Dowladda cusub ee Soomaaliya ka dhalatay bishii Maarso 2017, ayaa waxa ay fursad muhiim ah u tahay wax ka qabashada dhibaatooyin badan ee haysta xuquuqda aadanaha ee dalka, ayadoo kaashanaysa taageerada caalamiga ah.

Dowladihii is-xigay ee Soomaaliya soo maray iyo taageerayaashooda caalamiga ah ayaan si ku filan dareen ugu yeelan tacaddiyada ballaaran ee ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo kan bani’aadannimada ee ay ku kaceen dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka hadda ka socda Soomaaliya. Waxaa inta badan la iska indha tiraa xiriirka ka dhexeeya jawiga isla xisaabtan la’aata ah ee ay tacaddiyadan ku dhacaan iyo colaadaha iyo ammaan darrada joogtada ah.

Maamulladii hore ee Soomaaliya iyo howlwadaagooda caalamiga ah ayaa aqoonsaday meelaha u baahan dib u habaynta si loo wanaajiyo xaaladda xuquuqda aadanaha, oo ay ka mid tahay Fulinta Qorshe Howleedka Xuquuqda Aadanaha ee (2015-2016), iyo in ay garawsadeen baahida loo qabo in arintaasi lagala shaqeeyo dhammaan wasaaradaha iyo waaxaha.

Haseyeeshee waxaa la dayacay ama dib loo dhigay dib u habayn muhiim ahayd ee lasamayn lahaa, ayadoo la fiirinayay dano siyaasadeed. Waxaa si aad ah u kooban hormarka la taaban karo ee laga sameeyay ilaalinta, caddaalada iyo in dhibbanayaasha horay ula kulmay tacaddiyada ay helaan xaqooda kuwa haatan khatarta ugu jirana laga difaaco.

Inkastoo uu maamulka cusub wajahayo caqabado badan, ayaa haddana waxaa suuragal ah horumar degdeg ah, sida in la xaqiijiyo in xubnaha ka tirsan ciidamada ammaanka ama maleeshiyaadka dowladda taabacsan ee galay tacaddiyada xuquuqda aadanaha laga rusqeeyo ciidamada ama aan lagu darin qaab-dhismeedka cusub ee ammaanka. Shirka London ee dhacaya 11-ka Mey 2017 ee diiradda lagu saari doono dib u habaynta ammaanka Soomaaliya, ayaa fursad muhiim u ah maamulka cusub iyo howlwadaagiisa caalamiga ah in ay ballanqaadaan oo ay si degdeg ah u ansixiyaan tallaabooyin wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo isla xisaabtanka.

Dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada xubnaha ka ah federaalka iyo taageerayaashooda waa in ay ballanqaadaan dib u eegid degdeg ah oo lagu sameeyo dhinacyada hoos ku xusan:

  1. Xoojinta La Xisaabtanka Laamaha Ammaanka

Guud ahaan intii ay socotay colaadda hubaysan ee Soomaaliya, ayaa Human Rights Watch waxa ay diiwaangelisay tacaddiyada ba’an ee ay geysteen ciidamada ammaanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin milateriga, booliska, laamaha sirdoonka iyo maleeshiyaadka taabacsan dowladda. Waxaa tacaddiyadaasi ka mid ah weerarro aan kala sooc lahayn, dil, kufsi, jirdil, xarig aan loo meeldayin, iyo boob. Waxaa baahsan la xisaabtan la’aanta kuwa falalkaasi geystay. Waa in gun-dhig looga dhigaa dib u habaynta ammaanka Soomaaliya ee hadda laga doodayo helitaanka isla xisaabtan, gaar ahaan samaynta hannaan xaqiijin iyo dusha kala socosho ah si meesha looga saaro taliyayaasha iyo askarta tacaddiyada geysta, kuwa cusub iyo kuwa hadda joogaba, iyo weliba in la xoojiyaa goobaha qaran iyo kuwa caalamiga ah ee ay dhibbanayaasha xaqooda ka heli karaan.

Milateriga

Human Rights Watch ayaa diiwaangelisay weerarro aan kala sooc lahayn, dilal sharci darro ah oo dadka rayidka ah loo geystay, iyo xadgudubyo kale oo ay geysteen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka taabacsan ee duulaanka ku ah ururka Al-Shabab. Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taabacsan ayaa sidoo kale dad rayid ah ku beegsaday dagaalo beeleed siyaasadaysan. Tusaale ahaan, Human Rights Watch ayaa diiwaangelisay khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray weerarradii aan kala sooco lahayn ee 2016 dhexmaray ciidamada maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in uu sare u kacay khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray weerarrada ay ka midka yihiin kuwa ciidamada dowladda ee dhacay saddexdii bilood ee ugu dambeeyay 2016. Dowladda ayaa sheegtay in ay rabto dardar gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabab. Qaadida howlgal milateri xilli dad badan oo rayid ah ay ka hayaamayaan abaarta ba’an ee hadda jirta ayaa waxa ay khatar dheeraad gelinaysaa ammaanka shacabka. Si loo xadido dhibaatada soo gaari karta dadka rayidka ah, mas’uuliyiinta sare ee dowladda iyo saraakiisha milateriga waa in ay qaadaan tallaabooyinkan mudada kooban ah:

