Ciidamada AMISOM oo ilaalinaya xerada barakacayaasha ee loo yaqaan Zona-K ee ku taal xaafada Hodan ee Magaalada Muqdisho bishii Juun ee sandkii 2012-ka.

©2012 Clar Ni Chonghaile

(Nairobi) – Askar ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) ayaa xeryahooda Muqdisho ku yaal tacaddi galmo ugu geystey oo si xun uga faa’iidaystay haween iyo gabdho Soomaali ah oo aad u nugul. Sidaasi waxaa war bixin ay maanta soo saartay ku sheegtay Human Rights Watch. Wadammada ciidamada geeya Soomaaliya, Midowga Afrika iyo deeq bixiyayaasha AMISOM waa inay si degdeg ah wax uga qabtaan tacaddiyadan oo ay xoojiyaan qaababka lagu doonto caddaalada ee gudaha Soomaaliya.

War bixintan ka kooban 71-ga bog ee loogu magac daray, “‘Xoogga ay Raggaan Nagu Haystaan’: Si xun uga faa’iidaysi iyo Tacaddi galmo oo Ciidamada Midowga Afrika ay Ka Geysteen Soomaaliya,” ayaa wax ka qoraysa si xun uga faa’iidaysi iyo tacaddiyo galmo loogu geystay haween iyo gabdho Soomali ah labo xero oo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin caasimadda Muqdisho laga soo bilaabo sanadkii 2013-ka. Askarta Midowga Afrika oo isticmaalaya dalaaley Soomaali ah, ayaa adeegsaday khiddado kala duwan, oo ay ka mid tahay gargaarka biniaadamnimo si ay ugu khasbaan haweenka iyo gabdhaha nugul inay u galmoodaan. Waxay sidoo kale kufsadeen ama ay tacaddi galmo ugu geysteen xeryaha AMISOM haween doonanayay kaalmo caafimaad ama biyo. Human Rights Watch ayaa wareysatay 21 haween iyo gabdho oo tilmaamay inay kufsadeen ama si xun uga faa’iidaysteen shaqaalaha militariga ee Yugaandha iyo Burundi ee ka tirsan ciidamada Midowga Afrika.

“Qaar ka tirsan askarta Midowga Afrika ayaa si khaldan u isticmaalay awoodooda si ay si xun uga faa’iidaystaan haweenka iyo gabdhaha Soomaalida ah ee aadka u nugul,” sidaasi waxaa sheegtay Liesl Gerntholtz, oo ah agaasimaha waaxda xuquuqda haweenka ee Human Rights Watch. “Soomaaliya waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo adag, balse hogaanka Soomaaliya iyo Midowga Afrika way dhameyn karaan si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmo haddii ay ku khasbaan wadammada ciidamada geeya Soomaaliya inay gaboodfalayaasha wax ka qabtaan.”

Midowga Afrika iyo AMISOM waa inay xoojiyaan habdhaqan ah “inaan loo dulqaadanayn” hawlaha sharci darrada ah ee ka dhaca xeryahooda, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Waa inay dhisaan ama xoojiyaan nidaamyo iyo waaxo u xil saaran sidii tacaddiyadan wax looga qaban lahaa, sida inay anshax suubis sameeyaan, iyo inay sameeyaan waax heer Midowga Afrika ah oo madax bannaan oo baaritaanada sameysa.

Human Rights Watch waxa ay cilmi baaris ka sameysay gudaha Soomaaliya, Yugaandha iyo Burundi. Dhammaan haweenka iyo gabdhaha la wareystay ayaa ka tirsan bulshada barakacayaasha ah ee ka kala yimid koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Intaa waxaa dheer, in Human Rights Watch ay wareysatay in ka badan 30 markhaatiyaal ah, kormeerayaal ajanabi ah, shaqaalaha militariga iyo mas’uuliyiin ka socda wadamada ciidamada geeya Soomaaliya. War bixinta ayaa diiradda saartay dhacdooyinki ka dhacay Muqdisho oo ay ku sugan yihiin askarta reer Yugaandha iyo Burundi, tani micnaheedu ma’aha in tacaddiyadan kuwa la mid ah aanay ka dhici karin meelo kale.

