Refugee women and children in Somaliland who fled their homes in Ethiopia as a result of a "Liyu police" operation, April 2012.

© 2012 Ben Rawlence/Human Rights Watch

(Nairobi) – Dowladda Itoobiya oo ay gacan siinayaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa si aan ka fiirsasho laheyn u toogtay 10 nin bishii March 2012 intii ay howlgadu ka socdeen Itoobiya qeybta Bariga degaanka Soomaalida, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay manta. Caddeymo ka war bixinaya dilalkan iyo xadgudubyada ay geysteen xoogagga loo yaqaan “Liyu Boolis” ayaa waxa ay soo ifbaxeen kadib markii ay Human Rights Watch qeyteeda xaqiiqa raadinta ay tagtay Abriil dhexdeedii Somaliand oo ay jaar la yihiin.

16-kii March ayaa mid ka tirsan Liyu boolis u geystay dhaawac culus qof ka mid ah dadka degan tuulada Raqda, ee degmada Gashaamo ee gobalka Soomaalida, kaa soo isku dayayay inuu difaaco qof ka tirsan tuuladaas. Isla maalaintaa rag ka tirsan tuulada Raqda ayaa aargoosi ku dilay todoba ka tirsan booliska Liyu taasoo keentay rogaal celinta howl galo ay si balaaran ugu soo qaadeen booliska Liyu afar tuulo 16-kii iyo17-kii March. Intii ay howlgaladan socdeen waxa ay booliska Liyu si aan ka fiirsasho laheyn u toogteen ugu yaraan10 nin ku waasoo u xirnaa iyaga, ugu yaraana 9 qof ayay ku dileen xabado leys weydaarsaday, sidoo kale waxa ay kaxeysteen 24 nin, waxaana ay dhaceen dukaamo fara badan iyo guryo.

“Dilka qaar ka mid ah Liyu boolis ma noqonayo marmarsiiyo lagu baneysto in lagu soo qaado jawaab aargoosi waxashnimo ah dadka ku nool deegaanka,” sidaa waxaa yiri Leslie Lefkow, ku simaha xogeyaha Afrika ee Human Rights Watch. “Xadgudubyada booliska Liyu ee gobalka Soomaalida waxa ay cadeynayaan baahida loo qabo in ay dowlada Itoobiya xakameyso xoogagan sharciga aan waafaqsaneyn.”

Dowladda Itoobiya waa in ay sharciga marisaa kuwa ka masuulka ah dilalka iyo xadgudubyada kale iyo in ay ka hortagaan xadgudubyo kale oo dhaca mustaqbalka in ay geystaan xoogagaas, sidaa ayaa waxaa yiri Human Rights Watch.

Maamulka Itoobiya ayaa aas aasay Liyu boolis gudaha deegaanka soomaalida 2007-kii ka dib markii qilaafkii u dhexeeyay ciidamada hubeysan ee Ogaden National Liberation Front (ONLF) iyo dowladda uu sii xoogeystay. 2008-dii ayaa Liyu boolis waxa ay noqdeen quwad kasoo horjeeda jabhadeynta iyadoo waqtigaas uu hogaaminayay madaxa nabdgalyada ee gobolka Abdi Mohammed Omar (kaa soo loo yaqaan “Abdi Iley”), immikana ah madaxweynaha deegaanka Soomaalida.

Boolika Liyu ayaa ka geystay tacaddiyo mararbadan soo noqnoqday deegaanka Soomaalida kaa soo la xiriira howlgalada ay kaga soo horjeedaan jabhadeynta, sidaa waxaa sheegay Human Rights Watch. Ma cadda in aya ciidamadani ay yihiin kuwo sharciyeeysan, laakiin xog lagu kalsoonaan karo ayaa Human Rights Watch u sheegtay in ay ka helaan dowladda Itoobiya tababarro, hub, labis (uniform) iyadoo loo soo marinayo madaxda deegaanka.

