Ehelada iyo weriyeyaasha ay saaxiibadda ahaayeen ayaa ku tukanaya meydka weriye Yuusuf Keynaan oo la aasay 21-kii Juun 2014-ka. Weriye Yuusuf Keynan ayaa Muqdisho ku dhintay ka dib markii ay ku qaraxday bambo la rumeysan yahay in loogu xiray gaarigiisa, laguna qarxiyay. 

© Xuquuqda sawirka waxaa leh Getty Images/Maxamed Cabdiwahaab 2012

(Nairobi) – Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Islaamiga ah ee hubaysan ee Al-Shabaab ayaa waxay adeegsadaan xeelado xadgub ah, si ay saameyn ugu yeeshaan warbaahinta, Human Rights Watch ayaa sidaasi ku sheegtay warbixinta ay maanta soo saartay oo ku aaddan Maalinta Xorriyadda Safaaxadda Adduunka. Dowladdu waa in ay qaaddaa tallaabo ay ku mujinayso sida ay uga go’an tahay in ay soo afjarto hanjabaadda iyo tacaddiyada ka dhanka ah wariyeyaasha ee ay geystaan ciidammadeeda ammaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Baahida ay Soomaaliya u qabto warbaahin xor ah oo firfircoon ayaa muhiimad gaar ah waxay sii yeelanaysaa inta uu socdo hannaanka doorashada la qorsheeyay 2016.

Warbixinta oo ka kooban 74 bog, cinwaanna looga dhigay “Sida Kalluun ku jira Biyo Sumeysan’: Weerarrada lagu hayo Xorriyadda Warbaahinta Soomaaliya,” ayaa waxay diiwaan gelisay dilalka, hanjabaadda, iyo xarigga aan loo meel dayin ee lagu hayo wariyeyaasha tan iyo 2014. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta gobolka ayaa waxay xeelado kala duwan u adeegsadeen sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen warbaahinta, oo ay ka mid tahay xarig iyo in albaabada loo laabo warbaahin, hanjabaad, iyo mararka qaar dembi kusoo oogid. Al-Shabaab ayaa bartilmaameedsata wariyeyaasha, taasoo qeyb ka ah duulaankeeda ka dhanka ah dowladda iyo warbixinnada ay kooxdu u aragto kuwo lid ku ah. Mas’uuliyiinta dowladda waxay ku guul daraysteen in ay si wax ku ool ah baaritaan ugu sameeyaan oo ay maxkamadeeyaan dadka mas’uulka ka ah tacaddiyada, taasi oo cabsi ku reebtay noolosha wariyeyaasha.

“Xorriyada warbaahinta waa in aanay dhibaato kale kala kulmin Soomaaliya,” waxaa sidaa tiri Laetitia Bader oo cilimi baare ka ah waaxda Afrika ee Human Rights Watch. Hanjabaadda muddada badan jirtay ee Al-Shabaab waxaa dheer in dowladda cusub ay kordhineyso khatarta iyo caburinta ay ku hayso weriyayaasha xilli adeegooda aad loogu baahan yahay.”

Soomaaliya: Weerar Lagu Hayo Wariyeyaasha

Dowladda Soomaaliya iyo kooxda Islaamiga ah ee hubaysan ee Al-Shabaab ayaa waxay adeegsadaan xeelado xadgub ah, si ay saameyn ugu yeeshaan warbaahinta. 

Human Rights Watch ayaa ogaatay in Al-Shabaab iyo dowladda Soomaaliya iyo xulafadeeda ay ka faa’iidaystaan daciifnimada wariyeyaasha, oo intooda badan aan mushaar helin, isla markaana aan khibrad lahayn, kuna koray colaadda muddada dheer dalka ka socotay. Dhinac kastaa cadaadis ayuu wariyeyaasha ku saaray sida ay wax u tabinayaan, in ay wax ka bedelaan tirada khasaaraha nafeed, iyo in ay horjoogsadaan tebinta wararka, arrimahaasi oo saameyn weyn ku yeeshay warbaahinta. Tobaneeyo wariyeyaal ah ayaa tobankii sano ee ugu dambeeyay dibedaha u cararay.

