(Sydney) – Dowladda Itoobiya ayaa xirtay tobannaan ka mid ah ehelada dad dalkaasi u dhashay oo ka qeyb qaatay dibed baxyo bishii Juun 2016 ka dhacay magaalada Melbourne, waxaana afar bilood ka dib weli xabsiyadeeda ku jira qaar badan oo ka mid ah dadkaasi, sida lagu sheegay warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Human Rights Watch.

Itoobiyaanka kunool Australia oo ku dibad baxaya wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo booqanaya magaalada Melbourne, Australia, bishii Juun 2016.

© Xuquuqda sawirka 2016 Gaar loo leeyahay.

12-kii Juun, xubno ka mid ah jaaliyadda Itoobiyaanka ku nool Australia, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa ku mudaharaaday wafdi uu ka mid ahaa madaxweynaha deegaankaasi, Cabdi Maxamuud Cumar, oo dadka qaar ay u yaqaanaan Cabdi Iley. Waxay sidoo kale ka cabanayeen taageerada ay Australia siiso dowladda Itoobiya. Wafdiga Itoobiyaanka ah ayaan goobta kasoo muuqan, saacado ka dibna waxaa la baajiyay munaasabad lagu soo dhaweyn rabay. Dibed baxayaashaasi ayaa markii dambe ogaaday in tobannaan ka tirsan eheladooda ku nool Dowlad Deegaanka la xiray, ayaga oo loo haysto dibad bixii ka dhacay Melbourne.

“Cabdi Maxamuud Cumar iyo saaxiibadiis ayaa tacaddiyada badan ee ay ka geystaan Dowlad Deegaanka Soomaalida waxa ay ku biiriyeen ciqaab wadareed,” ayuu yiri Felix Horne, oo ah cilmi baare sare oo Human Rights Watch u qaabilsan Afrika. “Xukuumadda Australia waa in walaaceeda ay la wadaagtaa mas’uuliyiinta ugu sareysa Itoobiya.” ayuu raaciyay.

Human Rights Watch ayaa waraysatay 10 qof oo ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Itoobiya ee ku nool Australia mudadii u dhexeysay Luuliyo iyo Sebtembar 2016. Waxay u sheegeen Human Rights Watch in ugu yaraan 32 xubnood oo ka tirsan qoysaskooda lagu xiray Itoobiya. Eheladaasi ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkaasi la sii daayay, balse inta badan ay weli xiran yihiin. Dowladda Itoobiya waa in ay si degdeg ah usii deysaa ehelada dibed baxayaashii Melbourne, xarigoodana wuxuu ka dhigan yahay ciqaab wadareed sharci darro ah, ayay tiri Human Rights Watch.

Australia: Dibed baxyo Dhaliyay Aargoosi Ka Dhacay Itoobiya

Dowladda Itoobiya ayaa xirtay tobannaan ka mid ah ehelada dad dalkaasi u dhashay oo ka qeyb qaatay dibed baxyo bishii Juun 2016 ka dhacay magaalada Melbourne, waxaana afar bilood ka dib weli xabsiyadeeda ku jira qaar badan oo ka mid ah dadkaasi, sida lagu sheegay warbixin ay maanta soo saartay hay’adda Human Rights Watch. 

12-kii Juun, xubno ka mid ah jaaliyadda Itoobiyaanka ku nool Australia, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa ku mudaharaaday wafdi uu ka mid ahaa madaxweynaha deegaankaasi, Cabdi Maxamuud Cumar, oo dadka qaar ay u yaqaanaan Cabdi Iley. Waxay sidoo kale ka cabanayeen taageerada ay Australia siiso dowladda Itoobiya. Wafdiga Itoobiyaanka ah ayaan goobta kasoo muuqan, saacado ka dibna waxaa la baajiyay munaasabad lagu soo dhaweyn rabay. Dibed baxayaashaasi ayaa markii dambe ogaaday in tobannaan ka tirsan eheladooda ku nool Dowlad Deegaanka la xiray, ayaga oo loo haysto dibad bixii ka dhacay Melbourne.