Sanooyin badan oo dagaallo iyo abaaro ay ka jireen Soomaaliya awgeed ayaa keentay in tobanaan kun oo haween iyo gabdho ah ay ka barakacaan bulashadooda iyo reerohooda iyo taageerada qabiilkooda. Iyagoon haysan wax kharash ah ama shaqo ah, haween iyo gabdho badan ayaa ku tiirsan caawinaad xagga dibada ah, taasi ayaa ku khasabto inay ku dhacaan xaalado tacaddi iyo si xun uga faa’iidaysi ah si ay u dabaraan naftooda iyo tan carruurtooda

Golaha Midowga Afrika ee Nabadda iyo Ammaanka ayaa Soomaaliya geynayay ciidamo nabad ilaalin ah laga soo bilaabo sanadkii 2007-da, iyagoo ogolaansho ka haysta Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay, si ay u ilaaliyaan dhismayaasha iyo saraakiisha dawladda Soomaaliya iyo inay wax ka caawiyaan sidii loo gaarsiin lahaa dadka gargaarka biniaadamnimo. Ilaa iyo waqtigaa, awoodda, baaxadda iyo joogitaanka AMISOM ayaa si weyn usii ballaartay. Ciidanku waxaa uu shaqaalihiisa ka kala yimaadaa wadammada Yugaandha, Burundi, Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Siiraaliyoon.

Haweenka iyo gabdhaha caawinaada u raadsada xeryaha AMISOM ee Muqdisho ku yaal ayaa sidaa sameeya iyagoo halis weyn ku jira, Human Rights Watch ayaa sidaa ogaatay. Tusaale ahaan, Qamar R. (ma aha magaceeda saxda ah) oo 15 sano jir ah ayaa aaday xerada guutada Burundi si ay daawo ugu soo hesho hooyadeed oo xanuunsanayd. Tarjumaan Soomaali ah ayaa u sheegay inay raacdo labo askari oo reer Burundi ah si ay daawo u soo hesho. Waxay geeyeen meel cidla ah. ‘Marki hore xijaabka ayuu iga bixiyay markaas ayuu isoo weeraray.’, Sidaa ayay u sheegtay Human Rights Watch. Markii ay sii baxeysay, askarigi kale ayaa siiyay 10 doolar.

Askarta qaarkood ayaa si xun uga faa’iidaystay saboolnimada iyo cunno la’aanta heysata haweenka si ay ugu galmoodaan. Bishii Mey ee 2013-ka, Kassa D. waxa ay xerada AMISOM ku baratay tarjumaan Soomaali ah. “waan walwalsanaa, waxaan rabay inaan cararo balse waxaan ogaa wixii halkaan i keenay inay wali jiraan—baahidayda, go’aan ayaan qaatay haddana dib uma laaban karo.” Sidaa ayay tiri. Kadib markii uu u galmooday askari reer Yugaandha ah, tarjumaanki ayaa siiyay 10 doolar.

Bayaankii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee soo baxay sanadkii 2003-da ee ku saabsanaa tillaabooyinka khaaska ah ee looga hortagayo tacaddiyada iyo si xun uga faa’iidaysiga galmada, ayaa hawlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay u ah nuqul wax ku’ool ah. Waxaa uu si cad uga mamnuucayaa hawlgallada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay inay galmo ku badashaan lacag, alaab, ama adeegyo.

Caddeymaha la helay ayaa muujinaya in ka faa’iidaysiga galmada aanay xeryaha AMISOM ee Muqdisho qarsoodi ka ahayn. Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Haweenka iyo gabdhaha ayaa xeryaha ka galayay albaabada rasmiga ah ee aadka loo ilaaliyo oo waliba waxay tagayeen goobo kale oo sida la sheegayo ah goobo aan la tagin oo aad loo ilaaliyo. Labo haween ah ayaa Human Rights Watch u sheegay in askarta ay lacagta kula seexdeen ay siiyeen aqoonsiyo rasmi ah si ay ugu sahlanaato inay soo galaan xerada.

“Hogaamiyayaasha siyaasadda iyo militariga Midowga Afrika waxay u baahan yihiin inay wax badan sameeyaan si ay uga hortagaan, u ogaadaan una ciqaabaan askartooda geysanaysa tacaddiyada galmada ah,” Daniel Bekele oo ah agaasimaha Afrika ee Human Rights Watch ayaa sidaa sheegay. “Iyadoo cunno yari kale ay ka jirto xeryaha barakacayaasha ee Muqdisho, haweenka iyo gabdhaha waxa ay mar kale si ba’an ugu baahan yihiin cunno iyo daawo. Waa in aanay jirkooda iibsanin si ay qoysaskooda ugu nooleeyaan.” Sidaa ayuu ku daray.