Inkastoo Al-Shabaab ay tahay midda ugu weyn ee cabsida ku haysa warbaahinta, ayaa haddana wariyeyaashu waxay weerraro kala kulmaan qeybo badan oo kamid ah dowladda iyo hay’adaha aan dowliga ahayn. Wariye ku sugan magaalada Gaalkacyo, dhinaca Puntland, ayaa sheegay: “Mas’uuliyiinta, bulshada iyo maleeshiyaadka dhammaantood cadaw ayey nagu yihiin. Waxaannu nahay sida kalluun ku jira biyo sumeysan, mar kastaa waa nala weerarri karaa ama nala dili karaa.”

Human Rights Watch ayaa wareysatay 50 xirfadlayaal oo isugu jira wariyeyaal, tifaftireyaal, iyo agaasimeyaal warbaahineed oo ka shaqeeya koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo Puntland. Tan iyo 2014, 10 wariye ayaa la dilay, 4 waxaa muuqata in weerar lala eegtay, 6-na waxay ka badbaadeen iskuday khaarijin. Kuwa kale waxaa la dhaawacay iyagoo warar tebinaya. Tobaneeyo ayaa si aan kala sooc lahayn loo xiray, tiro yarna waa la maxkamadeeyay, kuwo badan oo kalena taleefannada ayaa looga goodiyay ama waxaaba loo soo diray farriimo uga digaya in ay bedelaan habka ay wax u tebiyaan ama ay wajahaan cawaaqibka ka dhasha.

Weriye ka badbaaday weerar bishii Oktoobar ee 2014 loogu geystay magaalada Muqdisho ayaanan shaki ka qabin in bartilmaameedka weerarkaasi uu isugu ahaa: “Waxaan maqlayay dhowr cod oo u sheegaya ninka wax tooganayay in uu shiiska toosiyo. Waxaan maqlayay iyagoo leh, “Weli waa uu nool yahay!” Weriyaha ayaa si xun u dhaawacmay, haddana ma uu awoodo inuu wariyenimo ku shaqaysto.

Muqdisho ayaa saraakiisha ammaanka waxay mamnuuceen in laga warramo arrimaha qaarkood, sida bayaannada ka soo baxa Al-Shabaab, waxayna si kumeelgaar ah u xireen ugu yaraan saddex warbaahin, iyaga oo xabisay wariyeyaasha aanan raacin amarradaasi. Maamul goboleedyada ku sugan magaalooyinka lagu muransan yahay ayaa si sabab la’aan ah u xiray wariyeyaal, waxayna u hanjabeen oo ay xireen shan warbaahin si ay u xakameeyaan tebinta wararka siyaasadda.

Saraakiisha dowladda ayaa si joogta ah waxay u banaystaan xadidaad ay ku soo rogaan xorriyadda saxaafadda, iyagoo ku andacoonaya in warbaahintu ay u dhaqmeyso si aan xirfadaysnayn ama in ay jiraan arrimo ku aaddan ammaanka qaranka. Inkastoo dhibaato ammaan iyo xaalad siyaasadeed ay jirto, haddana mas’uuliyiintu waxay isku dayeen in ay xakameeyaan tebinta war rasmi ah iyagoo adeegsanaya xeelado mararka qaar geliya wariyeyaasha khatar aargoosi, Human Rights Watch ayaa sidaa ogaatay.

Al-Shabaab ayaa si sharci darro ah weriyayaasha ula dhaqanta, sida iyaga oo ka tirsan dowladda ama ciidammada ajaanibta ah, walow shuruucda dagaalka ay weriyayaashu u aqoonsan yihiin kuwo ka mid ah rayidka. Al-Shabaab ayaa hanjabaad iyo weerarro la beegsatay weriyayaal si ay ugu khasbaan in ay war wanaagsan ka tebiyaan.

Weriyayaasha haweenka ah ayaa waxay wajahaan dhibaatooyin dheeraad ah. Waxa ay la daalaa dhacaan xadidaadyo dhanka bulshada iyo dhaqanka ah, iyo takoor ay kala kulmaan ragga dhiggooda ah, iyo cagajugleynta Al-Shabaab oo doonaysa in ay xakameyso ka qeybgalka haweenka ee arrimaha bulshada.

Weriyayaasha Soomaaliya ayaa sheegay in ay inta badan kaga jawaabaan hanjabaadaha, cagajuglaynta, iyo dhibaatada ayaga oo faafreeba wararkooda. Weriyayaasha badankood waxay ka fogaadaan tebinta arrimaha xasaasiga ah – oo ay ka mid yihiin ammaanka, musuqmaasuqa iyo hannaanka siyaasadeed ee xiriirka la leh arrimaha federaalka.