  • In ay si degdeg ah oo shaac baxsan usoo saaraan amarro caddeynaya in Ciidanka Xoogga Qaran, ciidamada maamul goboleedyada iyo maleeshiyaadka taabacsan ay u hogaansami doonaan shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo bani’aadannimada;
  • In ay xaqiijiyaan in askarta milateriga ee hadda shaqeeya iyo kuwa cusubba ay helaan tababar ku haboon oo ku aaddan shuruucda bani’aadannimada iyo xuquuqda aadanaha, gaar ahaan in aan sinaba loo ogolaan karin kufsiga iyo tacaddiyada kale ee galmada;
  • In ay xaqiijiyaan in dadka rayidka ah ee baahan la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo oo degdeg ah, oo aan la xadidin, ayagoo si cad u sheegaya in ciddii ka tirsan dhinacyada dagaallamaya ee si ula kac ah ama aan kala sooc lahayn u horjoogsata helitaanka gargaarka lagula xisaabtami doono arrinkaasi;
  • In ay shaqada ka joojiyaan askarta ka tirsan Ciidanka Xoogga Qaran ama maleeshiyaadka dowladda taabacsan ee lagu dacweeyo in ay geysteen tacaddiyo ka dhanka ah dadka rayidka ah, ilaa iyo inta si sax ah looga baarayo eedeymahaasi, ciqaabta ku haboonna la marsiinayo ama dacwad dembiyeed lagu qaadayo;
  • In ay la shaqeeyaan waaxda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Howlgalka Qaramada Midoobay Ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) si loo meelmariyo tallaabooyink khafiifinta iyo talooyinka qeybta ka ah dadaalka lagu fulinayo siyaasadda xuquuqda aadanaha iyo waafaqsanaanta sharciga ee Xoghaya Guud, taasoo loo adeegsan karo hormarinta sidii ay ciidamada ammaanka Soomaaliya ugu hogaansami lahaayeen sharciga caalamiga ah; iyo,
  • Waa in baarlamaanka, gaar ahaan gudiga difaaca uu xaqiijiyaa dusha kala socosho wax ku ool ah oo ku aaddan howlgallada iyo hab-dhaqanka Ciidanka Xoogga Qaran iyo xooggaga taabacsan.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradaha gaashaandhigga iyo caddaalada waa in ay qaadaan tallaabooyinkan mudada dhexe ah;

  • In ay sameeyaan hannaan cad oo kala shaandheyn ah marka la qorayo saraakiisha sarsare ee heer federal iyo gobolba, rayid iyo milateriba, si loo aqoonsado oo meesha looga saaro shakhsiyaadka mas’uulka ka ah tacaddiyada ba’an;
  • In ay sameeyaan hannaan dusha kala socosho iyo edbin ah, gaar ahaan cutub qaabilsan cabashada dadweynaha kaasoo ay shacabka u gudbin karaan dacwadaha ay u qabaan askarta milateriga, iyo guddi dusha kala socoshada gudaha ah oo baara anshax xumada;
  • In ay xaqiijiyaan in baaritaan waxtar leh oo dhexdhexaad ah lagu sameeyo eedeymaha ku aaddan dembiyada dagaal iyo tacaddiyada kale, iyo in dadka dembiyadaasi lagu helo ayagoo aan loo eegeyn darajadooda lagu qaado dacwad dembiyeedka ku haboon; iyo,
  • In ay wanaajiyaan tayada nidaamka caddaalada ee madiniga iyo milaterigaba, si ay u gaaraan caddaalad ku dhisan kalsooni, madax bannaani iyo dhexdhexaadnimo, si buuxdana ugu hogaansan hannaanka raacidda sharciga; maxkamadaha madaniga ah waa in ay gali karaan kiisaska askarta milateriga ee khuseeya dadka rayidka ah.

Waa in howlwadaagayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku howlan tababarka ciidamada ammaanka, sida Midowga Yurub, Maraykanka, UK, Turkiga iyo Isutagga Imaaraadka Carabta, ay taageeraan talooyinka kor ku xusan iyo dadaallada sida madax bannaan lagula soconayo ku dhaqanka xuquuqda aadanaha ee ciidamada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin in ay raacaan tababarka la siiyay.

Sirdoonka, Booliska

Human Rights Watch waxa ay ka walaacsan tahay awoodda ballaaran ee la siiyay Hay'adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA), gaar ahaan dembiyada la xiriira argagixisanimada, iyo kula xisaabtan la’aanta tacaddiyada ay geystaan askarteeda.

NISA ayaa samaysay howlgalo ballaaran oo ammaanka lagu sugayo, inkastoo aanay awood sharci u haysan in ay dadka qabqabato ama xirto. Hay’adaasi ayaa dadka xirta muddo dheer ayadoo aan dacwad lagu soo oogin, waxaana ay horjoogasataa ama xannibtaa hannaan muhiim u ah raacidda sharciga, gaar ahaan helitaanka matalaad sharci iyo booqasho ay ugu yimaadaan qoysaskooda. NISA ayaa si aan kala sooc lahayn u xirtay weriyayaal iyo dad siyaasadda u dhaqdhaqaaqa, taasoo u muuqata in ay siyaasadi ka dambeyso. Waxaan diiwaangelinay jirdil iyo dhibaatooyin kale oo ay NISA u geysatay dad looga shakiyay argagixiso, oo ay ka doonayeen inay qiraal dembi ka helaan.

Haseyeeshee, dowladda iyo howlwadaageeda ayaan xoogga saarin dadaallada lagula xisaabtamayo NISA. Qorshayaasha hadda socda ee ku aaddan qaab-dhismeedka ammaanka qaran ee Soomaaliya ayaa iska indha tiray laamaha sirdoonka. Ilaa iyo maanta ma jiro hannaan wax ku ool ah oo gudaha lagala soconayo si caddaalad loogu helo taccadiyada ay geysato NISA, gaar ahaan kiisaska siyaasadaysan.

Waxaa intaa dheer in dhawaan un loo soo jeestay sidii loo dhisi lahaa tayada booliska iyo waaxda dembi barista, si ay u sameeyaan baaritaanno xooggan oo wax ku ool ah, laguna ilaalinayo xuquuqda dadka. Ciidanka booliska ayaa loo tiiriyaa xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah dadka ugu nugul shacabka Soomaaliya. Tusaale ahaan, bishii Maarso 2015, booliska qaranka, ciidanka NISA iyo booliska dowladda hoose ee caasimadda, ayaa muddo 24 saac ah si xoog ah ku raray 21,000 oo qof oo ah dadka gudaha dalka kasoo barakacay, kuwaasoo ku noolaa xeryo aan rasmi ahayn oo ku yaalla Muqdisho. Ciidamada ammaanka ayaa garaacay oo u hanjabay kuwa diiday in ay xeryahaasi ka guuraan, waxaana ay cagaf-cagaf ku burburiyeen guryo iyo dukaamo.

