Caruur ayaa Quraanka ku baranaya dugsiga Islaamiga ah ee Gaabow ee kuyaal caasimadda Muqdisho bishii Agosto 2013. Waridiin iyo macalimiin ayaa Human Rights Watch usheegay in kooxda Al-Shabab ay u cagajugleeyeen oo mararka qaar ay macalimiin iyo arday ka afduubteen baadiyaha gobolka Baay bishii Sebteembar 2017.
©2013 REUTERS/Ismail Taxta
 

(Nairobi) – Ururka Al-Shabab ayaa bilihii la soo dhaafay u hanjabay oo afduubtay dad rayid ah oo ku sugan gobolka Baay ee dalka Soomaaliya, si ay bulshada halkaasi ku nool ugu qasbaan inay ku wareejiyaan carruur ay afkaartooda baraan, isla markaana ay tababar militeri usiiyaan.

Tan iyo dhammaadkii bishii Sebtembar ee 2017, ururka Al-Shabab waxa uu ku amray odayaal, macallimiin iyo dadka reer miyiga ah in boqolaal carruur ah oo qaarkood ay 8 jir yihiin ay kusoo wareejiyaan, ama ay dagaal wajahaan. Ololaha baahsan ee qorashada carruurta ayaa ururka Al-Shabab waxa uu billaabay bartimihii sanadkii 2017, waxaana uu weerarro aargoosi ah la beegsaday beelaha diidda inay carruurtooda ku biiriyaan dagaalyahannada ururkaasi. Boqolaal carruur ah oo aanay cidna wehlin ayaa bilihii lasoo dhaafay kasoo barakacay guryahooda, si ay uga badbaadaan qorashada qasabka ah ee Al-Shabab.
 

“Ololaha sida arxan darrada ah uu ururka Al-Shabab ugu qoranayo askarta, ayaa carruurta ka kaxaynaya waalidiintood miyiga ku nool si ay ugu dagallaamaan ururkaasi hubaysan,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah cilmi baare sare oo Human Rights watch u qaabilsan Afrika, waxa ayna intaa ku dartay “Si ay uga badbaadaan dhibaatadaasi, ayaa carruur badan waxay ka carareen iskuullada iyo guryahooda.”

Tobankii sano ee lasoo dhaafay, ururka Al-Shabab ayaa qortay kumannaan carruur ah oo ay afkaartooda ka dhaadhacsiiyeen, halka kuwa kalena ay u qaateen si ay ugu dagaallaan. Tan iyo 2015, ururkaasi hubaysan ayaa deegaannada uu ka taliyo ka furay dhowr xarumo diimeed oo waaweyn, waxaana ay sidaa ku xoojiyeen afkaartooda ayagoo xarumaha geeyay carruur yaryar, kuna qasbay macallimiinta in manhajka Al-Shabab ay ardayda baraan.

Booqasho ay dhawaan Human Rights Watch ku tagtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay ku waraysatay 15 qof oo kasoo jeeda saddex degmo ee Berdale, Baydhabo iyo Buurhakaba oo ka tirsan gobolkaasi oo intiisa badan uu ka taliyo ururka Al-Shabab. Waxay sidoo kale la hadashay dadka u ololeeya difaacidda carruurta iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay. Waxyaabaha ay kulamadaasi ku ogaatay Human Rights Watch ayaa la mid ah arrimaha ka dhacayay deegaannada kale ee dalka tan iyo bartamihii 2017.

Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in bishii Sebtembar uu ururka Al-Shabab ku amray inay tagaan deegaanka Buulo Fulay ee uu ka taliyo, ayna halkaa geeyaan tobanaan carruur ah oo ay da’dooda u dhexeyso 9 ilaa 15 jir. Qof ku nool magaalada Berdaale ayaa yiri: “Waxay noo sheegeen inaan ka taageerno dagaalka. Waxay noola hadleen qaab hanjabaad ah. Waxay noo sheegeen inay doonayaan furayaasha ceelasheenna. Waxay halkaa nagu hayeen saddex maalmood. Waxaan u sheegnay inaan lasoo tashaneyno beesheenna. Toban maalmood ayay noo qabteen.” Laba qof oo kale oo ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa sheegay in la soo wacay oo loogu hanjabay in la dilayo markii ay dhammaatay muddada tobanka maalmood ah. Balse ilaa dhammaadkii bishii Oktoobar, Al-Shabab laguma wareejin carruurtaasi.

Saddex qof oo ka mid dadka degan magaalada Buurhakaba ayaa sheegay in laba iskuul oo halkaa ku yaal ay bishii Sebtembar dagaalyahanno Al-Shabab ah xoog ku wateen in ka badan 50 canug oo isugu jira wiilal iyo gabdho, ayna geeyeen deegaanka Buulo Fulay, halkaasoo la sheegay inay ku yaallaan tiro madarasooyin ah iyo xarun weyn oo askarta lagu tababaro. Laba todobaad ka dibna dagaalyahanno badan oo Al-Shabab ah, wajiguna u duuban yahay ayaa kusoo laabtay deegaankaasi, waxayna galeen iskuul ayagoo u hanjabay, isla markaana garaacay macallimiin si ay ugu wareejiyaan carruur halkaa ku sugnayd.

“Waxay doonayeen 25 canug oo ay da’doodu u dhexeyso 8 ilaa 15 jir,” ayuu yiri macallin diiday amarka Al-Shabab. “Ma aanay sheegin sababta ay u doonayeen, balse waxaan ognahay inay rabeen in afkaartooda ay ku shubaan ayna sidaa ku qortaan. Ka dib markii ay jug igu dhufteen, carruurta ayaa billaabay inay ooyaan oo ay isku dayaan inay ka baxsadaan fasalka. Balse dagaalyahannada ayaa iskuulka oo dhan ku sugnaa, waxayna garaaceen wiil 7 jir ah oo isku dayay inuu baxsado.”

Dagaalyahannada Al-Shabab ayaa muddo toban maalmood ah u qabtay dadka deegaankaasi inay kusoo wareejiyaan carruurtooda.

© 2012 United Nations

Dadka magaalada Berdaale ayaa sheegay in ururka Al-Shabab uu odayaal ka afduubtay in ka badan afar tuulo, ka dib markii ay diideen inay ku wareejiyaan carruur. Saddex ka mid ah odayaashaasi ayaa la sii daayay ka dib markii ay ogolaadeen in sideed wiil ay ka dhiibaan tuuladooda.

Bishii Mey, ururka Al-Shabab ayaa ku cadaadiyay odayaal iyo dadka ku nool deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya – oo ay mararkaasi ka baxeen ciidamada Itoobiya – inay ku wareejiyaan carruur ay da’doodu u dhexeyso 7 ilaa 15 jir. Wiil ay waalidkii kala soo carareen gobolka Shabeellaha dhexe ayaa yiri: “Iskuulka aan dhiganayay ma hoos imaneyn Al-Shabab. Lix todobaad ka hor dhammaadkii bishii Juun, dagaalyahannada Al-Shabab ayaa soo galay iskuulkeenna, waxayna naga qorteen magacyada, ayagoo sii watay laba wiil. Macallinka ayaa ka cararay iskuulka. Waxay noogu hanjabeen inay markale noo soo laaban doonaan.”

Haweeney ku nool Buurhakaba ayaa sheegay in afar carruurteeda ah ay goobjoog u ahaayeen 25 ka mid ah ardayda fasalkooda oo laga qafaashay iskuulkooda. “Afarteyda canug waxay hadda ka walaacsan yihiin inay iskuulka aadaan. Balse haddii aanay iskuulka dhigan oo ay diintooda baran waayaan, way khasaari doonaan.” Qaar ka mid ah madaarista ku yaal gobolka Baay ayaa la xiray, cabsi ku aaddan in weerarro kale lagu qaado awgeed ama ayadoo ay macallimiintooda qaxeen, halka kuwa kalena la afduubtay.

