Skip to main content

Kenya: Hanjabaadaha Ka Dhanka Ah Warbaahinta Ka Hor Doorashada Dhacaysa Agoosto

Garaacidda iyo Dhibaataynta Weriyayaasha iyo Dadka Internetka Wax ku qora Ayaan Baarintaan Lagu Samayn

(Nairobi) – Maamulka Kenya ayaa tacaddiyo kala duwan kula kacay weriyayaasha ka warrama arimaha xasaasiga ah, sidaa awgeedna khatar geliyay xorriyada hadalka ka hor doorashada dalka ka dhacaysa 8-da bisha Agoosto 2017, ayay warbixin maanta la shaaciyay ku sheegeen Human Rights Watch iyo hay’adda ARTICLE 19 ee Bariga Afrika. Weriyayaasha iyo dadka internetka wax ku qora ee ka warrama musuqmaasuqa, dhulka sida muranka ku jiro lagu qaatay, howlgallada la dagaallanka argagixisada, rabshadihii dhacay ka dib doorashadii 2007 iyo arimaha kale ee xaasiga ah, ayaa la kulmay cagajugleyn, garaac iyo in shaqada laga eryo.


Warbixinta oo ka kooban 53 bog, cinwaanna looga dhigay, “Uma Qalanto Khatarta’: Hanjabaadaha Ka Dhanka Ah Xorriyada Hadalka Ka Hor Doorashada Ka Dhacaysa Kenya 2017,” ayaa lagu diiwaangeliyay tacaddiyada ay mas’uuliyiinta dowladda, booliska, barasaabyada iyo saraakiisha kale ee dowladda kula kacaan warbaahinta. Human Rights Watch iyo hay’adda ARTICLE 19 ee Bariga Afrika ayaa baaritaan ku sameeyay isku dayga dowladda ee ay ku horjoogsanayso weriyayaasha iyo dadka internetka wax ku qora ee dhaliisha jeediya, ayadoo adeegsanysa qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin, sharciga, iyo qaabab kale oo aan rasmi ahayn sida hanjabaad, cagajugleyn, dhibaatayn, dabagalka telefoonnadooda iyo barahooda internetka, iyo mararka qaar in ay u geysato waxyeelo muuqata.

“Waa in aan joojinaa mowjadaha kordhaya ee ah tacaddiyada ka dhanka ah weriyayaasha Kenya iyo la xisaabtan la’aanta ku aaddan arinkaasi,” ayuu yiri Henry Maina, oo ah agaasime gobolleedka hay’adda ARTICLE 19 ee Bariga Afrika, asagoo intaa ku daray, “Ma guulaysan karto siyaasad kasta oo wax looga qabanayo xaaladdaasi, haddii tallaabooyinka looga hortagayo xadgudubka iyo kuwa lagu difaacayo weriyayaasha halista ku jira aanay wehlin maxkamadeyn xooggan oo waqtiga ku haboon lagu sameeyo dhammaan dembiyada laga galay weriyayaasha.”
Weriye Kenyan ah oo ka qeyb qaadanaya dibed bax ka dhacaya caasimadda Nairobi, kaasoo looga soo horjeedo shuruuc adag oo lagu xadidayo xorriyada warbaahinta, kuwaasoo la horgeeyay baarlamaanka, 3-dii Disembar 2013.  © Xuquuqda Sawirka 2013 REUTERS/Thomas Mukoya

Inkastoo ay soo gaareen cabashooyin rasmi ah oo uga yimid weriyayaasha, ayaa haddana booliska aanay inta badan baarin weerarrada ama hanjabaadaha ka dhanka ah. Tan iyo markii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta xukunka la wareegay sanadkii 2013, ma jirto caddeyn muujinaysa in xubin ka tirsan laamaha ammaanka, ama saraakiisha dowladda lagula xisaabtayamay hanjabaadaha, cagajugleynta ama weerarrada muuqda ee lagula kaco xubnaha warbaahinta Kenya.

Human Rights Watch iyo hay’adda ARTICLE 19 ee Bariga Afrika ayaa waraystay 92 qof oo isugu jira weriyayaal, dadka u dooda xuquuqda aadanaha, kuwa wax ku qora internetka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ku sugan guud ahaan Kenya, waxaana ay diiwaangeliyeen 17 dhacdo oo waxyeelooyin muuqda loogu geystay weriyayaasha iyo dadka internetka wax ku qora, kuwaasoo ay geysteen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo shakhsiyaad la rumaysan yahay in ay gacan saar la leeyihiin maamulka mudadii u dhexaysay 2013 iyo 2017.

Ugu yaraan laba weriye ayaa u dhimatay xaalado ay suuragal tahay in lala xiriiriyo howshooda. Labada hay’adood ayaa sidoo kale diiwaangeliyay 16 dhacdo oo si toos ah dil loogu hanjabay weriyayaal iyo dadka internetka wax ku qora guud ahaan dalka sanadihii dambe. Waxa ay sidoo kale diiwaangeliyeen kiiisas ay booliska si aan loo meeldayin ugu xireen ugu yaraan 14 weriye iyo shakhsiyaadka internetka wax ku qora, kuwaasoo markii dambe la siidaayay ayagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Tusaale ahaan, 7-dii Sebtembar 2016, weeraryahanno aan la aqoonsan ayaa xoog ku galay guri uu magaalada Kitale ee gobolka Rift Valley ku leeyahay weriye-sawir-qaade, Denis Otieno, waxaana ay ka dalbadeen sawiro ku jiray kaameradiisa, ka dibna waa ay dileen. Otieno ayaa maalmo ka hor sawiray askar boolis ah oo boosteejo ku taalla Kitale ku toogtay nin mooto ku shaqaysan jiray. Qof ka tirsan qoyskiisa ayaa sheegay in ka hor inta aan la dilin Otieno uu walaac ka muujiyay fariimaha hanjabaada dilka ah ee soo gaarayay. Ma jirto cid loo qabtay dilkaasi.