“Haatan waxaannu wajahaynaa Al-Shabaab oo ah koox khatar badan, doonaysana in ay fasirto kalmad kasta ee warbaahinta ka baxaysa, iyo mas’uuliyiinta oo sidoo kale doonaya in ay ina caburiyaan halkii ay ina difaaci lahaayeen,” waxaa sidaa yiri wariye ku sugan magaalada Gaalkacyo. “Faafreebka ayaa ah khiyaarka kaliya ee noo soo haray, taasina waa wax aad looga murugoodo.”

Human Rights Watch ayaa sheegtay in ay guuldareysatay rajadii laga qabay in maamullada cusub ee Muqdisho, Puntland iyo maamul goboleedyada kumeelgaarka ah ee dhawaan la sameeyay, ay cadaalada la beegsan doonaan tacaddiyada ka dhanka ah wariyeyaasha. Dowladda Federaalka ah ayaa un baaritaanno ku sameysay oo maxkamada dacwado ka geysay weerarrada la sheego in Al-Shabaab ay kula kacday wariyeyaasha, iyada oo ku tiirsan hay’adda sirdoonka qaranka, taasoo aanan lahayn awood sharciyeed oo ay howshaas ku fuliso, iyo maxkamada ciidanka militariga oo hannaankeeda dacwad oogga uu ka hooseeyo heerka caalamiga ah. Saddex qof oo loo haystay in ay wariyeyaal dileen ayaa lagu xukumay dil, waxaana la toogtay bishii Abriil, 2016-ka, sidaa oo ay tahayna Human Rights Watch ayaa aragtay khaladaad dhanka sharciga ah kuwaasoo minja-xaabiyay fursadihii ay eedeysanayaashu ku heli lahaayeen xukun cadaalad ah. Ma jiro sarkaal ka tirsan dowladda oo la ogyahay in loo maxkamadeeyay ama loo ciqaabay weerarrada, hanjabaadda, si xun ula dhaqanka iyo xarigga sharci darrada ah ee loo geysto wariyeyaasha.

Maxkamadeynta dhibaatada wadata iyo baaritaanka halka dhinac ah ee dhaliya in kuwa badbaaday laga aargoosto, ayaa xoojinaya cabsida ay qabaan wariyeyaasha. Qaar badan oo ka mid ah ayaa Human Rights Watch u sheegay in aanay u muuqan sabab ay dhibaatada ku dhacda ugu sheegaan booliska, maadaama aanay waxba ka qabaneyn kuwa weerarka geystay, ayna dhibanayaasha khatar dheeri ah kasoo gaari karto u cabashada booliska.

Bishii Janaayo, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saxiixay xeer cusub oo saxaafadda ah, kaasoo caqabad dheeri ah ku noqon kara xorriyada hadalka, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Inkastoo sharcigan ay kujiraan qodobo wanaagsan, haddana waxaa kamid ah qodobo xadidaya xoriyyada warbaahinta. Sharciga cusub ayaa dhalin kara faafreeb dheeraad ah maadaama aanay wariyeyaashu aqoonsan karin ficillada dembiga keeni kara.

Hogaamiyayaasha dowladda Soomaaliya waa in ay si cad u cambaareeyaan weerarrada ka dhanka ah wariyeyaasha iyo shaqaalaha warbaahinta, waana in ay qaadaan baaritaanno degdeg ah, hufan oo dhexdhexaad ah, waxaa sidaa sheegtay Human Rights Watch. Waa in ay ogolaadaan in si buuxda oo furan looga warramo arrimaha khuseeya danaha bulshada iyo in ay wax ka bedelaan ama ay meesha ka saaraan shuruucda xakameynaya xuquuqda hadalka iyo saxaafadda. Deeq bixiyeyaasha caalamka waa in ay dowladda Soomaaliya ku cadaadiyaan si ay tacaddiyada uga difaacdo wariyeyaasha, oo ay dib u eegis ugu sameyso shuruucda waafaqsan iyo in ay dowladda siiyaan kaalmo farsamo si loo xaqiijiyo dembi baaris xuquuqda ilaalineysa.

“Ballanqaadka ah in la wanaajinayo xorriyadda warbaahinta ayaa ah tallaabo wanaagsan, balse intaa kuma filna,” ayay tiri Bader. “Maamulada Soomaaliya waxa ay u baahan yihiin in ay si firfircoon wax uga qabtaan tacaddiyada iyo hanjabaadaha dhinac kasta uga yimaada weriyayaasha, si ay howshooda ugu gutaan cabsi la’aan.”