Hayadaha dowliga ah ee Kenya waa in ay hakiyaan qorshahooda ah in ay si qasab ah u raraan 55,000 qof oo qaxooti diiwaan gashan iyo magan galyo doon ah oo ku nool caasimadaha intaa kadibna la geeyo xeryaha qaxootiga oo ah kuwo buux dhaafay isla markaana adeegyada qaxootiga la siiyo ay ku yar yihiin. Kadib markii ay dhaceen weeraro bambaanooyin 2012, hayadaha dowliga ah ayaa waxay ku doodayaan in tillaabadu ay horumarin doonto ammaanka qaran ee Kenya isla markaana ay keeni doonto in dadka qaxootiga ah ee Soomaalida ahi ay dib ugu noqdaan Soomaaliya.
Qorshuhu wuxuu xad gudub ku ahaan lahaa xaquuqda xornimada dhaqdhaqaaqa ee qaxootiga wuxuuna sigayay in uu si cad u keeno raritaanka qasabka ah ee sharci darrada ah ee tobanaan kun oo qaxooti ah kuwaasoo la doonayay in laga raro meelaha ay dagan yihiin ee ku yaala caasimadaha, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Carqalada muddada dheer soo socotay ee ka jirta xeryaha qaxootiga ee Kenyawaxay sidoo kale la macno tahay in raritaanku uu saamayn lahaa awooda qaxootigu u leeyihiin in ay nolol raadsadaan iyo in si sharci darro ah loo dhimo sida ay u helaan raashin ku filan, dhar, hoy, daryeel caafimaad, iyo waxbarasho.
“Kenya waxay u isticmaalaysaa weeraradii dhowaan dhacay ee bambooyinka in ay ku dhibaatayso dhammaan qaxootiga ayadoo u dhibaataynaysa sidii in ay yihiin dad noqon kara argagixiso iyo in ay ku qasabto tobanaan kun oo ayaga ka mid ah xaalado nololeed oo dhib badan oo ka jira xeryaha horayba sida daran u buux dhaafay,” sidaa waxaa yiri Gerry Simpson, oo ah cilmi baare qaxootiga cilmi baaris ku sameeya sidoo kalana ah abukaate ka tirsan Human Rights Watch. “Qorshaha sida qasabka ah inta caasimadaha looga raro dadka ah kumanaanka kun lagu geynayo xeryaha waa mid sharci darro ah wuxuuna keeni doonaa xaalad aad u qalafsan.” Sidaa ayuu raaciyay.
Disember 13keedii war saxaafadeedkii soo baxay, ayaa hayadaha dowliga ah ee Kenya waxay ku sheegeen in u raritaanka dadka qaxootiga ah ee magaala joogga ah xerooyinka ay ka jawaabeyso weeraro xiriir ahaa oo dad aan haybtooda la garanayn ay ku tuureen bambo gacmeedyo meelo dadku ku badan yihiin oo kala duwan, ayagoo dilay sidoo kalana dhaawacay dad, dadkaasoo ay ku jireen saraakiil booliska ka tirsan iyo kuwo ciidanka ka tirsanaa.
Janaayo 16keedii, 2013, Wasaarada Maamulka Gobolada iyo Ammaanka Qaranka ayaa waxay qoraal u qortay Wasaarada Qorsheynta Qaranka ayadoo sheegtay in wajiga hore ee “qabqabashada” qaxootigu uu bartilmaansan doono 18,000 oo qof laguna waday in uu bilowdo Janaayo 21. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay gudihiisa in la isugu geyn doono Garoonka Nairobi duleedkeeda ah ee lagu magacaabo Thika Municipal Stadium, kaasoo sii ahaan doona “meesha la isugu geynayo” tan iyo inta xerooyinka looga gudbinaayo.
Ururada iyo sharci yaqaanada la shaqeeya qaxootiga ee ku sugan Nairobi ayaa sheegaya in tan iyo Disember , booliska Nairobi ay xireen daraasiin Soomaali ah ayagoo isticmaalaya dacwado been abuur ah oo sheegaya in ay yihiin dad ka tirsan ururo argagixiso ah. Dhammaan dadkii loo dhigay maxkamada waa la sii daayay kadib markii wax daliil ah la waayay.
