooneyso macluumaad dheeraad ah oo ku aaddan raritaankii Maarso, fadlan hoos eeg.

Raritaankii Maarso
Dad ku noolaa xerooyinka aan rasmiga ahayn ee ku yaalla inta u dhexeysa Asluubta iyo Sarkuusta ee degmada Kaxda (ee hooray degmada Dharkinley ugu yiilay) ee cirifka galbeedka ee Muqdisho, ayaa u sheegay Human Rights Watch in aroornimadii 4-tii bishii Maarso, ay xubno ka tirsan booliska Soomaaliya, hay’ada sirdoonka qaranka iyo askarta dawladda hoose ay isku gadaameen xerooyinka. Dadka qaar ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas socotay dhowr daqiiqo, iyo askarta oo ku qeylinayay inay si degdeg ah ku guuraan.

Ciidammada ammaanka ayaa bilaabay inay dadka raraan waxyar un kaddib salaadii subax abaare 4:30 aroornimo, iyaga oo bilaabay inay burburiyaan cooshashka ku dhow wadada weyn. Waxa ay burburiyeen cooshashka iyo dukaamada iyaga oo inta badan adeegsanayay gacmahooda iyo ugu yaraan hal cagaf-cagaf, waxaana ay dadkii halkaa deganaa, oo intooda badan qori caaradii lagu hayay, ay ku amreen inay dumiyaan aqaladooda.

Baracakacayaasha degnaa meelaha ka fog wadada ayaa sheegay inay u suuragashay qaadashada qaar ka mid ah alaabtooda iyo walxihii ay ka dhisnaayeen cooshashkooda. Qaar kalana waxa ay sheegeen inay aqaladooda ka carareen iyaga oo aan waxba kala bixin, sidaasna ay ku waayeen wixii ay noolashooda ku maareyn jireen. Nin 45 jir ah oo dukaan ku lahaa agagaarka wadada weyn ayaa yiri:

Markii aan arkay sida arxan darrada ah ee cagaftu u burburineysay dukaamadda, waxaan isku dayay in aan kala baxo qaar ka mid ah alaabteydii. Waxaan nafteyda u sheegay in haddii ay rabaan ay idilaan, waxaana sidaa kula soo baxay alaabta qaarkeed iyo jiingada qeyb ka mid ah. Cagafta ayaa badeelkeeda hoosta ka gelisay dukaanka, markii uu dumayna, wuxuu darawalka mariyay cagaftiisa, waxa uu sidaa ku sameeyay dukaamadii deriska oo dhan, alaabtii oo dhanna waxay noqotay mid duuganta.

Shaqaalaha gargaarka ayaa u sheegay Human Rights Watch in sidoo kale la burburiyay goobihii biyaha iyo musqulihii ku yaallay xeryahaas.

Inkasta oo raritaanka uu xoogiisa dhacay 4-tii Maarso, ciidammada ammaanka ayaa ilaalo ka ahaa xeryaha ilaa iyo 7-dii Maarso, waxaana ay ka celinayeen dadka doonayay inay xeryaha kala baxaan alaabadooda. Mid ka mid ah hoggaamiyayaasha barakacayaasha oo xeryaha booqday bil kaddib raritaanka, ayaa sheegay inay jiraan dad weli ku harsan meel u dhow xeryaha la raray.

Human Rights Watch ayaa falanqeysay sawiro satalayt ah oo la qaaday subaxyadii 27-kii Febaraayo iyo 6-dii Maarso, oo xaqiijinaya in xero ay ku sugnaayeen dadka barakacayaasha ah ee ku taalay dhinaca galbeed ee wadada Afgooye, ee ku dhaw waqooyiga garoonka Asluubta la xiray waqtigaas, iyo in in kabadan 3400 oo teendhooyin ah oo ay lahaayeen qoysas iyo qalabyada deegaanka iyo dhismooyin ganacsi laga raray xerada. Sawirada satalaytka ayaa sidoo kale muujinaya caddeyn ah in ku dhawaad 150 guri si isku qaab ah loo dumiyay. Guryahan ayaa waxa ay u badantahay inay isticmaalayeen hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee bixinayay gargaarka iyo adeegyada asaasiga ah.

Sawiro satalayt ah oo la qaaday 6-dii Abriil ayaa muujinaya in kadib 6-dii Maarso in ka badan 1000 teendhooyin dheeraad ah iyo dhismooyin la xiriiray laga fujiyay saddex xero oo yaryar oo 300 oo mitir u jira xerada weyn, taasi ayaa ka dhigaysa tirada dhismayaasha la raray ama la burburiyay ugu yaraan 4,500 mudo shan asbuuc gudahood ah. Human Rights Watch ayaa sidoo kale heshay caddeyn ah inay sii socotay dumintii iyadoo aad moodo in cagaf-cagaf ama aalado kale oo awood leh lagu duminayay dhismayaashii haray iyo weliba geedaha ku yaala deegaankaa.

Muuqaalada la qaaday ayaa sidoo kale muujinaya in dhowr deegaan oo waaweyn oo cusub oo 3 kiilo mitir u jira goobta dadka laga raray laga sameeyay intii u dhexeysay 6-dii Maarso ilaa 9-kii Abriil, waxaana goobtaasi loo yaqaanaa “Waydow.”

