Itoobiya: Jirdil Ka Dhaca Xabsiga Deegaanka Soomaalida

Saraakiisha asluubta iyo xooggaga ammaanka ayaa sanado badan si aan kala sooc lahayn xarig iyo jirdil ugu geystay maxaabiista xabsiga deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Jeel Ogaadeen, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay maanta soo saartay. Waa in Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya, Dr Abiy Axmed, uu degdeg u amro baaritaanno lagu sameeyo xaaladda argagaxa leh ee xabsigaasi, waa in dowladda ay xaqiijiso in xooggaga ammaanka ee deegaanka iyo mas’uuliyiintaba lagula xisaabtamo dembiyaasi. 

(Nairobi, July 5, 2018) – Saraakiisha asluubta iyo xooggaga ammaanka ayaa sanado badan si aan kala sooc lahayn xarig iyo jirdil ugu geystay maxaabiista xabsiga deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Jeel Ogaadeen, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay maanta soo saartay. Waa in Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya, Dr Abiy Axmed, uu degdeg u amro baaritaanno lagu sameeyo xaaladda argagaxa leh ee xabsigaasi, waa in dowladda ay xaqiijiso in xooggaga ammaanka ee deegaanka iyo mas’uuliyiintaba lagula xisaabtamo dembiyaasi.

Warbixinta oo ka kooban 88 bog, cinwaanna looga dhigay, “Waxaanu Nahay Sida Meydka’: Jirdilka iyo Tacaddiyada Kale ee Xuquuqda Aadanaha ee Ka Dhaca Jeel Ogaadeen, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa sharraxaysa xadugudbyo arxan darro ah, jirdil, kufsi, iyo ceebeyn, ayadoo aanay maxaabiista inta badan helin daryeel caafimaad, la kulamidda ehelkooda iyo qareennadooda halka mararka qaarna loo diiddo cunnada. Waxaa tacaddiyadaasi qeyb ka ah ilaalada xabsiga oo ay ka mid yihiin ciidanka sida milateriga u tababaran ee Liyu booliska. Ciidankan ayaa si toos ah u hoos taga madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, oo loo yaqaan Cabdi Illey. Inta badan maxaabiista ayaa ah dad lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin ururka ONLF ee laga mamnuucay Itoobiya, balse intooda badan laguma soo oogin dacwad ama lama horgeyn maxkamad.

Muuqaal dayax gacmeedka lagu qaaday oo muujinaya Jeel Ogaadeen Jijiga, Itoobiya, Mey 2016.

© CNES 2018 - Airbus DS 2018; Source Google Earth

“Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa qiray in xooggaga ammaanka ay jirdil u geysteen dad Itoobiyaan ah, balse weli waxba kama uusan qaban dhaqanka isla xisaabtan la’aanta ah iyo xaqiijinta in laamaha ammaanka lagula xisaabtamo tacaddiyada ay geysteen,” ayuu yiri Felix Horne oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Human Rights Watch. Waxa uu intaa ku daray, “Xaaladda argagaxa leh ee ka taagan Jeel Ogaadeen ayaa u baahan in baaritaan degdeg ah oo daahfuran lagu sameeyo ficillada madaxweynaha deegaanka, saraakiisha sarsare iyo ciidanka Liyu Booliska.

Si aad uga duwan qaabkii ay dowladda Itoobiya u beenin jirtay tacaddiyada dhaca, ayaa Ra’iisal wasaare Abiy waxa uu baarlamaanka dalkiisa 18-kii Juun ka hor qiray in ciidamada ammaanka ay ku kaceen jirdil. Si gaar ah uma aanu carrabaabin tacaddiyada ka dhacay Jeel Ogaadeen ama waxa ay dowladdiisa ka samayn doonto si loo xaqiijiyo in lala xisaabtamo kuwa jirdilka ka geysta guud ahaan Itoobiya, ama cadaallada ay helayaan dhibbanayaasha.

Human Rights Watch ayaa waraysatay ku dhawaad boqol qof oo isugu jira xubno ka tirsan xooggaga ammaanka, mas’uuliyiin dowladda ah, iyo 70 qof oo horay loogu xiray xabsigan, waxaana ay diiwaangelisay tacaddiyadii ka dhacay Jeel Ogaadeen mudadii u dhexeysay 2011 ilaa horraantii 2018.