Bishii Maayo, Human Rights Watch waxay soo tebisay xadgudubyo daran oo saraakiisha amnigu ka geysteen dhanka waqooyi ee Kenya kuwaasoo ka dhan ahaa dad rayid ah kadib markii ay dhaceen xoogaa weeraro ah oo lagu dilay saraakiil ammaan. Ayagoo ka jawaabaya warbixintaa ayaa militariga Kenya waxaa uu ballan qaaday in uu soo af jari doono aar goosiyada noocaas ah ee carqalada wata wuxuuna sameeyay guddi soo baara xad gudubyada. Human Rights Watch waxay dareensantahay in ciidamada ammaanku ay mar kale isticmaali lahaayeen carqalad marka ay xirxirayaan oo sida qasabka ah ay ugu rarayaan qaxootiga xeryaha.
Qorshaha, hadii la hirgalin lahaa, wuxuu ku xad gudbi lahaa waajibaadka sharciga ah ee caalamiga ah ee Kenya iyo waajibaadkeeda sharciga ah ee qaran, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Waajibaadkaasi waxaa uu u baahan yahay in Kenya ay muujiso in wixii xaddidaadyo ah oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqida xorta ah ay qasab tahay in ugu yaraan ay ahaadaan tillaabo macquul ah oo wax looga qabanayo amuuraha la xiriira ammaanka qaran ee Kenya.
Human Rights Watch warbixinteedii soo baxday bishii 6aad ee 2010, ee lagu magacaabay “Ku Soo Dhawoow Kenya,” waxaa lagu soo koobay in dalabaadka Kenya ee ah in nus milyanka qaxootiga ah ee ku nool xerooyinka xiran – oo sanad walba dhowr kun oo daruufo gaar ah ay haystaan un laga yaabo in si ku meel gaar ah ay halkaa uga tagaan – ay ku xad gudbeen waajibaadkeeda sharciga ah ee qaxootiga loogu dammaanad qaado xornimada dhaqdhaqaaqa.
“Qorshaha Kenya ee ah in 55,000 qaxooti ah loogu raro xeryaha waa mid sida cad aan loo baahnayn waana tillaabo aan dheeli tirnayn oo laga bixinaayo weeraradii dhwaan dhacay,” Simpson ayaa sidaa sheegay. “Kenya waa in aysan ku magacaabin qaxootiga oo dhan halis ka dhan ah ammaanka isla markaana aysan ku tuman xaquuqda 55,000 oo qof.”
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay Laanteeda Qaxootiga (UNHCR), dhammaadkii 2012, waxaa Kenya ku noolaa 46,540 ah qaxooti magaalo joog ah oo diiwaan gashan, kuwaasoo ay kujireen 33,246 oo Soomaali ah. Intaa waxaa dheeraa, 6,832 oo ah dad magan galyo doon ah oo diiwaan gashan oo wadamo kala duwan ka kala yimid, kuwaasoo ay ku jireen 447 Soomaali ah.
Disember 13, Waaxda Arimaha Qaxootiga ee Kenya (DRA) ayaa waxay sii deysay caddeyn saxaafadeed oo loogu tala galay warbaahinta taasoo shaaca ka qaadeysay qorshaha hayadaha dowliga ah ee “lagu meel dhigayo siyaasad qaab dhismeed oo xereyn ah” maadaama ay jirto “halis aan loo adkaysan karin oo aan la xaddidi karayn oo ka dhan ah ammaanka” taasoo “weeraro bambaanooyin oo ka dhacay waddooyinkeena, kaniisadaheena, basaska gudahooda iyo goobaha ganacsiga” ay sababeen kuwaasoo “ay ku dhinteen kuna …dhaawacmeen … dad badan.”
Waxaa la sheegay in dhammaan dadka magan galyo doonka ah iyo qaxootiga ku sugan magaalooyinka Kenya ee ka yimid Soomaaliya ay tahay in ay aadaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo u dhow xadka Soomaaliya iyo in dhammaan dadka magan galyo doonka ah ee magaalo joogga ah iyo qaxootiga ka yimid wadamada kale ay aadaan xerada qaxootiga ee Kakuma, oo u dhow xadka Sudan. Waxaa la sheegay in diiwaan galinta dadka magan galyo doonka ah iyo qaxootiga laga diiwaan galin jiray magaalooyinka la joojiyay, in dhammaan xarumihii diiwaan galinta la xiray, iyo in UNHCR iyo hayadaha kale ee u khidmeeya dadka magan galyo doonka ah iyo qaxootiga ay tahay in ay joojiyaan siinta qaxootiga dhammaan adeegyada tooska ah.
