Laga bilaabo markii uu bilowday hawlgalka amniga lagu sugayo horraantii bishii Abriil 2014-ka, ayaa mas’uuliyiinta Kenya waxay tarxiileen 359 qof oo Soomaali ah, dadkaas oo ay ka mid ahaayeen ugu yaraan saddex qof oo qaxooti ahaan loo diiwaan galiyay, sidaasi waxaa maanta sheegtay Human Rights Watch. Mas’uuliyiinta ayaan cidna u ogalaan inay ka doodaan inaan lagu celin waddanka ay colaadda hareysay ee Soomaaliya. Tallaabadii ugu dambaysay ayey dowladda Kenya waxay ku musaafurisay 98 qof oo ay ku jiraan 12 carruur ah, dadkaas oo Muqdisho la geeyay 20-kii bishan Mey iyagoon ku wargelin tarxiilkooda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR).

In la celiyo qaxootiga waxa ay ka dhigan tahay dib u celin khasab ah, taasoo ah in dadka si khasab ah oo sharci darra ah dib loogu celiyo meel ay xaalado halis ah ku galin karaan sida in la dhibaateeyo, la jir dilo ama u sahli kara in dhibaato kale oo weyn oo ka dhalan karta tacaddiyada baahsan ay ku dhacaan. Dadka la tarxiilay qaarkood ayaa la ogyahay inay qaxooti ahaayeen, balse sidoo kale Kenya ayaa waxay aad ugu badantahay inay sameesay dib u celin qasab ah markii ay tarxiishay dad Soomaali ah oo aan la diiwaan galin iyadoo aan marka hore ogaan kuwa doonayay inay helaan magangalyo. Kenya ayaa bishii Diseembar ee sanadkii 2012-ka joojisay diiwaan galinta dadka magangalyo doonka ah ee magaalooyinka waaweyn jooga, taasi oo ay micnaheedu tahay in dadka Soomaalida ah ee imaanayay Nairobi iyo magaalooyinka kale aanay awood u helin inay magangalyo dalbadaan.

“In dadka loo tarxiilo meelaha ay colaaddu ka jirto ee Soomaaliya ayaa muujinayso in si buuxda aan dan looga gelin xuquuqdooda iyo nabadgalyadooda,” waxaa sidaasi yiri Gerry Simpson, oo ah sarkaal sare oo Human Rights Watch u qaabilsan cilmibaarista arrimaha qaxootiga. “Wixii yaraa ee kaharsanaa xaaladii liidatay ee Kenya ee aheyd tixgalinta ay u hayso xuquuqda asaasiga ah ee qaxootiga ayaad moodaa inay si dhaqsa ah u sii lumeyso.”

Tarxiilkii dhacay 20-kii Mey wuxuu ahaa kii afraad ee Kenya ay si sharci darra ah dad Soomaali ah ugu Muqdisho tarxiishay iyadoo diyaarado ku qaaday, tan iyo markii ay 1-dii bishii Abriil mas’uuliyiintu ay ka bilaabeen Nairobi iyo magaalooyin kale hawlgal ballaaran oo amniga lagu sugayo. Hawlgalkan ayaa waxaa uu sababay inay dhacaan tacaddiyo badan oo si isku mid ah u saameeyay dadka reer Kenya iyo dadka ajnabiga ah intaba, oo ay ka mid aheyd xabsi galin sharci darra ah iyadoo dadka lagu xirayay meelo xaaladoodu ay khalafsan tahay iyo waqtiyo dheer oo ka baxsan xilliga 24-ka saacadood ah ee ugu dheer ee la hayn karo qofka sida sharciga Kenya uu sheegayo. Sida ay UNHCR sheegeyso, dadkii la tarxiilay 20-kii Mey ayaa xabsiyo kala duwan lagu hayay mudo u dhaxeyso 10 ilaa iyo 30 maalmood.

Sida ay UNHCR sheegeyso, mas’uuliyiinta Kenya ayaa tarxiilay 83 qof 9-kii bishii Abriil, waxaa xigay 91 qof oo la tarxiilay 17-kii bishii Abriil, iyo 87 kale oo la tarxiilay 3-dii bishan Mey. UNHCR ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Kenya ay u diideen inay arkaan saddexdii koox ee loogu hor tarxiilay ka hor intii aan Kenya laga musaafurin.