Soomaalida Itoobiya ee ku mudaharaaday Melboune ayaa waxay si gaar ah uga cabanayeen booqashada Cabdi Maxamuud Cumar. Liyuu Boolis, oo ah cutub si gaar ah u tababaran, toosna u hoos taga Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa geystay tacaddiyo badan oo xuquuqda aadanaha ah, sida dilal sharci darro ah iyo jirdil. Waaxda Australia u qaabilsan Arrimaha Dibedda iyo Ganacsiga ayaa u sheegtay Human Rights Watch in codsiga dal ku gal ee Cabdi Maxamuud Cumar aanu walaac weyn abuurin. Dowladda Australia waa in ay xaqiijisaa in saraakiisha ajnabiga ah ee lagu eedeeyo tacaddiyada ba’an ee xuuqda aadanaha aanay helin dal ku galkeeda, ayay tiri Human Rights Watch.

Qaar badan oo ka mid ah Soomaalida Itoobiya ee ku nool Australia ayaa sheegay in taageerayaasha dowlad deegaanka ee ay isku dalka ku nool yihiin, ay hanjabaad u geysteen kuwa loo arko in ay mucaaradsan yihiin maamulka jira. Dhowr ka mid ah dibed baxayaasha ayaa sheegay in taageerayaashaasi ay soo waceen ama u hanjabeen maalmihii xigay xariga qaraabadooda. Waxay sheegeen in ay ku cadaadiyeen in ay duubaan muuqaal ay taageero ugu muujinayaan Cabdi Maxamuud Cumar, si ay xornimadooda u helaan qaraabadooda. Ugu yaraan saddex ka mid ah jaaliyadda Soomaalida Itoobiya ee ku nool Australia ayaa muuqaalkaasi duubay.

Nin ayaa sheegay in xubnaha qoyskiisa ay baryeen oo ay ku yiraahdeen: “Haddii aadan muuqaalka soo duubin, waa nala dilayaa.”

Dalabka ah in la soo duubo muuqaal raali-gelin ah ayaa ah xeelad uu caadeystay maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayay tiri Human Rights Watch. Dadka deegaankaasi kasoo jeeda ee ku nool Maraykanka, Canada, iyo Waqooyiga Yurub ayaa sheegay in ay jiraan shabakado taageerayaal dowladda ah oo adeegsada xeeladdaas. Muuqaaladaasi ayaa inta badan laga baahiyaa telefishinka Dowlad Deegaanka, ESTV iyo baro internet-ka ah oo dowladda taabacsan.

“Ma dareemayo in aan ammaank ku haysto halkan,” ayuu yiri muwaadin Australian ah. “Markii aan halkan imanayay, waxaan moodayay in aan soo gaaray dal xor ah. In mar kasta aan cabsi ku qabno Australia ayaa ah wax aan isqaadan karin.” ayuu raaciyay.

Shukri oo ah Soomaalida-Itoobiya ee ku nool Australia, kana mid ahaa dadkii ku dibed baxay booqashadii uu madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ku tegay Melbourne, Australia bishii Juun 2016. Iyaga oo ka aargoosanaya ayaa booliska sida gaarka ah u tababaran ee Itoobiya waxa ay qabteen xubnaha qoyska Shukri ee ku nool Itoobiya.

© Xuquuqda sawirka 2016 Human Rights Watch.

Mid ka mid ah dadka dhawaan laga soo daayay xabsiga ayaa u sheegay qof ay qaraabo yihiin oo ku nool Australia, in ciidanka ammaanka ay garaaci jireen habeen kasta. Askarta su’aalaha weydiinayay ayaa ku yiri: “Haddii aad dooneyso in lagu sii daayo, waa in aad qaraabadaada kala hadashaa taageeridda dowladda. Waa in aad dadkaasi la hadashaa, ka dibna ay tagaan safaaradda.” Xarigga aan loo meeldayin ayaa ah mid caadi ka ah Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, dadka la soo daayayna waxay ka warramaan jirdilka joogtada ah, iyo dhibaatooyinka kale ee ay kala kulmeen goobaha badan ee dadka lagu xiro gudaha Dowlad Deegaanka.