Human Rights Watch ayaa waxa ay la hadashay 30 qof oo dhibanayaal ah, qaarabada dadkii wax yeeloobay, iyo marqaatiyo goobjoog ka ahaa qasaarihii ka dhacay afarta tuulo bishii March kuwaasoo u soo talaabay xudduudda Somaliland faahfaahin buuxdana ka bixiyay dhacdada.

Dad goob joog ahaa ayaa u sheegay Human Rights Watch 16-kii March in ay booliska Liyu ku soo noqdeen Raqda ka dib markii iyaga iyo shacabka ay carqalado dhex mareen maalinnimadii halkaasoo ay kaga dhinteen todoba ka tirsan booliska. Subixii xigay ee 17-kii March, boolika Liyu waxa aya hareereeyeen 23 nin Raqda gudaheeda waxaana ay ku qaateen gaari iyagoo la aaday dhanka tuulo ku dhaweyd Galka. Intii ay sii socdeen boliska Liyu waxa ay joojiyeen gaarigoodii waxaana ay xusheen shan nin halkaasoo ay ku toogteen waddada dhinaceeda. “Waxa ay ahaayeen sadex booliska toogtay,” mid maxbuus u ahaa ayaa Human Rights Watch u sheegay. “Waxa ay ka toogteen madaxa foolkiisa iyo garabka: qofkiiba sadex xabadood.”

Sidoo kale 17-kii March abbaarihii 6-da aroornimo, bolika Liyu oo wata laba gaari ayaa weeraray tuulada oo jaar la ah. Dadkii ka badbaaday weerarkii iyo qaraabadii kuwi la dilay ayaa ku tilmaamay Liyu bolis in ay guri guri u geleen iyagoo raadinaya hub dhulkana ku jiiday niman guryahooda ay ka soo saarayeen. Kadib Liyu boolis xabado ayay kor u rideen ka dibna ciidamada xaafada oo xubeysan iyi Liyu boolis ayaa is xabadeeyay halkaana waxaa ku dhintay afar gof oo deganaa tuulada. Shacab badanana waa ay ka qaxeen tuulada.

Ka dib saacado badan booliska Liyu waa ay tageen laakiin waxa ay soo noqdeen markii dadkii cararey ay ku soo laabteen tuulada si ay u duugaan dadkii ay dileen maalintaa. Dagaal ayaa dib u bilaowday galabnimadii halkaana waxaana halkaa ugu yaraan tuulada looga dilay shan qof. Booliska liyu ayaa waxa ay la baxeen afar nin hakaana si ula kac ah ugu toogteen. Qof dumar ah ayaa Human Rights Watch u sheegtay in ay walaalkeed oo dhaqtar ahaa ay dibada ula baheen. “Madaxa ayay ka toogteen ka dibna wey bireeyeen.”

Sidoo kale waxaa boolika Liyu lagu soo daad gureeyay banaanka Langeita, tuulo kale oo ka tirsan degmada waxaana ay xayireen dhaqdhaqaaqa dadka. Boolika Liyu waxaa ay u geysteen dhac baahsan ugu yaraan laba tuulo, dadka deeganka ayaa sidaa yiri.

Human Rights Watch ayaa waxaa soo gaaray warar aan la hubin oo sheegaya in maamulka hoose uu dhacdooyinkan u soo xiray sadex askari. Si kastaba ha ahaatee ma jiraan wax caddeynaya in la xukumay cid ama baaris dheeraada la sameynayo.

Dowladda Itoobiya ayaa warbixinada xadgudubyada jawaab uga dhigtay in ay xayirtaa dhaqdhaqaaqa suxufiyiinta, hey-adaha samafalka, kooxaha xuquuqul insaanka, iyo baarayaasha madaxa banaan. Maamul goboleedka Dowladda Dhexe ee Itoobiya waa iney si dag dag ah u furaan qaab loo heli karo sidii baarayaal madax banaan loogu diri lahaa iyo warbaahinta madaxa banaan, xogdoonka hey-adda Xuquuqul Insanka, iyo warbixiyaha Qaramada Midoobay ee u qaaska ah toogashooyinka aan loo meel dayin iyo go’aamada lagu soo gaaray meelaha ka baxsan maxkamadda, Human Rights watch ayaa sidaa tiri.