UNHCR ayaa sidoo kale Human Rights Watch u sheegtay in seddexdii koox ee loogu hor tarxiilay ay ku jireen saddex qof oo qaxooti ahaan loo aqoonsaday. Human Rights Watch waxay Muqdisho ku wareysatay mid ka mid ah qaxootigaas oo lagu magacaabo Maryam oo ah hooyo 32 jir ah dhashayna saddex carruur ah. Maryam waxay daganeyd xerada qaxootiga ee Kaakuma ee ku taal gobolka waqooyi-galbeed ee Kenya, waxaana la xiray iyadoo Nairobi booqasho u joogta, waxayna ka mid aheyd 83-dii qof ee la tarxiilay 9-kii bishii Abriil kaddib markii ay mas’uuliyiinta Kenya diideen inay ogolaadaan aqoonsigeeda qaxootinimada. Carruurta Maryam oo ay da’doodu tahay 5, 10 iyo 15 sano ayaa weli waxay Kaakuma la joogaan aabaheed oo waayeel ah.

“Waxaan rajeynayaa in dowladda Kenya ay ii ogalaan doonto inaan qoyskeygii dib ugu laabto,” ayey tiri. “Guriga kaliya oo aan leeyahay waa xeradaas qaxootiga.” ayey sii raacisay.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay tarxiilaan dhammaan dadka u dhashay Soomaaliya ee aan la diiwaan galin, taasi oo ka mid ah jawaabta ay ka bixinayaan weerarradii bambaanooyinka iyo kuwii kale ee dhawaantan dad aan la aqoon ay Kenya ka sameynayeen.

Bishii Janaayo, UNHCR waxay talooyin ka bixisay dib ugu laabashada Soomaaliya, waxayna wadammada ugu baaqday in aanay qof dib ugu celin Soomaaliya ka hor inta aanay wareysan oo ay ka xaqiijin in dadkaasi aanay dhibaato weyn soo gaareyn hadii dib loo celiyo. UNHCR ayaa sheegtay in Soomaaliya ay weli tahay “meel aad khatar u ah” sidaa darteedna aan qof Soomaaliya u dhashay aanan “si khasab ah dib loogu celin karin Soomaaliya, marka laga reebo in dowladda wax celineysa ay ku qanacsan tahay in qofkaas la celiyay aanay soo wajihi doonin halis dhibaateyn ah.”

Bishii Abriil, Qaramada Midoobay ayaa ku warrantay in dagaaladii militariga ahaa ee dhawaantan ay sida wada jirka ah u qaadeen Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) iyo Ciidammada Qaranka ee Qalabka sida ee Soomaaliya ee (SNAF) ee ka dhacay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ee ka dhanka ahaa kooxda al-Shabaab ay markale dad badan ku barakaceen.

Bishii Janaayo, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 1.1 milyan oo qof ay ku barakaceen gudaha Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin 369,000 oo qof oo ku barakacay gudaha magaalada Muqdisho. Bishii Maarso ee sanadkii 2013-ka, warbixin ay Human Rights Watch soo saartay ayaa waxaa lagu sheegay in ciidammada ammaanka iyo kooxo hubeysan ay kufsadeen, jir dileen ama ay si xun ula dhaqmeen Soomaalida barakacayaasha ku ah gudaha Muqdisho. Warbixin ay Human Rights Watch soo saartay bishii Febaraayo ee sanadkan 2014-ka ayaa lagu qoray in ay jireen heerar sarsare oo kufsi iyo tacaddiyo galmo ah oo loo geysanayay haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha ku ah gudaha caasimadda intii lagu guda jiray sanadkii 2013-ka.

Bishii Abriil, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay inay “dhibayso” wararka sheegaya in dadka Soomaalida ah loo geysanayay dhibaatooyin iyo tacaddiyo markii uu xirxirku socday, waxa ayna mas’uuliyiinta Kenya ugu baaqday in aanay celin Soomaalida “si ka baxsan rabitaankooda oo aanay geyn meelo halis galin karta noloshooda.”

16-kii bishan Mey, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) ayaa Kenya ugu baaqay inay joojiso tarxiilka Soomaalida.