Qiimeyn bani’aadannimo oo la sameeyay raritaanka kaddib ayaa lagu ogaaday in inta badan dadka la barakiciyay aanay haysan biyo nadiif ah iyo musqulo, halka ku dhawaad kala bar dadkii la wareystayna ay sheegeen in aanay hoy haysan. Qiimeynta ayaa lagu ogaaday barakacayaal ku sugan dhul baaxadiisu dhantahay 9 kiilo mitir oo waqooyiga ka xiga halkii laga raray.

Dhammaan barakacayaashii la su’aalay ayaa sheegay in aanay helin hoy bedel ah, dhul ama wax kaalmo ah oo ay dawladdu siisay tan iyo raritaankii Maarso amaba ka hor. Qaar badan oo ka mid ah ayaa sheegay in ugu yaraan hal mar ama marar badan laga raray goobo ay kaga noolaayeen bartamaha Muqdisho, tan iyo markii ay usoo hayaameen sanadkii 2011-kii. Sida ay sheegtay hay’ada UNHCR, sanadkii 2014-kii, 32,500 oo qof ayaa xoog lagu raray, intooda badana waxaa laga saaray xeryo ku yaalla degmooyinka Hodan iyo Dayniile ee Muqdisho. 

Dhawr qof oo barakacayaal ah ayaa u sheegay Human Rights Watch in raritaankii ugu dambeeyay ay ku waayeen waxyaabo ay noolashooda ku tiirsaneyd, qaarkood waxa ay sheegeen in raritaanka ay ku waayeen dukaamadoodii, halka kuwa kalana ay ka fogaadeen goobihii ay u xamaal tagi jireen ee magaalada.

Human Rights Watch ayaa ka warbixisay tacadiyo kala duwan oo loo geysto barakacayaasha Soomaaliya. Human Rights Watch ayaa sidoo kale ogaatay in fursadaha maareynta noolasha oo yar awgeed, ay haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha ah ay khatar ugu jiraan tacadiyo dhanka galmada ah iyo in lagu shaqeysto, sida inay meela fog u doonaan xaabo, xamaal ama tuugsi.

Heerarka Sharciyeed iyo kuwa Siyaasadeed ee la adeegsan karo Xilliga Raritaanka Barakacayaasha
Sida ku cad sharciga caalamiga ah ee xuquuqda dadka iyo weliba axdiga Midowga Afrika u yaalla ee heshiiska Kampala ee ilaalinta iyo caawinta barakacayaasha gudaha, dawladda waxaa saran mas’uuliyad ah inay si aan kala sooc lahayn u xushmeyso xuquuqda dadka barakacayaasha ah. Soomaaliya ayaa saxiixday heshiiska Kampala -- oo ah midkii u horeeyay ee heer gobol ah, kaasoo looga hortagayo barakicinta, lagu caawinayo barakacayaasha, looguna helayo xal waara -- balse weli Midowga Afrika uma aanay gudbin qaabka fulinta heshiiskaasi. Sida ku cad heshiiska Vienna ee sharciga heshiisyada, Soomaaliya waxay mas’uuliyad ka saaran tahay “in aanay jebin ujeeddada heshiis ka hor inta aanay dhaqan gelin.”

Sida ku cad heshiiska Kampala, dawladda waxaa waajib ku ah ilaalinta barakacayaasha oo ay ku jirto in aan si qasab ah loo celin ama aan loogu rarin goob khatar gelin karta “noolashooda, ammaankooda, xoriyadooda iyo caafimaadkooda.” Dawladda ayaa sidoo kale ay tahay inay la tashato barakacayaasha gudaha, ayna u ogolaato inay qeyb ka noqdaan go’aannada khuseeya ilaalintooda iyo kaalmeyntooda, loolana ogolaado inay go’aan ka gaaraan laabashadooda, dib u dejintooda ama dhexgalkooda bulshada.

Sida ay qabaan sharciyada caalamiga ah iyo heshiiska Kamapala, in si joogta ah ama si kumeel gaar ah shakhsi, qoys ama qowmiyad looga raro meel ay degan yihiin iyaga oo aan raali ka ahayn, isla markaana aan fursad loo siinin sharciga ku haboon ama ilaalin kale, waxaa ay ka dhigan tahay raritaan qasab ah.

Siyaasadda barakaca ee ay Soomaaliya sameysatay bishii Disembar ee 2014-kii, waxa ay dhigeysaa in mas’uuliyiinta ay ilaaliyaan qowmiyadaha uu raritaanka saameeyay, waxaana siyaasadda ku xusan nidaam inta badan waafaqsan sharciga caalamiga ah. Wasaaradda arrimaha gudaha iyo waaxyaha kale waa inay hirgaliyaan siyaasadda cusub iyaga oo la tashi dhaw la yeelanayo dadka barakacayaasha ah, hay’adaha dawliga ah, kuwa aan dawliga ahayn iyo si waafaqsan mabaadii’da u yaalla Qaramada Midoobay ee qaabilsan barakacayaasha gudaha. Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

Ka hor inta aanan la sameynin raritaan dheeraad ah, dawladda, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka waa inay si durba ah u sameeyaan qiimeyn lagu ogaanayo baahida dadka. Waa in taasi ay qeyb ka ahaataa ogaanshaha dadka nugul, sida qoysaska ay haweenka hormuudka u yihiin, caruurta aan waalidkood wehlin, dadka da’da ah iyo kuwa naafada ah.