(Nairobi) – Mas’uuliyiinta Somaliland waa inay Joojiyaan dib u celinta qasabka ah ee qaxootiga iyo magangalyo-doonka loogu celinayo Itoobiya oo ay cadaadis kala kulmi karaan, waxa sidaa maanta sheegtey hay’ada Human Rights Watch. Disember 28-keedii, maamulku waxa uu dib u celiyey 20 qaxooti iyo magangalyo-doon ah taasi oo xadgudub ku ah mabaadii’da xeerka caalamiga ah ee qaxootiga oo reebaya “dib u celinta qaxootiga” ee in cidna dib loogu celiyo cadaadis ama meel halis gelin karta naftooda ama xorriyadooda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shir jaraa’id oo la qabtey 1-dii Jannaayo ku xaqiijisey masaafurintaas. Wax yar ka hor intii aan la masaafurin, waxaa kooxda 28-kii Disembar kula kulmay xafiiska socdaalka ee Wajaale ee xuduudka Itoobiya, shaqaale caalami ah oo ka shaqeeya gargaarka bani’aadannimo.
“Somaliland waa inay dhowrtaa ee aysan ku tuman, xuquuqda aasaasiga ah ee qaxootiga,” ayuu yiri Daniel Bekele, agaasimaha qaybta Afrika ee Human Rights Watch. “Mas’uuliyiintu waa inay si deg-deg ah u baaraan dib u celinta qasabka ah ee kooxdaas ayna caddeeyaan inaan qaxootiga iyo magangalyo-doonkaba aan la masaafurin doonin mustaqbalka.”
Dadka deegaanka ayaa Human Rights Watch u sheegay in boliisku xireen kooxdaas 22-kii Disember, xilli uu socdey kulan u dhexeeyey hoggaamiyaasha qaxootiga iyo saraakiisha Somaliland oo ka dhacayey Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Hargaysa. Waxa ay ka arrinsanayeen xaaladda illaa 1,000 Itoobiyaan ah oo ku xareysan dhismaha loo yaqaan Xarunta Samafalka Bulshada, oo ay maamulaan hay’ad aan dawli ahayn oo caalami ah oo qaxootiga iyo muhaajiriinta ku nool Hargaysa.
Kooxda waxaa markii hore lagu xirey xarunta dhexe ee boliiska Hargaysa. Qareenno deegaanka kasoo jeeda una shaqeynayey hay’adda QM ee Qaxootiga (UNHCR) ayaa kooxda ku booqdey xabsiga. Disember 28-keedii, boliisku waxay u sheegeen qareennada in kooxda loo wareejiyey goob aan la magacaabin, sida ay sheegtey UNHCR.
UNHCR waxay sheegtey in 15 ka mid ah kooxda ay ahaayeen qaxooti diiwaangalsan, shan kalena u diiwaangalsanaayeen magangalyo-doon.
Shirkii jaraa’id ee 1-da Janaayo, waxay mas’uuliyiinta Somaliland ku hanjabeen masaafurin dheeri ah, iyagoo sheegey in qaxootiga iyo kuwa kale ee haatan ku jira Xarunta Samafalka Bulshada la celin doono haddii aysan bannayn xarunta. Waqti looma qaban dib u celinta soo socota mustaqbalka.
Somaliland ayaa joojisey dhammaan diiwaangelinta dadka magangalyo-doonka ah sanadkii 2008. UNHCR waxay ku qiyaastey in ugu yaraan 20,000 oo shisheeye aan diiwaangalsanayn ah ay ku sugan yihiin Somaliland, oo ay ku jiraan tiro aan la aqoon oo Itoobiyaan iyo qaar kale ah oo doonaya inay magangalyo dalbadaan. Xeerka caalamiga ah ayaa reebaya masaafurinta dadka magangalyo-doonka ka hor inta aan si cadaalad ah loo go’aamin xaaladooda.
Tiro aad u badan ayaa Itoobiya kasoo qaxa sanad kasta iyagoo ka baxsanaya cadaadis. Hadda ka hor qaxooti dib loo celiyey ayaa dawladdu xabsiga dhigtey. Jirdilka ayaa caadi ka noqdey xabsiyada Itoobiya. Somaliland ayaa ku dhawaaqdey inay madaxbannaanideeda ka qaadatey Soomaaliya sanadkii 1991-kii, marakay dhacdey dawladii ugu dambaysey dawlad shaqeynaysa ee Soomaaliya. Ma jirto dawlad aqoonsatey dawladnimada ay sheegatey Somaliland. Human Rights Watch majirto mawqif ay ka taagan tahay in Somaliland si caalami ah loogu aqoonsado dal madaxbannaan iyo in kale.