“Inta badan mudadii saddexda sano ahayd ee aan ku xirnaa xabsigaasi ayaa waxaa la igu hayay meel gaar ah oo mugdi ahayd,” ayuu yiri maxbuus hore, oo intaa ku daray, “habeenkii oo keliya ayaa meesha la iga saari jiray si la ii jirdilo. Dhibaato badan ayay ii geysteen saraakiisha xabsiga, sida inay koronto iiga qabteen xiniinyaha, ay fiilooyin igu wareejiyeen, iyo inay madaxa ii galiyeen bac uu ka buuxo basbaas. Inta badan afka ayaa la iga xiri jiray si aan u qeylin.”

Maxaabiista ayaa sheegay in inta la qaawiyay lagu hor garaacay dadka kale ee xabsiga ku jiray, iyo in lagu qasbay inay maxaabiista hortooda ku sameeyaan falal dullinimo ah si loo cabsi geliyo kuwa kale.

“Mar ayay igu qasbeen in anigoo qaawan aan ku rafto meel dhiiqa ah ayagoo ulo igu garaacaya, maxaabiista kalena ay i daawanayaan,” ayay tiri Hodan oo 40 jir ah, isla markaana shan sano xirneyd ayadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin. Waxa ay intaa ku dartay, “Nin oday ah ayay ku qasbeen in asagoo qaawan uu la istaago gabadhiisa….. waa dareemi kartaa ceebta ay leedahay in sidaa qof lagu sameeyo asagoo ay fiirsanayaan maxaabiista kale.

Maxaabiista ayaa sheegay in saraakiisha sarsare ee xabsiga oo ay ka mid yihiin taliyayaal Liyu boolis ah ay amreen in maxaabiista la jirdilo, kufsado, cunnadana loo diido, oo xitaa iyaguba ka qeyb qaateen kufsiga iyo jirdilka. Qolalka xabsiyada oo ah kuwo buux dhaafay, ayaa habeenkii waxa maxaabiista si dhibaateyn ku jirto su’aallo u weydiiya hogaamiyayaasha maxaabiista, kuwaasoo macluumaadka u gudbiya madaxda xabsiga oo sidaa ku doorta maxaabiista la sii ciqaabayo.

Buux dhaafa xabsiga, jirdilka, cunno u diididda, cudurada halkaa ka dillaaca, raashinka iyo biyaha oo yar, daryeel caafimaad iyo fayadhowrka oo aan jirin, ayaa dhaliyay in maxaabiista qaar ay ku dhintaan Jeel Ogaadeen.

Carruur badan ayaa ku dhalata Jeel Ogaadeen, waxaana ka mid ah qaar la sheegay inay ku uurgaleen kufsi ay geysteen ilaalada xabsiga. Maxaabiista dumarka ah ayaa ka warramay qaabka ay ugu umuleen xabsiga gudihiisa, ayagoo inta badan aan haysan daryeel caafimaad ama xitaa biyo.

Ku dhawaad dhammaan maxaabiistii hore ee la waraystay ayaa sheegay in aan maxkamad la geyn ama aan lagu qaadin dacwad dembiyeed. Garsoorayaal hore ayaa Human Rights Watch u sheegay in mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ay ku cadaadiyeen inay xukumaan maxaabiis aanay la kulmin ama aanay arag caddeyn u dhiganta mudada xarigooda.

Ciidamada Itoobiya ayaa sanadihii 2007 iyo 2008 waxa ay deegaanka Soomaalida ka geysteen dembiyo ka dhan ah aadanaha iyo kuwo dagaal intii uu socday howlgalkii ka dhanka ahaa ONLF, waxaana tacaddiyadaasi ka mid ahaa; dilal sharciga ka baxsan, jirdil iyo kufsi. Ciidanka Liyu boolis oo la sameeyay xilligaasi ka dib, ayaa deegaanka si joogta ah uga galay dembiyo la mid ah kuwii hore, waxaana ay sii wadeen ciqaab wadareedka. Weerraro ay Liyu boolis ka geysteen deegaanka Oromiya horraantii 2016 ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, waxaana deegaannadooda ka barakacay ku dhawaad hal milyan oo qof.

Waa in dowladda Federaalka ay isbedel wax ku’ool ah ugu samayso amaba ay meesha ka saarto ciidanka Liyu boolis, ayna la xisaabtanto saraakiisha sarsare ee ciidankaasi, ayay tiri Human Rights Watch.