“Sanado badan dowlada Itoobiya waxa ay xarig iyo masaafurin isugu dartay suxufiyiin ka soo warbixinayay gobolka Soomaalida,” Lefkow ayaa tiri. “Wadamada samafalka siiya waa iney ugu baaqaan Itoobiya iney warbaahinta u fududeyso howgaladooda si tacaddiyada iyo xadgudubyada ay u noqdaan kuwo aan qarsoomeyn.”

Liyu boolis Xadgudubyo, March 2012

Ka kooban Toogashooyin iyo Dilal
Human Rights Watch waxey wareysteen goob jooga yaal iyo qaraabada dadkii la dilay kuwaasoo tilmaamay iney marqaati ka ahaayeen ugu yaraan 10 toogasho oo ay geysteen booliska Liyu 16-kii iyo 17-kii March. Tirada saxda ah waxaa laga yaabaa iney intaa ka badan tahay.

16-kii March ayaa mid ka tirsan boolika Liyu ku dil toogasha ah u geystay Abdiqani Abdillahi Abdi kadib markii uu isku dayay in uu hor istaago nin tuulada daganaa oo ay garaacayeen, qaar ka ka mid ah dadka degan tuulada yaa maqlayey iyagoo dhahaya, “Maxaad u sameyn kartaa?” ka dib waxey maqleen xabad.

Toogashadaas iska hor imaadyo ka dhashay oo u dhexeeya dadka deegaanka iyo Liyu boolis ayaa cirka ku shareeray. Sagaalkii booliska Liyu ee lagu soo daad gureeyay Raqda ayaa tagay oo socod ku aaday Cadaada tuula kale oo ku dhow. Tiro ka mida dadka Raqda ku nool ayaahubkodii qaatay oo ka daba tagay boolisa Liyu halkaasoo laysku weydaarsaday rasaas laguna dilay todoba ka mid ah booliska Liyu.

Subixii xigay, 17-kii March abbaarihii 11-ka subaxnimo, booliska Liyu ayaa 23 nin kala baxay shan nin waxana lagu xiray Raqda kadibna lagu kaxeystay gaari iyadoo loo wado tuulada la yiraa Galka. Boolika Liyu ayaa ku qasbay shantaa nin in ay fariistan hareerta wadada a ka dibna toogtay. Mid ka mid ahaa maxaabiista ayaa sidan qeexay:

Inta u dhaxeysa Raqda iyo Galka ayay garigii joojiyeen. Waxaana soo wehliyay afar baabuur oo kale booliska Liyu ay wateen waqtigu wuxuu ahaa abbaaraha 11-ka subaxnimo. Waxeyna nagu amreen shan naga mida iney gaariga ka soo dagtaan. Si aan [kala soocasho] la heyn ayay shan u dalbadeen. Nin gaariga looriga agtaagnaa ayaa amarka bixiyay “Dill iyga toogo.” Sadex boolis ayay ahaayeen kuwa toogtay. Waxey ka toogteen madaxa sujuudiisa iyo garabka: qofkiiba sadex xabadood.

Maxbuus kale oo arkay shanta madaxa laga toogtay waxa uu yiri booliska iyagoo u hanjabaaya inta ka hartay maxaabiiska waxay yiraahdeen “kuligiin sidan ayaan idiin dileynaa” isla Booliska Liyu waxa ay si aan ka fiirsahso lahayn ugu toogteen Cadaada afar nin, halkaasoo ay subaxaas baaris guri ka guri ay sameeyeen. Sida ay qeexeen dhamaan goob joogayaal marqaati ka aha afartii dhacdooyin waxa ay leeyiin dhamaan dadka la toogtay markii la tooganayay ma aysan ahayn kuwo hubeysan, booliska gacantooda ayay ku jireen markii la toogtay, qoorta ama madaxa ayaa laga toogtay guryahooda ayaana lagala soo baxay.