Disember 13 shir jaraaidoo dhacay, sii hayaha xilka guddoomiyenimada arimaha qaxootiga ee Kenya, Badu Katelo, ayaa ka sheegay “dukumiinti u samayntii qaxootiga magaala joogga ah iyo dadka magan galyo doonka ah in laga joojiyay meelaha magaalooyinka ah hadiise ay dhacdo in ay sii joogaan meelaha magaalooyinka ah waxay ku joogi doonaan si sharci darro ah – oo in [la xiro iyo in laga saaro caasimadaha] waa shaqo waax kale oo dowlada ka tirsan ay leedahay, taasoo sida macquulka ah booliska iyo laanta socdaalka ah.”
Laga soo bilaabo Disember, UNHCR iyo ururo kale ayaa waxay ka dalbadeen hayadaha dowliga ah ee Kenya nuqul ah amarka caddeyntii warka ee Disember 13 ay ku salaysan tahay, laakiin hayadaha dowlada ayaa diiday in ay soo saaraan nuqul.
Laga soo bilaabo markii qorshaha shaaca laga qaaday, ururo aan dowli ahayn iyo abukaateyaal qaxooti oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in booliska Nairobi ay si amar la’aan ah u xireen boqolaal Soomaali ah, kuwaasoo badankooda la sii daayay kadib markii ay bixiyeen laaluush fara badan. Warbixinada laga helay Safaarada Soomaaliya ee Kenya, shirkadaha diyaaradaha, iyo shaqaalaha gargaarka ee ku sugan xadka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan halka u dhow xeryaha Dhadhaab waxay sheegeen in in ka badan kun qof oo Soomaali ah ay ku laabteen wadankooda asbuuc walba, ayagoo isticmaalaya diyaarado ama maraya dhulka. Qaar ayaa waxay u sheegeen shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya gudaheeda ku sugan in ay soo tageen maadaama ay ka baqeen in weerar lagu soo qaado qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Kenya.
Human Rights Watch waxay sidoo kale heshay warbixino sheegaya in ay aad u kordheen carqadaha dhanka galmada ah ee ka dhanka ah dumarka qaxootiga ah iyo gabdhaha ku jira xeryaha Dhadhaab mid ka mid ah laga soo bilaabo daba yaaqadii Disember , taasnia waa xerada “Ifo 2.” Il wareed oo lagu kalsoon yahay ayaa waxay u sheegtay Human Rights Watch in boolisku ay ka baaqsadeen in ay si fiican uga jawaabaan weerarada ay qaxootigu sheegaan in ay horseedeen cabsi guud oo laga qabo ammaanka taasoo ku keentay boqolaal qaxooti ah in ay ka tagaan xeryaha una tillaabaan Soomaaliya. Qaar kale ayaa waxay u guureen qarka xeryo kale oo u dhow Dhadhaab. 2010, Human Rights Watch waxay sheegtay in muddo dheer booliska Kenya uu ka baaqsaday soo baaritaanka carqalado dhanka galmada ah oo ka dhacay xeryaha Dhadhaab.
Shirkii jaraaid ee Disember 13, Guddoomiye Katelo wuxuu sheegay in qaxootiga geyntooda xeryaha ay wax yar kadib daba socon doonto dib ugu celinta qaxootiga Soomaaliyeed wadanka Soomaaliya.” Disember 21, Madaxweyne Mwai Kibaki ayaa yiri “ma jirto sharaf ah in lagu noolaado xeryo qaxooti” waana in Soomaaliya iyo Kenya ay tahay in ay “ka wada shaqeeyaan u suurta galinta boqolaalka kun ee Soomaalida ah ee ku nool xeryaha qaxootiga in ay guryahoodii dib ugu noqdaan.”
