(Nairobi) – Mas’uuliyiinta Soomaaliya waa in ay amraan in la sameeyo baaritaan cusub oo dhexdhexaad ah oo weliba barax tiran oo lagu sameeyo kufsi la sheegay in ay geysteen ciidammada Midowga Afrika, sidaa hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku sheegtay war saxaafadeed ay maanta soo saartay. Kiiska waxaa hareeyay maamul xumo, madmadaw, iyo dhib loo geystay haweenaydii la kufsaday iyo dadkii siinayay adeega caawinta.

Haweeneey Soomaali ah ayaa u sheegtay idaacadaha maxaliga ah 9-kii bishii Agoosto, 2013-ka, in ciidammada dowladda Soomaaliya ay ku afduubteen maalin ka hor degmo ku taal waqooyiga caasimada dalka, ee Muqdisho. Waxa ay sheegtay in ay ku wareejiyeen rag ay ku tilmaantay in ay ahaayeen ciidammo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyadoo tilmaanteeda ku saleysay aragtida muuqaalkooda iyo luuqadda ay ku hadlayeen. Waxa ay sheegtay in ay kufsadeen kaddibna ay ku tureen waddooyinka. Iyadoo muddo saddex bilood ah ay ka soo wareegtay, baaritaanka ay dowladda ku sameysay kiiskan si aan wanaagsaneyn ayaa loo maamulay mana jirto wax natiijo ah oo shacabka loosoo bandhigay.

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa waxa ay u muuqdaan in ay ka gaabinayaan baaritaan lagu sameeyo kufsiga la sheegay, baddalkii ay si ballaaran u dabageli lahaayeen kiiska,” sidaa waxaa sheegtay Liesl Gerntholtz, oo ah Agaasimaha xuquuqda haweenka ee Human Rights Watch. “Baaritaankan cilladeysan waxa uu tilmaamayaa sida ay saraakiisha ammaanka ay isugu dayayaan in ay aamusiyaan dhamaan dadka ka soo warrama dhibaatada xun ee tacaddiyada kufsiga iyo kuwa caawiya haweenka la kufsaday.” Sidaa ayey ku dartay.

Haweenayda ayaa waxa ay booliska ku wargelisay in la kufsaday 10-kii bisha Agoosto. Todobaadkii xigay, dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sameysay guddi farsamo oo baara dhacdada, oo soo hela kuwii ka dambeeyay, iyo waxyaabaha sababa tacaddiyada noocan ah. Dowladda waxa ay sheegtay in falka uu ka dhacday saldhig AMISOM ay leedahay oo ku yaal waqooyiga Muqdisho, oo loo yaqaan Xerada Maslax. Guddiga ayaa waxa ay aheyd in ay baaritaanada ku dhameeyaan muddo 60 cisho ah kaddibna natiijada ay u gudbiyaan koox wasiiro ah oo la magacaabay.

Lataliyaha ra’iisul wasaaraha ayaa Human Rights Watch u sheegtay 4-tii Nofember in warbixin kumeel gaar ah ay guddiga diyaariyeen, balse warbixinta kama dambeysta ah aanay diyaar noqoneyn tan iyo dhamaadka bisha Nofember. 6-dii Nofermber, Ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa waxa ay soo saareen warbixin ay kaga cabanayaan sida ay howsha u socoto, iyagoo ugu baaqay dowladda in ay u hogaansanto waajibaadkeeda ku aaddan baaritaanka kiiska oo si degdeg ahna ay u soo bandhigto natiijooyinka. Human Rights Watch waxa ay ka walaacsan tahay in, iyadoo dhibaatooyin badan ay soo wajaheen baaritaanka, warbixinta aanay ka soo bixi doonin natiijo wax ku ool ah oo lagu kalsoon yahay.