Qaar ka mid ah dadka deegaannadaasi ayaa sheegay in sida kaliya ee ay ku difaaci karaan carruurtooda ay tahay inay u diraan, mararka qaar ayagoo aan la wehlin, goobo ka baxsan kuwa uu ka taliyo ururka Al-Shabab. Arrintaasi ayaa dhibaatadeeda leh, maadaama ay jirto khatar ah in ururka Al-Shabab uu afduubto carruurta wadooyinka maraya. Hogaamiyayaasha bulshada iyo dadka deegaanka ee arrintan la socda ayaa sheegay in Ololaha qoroshada caruurta ee Al-Shabab ay ku qasabtay qiyaastii 500 oo qof, una badan carruur aan la wehlin, inay ka caraaraan deegaanno hoos yimaada Baydhabo.

“Waxaan maqlay in carruurta laga kaxeysanayo tuulooyin noo dhaw, aad ayaana uga baqay arrinkaasi,” ayuu yiri wiil 15 jir ah oo asaga iyo walaalkii oo 9 jir ah ay usoo lugeeyeen magaalada ugu dhaw. “Waalidkey waxay i siiyeen xoogaa lacag ah si aan u tagno Baydhabo. Walaalkey iyo aniga waxaan ka baqaynay in dhexda nalagu qabsado, maadaama aan duur maraynay.

Mas’uul ka tirsan deegaanka Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa warbaahinta u sheegay inay soo gaareen ku dhawaad 500 oo carruur ah oo ay da’dooda u dhexeyso 10 ilaa 15 jir, kuwaasoo kasoo barakacay ololaha qasab ku qoroshada caruurta ee ururka Al-Shabab uu ka wado deegaanno ka tirsan Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe. Qaar ka mid ah carruurtaasi ayaa u cararay magaalooyin ay qaraabo ku leeyihiin, halka kuwo kalena ay ku biireen xeryaha dadka soo barakacay. Hay’adaha maxalliga ah ayaa qiyaasay in tiro ka badan kala bar carruurta dhawaan ka barakacay deegaannada hoos yimaada Baydhabo ay hadda ku nool yihiin xeryaha dadka barakacayaasha ah. Balse carruurta aan la wehlin, gaar ahaan kuwa ku biira xeryaha aan rasmiga ahayn ayay u badan tahay inaanay ammaan iyo waxbarasho ku helin goobahaasi, sidaa darteedna ay ku qasban yihiin inay shaqeeyaan si ay noolashooda u maareeyaan.

“Dowladda oo kaashaneysa hay’adaha Qaramada Midoobay waa inay xaqiijisaa in carruurta soo barakacay oo ay kamid yihiin kuwa aan waaridkood lasocon ay helaan ilaalin iyo waxbarasho ku haboon,” ayay tiri Bader, oo intaa ku dartay, “Ma aha in carruurtu ay ka baxsadaan meel khatar, ayna gaaraan meel kale oo khatar ah.”

Kooxda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegtay in bishii Juun uu ururka Al-Shabab magaalada Ceel Buur ku xiray 45 oday oo diidday inay ku wareejiyaan 150 canug, odayaashaasi oo markii dambe lagu sii daayay shuruud ah inay soo wareejiyaan carruurtaasi. Kooxdaasi ayaa ogaatay in 300 oo canug xilligaasi laga afduubtay deegaannadooda, isla markaana la geeyay madaarista Al-Shabab.