Human Rights Watch ayaa sheegtay in xaalada ka jirta koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay weli tahay mid aan ammaan ahayn oo wixii tillaabo ah oo hayadaha dowliga ah ee Kenya ay si qasab ah ama hadii kale ah dhiiri galin ay ku dhiiri galinayaan Soomaalida in ay ku noqdaan wadankoodii ay jabin doonto sharciga caalamiga ah ee Kenya, kaasoo mamnuucaya dib u celinta qasabka ah ee dadka qaxootiga ah loogu celinayo gabood fallo, jir dil, ama xaalado ah carqalad guud.
Carqalada baniaadminimo ee socota ee ka jidha xeryaha Dhadhaab –oo ugu yaraan 450,000 oo qaxooti ah lagu ciriirshay dhul loogu tala galay 170,000 –iyo la’aanta xeryo cusub oo si fiican loo sameeyay oo halkaa kuyaala ama xeryaha Kakuma u dhow ay la macno tahay in wixii rarid ah oo qaxootiga loo raro xeryaha inta laga raro caasimadaha ay sidoo kale jabin doonto waajibaadka caalamiga ah ee Kenya ee sharciga ah. Waxaa loo baahan yahay in Kenya aysan ansixin “tillaabooyin dib u laabasho ah” oo si xun u saamayn kara xaquuqda qaxootigu u leeyihiin heer nololeed oo wanaagsan – oo ay ku jiraan helitaanka raashinka, dharka iyo guriyeynta–iyo weliba caafimaad iyo waxbarasho.
Disember 28, Dhaqaatiirta Aan Xaduuda Lahayn, oo ah urur maamulayay barnaamijyo badan oo caafimaad oo ka jiray xeryaha , ayaa sheegay in jiritaanka “cawimaad gebi ahaanba aad si xad dhaaf ah loogu isticmaalay” oo ka jirta xeryaha , “xaalada caafiaad iyo biniaadminimo” ee qaxootiga Dhadhaab ay horeyba u ahayd “mid musiibo leh,” “ba’an,”oo “lulmanaysa” oo ururku “wuxuu dareemay cawaaqibyada caafimaad [ee] qulqul cusub oo ah qaxooti ku soo kordha ” dadka kaamka.
Human Rights Watch waxay sidoo kale sheegtay in ku qasbida sharciga aan ahayn ee tobanaan kun oo dad ah in guryahooda caasimadaha ku yaalo in ay ka baxaan lagu qasbayo ay keeni doonto raritaano qasab ah, kuwaasoo sharci darro ah marka loo eego qaanuunka caalamiga ah.
Human Rights Watch waxay ugu baaqday deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ee Kenya iyo UNHCR in ay ka soo hor jeedsadaan qorshaha raritaanka ah, ee ku salaysan ku xadgudbida aan laga baaqsan karayn ee xaquuqda qaxootigu u leeyihiin xornimada dhaqdhaqaaqa, xaquuqda bulshada iyo xaquuqda dhaqaalaha, iyo xaqa ah in aan si qasab ah loo rarin.
“Qorshahaan wuxuu si xun u saamayn doonaa qaxooti badan xaquuqdooda asaasiga ah meel marintiisuna waxay sidoo kale ka qeyb qaadan doontaa isla ammaan darrada Kenya ay sheegeyso in ay isku dayayso in ay horjoogsato,” Simpson ayaa sidaa yiri. “Deeqbixiyeyaasha caalamiga ah ee Kenya wax siiya iyo UNHCR waa in ay ku dhiirigaliyaan Kenya in ay deyso qorshaha.”
Wixii faahfaahin ah oo ku saabsan carqalada socota ee baniaadminimo ee ka jirta xeryaha qaxootiga ee Kenya iyo sida qorshaha uu ugu xad gudbi karay waajibaadka caalamiga ah ee Kenya ee sharciga ah hadii la hirgaliyo, fadlan hoos eeg.