Waxaa aad muhiim u ah samaynta ciidan boolis oo awood leh, lalana xisaabtami karo, kaasoo suga ammaanka asaasiga ah iyo xaqiijiyana xaqa ay dadka leeyihiin, gaar ahaan kuwa bulshada ugu nugul. Ma aha in arintan la hareermaro inta ay socdaan dadaallada ammaanka lagu gaarsiinayo deegaannada cusub ee ay Al-Shabab ka baxeen, iyo qorshaha ah in la isku dhafo ciidamada maamul goboleedyada oo ay ka midka yihiin kuwa Daraawiishta. Mudada kooban, dowladda Soomaaliya, gaar ahaan baarlamaanka, iyo wasaaradaha caddaalada iyo amniga gudaha waa in ay:

  • Diyaariyaan sharci amniga qaran oo xuquuqda dhawraya, kaasoo si cad u qeexaya awoodaha hay’adaha ammaanka qaranka oo ay ka midka tahay NISA;
  • Dejiyaan shuruucda loo baahan yahay si loo sameeyo hannaan madax bannaan oo edbin iyo dusha kala socosho ah, oo uu ka mid yahay cutub qaabilsan cabashada dadweynaha kaasoo ay shacabka si badqabta ugu gudbin karaan dacwadaha ay u qabaan askarta milateriga, iyo guddi dusha kala socoshada gudaha ah oo baara anshax xumada;
  • Dejiyaan shuruuc mamnuucaya jirdilka, dhibaataynta kale iyo dadka lagu waayo gacanta laamaha ammaanka, si waafaqsan heerarka caalamiga ah, iyo xaqiijinta in sharciyada cusub ee muhiimka ah, sida kan qabyada ah ee ku aaddan La Dagaallanka Argagixisada ay mamnuucaan jirdilka;
  • Si weyn wax uga bedelaan hindise sharciyeedka La Dagaallanka Argagixisada, si loo xaqiijiyo in uu waafaqsan yahay heerarka caalamiga ah, gaar ahaan xannibaada ku aaddan hannaanka raacidda sharciga, iyo qodobada uu mugdiga ku jiro ee ka hadlaya kicinta dadweynaha kuwaasoo meel ka dhac ku ah xorriyada hadalka;
  • Xaqiijiyaan in dhammaan ciidamada, oo ay ka mid yihiin Daraawiishta ee hadda ka tirsan ama lagu dhafi doono kuwa federaalka iyo maamul goboleedyada, ay helaan tababar ku haboon oo ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, gaar ahaan mabaadii’da asaasiga ah ee marka xoogga iyo hubka ay adeegsan karaan askarta laamaha ammaanka;
  • Ogolaadaan in xabsiyada rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ay kormeeraan hay’ado aan dowli ahayn oo madax bannaan, sida xabsiyada NISA iyo xarumaha booliska; iyo,
  • In baarlamaanka, gaar ahaan gudiga ammaanka uu xaqiijiyo in si wax ku ool ah uu dusha ugala socdaa, booliska, sirdoonka iyo xooggaga kale ee ammaanka.

Ayadoo qeyb ka ah dib u habaynta lagu samaynayo laamaha sirdoonka iyo booliska, waa in dowladda, si gaar ahna wasaaradda amniga gudaha ay mudada dhexe u:

  • Xaqiijisaa in xubnaha laamaha sirdoonka iyo booliska ee galay tacaddiyada qaab ku haboon loo maxkamadeeyo, ayagoo lasoo taagayo maxkamado madani ah; iyo,
  • Qaadaa tallaabooyin la mid ah kuwa mudada kooban iyo mudada dhexe ee looga gol leeyahay in lagu sameeyo kala shaandheyn inta ay socdaan qoridda iyo isku dhafka booliska iyo sirdoonka, si la mid ah tallaabooyinka kor lagu soo xusay ee khuseeya milateriga.
  1. Garsoorka oo Lagu Sameeyo Dib u habayn Dheeraad ah oo Wax ku ool ah

Inkastoo ay si shaacbaxsan u ballanqaadeen dib u habaynta garsoorka, ayaa haddana maamulladii hore waxa ay si weyn ugu tiirsanaayeen maxkamadda ciidanka ee dalka, si ay u qaado kiisaska la xiriira ammaanka qaranka. Maxkamadda milateriga ayaa weli qaada kiisas ka baxsan awoodeeda sharci, oo ay ka mid yihiin dembiyada la xiriira argagixisada, iyo kiisas loo haysto dad rayid ah, taasoo khilaafsan sharciga caalamiga ah iyo dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya. Dhagaysiga dacwadaha ee maxkamadaasi ayaan gaarsiisneyn heerka caalamiga ah ee maxkamadeynta caddaalada ah, gaar ahaan in si buuxda loo helo qareen difaac iyo maxkamadeyn degdeg ah. Kiisaska la xiriira ammaanka iyo argagixisada ee ay baarto NISA ayaa loo gudbiyaa maxkamadan.

Maxkamadaha madaniga ah ayaa la sheegaa in ay hareeyeen siyaasado qabiil ku salaysan, musuqmaasuq, iyo in aanay dusha kala socon dacwad oogayaasha. Dacwad oogayaasha rayidka ah ayaa mararka qaar ku guuldaraystay in ay difaacaan xuquuqda shakhsiyaadka ay NISA kusoo qabato howlgalladeeda ka dhanka ah wararka xasaasiga ah iyo xorriyada hadalka.

In Soomaaliya loo sameeyo hannaan garsoor oo awood u leh in dhibbanayaasha xadgudubyada dowladda iyo tuhunsayaasha dembiyada ay helaan caddaalad gaarsiisan heerarka caalamiga ah, ayaa ah caqabad muddo dheer taagnaan doonta, taasoo u baahan go’aanno badan iyo dhaqaale. Balse xilligan la joogo, dowladdu waa in ay qaadaa tallaabooyin degdeg ah oo lagu wanaajinayo ilaalinta hannaanka raacidda sharciga iyo xuquuqda maxkamadeyn caddaalad ah. Waa in ay:

  • Si shaacbaxsan u ballanqaadaa in dhammaan tuhunsanayaasha xiran si degdeg ah loo horgeyn doono xaakim, si go’aan looga gaaro sharcinimada xarigooda, lana siiyo matalaad sharci iyo fursad ay isku difaaci karaan;
  • Xaqiijisaa in maxkamadaha madaniga ah ay dusha kala socdaan xariga iyo baaritaanka tuhunsanayaasha, oo ay ka mid tahay in ay dib u eegis ku sameeyaan xariga maxkamadeynta ka hor;
  • Soo afjartaa dadka rayidka ah ee dacwadahooda lagu qaado maxkamadda milateriga, iyo in ay xaqiijisaa in maxkamadaha madaniga ah ay awood u leeyihiin qaadida kiisaska ka dhanka ah askarta milateriga ee khuseeya dadka rayidka ah, sida ku cad dastuurka kumeelgaarka ah;
  • Si waafaqsan qorshe hawleedka xuquuqda aadanaha ee maamulladii hore, waa in ay si degdeg ah u hakisaa fulinta xukunnada dilka ah, taasoo ah tallaabo lagu gaarayo mamnuucidda xukunka dilka ah.