Cilmibaarayaasha Human Rights Watch ayaa waxa ay haweyneeda Soomaalida ah ku wareysteen magaalada Muqdisho bishii Agoosto, waxa ayna ogaadeen in dhamaan eedaha ay loo qaateen yihiin. Qooraladeeda caafimaad ee isbitaalka, oo ay Human Rights Watch arkeen kaddib markii ay haweeneyda u fasaxday, ayaa waxaa ku yaal in ay qabto dhaawacyo la mid ah kuwa qof xoog lagu kufsaday oo jirdilna loo geystay oo kale. Waxa ay sheegtay in ay kufsiga uga hadashay sababta oo ah waxa ay doonaysay in kuwii soo weeraray la horkeeno cadaaladda inkasta oo ay ka cabsaneysay cawaaqib xumada ay arrintan ku reebi karto sharafteeda iyo ammaankeeda.

“Haatan waxaa jira arrimo badan oo isoo wajahay,” haweeneyda ayaa u sheegtay Human Rights Watch. Waxayna intaa ku dartay “Marnaba kuma laaban karo meesha aan ka imid sababta oo ah qofkasta aniga ayuu iga hadlayaa. Ninkeyga dhibaatooyin ayaa isana soo wajahay…. Waan yaabanahay, maxaa ii xigi doona middan?”

Baaritaanka dowladda waxaa hareeyay cillado badan oo dhanka socodsiinta howsha ah, Human Rights Watch, ayaa sidaa sheegtay. Iyadoo qorshuhu uu ahaa in baaritaan wadajir ah la sameeyo, oo ay jirtay eedo ka dhan ah dowaladda Soomaaliya iyo ciidammada AMISOM, ayaa wadashaqeyntu waxa ay aheyd mid xadidan. AMISOM iyo xubno matalayay ururada bulshada rayidka ah ayaa marki hore lagu daray guddiga balse mar dambe ayaa laga saaray in ay ka qeyb qaataan baaritaanka sababo lagu tilmaamay inay jiri karaan loolan dhanka danaha ah.

Xubno ka tirsan ciidammada ammaanka ee Soomaaliya ayaa waxa ay dhibaateeyeen oo ay u cagajugleeyeen haweeneyda si ay ugu qasbaan in ay u warranto guddiga farsamada. 26-dii bishii Agoosto, xubin ka mid ah ciidammada ammaanka ayaa iyadoon lasii wargelin waxa uu ugu yimid hoygeeda si uu u horgeeyo guddiga. Ma aanay daneyneyn in ay ka hadasho wixii ku dhacay sababta oo ah jir ahaan iyo maskax ahaanba waa ay liidatay xilligaas. Markii ay diiday in ay raacdo, askarigaas waxa uu isku dayay in uu ka soo bixiyo hoygeeda. Wuxuuna ka tagay oo kaliya markii ay suuxday.

Haweeneyda ayaa waxaa horay su’aalo u waydiiyay booliska markii ay ashtakada kiiska geysay, iyadoo 25-kii bishii Agoosto ay su’aalo waydiiyeen howlwadeenada ammaanka ee xarunta sirdoonka qaranka ee ku taal madaxtooyada, Villa Soomaaliya. Todobaadkii xigayna, waxaa markale gurigeeda ku wareystay xubnaha guddiga. Waxaa labada marba loo diiday in ay hesho qareen taasoo lid ku ah sharciyada heer caalami iyo dhaqammada suuban.

Ciidammo ka tirsan booliska Soomaaliya, waaxda sirdoonka, iyo militariga ayaa sidoo kale waxyeeleeyay dad kale oo kiiskan ku lug lahaa, oo ay ka mid yihiin hay’add haweeneyda siinaysay gargaar caafimaad iyo hooyba, iyo weriyihii marka horaba wareystay. Ciidammada ammaanka ee ku jira guddiga ayaa waxa ay waydiiyeen weriyaha meesha uu xogta ka helay iyo aqoonsiga haweeneyda iyadoo aanu la joogin qareen, sidaas oo ay tahay waxa uu waydiistay in la siiyo qareen. Dad badan oo kiiskan ku lug lahaa waa ay ka gaabsadeen in ay la hadlaan Human Rights Watch, iyagoo ka cabsi qaba in la dhibaateeyo.