Australia ayaa la leh dalka Itoobiya xiriir adag oo ku salaysan dhaqaalaha. Shirkadaha Australia ayaa fursado ka raadinaya Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada macdanta, tamarta iyo beeraha. Bishii Luuliyo, wafdi ganacsi oo ka socda gobolka Victoria ee Australia ayaa booqday Itoobiya.

Helitaanka dal ku galka ee Cabdi Maxamuud Cumar, kaaso horay sanadkii 2012 u booqday Australia, ayaa muujinaya walaaca laga qabo hannananka ay dowladda dalkaasi ku hubiso dadka lagu eedeeyay tacaddiyada ba’an ee xuquuqda aadanaha ah. Waaxda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha ayaa mas’uul ka ah qiimeynta codsiga dal ku gal, waxaana ay u diidi kartaa dadka looga shakiyo in ay galeen dembiyo dagaal, dembiyo ka dhan ah aadanaha iyo xasuuq. Marka la eego caddeynta mugga leh ee ku aaddan dembiyadda dagaal iyo kuwa ka dhanka ah aadanaha ee ay ciidanka Itoobiya geysteen intii u dhexeysay 2007-2008, xilligaasi oo uu Cabdi Maxamuud Cumar ahaa madaxa ammaanka ee Dowlad Deegaanka, ayaa waxay ahayd in codsigiisa dal ku gal su’aalo badan la galiyo, ayay tiri Human Rights Watch. Hasayeeshee saraakiil ka tirsan dowladda Australia ayaa u sheegay Human Rights Watch in dal ku galka Cabdi Maxamuud Cumar aanu wax shaki ah dhalin.

Dowladda Australia oo ka jawaabaysa warqad ay u dirtay Human Rights Watch, ayaa sheegtay in “dhammaan ajaanibta dooneysa in ay galaan Australia la qiimeeyo, ayada oo la eegayo danta dadweynaha, oo ay ka mid tahay danta siyaasadda dibedda, ammaanka qaranka iyo waafaqsanaanta shuruucda u yaalla dalka. Waxaa dadka qiimeyntaasi loo adeegsado ka mid ah mas’uuliyiinta shisheeye ee dabcigooda walaaca laga qabo ama lagu eedeeyay tacaddiyo xuquuqda aadanaha ah.”

“Itoobiya ayaa gacan adag ku qabatay dibed baxayaasha gudaha, waxaana ay tallaabadaasi ku dartay in ay isku daydo aamusinta dadka Itoobiyaanka ah ee dibedda dalka ku mudaharaadaya, ayada oo ciqaabta ehelada dadkaas ee gudaha ku nool,” ayuu yiri Felix Horne, oo intaa ku daray “Qaraabadaasi ayaa loo xiray si sharciga ka baxsan, waana in degdeg loo sii daayaa.”

Haddii aad dooneyso macluumaad dheeraad ah, fadlan hoos eeg.

Dibed bixii Melbourne

Dibed baxa dhacay 12-kii Juun ayaa guud ahaan ahaa mid deggan, balse waxaa hareeyay is-riix riix uu ku dhaawacmay hal nin, iyo taageerayaasha dowladda Itoobiya oo muuqaalo ka duubayay dadka mudaharaadayay. Dhowr ka mid ah dibed baxayaasha ayaa sheegay in muwaadin Maraykan ah oo xiriir la leh xisbiga talada haya ee Itoobiya, isla markaana la socday Cabdi Maxamuud Cumar, uu u hanjabay dibed baxayaasha, asagoo ku yiri “Waad arki doontaan waxa ku dhici doona eheladiina.” Qof kale oo ka mid ahaa dibed baxayaasha ayaa sheegay in muwaadin Australian ah, taageersanna dowladda Itoobiya uu u hanjabay, asagoo ku yiri, “Waad arki doonta waxa dhaca.”

Dhowr goob joogayaal ah ayaa sheegay in taageerayaasha dowladda Itoobiya ay dibed baxayaasha muuqaalo ka duubayeen ayagoo adeegsanaya telefoonnada casriga ah, taasoo fududeyneysa in la aqoonsado qaraabadooda ku nool gudaha Dowlad Deegaanka. Saacado gudahood ayaa dibed baxayaasha waxaa laga soo wacay Itoobiya, ayagoo loo sheegay in eheladooda – oo qaarkood ay 85 jir yihiin – loo xiray dibed bixii ka dhacay Melbourne.