Xukuumadda iyo baarlamaanku waa in mudada dhexe ay:

  • Kaalmo ka raadsadaan deeq bixiyayaasha caalamiga ah si loo sameeyo hannaan garsoor oo madax bannaan, dhexdhexaad ah, laguna kalsoonaan karo; iyo,
  • Dejiyaan qodob ku saabsan kaalmada shaarciga ayagoo kaashanaya deeq bixiyayaasha caalamiga ah, si loo sameeyo ama loo xoojiyo hannaanka ay eedeysanayaasha ku heli karaan kaalmo sharci oo lacag la’aan ah, haddii aanay awoodin kharashka qareenka, iyo xaqiijinta in kaalmada qareennada difaaca ee dembiyada laga heli karo guud ahaan dalka.
  1. Wanaajinta Helitaan Caddaalad ee ku Aadan Xadgudubyada Galmada

Si dib u habayn loogu sameeyo hannaanka caddaalada dembiyada ee Soomaaliya, waa in la xaqiijiyaa in dadka khatarta ba’an ugu jira tacaddiyada iyo kuwa hannaanka hadda jira aanu siin difaaca ku filan, ay helaan xaqooda. Qeyb kasta oo ka tirsan garsoorka waa in ay si wax ku ool ah u xallin kartaa ugana jawaabi kartaa xadgudubyada galmada, ayadoo maanka lagu hayo caqabadaha ay dumarka iyo gabdhaha la kulmaan marka ay doonayaan caddaalad, oo ay ka midka yihiin fuquuq iyo dhibaatayn.

Soomaaliya waxaa ku badan tacaddiyada galmada la xiriira, kuwaasoo burburiya xuquuqda dumarka, isla markaana abuura khatar muddo dheer ah oo ku aaddan ammaanka iyo caafimaadka haweenka. Human Rights Watch iyo hay’adaha kale ee caalamiga iyo Soomaalida ah waxa ay diiwaangeliyeen in dumarka ku nool xeryaha dadka soo barakacay ay si gaar ah ugu nugul yihiin tacaddiyada galmada ee ay geystaan ragga hubaysan, oo ay ka mid yihiin ciidamada dowladda, maleeshiyaadka iyo kuwa rayidka ahba. Saraakiil ka tirsanaa maamulkii hore iyo ciidamada ammaanka ayaa dhowr goor u hanjabay ururada xuquuqda aadanaha, halkii ay ka shaqeyn lahaayeen ka difaacidda dumarka tacaddiyada galmada, ayna maxkamadeyn lahaayeen kuwa dembiyadaasi gala.

Dowladdii hore iyo howlwadaagayaasha caalamiga ah ayaa sameeyay ballaanqaadyo, waxaana ay ansixiyeen tallaabooyiin lagu wanaajinayo awoodda ay dowladda wax uga qaban karto isla xisaabtan la’aanta ku aaddan tacaddiyada galmada. Haseyeeshee weli waxaa taagan caqabado badan. Tusaale ahaan, horaantii 2017, maamulka Puntland ayaa ogolaaday in koox dhalinyaro ah oo laba gabdhood ku kufsaday degmada Galdogob lagu maxkamadeeyo shareecadda Islaamka. Dacwad oogayaasha ayaan xoogga saarin in dhalinyaradaasi lagu qaado dacwad dembiyeed waafaqsan xeerka uu maamulkaasi dhawaan ansixiyaya ee ciqaabta dembiyada galmada. Waxaa loo baahan yahay tallaabooyin dheeraad ah oo faa’iido leh si looga hortago dembiyada ka dhanka ah dumarka iyo gabdhaha, iyo in la helo isla xisaabtan marka ay xudgudubyadaasi dhacaan.

Dowladda oo kaalmo ka helaysa caalamka waa in ay:

  • Si shaacbaxsan u ballanqaadaa xaqiijinta in meelmarinta qorshayaasha dib u habaynta booliska, si gaar ahna naqshadda cusub ee booliska iyo qorshaha Heegan, ay ku jiraan tallabooyin muuqda oo si weyn loogu xoojinayo awoodda booliska uu uga hortagi karo ugana jawaabi karo tacaddiyada ka dhanka ah dumarks;
  • Kordhisaa dadaallada lagu taageerayo in si gaar ah loogu tababaraa booliska iyo laamaha kale ee ammaanka gacan ka geysashada baaritaannada tacaddiyada galmada;
  • Xoojisaa qaababka lagu ilaalinayo heybta dadka soo sheega tacaddiyada galmada;
  • Xaqiijisaa in dhammaan askarta booliska, daraja kasta oo ay lahaadaanba, ay helaan tababar ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo weliba qaababka ugu wanaagsan caalamka ee lagu baari karo tacaddiyada galmada;
  • Kordhisaa wacyiga madaxda beelaha iyo hogaamiyayaasha diinta ee ku aaddan muhiimada ay leedahay in ay booliska usoo gudbiyaan eedeymaha ku aaddan tacaddiyada galmada ee ka dhanka ah dumarka;
  • Sii waddo ka kaalmaynta dacwad oogayaasha in ay si ku haboon oo caddaalad ah u baaraan oo ay maxkamadeeyaan kiisaska xadgudubyada galmada ah; iyo,
  • Tababar siiso xaakimiinta iyo qareennada difaaca ee ku howlan kiisaska xadgudubyada galmada.