Bishii Abriil, ururka Al-Shabab ayaa idaacaddiisa ka shaaciyay inuu billaabayo manhaj cusub oo ah dugsiga hoose/dhexe iyo kan sare, waxaana uu uga digay macallimiinta iyo iskuullada wax uu ugu yeeray “tacliinta shisheeye”. Qof ku nool gobolka Baay ayaa sheegay in ururka Al-Shabab uu bishii Abriil tobanaan macallimiin ah u qaaday “dib-u-tababarid” kuwaasoo lasoo daayay ka dib markii uu mid kasta bixiyay 300 oo dollar. Deegannada qaar, ururka Al-Shabab ayaa amray in iskuullada la xiro, dadka deegaankana ay macallimiintooda u diraan siminaaro lagu barayo manhajka ururkaasi, sida ay sheegtay kooxda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka Soomaaliya iyo Eritrea.

Human Rights Watch ma aanay helin caddeyn si toos ah u muujinaysa in carruurta uu dhawaan kaxeystay ururka Al-Shabab si toos ah loo geeyay xeryaha tababarka ciidan, balse dadka ay waraysatay hay’adda ayaa marar badan muujiyay walaacaasi. Kooxda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegtay in qaar ka mid ah madaarista uu sameeyay ururka Al-Shabab ay xiriir la leeyihiin xarumihiisa tababarka ciidan. Afduubka carruurta, gaar ahaan kuwa laga kaxeysto iskuullada iyo u adeegsigooda dagaallada ee ururka Al-Shabab ayaa si weyn sare ugu kacay bilihii Abriil, Mey iyo Juun, sida ay sheegtay kooxda Qaramada Midoobay. Wiilasha lala xiriiriyay ururka Al-Shabab tan iyo dabayaaqadii 2016 ayaa sheegay in madaarista diiniga ah iyo macallimiintooda inta badan loo adeegsado in lagu qorto wiilasha si ay dagaalyahanno u noqdaan. Wiilashaasi ayaa sheegay in tababarka la siiyay uu isugu jiray mid hubka caadiga ah iyo mid dhanka caqiidada ah.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin ay ku difaacayso iskuullada iyo ardayda. Sanadkii 2016, waxay dowladdu ansixisay Heshiiska Badbaadada Iskuullada, kaasoo ah xeer caalami ah oo dalalka ka dalbanaya inay waxbadan ka qabtaan xaqiijinta in iskuullada ay ammaan u yihiin carruurta, xataa xilliga uu socdo dagaalka. Soomaaliya ayaa saxiixday, balse aan hirgelin Xeerka Khiyaariga ah ee Qaramada Midoobay ee xuquuqda carruurta ku nool goobaha dagaalka, kaasoo dhigaya in kooxaha hubaysan “aanay sinaba u qoran karin ama colaad ugu adeegsan karin dadka da’doodu ka yartahay 18 jirka.”

Dowladda oo taageero ka helaysa deeq bixiyayaasha caalamiga ah waa inay sida ugu macquulsan ku ogaataa qorashada carruurta ee ururka Al-Shabab, gaar ahaan deegaannada iyo heerka uu gaarsiisan yahay, iyo adeegsiga goobaha waxbarashada, si ay arrimahaasi gacan uga geystaan qaadidda tallaabooyin lagu difaacayo carruurta, ayay tiri hay’adda Human Rights Watch. Tallaabooyinkaasi waxay gacan ka geysan karaan dadaallada lagu caawinayo carruurta soo barakacday, sida in la siiyo daryeel caafimaad, hooy, ammaan, waxbarashada hoose oo bilaash ah iyo helitaanka waxbarashada dugsiga sare, iyo sidoo kale taageero ku haboon oo dhanka maskaxda iyo bulshada ah.

“Ololaha Al-Shabab ayaa un caruurta iyo qoysaskooda ku sii kordhinaya argagaxi ka dhasahy dagaalladi daba dheeraaday ee Soomaaliya,” ayay tiri Bader. “Ururrka Al-Shabab waa inuu degdeg u joojiyaa afduubka caruurta oo uu fasaxaa dhamaan kuwa haatan ayaga ka tirssan. Dowladda Soomaaliya waa inay xaqiijisaa in caruurtaan aan loo geysan dhibaatooyin kale oo dheeraad ah.”