Mid ka mid ah dibed baxayaasha ayaa sheegay in qoyskiisa ay ku yiraahdeen: “Markii ay ciidanka [Liyuu Boolis] qabteen walaalahay, waxa ay ku yiraahdeen, ‘walalkiina ayaa mudaharaad sameeyay waana taa sababta aan idiin xireyno.”

Qof kale oo dibed baxa ka qeyb qaatay ayaa yiri, “Abaare 8-dii fiidnimo ayaa waxaa isoo wacay adeerkay oo ku nool Itoobiya. Waxa uu igu yiri, “labo ka mid ah adeerradaa ayaa waxaa watay ciidanka, mana garaneyno halka ay la aadeen. ..Adiga ayaa sabab u ah waayo waxay sheegeen in aad wax xun ku samaysay madaxweyne Cabdi Iley [Cabdi Maxamuud Cumar].’ Xabsi ayay u wateen.”

Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo uu hogaaminayo Cabdi Maxamuud Cumar (dhexda) oo magaalada Canberra kula kulmaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Australia bishii Juun 2016.


Hooyo 70 jir ah oo wiilkeeda uu ka mid ahaa dibed baxayaasha ayaa sidoo kale la xiray. Ka hor inta aanay geyn xero ciidan, ayaa Liyuu Booliska waxay hooyadaasi weydiiyeen: “ma adigaa dhalay [hebel hebel]? Wiilkaaga waxaa uu rabshay madaxweynaha Dowlad Deegaanka.” Muddo bil ku dhaw ayay halkaa ku xirneyd. Waxay wiilkeeda u sheegtay in dadka haystay oo dareeska ciidanka xirnaa ay garaaceen.

Qaar ka mid ah ehelada dibed baxayaasha, gaar ahaan kuwa da’da ah iyo kuwa xanuunsan ayaa la sii daayay, waxaana lagu xiray shardi ah in qaraabadooda Australia ku nool ay soo duubaan muuqaal raali-gelin ay kaga bixinayaan ficilkooda “dowlad diidnimada ah” ayna kusoo aadiyaan Cabdi Maxamuud Cumar. Waxaa ilaa hadda qeybo kala duwan oo Dowlad Deegaanka ah ku xiran, dad loo qabqabtay mudaharaadkaasi ay sameeyeen eheladooda.

Isku dhacyo iyo tacaddiyo hareeyay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo ah mid ay u badan yihiin Soomaali, ayaa waxaa muddo 15 sano ka badan ka socday kacdoon hubeysan oo heer hoose ah, kaasoo ay wadday Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF). Jabhadaasi Soomaalida ah ee inta badan taageerrada ka hesha beesha Ogaadeen, ayaa dooneysa in madax bannaani ballaaran oo siyaasadda ah uu helo deegaankaasi. Ka dib weerarkii ay bishii Abriil 2007 ONLF ku qaaday goob shidaalka laga baaro oo Obole ku taalla, kaasoo ay ku dhinteen 70 qof oo rayid ah, isla markaana ay ku qafaalatay dhowr ka mid ahaa shaqaalaha shidaalka oo Shiineys ah, ayaa dowladda Itoobiya waxay qaaday duulaan ballaaran oo ka dhan ah jabhaddaasi, kaasoo dhaliyay tacaddiyo ba’an oo xuquuqda aadana aha.