Si aad u aqriso Human Rights Watch warbixinteedii soo baxday bishii 6aad ee 2010, ee lagu magacaabay “Ku Soo Dhawoow Kenya,”Xadgudubka Booliska u Geysto Qaxootiga Soomaaliyeed,” fadlan booqo bartan internetka:
https://www.hrw.org/reports/2010/06/17/welcome-kenya-0
Si aad u aqriso Human Rights Watch warbixinteedii soo baxday bishii Maarso 2009 , ee lagu magacaabay “ Ka imaanshaha Argagaxa iyo u Imaanshaha Rajo La’aanta: Carqalada Qaxootiga Soomaalida ah ee La Halmaamay ee Ku Nool Kenya,” fadlan booqo bartan internetka:
https://www.hrw.org/reports/2009/03/29/horror-hopelessness
Si aad u aqriso Human Rights Watch warbixinteedii soo baxday bishii Maayo 2012, ee lagu magacaabay,“Aargoosiyada Dambiilenimo: Booliska iyo Militariga Kenya Xadgudubyada ay u Geystaan Qabiilka Soomaalida,” fadlan booqo bartan internetka:
https://www.hrw.org/news/2012/11/22/kenya-end-security-force-reprisals-north
Hadii aad dooneyso inaad aqriso warbixino badan oo ku saabsan sida Kenya ay ula tacaamusho Qaxootiga Soomaaliyeed, fadlan booqo bartaan internetka:
https://www.hrw.org/africa/kenya
Carqalada baniaadminimo ee ka socota xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma
Human Rights Watch waxay sheegtay in xeryaha qaxootiga ee ku yaala Kenya –ee Dhadhaab iyo Kakuma – aysan habboonayn in la soo dajiyo qaxootiga daggan caasimadaha Kenya. Laga soo bilaalo 2007, xeryaha Dhadhaab, oo UNHCR ay sheegtay in ay qaadi karaan un 160,000 balse ay haatan hoy u yihiin ugu yaraan 450,000, waxaa soo wajahay carqalad baniaadminimo oo joogto ah. UNHCR waxay sheegeysaa 96 boqolkiiba qaxootiga ku sugan Dhadhaab in ay yihiin Soomaali iyo in xerada Kakuma 10,000 oo qof in ay la jiraan dadkii loogu tala galay in ay qaado.
Bishii Maarso 2009, Human Rights Watch waxay ku soo warantay in carqalad baniaadminimo ay ka jirto saddexda xero ee qaxootiga ee u dhow magaalada Dhadhaab ee kutaala Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kuwaasoo inkastoo loogu tala galay 90,000 oo qof oo qaxooti ah oo kaliya markaa ay ku jireen 250,000. 2009, UNHCR waxay codsatay $92 milyan oo ay ku maamusho xeryaha laakiin waxay un heshay wax in yar ka badan lacagtaa markii saddex meelood loo kala qeybsho qeyb ka mid ah. Tan iyo waagaa, waxaa laba jibbaarmay qaxootiga la diiwaan gashay ee ku jiray xeryahaa labaatan sano jirsaday: oo Janaayo 2013, 450,000 oo qaxooti ah oo Dhadhaab ku sugnaa ayaa waxay ku noolaayeen dhul rasmi ahaan loogu tala galay dad gaaraya 170,000.Hayadaha samafalka ee ka shaqeeya halkaa ayaa sheega in xeryuhu la ciirciirayaan min carqalad ilaa carqalad kale. Bajetka UNHCR wuxuu weli yahay mid aad uga yar intii la rabay qarashkiisu inuu noqdo.
Si buux dhaafka looga dhimo xeryihii hore, ayaa bartamihii 2011 hayadaha dowliga ah ee Kenya waxay fureen xero afaraad – oo loo baxshay Ifo 2 – taasoo ay ku jiraan 70,000 oo qof, oo 10,000 un dad ka yar mugeedii oo ahaa 80,000 ayaa kujira. Dhul yari daraadeed, ayaa tobanaan kun oo qaxooti ah waxay weli ku nool yihiin dibada meelihii rasmiga ahaa ee loogu tala galay afarta xero, ayagoo u halgama in ay helaan xitaa adeegyada ugu asaasisan.