Xeerarka qaxootiga iyo kuwa xuquuqul insaanka ee caalamiga ah ayaa mamnuucaya dib u celinta khasabka ah – in dadka si khasab ah dib loogu celiyo meel ay dhibaato ka jirto oo qofka halis u galin karta in la jirdilo, si biniaadamnimada ka baxasan, ama si liidato loola dhaqmo iyadoo la fiirinayo jinsigiisa, diintiisa, dhalashadiisa, ka mid noqoshada koox ka mid ah bulshada, ama ra’yi siyaasadeed ayaan la ogoleyn.

Sida ku xusan heshiiska qaxootiga ee Afrika ee la sameeyay sandkii 1969-kii, oo ay Kenya ogolaatay ayaa wuxuu si weyn u mamnuucayaa in qof si qasab ah dib loogu celiyo meel halis dhibaateyn ah ay ku soo gaari karto. Waxaa sidoo kale lagu mamnuucay in dadka lagu celiyo meelo halis galin karta nolosha, sharafta jirka, ama xornimada qofka, taasi oo ay macquul tahay in ay sababto khalkhal galin ka dhalata dhacdooyin si weyn dhib ugu geysan kara kala dambeynta bulshada.

Xeerka socdaalka ee Kenya ayaa mas’uuliyiinta u fasaxaya inay xakameeyaan oo ay la socdaan qofka Kenya joogi kara, sidoo kale Kenya waxa ay ka hor istaagi kartaa dadkaa qaarkood inay soo galaan ama joogaan dalkeeda, oo ay ka mid yihiin dadka loo maleeyo inay halis ku yihiin nabadgalyada dalka. Si kastaba, Kenya waa in aanay marnaba dib ugu celin qof meel ay dhibaato ka jirto ama meel halis dhab ah u galin karta qofka inuu la kulmo jir dil, si biniaadamnimada ka baxasan, ama si liidatana loogula dhaqmi karo.

Mamnuucida in dadka aan si khasab ah dib loogu celin karin, waxa ay micniheedu tahay, in Kenya aanay awood u laheyn inay dib u celiso qof sheeganaya inuu ka cabsi qabo inay soo gaarto dhibaato hadii dib loo celiyo, iyadoon la eegeyn xilliga uu qofkaas yimid Kenya iyo muddada uu sida sharci darrada ah uu ugu noolaa waddanka. Inkastoo xeerka Qaxootiga ee Kenya uu sheegayo in loo baahan yahay in qofka magangalyo doonka ah uu mas’uuliyiinta u soo gudbiyo codsigiisa 30 maalmood gudohood marka uu yimaado waddanka, ayaa waxaa jirto in Kenya ay joojisay diiwaan galinta dadka magangalya doonka ah ee kusugan magaalooyinka waaweyn, taasi ayaan u suuragalineyn dadka magangalayo doonka ah ee yimid wixii ka dambeeyay bishii Diseembar ee sandkii 2012-ka inay waafaqaan xeerkaas.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ma ay soo rogayso in la xaddido muddada uu qofka ku dalban karo magangalyo. Dhab ahaantii, Guddiga Sare ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga oo ay Kenya Xubin ka tahay, ayaa si qoraal ah ku sheegay, in haddii muddadaas la xaddiday la dabbaqi waayo oo codsi la sameyn waayo “aanay u horseedi karin in la tixgalin waayo codsi magangalyo lagu dalbayo.”

Dowladda Kenya waa inay u ogolaato qof waliba oo Soomaali ah oo loo gartay in la tarxiilo inuu maxkamad uga doodo tarxilkiisa, ama inuu magangalyo ka codsado mas’uuliyiinta Kenya ama Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, sidaasi Human Rights Watch ayaa sheegtay. UNHCR waa in la siiyaa ogalaasho dhameystiran oo ay ugu tagi karaan qof waliba oo Soomaali ah oo loo gartay in la tarxiilo.

“Haddii Kenya aanay doonayn inay fuliso waajibaadyadeeda sharciyeed ee ah kan qaran iyo midka caalamiga ah intaba, oo aanay diiwaan gelinayn dadka magangalyo doonka ah, oo aanay codsiyadooda tixgalin ka hor inta aan la tarxiilin, waa inay ogolaataa in UNHCR ay la wareegto hawshaas,” Simpson ayaa sidaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.