Goob jooga yaal ayaa qeexay sidii ay u dhacday toogashadii aan ka fiirsasha laheyn ee dhaqtaka xoolaha. Boolika Liyu ayaa gurigiisa ka soo jeeday madaxana ka toogtay, balse markii ay ogaadeen inusan dhimanin, cunaha ayay ka bireeyeen. Dhaqtaka xoolaha walaashiis ayaa Human Righta watch u sheegtay sidaa:

Guriga ayay soo galeen waxeyna yiraahdeen mee ninka gurigan ka masuulka ah. Waxey ahaayeen todobo walaalkey wey qabteen oo guriga kala baxeen. Madaxa ayay ka toogteen kadibna cunaha ka bireeyeen. Ka dib markii ay dileen ayay gabar uu dhalay weydiiyeen halka uu jiro qorigiisii, ma aysan heyn furaha waxaana ay garabka kala dhaceen qoriga baadkiisa.

Sidoo kale waxay goob jooge yaal u sheegeen Human Rights Watch in ay wiil kuray ah ay guriga abtigii kala baxeen su aalo isdaba joog ahna weydiiyeen, ka dibna toogteen dad marqaati ah ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen isagoo ashahaadanaya ka hor inta aan la dilin. Meydkiisa ayaa looga tagay meel aan fogeyn oo qashan agtiisa ah. Dulmane kale oo waayeel ah ayaa duleedka aqalkiisa laga kaxeystay kabid waqti gaaban suulo markii la weydiiyayna isagoo taagan ayaa la toogtay. Dhowr marqaatiyaal oo maqlayay waxa ay sheegeen in uu ka baryayay iney naftiisa u badbaadiyaan. Ninka afaraad isagana sidoo kale aqalkiisa ayaa lagala baxay wax yar ka dibna waa la toogtay.

Ugu yaraan sagaal nin ayay booliksa Liyu ku dileen Cadaada, balse qaabkii ay u dhinteen ma cadda. Waxaa jiray koox ka soo horjeeday weerarka booliska Liyu, qaar ka mid ah sagaalka nin ayaa hubeysnaa, si kastaaba ha ahaatee, sida ay goobjooge yaashu sheegayaan, waxaa jiray qaar ka mida nimankaa iney isku dayeen iney baxsadaan balse boolisku uu qeybta kore ee jirka iyo madaxa ka toogteen. Laba nin oo baxsad ahaana waxaa la sheegay in booliska ay gawaaridooda dul marsiiyeen.

Afduub, Ciqaab iyo si xun ula dhaqmid
Xiligii ay ka socotay barista guryaha Cadaada , ayaa boolisku waxaa ay wateen niman badan una geysteen tacaddiyo dhowr qof oo kale oo ay ka mid yihiin sadex dumar ah sida jir dil iyo xadgudubyo kaleba.

Qof dagan Cadaada, kii ugu hereeyay ee gurigiisa lgala baxo 17-kii March, ayaa Human Rights watch sidan ugu sharaxay sidii ay ula dhaqmeen booliska Liyu:

Wey soo galeen waxaana ay ku yiraahdeen xaaskeyga aamus. Afar ayaa guriga soo gashay afarna banaanka ayay ku sugayeen. Wey i koryimaadeen ina qaateen. Sidoo kale gurigayga qori ayay ka qaateen. Waxey ila dhaceen qoriga dabadiisa waxeyna ii qaadeen wabi yar oo ku dhow guriga. Suun ayay qoorta iiga xireen ka dibna miyirka ayaa iga tagay. Waxey igu tureen barkada biyaha oo hoos 15 mitir u dheer ka dibna laamaha geedaha ayay dusha iga saareen barkadu dhiiqo ayaa ku jirtay. Markii aan soo naaxay ayaan kor usoo fuulay oo aan ka soo baxay.