Ayadoo dib u eegis ku samaynaysa xeerka ciqaabta iyo shuruucda kale, dowladdu waa in ay dib u eegtaa sharciga lagu dhaqo xadgudubyada galmada. Xukuumadda iyo baarlamaanka waa in ay:

  • Xaqiijiyaan in dib u eegista ay hubiso in dhammaan noocyada xadgudubyada galmada si ku haboon loo maxkamadeeyo, ciqaabtuna ay ka turjumayso xaddiga uu gaarsiisan yahay dembiga;
  • Ansixiyaan xeerka qabyada ah ee dembiyada galmada, ayagoo xaqiijinaya in nuqulka la ansixiyay uu waafaqsan yahay heerarka caalamiga ah; iyo,
  • Wanaajiyaan qaabka si waafi ah wax loogu qaban karo dadka ka badbaaday xadgudubyada galmada, gaar ahaan in tababar gaar ah la siiyo howlwadeennada caafimaadka si ay u daryeelaan ayna si wanaagsan u daweeyaan dadkaasi, gaar ahaan dabiibidda, cafimaadka maskaxda, xanaaneynta iyo kaalmada dhanka sharciga ah.
  1. Kula Xisaabtanka AMISOM iyo Ciidamada Kale ee Ajnabiga ah Dembiyada ay Galaan

Human Rights Watch iyo Qaramada Midoobay ayaa diiwaangeliyay tacaddiyo badan oo ay geysteen Ciidamada Midowga Afrika ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya (AMISOM) iyo ciidamada kale ee ajaanibta ah, dembiyadaasi oo ay ka mid yihiin dilal ay u geysteen dadka rayidka ah iyo xadgudubyo galmo. Tusaale ahaan, bishii July 2016, ciidanka Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaa gobolka Baay ku dilay 14 qof oo rayid ah. AMISOM ayaa ballanqaaday in ay baarayso dhacdaasi, waxaana ay qaaday waraysiyo, balse natiijada ayaan ilaa hadda la shaacin.

Human Rights Watch ayaa sanadkii 2014 warbixin ka diyaarisay kiisas tacaddiyo galma ah oo ay ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda iyo Burundi Muqdisho ugu geysteen dumar iyo gabdho Soomaaliyeed. Sanadkii 2016, Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay eedeymo sheegaya in askar AMISOM ah ay gobolka Galgudud ku kufsadeen laba gabdhood.

Dal kasta oo ciidan ku biiriyay AMISOM waxa uu awood gaar ah u leeyahay ciidankiisa ku sugan Soomaaliya. Haseyeeshee dalalkaasi ayaan u hurin waqti, dhaqaale iyo rabitaan siyaasadeed ee loo baahan yahay si loo sameeyo baaritaan lagu kalsoonaan karo. Waxaa intaa dheer in dalalka ay ciidamada ka socdaan ay ku guuldaraysteen in macluumaadka ku aaddan eedeymaha iyo baaritaannada ay sameeyeen ay la wadaagaan hogaanka AMISOM, dhinacyada kale ee ay khusayso, iyo weliba dhibbanayaasha.

Marka ay dowladda Soomaaliya arimahaasi kala hadlayso AMISOM iyo dalalka ciidanka ku biiriyay, waa in ay:

  • Ugu baaqdo Midowga Afrika in uu siiyo faahfaahinta halka ay marayso dhaqangelinta talooyinkii lasoo jeediyay Abrill 2015, ka dib baaritaankii lagu sameeyay xadgudubyada galmada ee ka dhacay Soomaaliya;
  • Ugu baaqdo waddamada ay ciidamada ka socdaan in si dhexdhexaad ah oo hufan ay u baaraan eedeymaha macquulka ah ee sheegaya in ciidamadooda ay tacaddiyo ka gesyteen Soomaaliya, oo ay ka mid tahay in ay dalka geeyaan dacwad oogayaal iyo baarayaal ku filan, iyo in ay maxkamad ciidan gudaha waddanka ka sameeyaan;
  • Ugu baaqdo waddamada ay ciidamada ka socdaan iyo hogaanka AMISOM in ay qaadaan tallaabooyinka loo baahan yahay, si ay u damaanad qaadaan hab muujinaya in aan loo dulqaadan karin tacaddiyada galmada;
  • Ugu baaqdo waddamada ay ciidamada ka socdaan in si nidaamsan macluumaadka ku aaddan eedeymaha xadgudubyada iyo baaritaannada ay ula wadaagaan AMISOM, gaar ahaan xarunta AMISOM u qaabilsan tirakoobka iyo qiimeynta iyo baaridda khasaaraha soo gaara rayidka;
  • Ugu baaqdo AMISOM meelmarinta siyaasadaheeda ku aaddan magdhaw siinta shacabka ay dhibaatada gaarsiiso, iyo in ay xaqiijiso in waddamada ay ciidamada ka socdaan ay magdhaw siiyaan dhibbanayaasha tacaddiyada kale, gaar ahaan xadgudubyada galmada; iyo,
  • Ugu baaqdo taageerayaasha caalamiga ah ee AMISOM in ay xaqiijiyaan in kaalmadooda ay gacan ka geysato isla xisaabtan wanaagsan oo ku aaddan tacaddiyada laga geysto Soomaaliya.
  1. Joojinta Askaraynta Carruurta, Ula Dhaqanka Carruurta Lala Xiriirio Ururada Hubaysan Si Waafaqsan Heerarka Caalamiga ah

Soomaaliya waa in ay qaadaa dhammaan tallaabooyinka daruuriga ah si ay carruurta uga saarto ciidamadeeda, ayna si wanaagsan ula dhaqanto oo ay u difaacdo carruurta ay adeegsadaan ururka Al-Shabab iyo ururada haybaysan ee dowliga ah ama aan dawliga ahayn.

Ma aha in Soomaaliya ay ciidamadeeda ku darto carruur ay da’doodu ka yartahay 18 jir. Inkastoo ay maamulladii hore isku dayeen in ay carruurta ka joojiyaan ku biiridda ciidamada heerka federaalka, oo ay saxiixeen qorshe howled qaran oo ka dhan ah askaraynta carruurta, isla markaana ay wasaaradda gaashaandhigga u yeeleen cutub ilaaliya carruurta, ayaa haddana waxaa loo baahan yahay dusha kala socosho joogta ah, si carruurta gebi ahaanba looga saaro ciidamada.

Al-Shabab iyo ururada kale ee hubaysan ayaa weli carruurta u adeegsada askar u dagaallanta, “xaasas” ay guursadaan iyo qaabab kale oo sharciga ka baxsan. Dowladda Soomaaliya waa in ay qaadaa tallaaba kasta oo macquul si looga hortago arintaasi, oo ay ka mid tahay meelmarinta shuruucda lagama maarmaanka u ah. Carruurta askarta ah ee la qabto waa in hubka laga dhiggaa, oo la siiyaa gargaarka ku haboon ee ay u baahan yihiin si ay jir iyo maskax ahaan ugu soo kabtaan ayna bulshada uga mid noqdaan. Deeq bixiyayaasha caawiya Soomaaliya waa in ay gacan ka geystaan arimahaasi.