Askarta AMISOM waxa ay sidoo kale u geysteen haweenka iyo gabdhaha tacaddiyo kale waxayna khatar u galiyeen halisyo caafimaad, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Haween badan ayaa sheegay inay dharbaxeen oo ay garaaceen askartii u galmootay. Qaar kale ayaa sheegay in askartu ay diideen inay xirtaan canjirka galmada, iyagoo markaasi ku riday cudurada galmada lagu kala qaado.

Haweenka la wareystay qaarkood ayaa sheegay in aany soo sheegin dhibaatooyinka ku dhacay sababtoo ah waxay ka baqanayeen aargoosi kaga yimaada gaboodfalayaasha, mas’uuliyiinta dawladda, kooxda hubaysan ee Islaamiga ah ee Al-Shabaab, iyo weliba ceebayn iyo ciqaab kaga timaada qoysaskooda. Qaar kale ayaa Human Rights Watch u sheegay in aanay doonayn inay waayaan halka meel ee ay noloshooda ka helaan, sidaa awgeed, Human Rights Watch uma aanay suurta galin inay soo ogaato baaxadda dhibaatada ama heerarka rasmiga ah ee ku luglahaanshaha arrinkan.

Wadammada ciidamada siiya AMISOM ayaa iyagu mas’uul ka ah falalka ay ciidamadoodu ka geystaan Soomaaliya weliba waxaa ay awood gaar ah u leeyihiin inay wax ka qabtaan dambiyada ay geystaan shaqaalahoodu. Wadammadan waxaa ay siyaabo kala duwan u sameeyeen qaabab ay wax uga qabtaan anshax darrada oo ay ka mid tahay inay geeyeen Soomaaliya la taliyayaal xagga sharciga ah iyo dambi baarayaal militari ah, Yugaandha ayaana si ku meel gaar ah maxkamad militari ugu dirtay Soomaaliya si ay u qabato kiisaska.

Wadamada ciidamada geeya Soomaaliya weli ma aanay keenin wixii lagama maarmaanka u ahaa in la baaro ashtakooyinka, mudnaana ma aanay siin baaritaanada iyo maxkamadeynta ku aaddan si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmada, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Hal kiis oo kufsi ah kaliya, oo dhibanuhu ay canug yar tahay ayaa horyaala maxkamadda militariga ee Yugaandha ee ku taal Kampala.

Madaxda AMISOM ayaa qaaday tillaabooyin wax looga qabanayo tacaddiyada ku salaysan jinsiga iyo galmada, oo ay ka mid tahay qabyo qoraal u samaynta siyaasad looga hortagayo loogana jawaab celinayo si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyda galmada, iyo wacyi galin. Si kastaba, waxaa loo baahanyahay in la sameeyo waxyaabo dheeraad ah si loo xaqiijiyo in dadaalladan ay caddaalad u keenaan dhibanayaasha. Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dawladda Soomaaliya waa inay qaadaan tillaabooyin looga hortagayo si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmo, waana inay sameeyaan qaab ay haweenku ku soo sheegi karaan tacaddiyada. Wadammada ciidamada geeya Soomaaliya waa inay xoojiyaan awoodda ay u leeyihiin inay baritaanno iyo maxkamadeyn ku sameeyaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale waa inay xaqiijiyaan, iyagoo kaashanaya AMISOM iyo Qaramada Midoobay, in dadka badbaaday ay helaan daryeel caafimaad iyo mid maskaxeed iyo ilaalo, gaar ahaan marka ay baaritaanada iyo maxkamadeyntu socdaan.

Deeq bixiyayaasha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska waa inay taageeraan kormeer madax bannaan oo lagu sameeyo hab dhaqanka ciidamada Midowga Afrika iyo shaqaalaha rayidka ah si loo xaqiijiyo in aanay dhicin in aanay dan ka galin tacaddiyada ay ciidamadoodu geystaan. Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

“Midowga Afrika waa in aanay iska indha tirin tacaddiyda ka dhacaya xeryaha AMISOM, sababtoo ah, waxaa ay wax u dhimaysaa kalsoonida lagu qabo hawlgalka,” Gerntholtz ayaa sidaa sheegtay “Dawladaha taageeraya AMISOM waa inay Midowga Afrika kala shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa si xun uga faa’iidaysiga iyo tacaddiyada galmo ee ay ciidamadoodu ku hayaan haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed, waana inay tillaabo ka qaadaan dadka u sahlaya, waana inay sameeyaan wax welba oo ay awoodaan si ay uga hortagaan si xun uga faa’iidaysi iyo tacaddiyo galmo oo loo geysto haweenka Soomaaliyeed.” Sidaa ayay ku soo gabagabeysay hadalkeeda