Laga soo bilaabo-2011, dad qiyaas ahaan ah 18,000 oo qaxooti ah ayaa sidoo kale u guuray goob shanaad oo u dhow Dhadhaab, laguna magacaabo Kambios. Taariikhdu markii ay ahayd Janaayo 18, UNHCR waxay sheegtay in dowladu aqbashay in loo aqoonsado Kambios in ay tahay xerada shanaad ee Dhadhaab. Si aan rasmi ahayn, ayaa goobtaa waxaa mugeedu yahay 20,000 qof. UNHCR waxay sheegeysaa in hadii la ansixiyo oo si habboon loo diyaarsho – ayadoo la isticmaalayo qarash gaaraya malaayiiin doolar –ay xeradu qaadi doonto 80,000 oo qof. Markii ay buuxdo, xerada waa in lagu qarash gareeyo qarash loogu tala galay maamulideeda oo gaaraya malaayiin doolar.
UNHCR waxay sheegeysaa in xerada Kambios ay hesho cawimaada ugu yar, ayadoon laga bixin wax raashin ah gudaheeda, uuna ka jiro daryeel caafimaad oo tayadiisu xun tahay iyo wax barasho tayadeedu xun tahay oo lagu qaato dhismeyaal cooshado ah. Sidoo kale ma jirto goob suuq ah oo si rasmi ah loo ansixiyay oo ka caawisa qaxootiga in ay ganacsi sameeyaan si ay u dhammaystiraan cawimaada asaasiga ah mana laha saldhig booliis.
Xerada Kakuma ee kutaala Degmada Turkana, ee waqooyigalbeed Kenya, waa ay buux dhaaftay, oo waxaa ku jira 107,205 oo qaxooti iyo magangalyo doon ah balse xeradaas waxaa un loogu tala galay 100,000 oo qof. Kala bar qaxootiga halkaa ku jira waa Soomaali halka 30 boqolkiiba ay yihiin dad u dhashay wadanka Koofurta Suudaan. Laga soo bilaabo horraantii 2012, UNHCR waxay la wada xaajooneysay hayadaha dowliga ah ayadoo ka dooneysay ansixinta in la furo xero labaad oo u dhow Kalobei. Janaayo 18, UNHCR waxay sheegtay in hayadaha dowliga ahi ay aqbaleen in xeradaas ay tahay in la dhiso. UNHCR waxay qiyaasaysaa in ay ku kici doonto $15 milyan in laga dhiso xero Kalobei taasoo qaadi karta 20,000 oo qof iyo tobanaan milyan oo kale oo ay tahay in lagu siyaadsho mugga ilaa laga gaarsiiyo 50,000 oo qof iyo in la dayac tiro xerada sanad walba.
Xaqa Dhaqdhaqaaqida Xorta ah ee Qaxootiga
Laga soo bilaabo horraantii sanadihii sagaashameeyadii, Kenya waxay ansixisay siyaasad aan rasmi ahayn oo u baahan in badi dadka qaxootiga ah ay ku noolaadaan xerooyin qaxooti iyo in ay ku xaddido dhaqdhaqaaqooda meelo xaddidan oo ah xerooyinkaas. Bishii lixaad ee 2010, Human Rights Watch waxay soo tebisay in siyaasada –oo haatan saamaynaysa qaxooti iyo dad magangalyo doon ah oo dhan 560,000 oo ku sugan xeryaha Kenya –ay ku xad gudbeyso xaquuqda caalamiga iyo tan Kenya ee baniaadmiga oo sharciga qaxootiga ayaa wuxuu u dammaanad qaadayaa qaxootiga xaqa ah in ay si xor ah u dhaqdhaqaaqaan wadanka ay qaxootiga ku yihiin gudihiisa.
Sharciga caalamiga ah iyo kan Kenya waxaa ku xusan, in qasab ay tahay in Kenya ay si rasmi ah u sababayso wixii mamnuucid ah oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqida xorta ah ayadoo ka dhigaysa tillaabada wax lagu xaddidi karo ee ugu yar ee habboon ee lagu badbaadinaayo ammaanka qaranka, kala dambaynta dadweynaha, ama caafimaadka dadweynaha, taasoo ah arin aysan u samayn dadka dhan 560,000 ee ay qasabka ku noqotay in ay ku noolaadaan xeryaha Kenya. Intaa waxaa dheer, wixii siyaasad ah oo noocaas oo kale ah waa in aysan kala takoorin muwaadiniinta Kenya iyo dadka ajnabiga ah.