Booliiska Liyu ayaa ugu yaraan waxa ay garaaceen sadex dumar ah xiligii ay baarayeen guryayaha Cadaada. Gabar dhalinyaro ah waxa tiri booliska Liyu qeyb ka tirsan ayaa gurigeeda galay oo garaacay ka dib makii ay u sheegtay in uu ninkeeda maqan yahay: “Waxa ay yiraahdeen been ayaad sheegeysaa, wey i laadeen qorigana madaha igala dhacee. Dhaawac ayaa kalida iga gaaray. Iligna wuu iga dhacay.”

17-kii sadex nin oo laga afduubtay Raqda ayaa Human Rights Watch u sheegay in midkiiba la xiray sagaal maalmood. 24-kii saac ee ugu horeyay biyo ma aysan heysan. Afar maalmood ayey booliska Liyu waxey ku wadeen gaariga dusha banaan inta u dhexeysa tuulooyinka iyo magaalooyinka si ay xaafada dadka dagan uga qariyaan, iyo maamulka dhexe ee federaalka

Intii lagu guda jiray afartii maalmood ee u horeysay xiligii xariggooda waxaa garaacay booliska waxeyna la dhaceen ul iyo qoriga baadkiisa. Ugu yaraan laba jeer ciidamada gaarka waxey ku hanjabayeen iney dilayaan. Si kastaba ha ahaatee waxaa nimankan badbaadiyay is af garad la’aan ka dhexdhalatay Liyu boolis taasoo ahayd sida laga yeelidoono maaxaabiista oo laysku qilaafay. Maxbuus hore ugu hirnaajiray ayaa u sheegay Human Right Watch:

Waxaa nalagu wareejinayay tulooyin kala duwan inagoo gaariga dushiisa saaran qaar ka mid ah booliska waxay yiraahdeen aan sii dayno maxaa yeelay dowladda dhexe ayay dhibaato kala kulmayaan, kuwa kale ayaa yiri waa nala ciqaabayaa sidii inaan dambi geysanay, halka ay kuwa kalena lahaayeen, “aan dilno” booliiska fikradahoodu weykala duwanaayeen.

Ka dib markii ay gaari afar maalmood dul saarnaayeen ayaa waxaa lagu xiray meel cadceed ah afar maalmood oo kale halkaasoo ku dhaw Langeita, waxaana ay heleen cunto biyo aan sidaa u badneyn. Markaa ka din Liyu boolis ayaa u kexeeyay Gashaamo, kalkaasoo bishii March 25-keedii lagu sii daayay taasoo sabab u ahayd heshiis dhex maray dowlad gobaleedka iyo duqowda qabaa-ilada.

Dhac
Dadka degan Cadaada iyo Langeita ayaa ku tilmaamay booliska Liyu iney ku kaceen dhac iyo boob baahsan oo ay ka mid yihiin lacag, cunto, kuwaasoo ay ka dhaceen guryaha iyo dukaamada. Lix qof oo tuulada dagan ayaa u sheegay Human Rights Watch in hantidoodii, guryahoodii, la bililiqeystay 17-kii March.

Qof dumar ah oo ay dadeeddu tahay 45-jir deganeydna Langeita waxa ay tiri Liyu boolis waxa ay hareereeyeen tuulada iyagoo u socda kox koox shan ama todoba ah waxana ay galeen toban dukaan. Laba ama sadex ayaa gudaha u galaya dukaanka waxayna xadayeen kabaha, dharka, cuntada, iyo cabitaan. Laba dumar ah waxa ay yiraahdeen kuma noqon karno tuulooyinkeennii maxaa yeelay hantidoodii oo idil ayaa luntay.