Tafaftire ka howlgala Nairobi ayaa labada hay’adood u sheegay: “Markasta oo aan qorno warbixinno lagu dhaliilayo laamaha ammaanka ama lagu soo bandhigayo musuqmaasuqa dowladda dhexdeeda ah, weriyayaasheenu waxaa hanjabaad dil ah u soo dira saraakiisha ammaanka iyo kuwa dowladda. Waxaa inta badan taa xigga in nalagala laabto xayaysiinta aan dowladda u samayno ama nalaga xayiro dakhliga xayaysiintaasi. Hadda waa in aan si taxadar leh u qiimeynaa in sheekooyinka noocaasi ah ay u qalmaan khatartaasi.”
Weriye Isaiah Gwengi oo ka tirsan wargeyska Standard, ka dib markii ay soo daayeen booliska jawaab-celinta degdeg ah ee magaalada Siaya, galbeedka Kenya, 23-kii Maarso 2017. Askarta ayaa lagu eedeeyay in ay weriyaha qaawiyeen, laadeen, kuna garaaceen qoriga baadkiisa.  © Xuquuqda sawirka 2017 Isaiah Gwengi

Ayadoo doorashada guud la filayo in ay Kenya ka dhacdo bisha Agoosto, ayaa laamaha ammaanka waxa ay kordhiyeen hanjabaadahooda, waxaana ay u muuqdaan kuwo adeegsanaya qodobo sharci oo aan caddeyn si ay dabagal dheeraad ah oo aanay ruqsad u haysan ugu sameeyaan weriyayaasha ka warrama arimaha xasaasiga ah. Mid ka mid ah weriyayaasha ayaa yiri, “Haddii aad wax ka qortay laamaha ammaanka ama sheekooyin la xiriira musuqmaasuqa, waa in aad ogaataa in lagu daba socdo ama in telefoonkaaga la dhagaysanayo.”

“Si doorashada Kenya ka dhacaysa bisha Agoosto ay u noqoto mid cadaalad ah oo lagu kalsoonaan karo, warbaahintu waxa ay u baahan tahay in ay ka hadli karto arimaha taagaan ee danta qaranka ku salaysan, ayadoo aan laga cabsi qabin cawaaqibka uga iman kara,” ayuu yiri Otsieno Namwaya oo ah cilmi-baare Human Rights Watch u qaabilsan Afrika, oo intaa ku daray, “Madaxweyne Kenyatta waa in uu si shaac baxsan u muujiyaa muhiimada ay leedahay xorriyada hadalka, uuna cambaareeyaa hanjabaadda iyo weerarrada ka dhanka ah weriyayaasha iyo dadka internetka wax ku qora.”

Inkastoo weriyayaasha Kenya ay tacaddiyo kala kulmeen dowladda, ayaa sidoo kale warbaahinta shisheeye waxa ay dhibaato kala kulmeen warbixinnada dhaliisha wata ee ay ka qoraan dowladda Kenya. Sanadkii 2015, dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay in ay dalka ka mamnuucayso laba weriye oo ajaanib ah, kuwaasoo u shaqeeya warbaahin caalami ah, ka dib markii ay ka warrameen eedeymo ah inay jirto unug ka tirsan booliska oo u xilsaaran khaarajinta dadka, laguna helay in ay geysatay dilal sharciga ka baxsan.

Inkastoo ay heleen cabashooyin rasmi ah oo uga yimid weriyayaasha, ayaa haddana booliska aanay inta badan baarin weerarrada ama hanjabaadaha ka dhanka ah warbaahinta, sida ay ogaadeen Human Rights Watch iyo hay’adda ARTICLE 19. Sanadkii 2015, weeraryahanno aan la aqoonsan balse la rumaysan yahay in ay ka tirsan yihiin laamaha ammaanka ee dowladda ayaa dhaawac muuqda u geystay gabar wax ka qorta xuquuqda aadanaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, Florence Wanjeri Nderu, waxaana ay uga digeen in ay sii wado wax ka qoridda musuqmaasuqa. Walow ay si faahfaahsan booliska ugu gudbisay warbixin ku saabsan weerarka lagu qaaday, iyo cidda ay tuhunsan tahay, ayaa haddana boolisku waxa uu ku guuldaraystay in uu baaro kiiskeeda. “Boolisku iskuma aanu dhibin inuu tago goobta la igu weerarray, ama xataa uu la socda sida xaalkeygu yahay,” ayay tiri, ayadoo intaa ku dartay, “Kiisku waxa uu ku joogsaday warbixintii aan gudbiyay.”

Baaritaanno iyo maxkamadeyn xooggan oo waqtiga ku haboon lagu sameeyo weerarradaasi iyo hanjabaadahaasi ayaa muhiim u ah xaqiijinta in warbaahinta iyo dadka internetka wax ku qora ay si xor ah uga warramaan arimaha muhiimka ah ka hor doorashada 2017, ayay sheegeen Human Rights Watch iyo ARTICLE 19.

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.

Region / Country