Carruurta uu saameeyay dagaalka waxa ay xaq u leeyihiin ixtiraam iyo ilaalin gaar ah. Kuwa loo hayso dembiyada waxa ay xaq u leeyihiin in laga sooco dadka waaweyn ee la xiran, laga difaaco tacaddiyada galmada, waxbarasho la siiyo, iyo waxyaabo kale. Soomaaliya waxaa maxkamad lagu soo taagay carruur loo haysto dembiyo dhanka ammaan ah, waxaana dacwaddooda qaaday maxkamad milateri oo aan gaarsiisneyn heerarka caalamiga ah ee dacwad kusoo oogidda carruurta.

Dowladda, ciidamada difaaca, wasaaradaha gaashaandhigga iyo amniga gudaha waa in ay si degdeg ah ay:

 

  • U fasaxaan dhammaan carruurta ka tirsan ciidamada ammaanka Soomaaliya, ayna ku wareejiyaan hay’adaha qaabilsan difaacidda carruurta si loo xannaaneeyo, oo ay dib bulshada uga mid noqdaan;
  • U soo saaraan amar cusub oo shaacbaxsan, kaasoo taliyayaasha iyo askarta ka reebaya in ay si qasab ah u qortaan ama u adeegsadaan carruurta da’doodu ka yartahay 18 jirka, oo ay ka midka yihiin kuwa la qabtay ama isa soo dhiibay;
  • Dembi ka dhigaan qorashada iyo adeegsiga carruurta askarta ah, ayna baaraan oo ay maxkamadeeyaan kuwa sidaa sameeya;
  • Soo afjaraan guud ahaan in carruurta da’doodu ka yartahay 18 jirka lasoo taago maxkamadaha milateriga;
  • Ballanqaadaan xaqiijinta in dacwadaha lagu soo oogo carruurta ay ka dhacaan oo keliya maxkamado waafaqsan heerarka caalamiga ah ee dacwad qaadidda carruurta; carruurta waa in la xiraa oo keliya haddii aanu jirin xal kale, waana in laga soocaa maxaabiista kale ee dadka waaweyn ah, haddii aanay ahayn xubnaha qoyskooda;
  • Dib u eegis ku sameeyaan shuruucda jira iyo kuwa soo socda ee heer federaal iyo heer gobolba, oo uu ka mid yahay kan qabyada ah ee La Dagaallanka Argagixisada, si loo waafajiyo heerarka caalamiga ah ee maxkamadeynta carruurta, gaar ahaan ayadoo la qeexayo in canug uu yahay qof kasta oo da’diisu ka yartahay 18 jir, iyo soo bandhigidda hannaanka gaarka ah ee ay xaqa u leeyihiin carruurta lagu qaado shuruucdan; iyo,
  • Saxiixaan oo ay hirgeliyaan ayagoo taageero ka helaya caalamka borotakoolka khiyaariga ah ee Xeerka Xuquuqda Carruurta ee ku aaddan carruurta ku lugta leh colaadaha hubaysan, kaasoo mamnuucaya in qasab lagu qorto qof kasta oo ka yar 18 jir, ama loo adeegsado colaadaha ha ahaato dowladda ama ururada aan dowliga ahayn.

Xukuumadda, gaar ahaan wasaaradaha gaashaandhigga iyo amniga gudaha waa in mudada dhexe ay:

  • Xaqiijiyaan ayagoo kaashanaya Qaramada Midoobay, in dhammaan carruurta horay uga tirsanaa ururada hubaysan loo wareejiyo xarumaha dhaqancelinta ee rayidka iyo barnaamijta dib loogu celinayo bulshada, halkii lagu hayn lahaa xabsiyada;
  • Sameeyaan hannaan caddaalad oo u gaar ah carruurta, kaasoo waafaqsan heerarka caalamiga ah;
  • Kala shaqeeyaan AMISOM iyo dhammaan xooggaga maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si loo xaqiijiyo in si degdeg ah oo badqabta carruurta looga soo saaro Al-Shabab iyo ururada kale ee hubaysan; iyo,
  • Sameeyaan hannaan nidaamsan oo adag, kaasoo lagu ogaanayo da’da askarta, uuna qeyb ka yahay kormeer madax bannaan oo aan lasii shaacin, kaasoo looga gol leeyahay in dhammaan askarta ku biiraysa milateriga, oo ay ka midka yihiin kuwa isku dhafan ee maamul goboleedyada iyo maleeshiyaad beeleedka ay ugu yaraan 18 jir yihiin, ka hor inta aanay ka qeyb qaadan howlgallada ciidan.
  1. Wanaajinta Ilaalada Dadka Kasoo Barakacay Gudaha Dalka

Go’aanka ay dowladda cusub mudnaanta ku siinayso wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ayaa muhiim u ah dadka kasoo barakacay gudaha Soomaaliya. Boqolaal kun oo qof oo kasoo hayaamay macluushii 2011 iyo dagaalladii xigay, iyo weliba tobanaan kun oo kale oo dhawaan kasoo cararay dagaallo, ammaan daro iyo abaar, ayaa waxa ay noolal xumo ku haysataa caasimadda iyo magaalooyin kale oo dhalka ah. Human Rights Watch ayaa diiwaangelisay tacaddiyo ba’an oo ay ka mid yihiin xoog ku rarid, xadgudubyo galmo iyo fuquuq qabiil ku salaysan oo dadkaasi soo barakacay ay kala kulmeen dowladda iyo kuwa kale ee aan dowliga ahayn.

Tan iyo bishii November 2016, ugu yaraan 60,000 oo qof ayaa xoog looga raray xeryahooda. Raridaasi ayaa dadka soo barakacay ka dhigtay kuwo ay xaaladdooda noolaleed mugdi sii gashay, isla markaana ammaankooda sii xumaysay, caqabadna kala kulma helitaanka gargaar. Qaar badan oo ka mid ah dadka soo barakacay ayaa weli ku tiirsan waardiyayaal damiir la’ oo aanay jirin cid la xisaabtanta. Waxbadan lagama qabto tacaddiyada loo geysto barakacayaasha.

Maamulkii hore waxa uu ku guuldaraystay in uu hogaan u yeelo arinta dadka soo barakacay, taasoo dhalisay in la qeexi waayo cidda ay tahay in ay dusha kala socoto, federaalka ama dowladda hoose. Siyaasad sanadkii 2014 laga soo saaray barakaca, taasoo dhigaysa in maamulka uu dadka soo barakacay difaaco marka xoogga lagu rarayo, isla markaana inta badan waafaqsan sharciga caalamiga ah, ayaanan si rasmi ah loo ansixin ama aan la taaba-gelin.