Warbixinno ka imanaya maamul hoosaadka Somaliland ee dariska la ah ayaa waxa sheegayaan in uu wada tashi dhexmaray duqowda qabaailada ee deegaanka dhibaatda ka jirto iyo maamulka deegaanka si xal loogu helo marxalada. Ma jiraan cid ka mid ah dadkii la hadlay Human Rights Watch oo ku noqonaya guryahoodii.

Hordhac

Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa intii muddo ah ay yareyd carqaladeyn kaga timaadda dhanka Jabhadda Xoreyna Ogaden (ONLF). ONLF, waa dhaq dhaqaaq hubeysan oo asalkoodu yahay Soomaali taasoo badi ka hesha taageero qabiilka Ogaden, Waxaana ay isku dayeen iney gaarsiiyaan gobalka ismaamul siyaasadeen. Waxaa soo raaca weerarkii ONLF ay ku soo qaaday halkii laga qodayay ceelkii shidaalka bishii Abriil 2007 ee Obole, taasoo sababtay dhimashada 70 shacab ah iyo qafaalashada qaar ka mid ah shiinihii shidaalka qodayay, Dowlada itoobiya ayaa ku qaaday shan qeyb oo ka mid ah deegaankaa olole ka dhan ah jabhadda.

Human Rights Watch’s June 2008 warbixin  baaritaano ay ka sameysay xadgudubyada ka dhashay qilaafyada u dhexeeya Ciidamada Difaaca Qaranka ee Itoobiya iyo jabhadda ONLF dambiyada ay geysteen ayaa ah kuwa ka dhan ah xeerka dagaalka, intii u dhaxeysay bartamahii 2007-dii iyo horaantii 2008, iyo in Itoobiya ciidamadeeda ay masuul ka noqon karto in ay geysteen xadgudub ka dhan ah xuquuqul insaanka kuwaasoo ku saleysan hab toogasho, ciqaab, kufsi iyo barakac qasab ah.

Xadgudubyadan ayaa cid madax banaan aysan baaris ku sameynin. Wasaarada arimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa hirgalisay baaris dhamaadkii 2008, taasoo jawaab u ahayd warbixinadii Human Rights Watch, hase ahaatee baaristaa ayaa noqotay mid aan mira dhal ahayn maxaa yeelay ma waafaqsanna shuruudaha madaxbanaanida iyo waqtiga saxda ah ee loogu tala galay kalsoonida baaristan wax ku oolka ah. Dawladda ayaa si isdaba joog ah dhagaha uga fureysatay in ay xadgudubyada ka jira gobalka ay u xil saarto baarayaal madax banaan.

Kadib 2007-dii xiligigii ay dagaaladu cirka isku shareereen ayaa dowladda Itoobiya waxa ay ku soo rogtay gobalka Soomaalida in ay ku adkeyso soo galitaanka suxufiyiinta madaxa banaan iyo xograadiyayaasha Xuquuqul Insaanka . Bartamihii July 2011-kii laba suxufi oo Swedish ah oo galay gobalka si ay warbixin uga sameeyaan qilaafyada ayaa la xiray laguna xukumay 11 sano gaalshire ah taasoo hoos tagta buunbuuninta mugdiga ku jiro ee sharciga ka hortaga argigixisada ee Itoobiya.

Degmada Gashaamo , halkaasoo ah halkii ay dhacdooyinka bishii March 2012 ay ka dhaceen, waa agagaarka Dhagaxbuur , oo ka mid ah shantii meelood ee ay qilaafyadu ka dhaceen. Si kastaba ha ahaatee ma aha meel ay dagaalladu aafeeyeen sanadihii hore, waana meel aad dadku u daganyihiin waxaana ku badan qabiilka Isaaq oo asalkoodu yahay Soomaali, kuwaasoo aan guud ahaan loo arkin in ay taageeraan ONLF.