Sanadkii 2008, Human Rights Watch ayaa ogaatay in laamaha ammaanka ay ku kaceen dilal sharciga ka baxsan, jirdil, kufsi iyo dad rayid ah oo la waayay halka ay aadeen. Human Rights Watch ayaa aaminsan in Ciidanka Qaran ee Difaaca Itoobiya iyo Jabhadda ONLF, ay labaduba galeen dembiyo dagaal, muddadii u dhexeysay bartamihii 2007 iyo horraantii 2008, iyo in milateriga uu mas’uul ka noqon karo dembiyo ka dhan ah aadanaha. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa muddadaasi ahaa madaxa ammaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Tan iyo 2008, ciidanka Liyuu Boolis, oo si toos ah u hoos taga Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa in badan lagu eedeeyay dilal sharciga ka baxsan, jirdil, kufsi iyo rabshado ka dhan ah dadka rayidka ah ee lagu eedeeyay in ay taageeraan ama u beer naxaan ONLF. Sanadkii 2012 ayaa ciidanka Liyuu Booliska waxaa uu toogtay 10 qof oo rayid ah.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa madaxweyne ka ahaa Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya tan iyo sanadkii 2010. Tan iyo 2008, dhowr ka mid ah dhibanayaasha tacaddiyada dowladda ayaa Human Rights Watch u sheegay, in Cabdi Maxamuud Cumar uu ku sugnaa goobta su’aalaha lagu weydiinayay, asagoo amarka bixinayay, halka mararka qaarna uu si toos ah ugu lug lahaa jirdilkooda, iyo in uu goob jooge ka ahaa dad rayid ah oo la tooganayo.

Nin sanadkii 2006 lagu xiray xero milateri, ayaa bishii Luuliyo 2016 u sheegay Human Rights Watch:

Markii uu Cabdi Iley [Cabdi Maxamuud Cumar] ka niyad jabay maadaama aanay [askartu] u samayn sida uu wax u rabay, ayuu faraha lasoo galay. Wuxuu askarta ku amrayay in ay si xoog ah qofka u garaacaan, haddii kale asaga ayaa qofka garaaci jiray. Cabdi Iley [Cabdi Maxamuud Cumar] ayaa dhihi jiray “waa in aad dembiga qirataa.”

Waa la i jirdilay….waa nala jeebeeyay oo lugaha iyo gacmaha ayaan ka xirneyn, waxaana la kala fogeeyay lugaheena. Inta lugaha ay bir nooga xiraan, oo meel kore naga soo laalaadiyaan ayay madaxa hoos noo marin jireen. Muddo 15 daqiiqo ah ayaan soo laalaadi jiray, ayaga oo iga garaacaya dabada iyo lugaha. Aad ayay u xanuun badneyd. Waxay sidaa na yeeli jireen 15 ama 20 daqiiqo.

Cabdi Iley [Cabdi Maxamuud Cumar] ayaa mararka qaar ku sugnaa goobta su’aalaha nalagu weydiinayay, anaga oo meel kore kasoo laalaadna. Usha nalagu garaacayay waxay ahayd sida tuubo caag ah oo ay bir gudaha uga jirto. Cabdi Iley [Cabdi Maxamuud Cumar] ayaa usha ka qaatay askari uu u malaynayay in aanu si xooggan wax u garaaceyn.

Tiro dad ah ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu uga hanjabay baraha bulshadu ku wada xiriirto. Maadaama uu adag yahay gelitaanka guud ahaan Itoobiya, gaar ahaan Dowlad Deegaanka Soomaalida, ayaa waxaa inoo suuragali waayay in aan hubino eedeymahaasi.

Dowladda Itoobiya ayaan weligeed si micno leh u baarin tacaddiyada ay geystaan milateriga ama ciidanka Liyuu Booliska ee Deegaanka Soomaalida. Hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ayaan loo ogoleyn in ay galaan deegaanka.

Dowladda ayaa adeegsata qaabab kala duwan oo ay ku aamusineyso qurba joogta. Human Rights Watch ayaa diiwaangelisay tusaalooyin badan oo ehelada dadka Itoobiyaanka ah ee qurbaha ku nool, isla markaana mucaaradsan dowladda, loo xiray ama la handaday. Waxaa sidoo kale dhaq-dhaqaaqa dadkaasi ay dowladu kula socotay ayada oo adeegsaneysa barnaamijyo kombiyuutarka ku shaqeeya oo lagu sameeyay Yurub. Baraha internet-ka ee dibedda ku yaalla ayaa inta badan waxaa laga xiraa gudaha Itoobiya, dowladuna waxay si joogta ah shucaac ugu furtaa idaacadaha iyo telefishinnada qurbaha ku yaalla.