Ayadoo qeyb ka ah dadaalka lagu difaacayo shacabka nugul, ayaa Human Rights Watch waxa ay ugu baaqaysaa dowladda, gaar ahaan wasaaradaha arimaha gudaha ee federaalka iyo maamul goboleedyadaba iyo weliba maamulka gobolka Benaadir in ay:

  • Si degdeg ah u joojiyaan xoog ku raridda dadka soo barakacy ee ku nool Muqdisho iyo deegaannada kale ee ay dowladda ka taliso;
  • Golaha wasiiradda marsiiyan ayna dhaqan geliyaan siyaasadda barakaca ee 2014;
  • Caddeeyaan dowrka kaga aaddan dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo maamullada maxalliga ah arinta dadka kusoo barakacay magaalooyinka; iyo,
  • Si degdeg ah u geeyaan boolis tayaysan deegaannada ay ku yaallaan xeryaha aan rasmiga ahayn ee magaalooyinka waaweyn, si loo suggo ammaanka asaasiga ah, loogana hortago tacaddiyada ka dhanka ah dadka soo barakacay.

Xukuumadda oo kaashanaysa howlwadaageeda caalamiga ah, wadatashina la yeelanaysa dadka soo barakacay, waa in mudada dhexe ay:

  • Ka caawisaa dadka aan awoodin ama aan rabin in ay ku laabtaan deegaannadooda, sidii ay u degi lahaayeen magaalooyinka waayen oo ay dadka u dhexgeli lahaayeen, ayadoo siinaysa hooy asaasi ah.
  1. Ilaalinta Warbaahinta

Dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo Al-Shabab ayaa weli bartilmaameedsada howlwadeennada warbaahinta, ayagoo kula kaca cagajugleyn, dhaawac iyo weliba dil.

Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan NISA iyo ciidanka booliska, ayaa adeegsaday qaabab kala duwan si ay weriyayaasha ugu qasbaan in ay arimaha jira uga warramaan sida ay dowladda rabto. Waxa ay inta badan ku andacoodaan in wararka qaar aan la sheegi karin madaama ay dhalin karaa khatar ammaanka qaranka ah, balse taasi ayaa u muuqata isku day ay dowladda ku horjoogsanayso ka warramida arimo sharciga waafaqsan oo khuseeya ammaanka iyo hormarka. Xeeladahaasi la adeegsaday ayaa ka baxsan sharciga, waxaana ay weriyayaasha khatar weyn u gelinayaan in laga aarsado.

Dowladda Soomaaliya ayaan inta badan baarin cabashooyinka ay u gudbiyaan weriyayaasha ama dilalka iyo dhaawacyada loo geysto, ayadoo sidoo kalana aan dacwad kusoo oogin kuwa falalkaasi geysta. Maamulkii hore ayaa maxkamadeeyay oo keliya tiro weerarro ah oo loo tiiriyay Al-Shabab, asagoo ku tiirsanaa NISA iyo maxkamadaha milateriga; Human Rights Watch ayaa ogaatay in dacwadahaasi aanay marin nidaamka saxda ah, taasoo wiiqday xuquuqda ay eedeysanayaasha u leeyihiin maxkamadeyn caddaalad ah.

Human Rights Watch lama socoto wax dacwad ah oo sanadihii dhawaa lagu soo oogay saraakiil dowladda ka tirsan ama askarta ciidamada, kuwaasoo loo ciqaabay tacaddiyo ay u geysteen weriyayaasha, inkastoo ay jirto caddeyn muujinaysa in ay qeyb ka ahaayeen weerarrada.

Inkastoo Sharciga Federaalka ee Warbaahinta 2016 ay ku jiraan qodobo wanaagsan, ayaa haddana xannibaadaha saxaafadda ee sharcigaasi ay yihiin kuwa aan si wanaagsan loo qeexin. Waxaa xannibaadahaasi ka mid ah “dacaayadda ka dhanka ah sharafta muwaadhinka, shakhsiga ama hay’adaha dowladda,” faqradaasi oo sahlaysa in siyaabo kala duwan ay u fasiraan mas’uuliyiinta dowladda, isla markaana dhalin karta in weriyaasha ay iskood faafreeb dheeraad ah u sameeyaan. Xeerka dembiyadda ee dalka oo hadda dib u eegis lagu samayanyo, ayaa waxaa ku jira qodobo aan caddeyn, kuwaasoo xorriyada hadalka ka dhigaya dembi, oo ay ka mid tahay sumcad dhaawacidda. “meel uga dhaca sharafta iyo sumcadda hogaamiyaha dalka;” “daabicidda iyo baahinta war been ah oo laga badbadiyay,” iyo yasidda qaranka, dowladda ama calanka.

Ficil muuqda oo uu maamulka cusub goor hore qaado, ayaa diri doono fariin muhiim ah, oo caddeynaysa in ay ka go’an tahay ammaanka warbaahinta, iyo xuquuqda xoorriyada hadalka, oo ay ka mid tahay ka hadalka arimaha khuseeya ammaanka qaranka. Xukuumadda iyo baarlamaanka waa in ay:

  • Si shaacbaxsan u taageeraan xaqa xorriyada hadalka iyo warbaahinta sida ku cad dastuurka kumeelgaarka ah, oo ay ka mid tahay in saxaafadu ay ka warrami karto arimaha xasaasiga ah ee siyaasada iyo dhinacyada kale;
  • Xaqiijiyaan in xannibaad kasta oo xorriyada warbaahinta ah ay tahay mid aan laga fursan karin, isu dheeli tiran, isla markaana u kooban sida ugu macquulsan;
  • Si degdeg ah dib u eegis ugu sameeyaan sharciga saxaafada ee 2016, ayna bedelaan qodob kasta oo meel ka dhac ku ah xaqa xorriyada hadalka;
  • Xaqiijiyaan in xeerka ciqaabta ee cusub laga saaro qodobada ciqaabta dembiga ah saaraya hadalka, oo ay ka midka yihiin kuwa sumcad dhaawicidda; meel uga dhaca sharafta iyo sumcadda hogaamiyaha dalka; daabicidda iyo baahinta war been ah oo laga badbadiyay; ama yasidda qaranka, dowladda ama calanka; iyo,
  • Si shaacbaxsan u ballanqaadaan xaqiijinta in saraakiisha ku lugta leh tacaddiyada ama aan sida wanaagsan u baarin khatarta la sheegay ama xadgudubyada ka dhanka ah weriyayaasha, sida ku haboon loo edbin doono ama loo maxkamadeyn doono.