Lataliyaha ra’iisul wasaaraha ayaa Human Rights Watch u sheegtay in laba askari oo ciidammada dowladda ka tisan loo xiray sababo la xiriiro dhacdadan. Waxa ay sheegtay in labada askari ay xabsi ku jiraan, hasayeeshee Human Rights Watch uma aanay suurtagalin in ay xaqiijiso xiritaanka labada askari, iyo wax dacwa ah oo ku socda toona.

Jawaabta qaboow ee ay AMISOM ka bixisay eedaha ayaa sidoo kale sare u qaadaya su’aalo adag oo ku saabsan sida ay uga go’an tahay in ay kula xisaabtamaan ciidamadooda gaysta tacaddiyada galmada si barax tiran, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Ciidammada AMISOM waxaa laga soo aruuriyay militariga wadammada Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone, iyo Kenya. Intii uu socday baaritaanka, afhayeenka AMISOM ayaa ku beeniyay eedaha shir jaraa’id, isagoo su’aal galilyay sababta ay ciidammada AMISOM meel ka baxsan xaruntooda caafimaad ay uga soo afduubanayaan haween iyagoo marwalba ku daweeyo gabdhaha bukaanka ah xaruntooda.

5-tii Nofember, afhayeenka AMISOM ayaa u sheegay Human Rights Watch in AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ay ogaadeen in eedaha haweeneyda aanay waxba ka jirin, hasayeeshee ma uusan kala caddeyn hannaanka ama caddeynta ku hogaamisay in ay sameeyaan gunaanadkaas.

Ciidammada AMISOM ayaa horay waxaa usoo wajahay eedo dhanka xadgudubyo galmo ah oo ay ka geysteen gudaha Soomaaliya. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Maarso 2013-ka qaraar ay soo saareen ugu baaqay AMISOM in ay qaadaan tallaabooyin ay kaga hortagayaan tacaddiyada galmada iyo in ay wax ka qabtaan eedaha xadgudubka. Bishii Luuliyo, kooxda Golaha Ammaanka ee la socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxa ay sheegeen in eedaha tacaddiyada galmada oo ka dhan ah AMISOM si joogto ah loogu soo gudbiyo, balse howlgalka ma uusan lahayn hannaan ay si wax ku ool ah ay wax uga qabtaan eedahaas.

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa ciidammada Midowga Afrika inkiraad qayaxan oo kaliya ugama baxsan karaan eedaha kufsiga ee loosoo jeediyay,” Gerntholtz ayaa tiri. “Wadammada ku deeqay ciidammada waa in si dhaqso leh ay u abuuraan hannaan cad oo barax tiran oo lagu baaro eedaha si caddaalad ah, iyo in ay si haboon ula xisaabtamaan dadka lagu helo dambiyadaas.” Sidaa ayay sii raacisay.

Iyadoo saraakiil sarsare oo dowladda ka tirsan, oo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya, ay ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay wax ka qabashada dhibaatada tacaddiyada galmada, ayaa tallaabooyinka ay qaadayaan ciidammada dowladda waxa ay hoos u dhigeen ballanqaadyadaas. Bishii Janaayo, haweeneey ka mid ah dadka soo barakacay taasoo ku eedaysay in ay kufsadeen askar ka tirsan ciidammada dowladda iyo weriyihii wareystay ayaa waxaa lagu maxkamadeeyay hannaan garsoor oo aad u cilladeysan oo weliba la siyaasadeeyay.

“Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay sameyso dadaal dheeraad ah si ay sare ugu qaado awooda hay’adaha sharci fulinta si ay si wax ku ool ah ugu baaraan oo ay u maxkamadeeyaan dadka geysta weerarrada haddii kale kiisaskan waxay noqon doonaan kuwo la iska indha tiro oo si khaldanna loo maamulo,” Gerntholtz ayaa sheegtay. “Kiiskan waxa uu muujinayaa in ay aad muhiim ugu tahay in dowladda, oo taageero ka helayso wadammada deeqda bixiya, ay sameyso istaraatiijiyad qaran oo dhameystiran si looga hortago tacaddiyada galmada loona caawiyo dadka la kufsado.” Sidaa ayay kusoo gabagabeeysay hadalkeeda.