Jirdilka ayaa ah dhibaato si weyn uga taagan guud ahaan Itoobiya, Human Rights Watch-na waxaa si joogta ah usoo gaara warar ku saabsan tacaddiyo dalkaasi ka dhaca xilliyada su’aalaha la weydiinayo tuhunsanayaasha. Guddiga Xuquuqda Aadana ee Itoobiya ayaa tan iyo sanadkii 2011 marar badan baaray Jeel Ogaadeen, balse warbixinnada uu ka diyaariyay ayaan si shaac baxsan loo heli karin, mana cadda tallaabooyinka la qaaday, haddiiba ay jiraan, si looga hortago tacaddiyadaasi.

Qaar badan oo ka mid ah maxaabiistii hore ayaa sheegay in dadka qaba dhaawacyada muuqda, carruurta iyo haweenka uurka leh la geyn jiray qolal qarsoon, ama laga saari jiray xabsiga xilliyada uu booqashada ku imanayo guddiga, Qaar kale ayaa sheegay in loo meerin jiray waxa ay ku dhihi lahaayeen mas’uuliyiinta guddiga. Kuwa sida daahfuran ula hadlay xubnaha kormeerka ayaa wajahay aargoosi arxan darro ah.

Waa in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu sameeyo guddi khubaro heer federal ah oo baara tacaddiyada ka dhacay Jeel Ogaadeen, isla markaana aqoonsan kara saraakiisha ku lugta leh ayadoo aan loo eegeyn darajadooda. Waa in guddiga uu qiimeyn karo kiiska maxbuus kasta oo hadda ku xiran Jeel Ogaadeen, si loo sii daayo ama loogu dacweeyo dembiyo lagu salaynayo caddeyn lagu kalsoonaan karo.

“Xaddiga ay gaarsiisan yihiin jirdilka iyo tacaddiyada ka dhaca Jeel Ogaadeen ayaa ah kuwo aan lasoo koobi karin,” ayuu yiri Horne, oo intaa ku daray, “Waa in Dr Abiy uu sii wado dhaleeceynta shaac baxsan ee ku aaddan jirdilka, iyo inuu tallaabo ka qaado Jeel Ogaadeen si uu u muujiyo inay ka go’an tahay joojinta jirdilka iyo soo afjaridda isla xisaabtan la’aanta.”

Dhacdooyin La Soo Xushay (Dhammaan magacyada waa kuwo aan dhab ahayn.)

Cabdisalaam oo 28 jir ah, kana hadlay tacaddiyada aan joogsiga lahayn ayaa yiri:

Inta badan mudadii saddexda sano ahayd ee aan ku xirnaa xabsigaasi ayaa waxaa la igu hayay meel gaar ah oo mugdi ahayd,” ayuu yiri maxbuus hore, oo intaa ku daray, “habeenkii oo keliya ayaa meesha la iga saari jiray si la ii jirdilo. Dhibaato badan ayay ii geysteen saraakiisha xabsiga, sida inay koronto iiga qabteen xiniinyaha, ay fiilooyin igu wareejiyeen, iyo inay madaxa ii galiyeen bac uu ka buuxo basbaas. Inta badan afka ayaa la iga xiri jiray si aan u qeylin. Maalintii waxaa la i siin jiray cunno aad u yar – hal rooti ah iyo mararka qaar xooggaa maraq ah. Waxay kufsadeen xaaskeyga [oo sidoo kale ku xirneyd Jeel Ogaadeen]. Waxay xabsiga ku umushay canug aanu dhallin.

Faadumo oo 26 jir ah, kana hadashay jirdilka biyaha loo adeegsado ayaa tiri:

Xarig ayay gacmaha iiga xiri jireen, waxaana ay na gelin jireen barkad biyaha ah oo na liqi kartay. Markiiba ku dhawaad toban qof ayay ku ridi jireen barkadaasi. Waxay na weydiin jireen su’aallo ay ka mid yihiin: “Yaad ka taqaanaa ONLF? Taageero noocee ah ayaad u fidisaa? Dadka qaar ayagoo aan dhaq-dhaqaaq lahayn ayaa laga soo saari jiray. Ma garanayo inay dhinteen.

Cali oo 32 jir ah, kana hadlay is qiimeynta habeenkii ah ayaa yiri:

Marka uu gabalka dhaco ayaa waxaa billaabmo qiimeyn. Waxaa qiimeynta isku sameeya maxaabiista dhexdooda, warbixintana waxaa subixii loo gudbiyaa ilaalada. Ciqaabtu waxa ay u badan tahay hadba sida aad u qiran weydo dembiga. Waxaa garaaca lagaa yareynayaa marka aad dembiga qirato. Maxaabiista kale ayaa kuu sacba tumaya marka aad dembiyo badan ku qirato xilliga qiimeynta. Haddii aad waxba qiranna, waxaa isla goobta kugu garaacaya hogaamiyayaasha maxaabiista ee loo yaqaan kaabayaasha ama xitaa maxaabiista kale.