Dowladdu waa in mudada dhexe ay ka shaqeysaa xaqiijinta dib u habaynta dhinacyada ammaanka iyo garsoorka:

  • Ayadoo hubinaysa in maamullada ay sameeyaan baaritaan dhexdhexaad ah oo wax ku ool ah, kaasoo lagu samaynayo dilalka weriyayaasha, oo aan loo eegeyn cidda lagu tuhunsan yahay, si caddaalad ahna loo maxkamadeeyo.
  1. Hormarinta Sinnaanta Dumarka iyo Ka Qeybgalkooda Siyaasadda

Dowladdu waa in ay si degdeg ah u qaaddaa tallaabooyin lagu soo afjarayo fuquuqa ka dhanka ah dumarka. Waxaa kooban ka qeybgalka siyaasadeed iyo go’aan gaaridda dumarka Soomaaliyeed, taasoo sii xumayneysa dowrkooda kooban iyo sinnaan la’aanta jirta. Hannaanka siyaasadeed ayaa waxaa gacanta ku haya ragga, gaar ahaan ayagoo adeegsanaya hogaamiyayaasha beelaha. Dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa si cad u garawsan muhiimadda ay leedahay in dumarka ay ka qeyb qaataan siyaasadda, waxaana la kordhiyay xubnaha haweenka ku matalaya baarlamaanka iyo xukuumadda intii ay socotay doorashadii dhaweyd. Haseyeeshee dowladda waa in ay ka shaqeysaa xaqiijinta in dumarka ay sharci ahaan iyo ficil ahaanba si siman oo buuxda uga qeyb qaadan karaan hannaanka siyaasadda.

Dowladdu waa in mudada kooban ay:

  • Saxiixdaa oo dhaqan gelisaa Xeerka Baabi’inta Dhammaan Noocyada Fuquuqa ee Ka Dhanka ah Dumarka ee (CEDAW); iyo,
  • La shaqeysaa ururada bulshada rayidka ah ee difaaca oo hormariya xuquuqda dumarka, oo ay ka midka yihiin kuwa matalaya difaacidda xuquuqda dumarka iyo kuwa ka badbaaday tacaddiyada galmada.

Dowladda iyo howlwadaagayaasheeda caalamiga ah waa in mudada dhexe ay:

  • Hormariyaan sidii ay dumarka uga qeybgali lahaayeen siyaasadda, ayagoo dhisaya awoodda musharraxiinta haweenka ah, adeegsanayana qaabab ay ka mid yihiin maareynta ololaha ama tababarka hogaaminta;
  • Taageeraan barnaamijta wacyi-gelinta codbixiyayaasha, gaar ahaa kuwa lagu beegsanayo baahidda macluumaad ee codbixiyayaasha dumarka ah; iyo,
  • Taageeraan waxbaridda gabdhaha, ayagoo wax ka qabanaya dhaqanka fuquuqa ah ee ku aaddan tacliinta hablaha, gaar ahaan ayagoo adeegsanaya ololaha waxbarashada dadweynaha.
  1. Samaynta Guddi Adag oo Madax bannaan oo Xuquuqda Aadanaha ah

Samaynta guddi qaran oo xuquuqda aadanaha ah, waxqabad leh isla markaana madax bannaan, ayaa waxa uu gacan ka geysan karaa hormarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee heer qaran. Gudiga noocaasi ah meesha kama uu saari karo hannaanka gudaha kala socoshada laamaha ammaanka, garsoorka madaxa bannaan, ama hannaanka caddaalada tayada leh. Haseyeeshee waxa uu cayaari karaa dowr muhiim ah, gaar ahaan wadashaqeynta u dhexeysa hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya xuquuqda aadanaha.

Marka la eego ansixinta sharciga gudiga qaran ee xuquuqda aadanaha 2016, dowladdu waa in ay:

  • Xaqiijisaa in gudiga qaran ee xuquuqda aadanaha uu u dhisan yahay, una shaqeeyo si waafaqsan Mabaadii’da Paris ee Hay’adaha Qaran ee Xuquuqda Aadanaha;
  • Ogolaataa in gudiga uu si madax bannaan u billaabo baaritaannada; uu si aan horay loo shaacin ula kulmi karo marqaatiyaasha, heli karo dukumiintiyada, tegi karana goobaha oo ay ka mid yihiin xarumaha dowladda, meelaha rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn ee dadka lagu xiro; uuna go’aansan karo arimaha uu mudnaanta siinayo ayadoo aanay dowladda soo faragashan;
  • Xushmeysaa madax bannaanida dhammaan xubnaha gudiga; iyo,
  • Dhaqaale ku filan u qoondeysaa oo ay maalgelisaa gudiga, si uu habsami ugu guto waajibaadkiisa.
  1. Samaynta Qaab lagu Calaamadaynayo Laguna Diiwaangalinayo Dembiyadii Dalka Kadhacay

Marka la eego xajmiga iyo noocyada tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee laga geystay Soomaaliya tobanaankii sano ee lasoo dhaafay, wax ka qabashadooda waxa ay u baahan tahay in la xalliyo isla xisaabtan la’aanta mudada dheer jirtay. Xataa garsoor qaran oo awood leh ayaan keligii wax ka qaban karin dhibaatadaasi, balse waxa uu u baahnaan doonaa in ay xoojiyaan dadaallo caalami ah. Waxaan ku dhiiragelinaynaa dowladda, si tallaabo wanaagsan loogu qaado dhanka ku talinta istaraatijiyadda caddaalada kumeelgaarka ah iyo tallaabooyinka lagu wanaajinayo isla xisaabtanka in ay:

  • Hawlwadaagayaashooda caalamiga ah kala shaqeeyaan samaynta guddi Qaramada Midoobay ah oo baaritaan sameeya – ama hannaan u dhigma oo ku haboon – kaasoo diiwaangeliya, isla markaana calaamadeeya dembiyada caalamiga ah ee waaweyn ee ka dhacay Soomaaliya, kaasoo daba jooga daraasaddii qiimeynta ahayd ee uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha sameeyay sanadkii 2009, isla markaana la mid ah diiwaangelintii laga sameeyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.