Human Rights Watch waxay sheegtay in hayadaha dowliga ah ay war saxaafadeedkii Disember 13 keedii ay soo saareen uu ka baaqsaday inuu muujiyo in qorshaha sida qasabka ah lagu raraayo qaxootiga kale ee dhan 55,000 ee ku nool caasimadaha Kenya uu yahay tillaabada ugu yar ee wax looga qabanaayo dareenada ammaanka qaranka ee Kenya wuxuuna si cad ukala takoorayaa muwaadiniinta Kenya iyo qaxootiga sababtoo ah siyaasadu waxay u ogolaanaysaa dadka Kenyanka ahi in ay si xor ah u socdaan waxayna isla markaa ka hor joogsanaysaa qaxootiga xaqaas.
Xaqa qaxootigu u leeyihiin in xaquuqdooda bulsho iyo dhaqaale aan la dhimin iyo mamnuucida raritaanka qasabka ah
Kenya waxay qeyb ka ahayd wadamadii galay Heshiiskii Caalamiga ahaa ee Xaquuqda Dhaqaalaha, Bulshada iyo Dhaqanka ee dhigaya xaquuqaha qof waliba u leeyahay ayadoon loo eegeyn inuu muwaadin yahay iyo in uusan ahayn heer nololeed oo ku filan – oo ay ku jiraan helitaanka raashin, dhar iyo hoy –iyo caafimaad, iyo waxbarasho.
Heshiiska –iyo guddiga dib u eega fulinta – waxay sheegayaan in wadamadu ay tahay in ay guttaan“waajibkooda ugu muhiimsan ee ugu yar in la xaqiijiyo waafaqida inta ugu yar ee heerarka muhiimka ah ee ugu yar ee xaquuq walba.” Wuxuu sidoo kale ka mamnuucayaa wadamada in ay qaadaan “wax tillaabooyin ah oo dib u laabasho ah” –alyacni tillaabooyin dadka ka qaada xaquuqdooda ay u isticmaali jireen in ay istareexaan – tillaabooyinkaa oo jabiya waajibaadka wadamada ka saaran “in ay si horumar leh u garowsadaan” xaquuqdooda ku jirta heshiiska.
Ururada qaxootiga ee Kenya waxaa ay sheegayaan in qaxooti badan oo sanado badan ama xataa tobanaan sano ku noolaa Kenya caasimadaheeda in ay heleen nolol, ay ku nool yihiin guryo inta badan fiican, waxayna si baahsan u helaan waxbarasho iyo daryeel caafimaad. Human Rights Watch waxay sheegtay in in loo raro xerooyin buux dhaafay ay si cad u noqonayso “tillaabooyin dib u laabasho ah” waxayna marka ku xad gudbaysaa waajibaadka Kenya saaran ee heshiiskaan ku xusan.
Guddiga Fulintu wuxuu sheegay in qodobka 11aad oo u dammaanad qaadaya qof walba xaqa guri ku filan uu mamnuucayo in dadka si qasab ah looga raro meelaha ay ku nool yihiin. Guddigu wuxuu qeexayaa “raritaan qasab ah” inuu yahay “ ka saarid joogto ama ku meel gaar ah oo dad, qoysas iyo/ama beelo laga saaro guryahooda iyo/ama dhul ay daganaayeen, ayadoon la adeegsanayn ama aan la hayn qaabab habboon oo sharci ah ama badbaado kale.” Raritaan waxaa un sharci uu noqon karayaa hadii loo fuliyo si “ku xusan sharciga” oo “sharciga ku habboon waa inuu si faahfaahsan u caddeeyo daruufaha saxda ah” ee raritaanka noocaas ah “lagu ogolaan karo.” Wixii sharci ah oo noocaas oo kale ah waa in “uu waafaqsan yahay waxyaabaha ku xusan” sharciga caalamiga ah ee xaquuqul insaanka.
Human Rights Watch waxay sheegtay sidaa maadaama qorshaha Kenya ay ku rareyso qaxootiga magaala joogga ah aan cudur daar looga dhigi karayn ammaanka qaranka, wixii raritaan ah oo qorshahaan dartii loo sameeyana ma waafaqayo sharciga caalamiga ah ee xaquuqul insaanka wuxuuna noqonayaa raritaan qasab ah.