Maxamed oo 28 jir ah, kana hadlay qaawinta iyo ceebeynta maxaabiista ayaa yiri:

Waxaan arkay boqolaal rag ah oo si dhamaystiran loo qaawiyay. Waxa ay ahayd habeen uu roob da’yay, dhulkuna dhiiri ahaa. Waxa ay naga soo saareen qolalkeena, ayagoo nagu amray inaan dharka iska siibno, ka dibna aan ku rafanno dhiiqada. Qaarkeen ayaa markii dambe qolalkooda lagu celiyay ayagoo qaawan. Qaar kalena waxaa lagu amray inay saf ku socdaan ayagoo midba uu kan kale jiidayo xubinta taranka. Waxay sidaa ku tagayeen qolalkooda. Ilaalada oo qoslaya ayaa sawir ka qaadayay maxaabiistaasi.”

Cabdiraxmaan oo 31 jir ah, kana hadlay culayska maskaxeed ee ay ku reebtay in lagu cadaadiyo ku xadgudubka maxaabiista kale ayaa yiri:

Waxaa markasta na loo sheegi jiray inaan dulleyno maxaabiista kale. Maalintii ugu darneyd ayaa ahayd markii ay meel isugu kaana keeneen anagoo tiro maxaabiis ah, oo ay nagu amreen in midba kan kale uu nafta ka jaro. Waxa ay na siiyeen ulo bir ka samaysan. Waxaa la ii sheegay in haddii aan diido, aan ku qasbanahay inaan isdilo. Waa diidnay, ka dibna ayagaa na garaacay. Marka waxa ugu daran ayaa ahayd ciqaabta maskaxiyan ee joogtada ahayd.

Ayaan oo 31 jir ah, kana hadashay ku umullida xabsiga ayaa tiri:

Dumarka ilaalada xabsiga ka tirsan oo keliya ayaa ka dhalin jiray haweenka umulaya ee maxaabiista ah, mana jirin cid kale oo caawin jirtay. Waxaan codsaday in gargaar caafimaad la ii fidiyo maadaama uu soo dhawaa xilliga aan dhalayo. Balse Liyu boolis-ka ayaa igu yiri, ‘Musqusha ku rid canuga aad dhalayso, maadaama aanu faa’iido yeelan doonin, oo uu mustaqbalka noqon doonaan mid taageera ONLF.’ Waxaan ka codsaday inaan kusoo dhalo cisbitalka. Way igu qosleen. Waxaan ka codsay biyo dheeraad ah. Way ii diideen. Marka waxaan ku dhex umulay xabsiga. Dumarka iga umuliyay ayaa adeegsaday bir af leh si ay ugu jaraan xudunta, ayagaana xiray.

Hodan oo 30 jir ah, kana hadashay cabsida joogtada ah iyo dhimashada inta badan ka dhacda gudaha xabsiga ayaa tiri:

Habeen kasta waxaan maqli jiray ayagoo maxaabiis garaacaya. Cabaad badan ayaan maqlay. Marka subixii la gaaro ee ay maxaabiista quraacanayaan ayay si hoose isugu sheegi jireen kuwa habeenkaasi lala baxay: ‘Hebel xalay ayuu jirdil u dhintay, heblo xalay ayaa la kufsaday, ama la garaacay.’ Subax kasta waxaan eegi jirnay liiska kuwa dhintay ama kuwa aan ku laaban qolalkooda. Waxaan ku nooleyn cabsi joogta ah oo ku aaddan waxa dhici doono.

Aamina oo 34 jir ah, kana hadashay booqashooyinkii Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa tiri:

“Marka uu Guddiga Xuquuqda Aadanaha booqanayo xabsiga ayaa waxa ay meesha ka saaraan dadka liita, waxaana ay ku reebaan maxaabiista cusub. Waxaan ka mid ahaa dadka ay qarin jireen. Waxa ay i geeyeen xerada milateriga ee Garbassa. Markii ugu horreysay waxaan halkaa joogay todobo maalmood. Waxa ay xabsiga ka saari jireen dumarka da’da ah iyo dadka wejiga jugta ka gaartay ama uu dhaawacoodu muuqdo ama kuwa haysta carruurta da’da yar.