(Nairobi) – Dowladda cusub ee Soomaaliya waa in ay xaqiijisaa in ciidamada ammaanka lala xisaabtamo iyo in ay wanaajisaa difaacidda dadka aadka u nugul, Human Rights Watch ayaa maanta sidaa ku sheegtay warbixin ka kooban toban qodob oo ka hadlaysa mudnaan-siinta xuquuqda aadanaha. Shirka London ee ku saabsan dib u habaynta ammaanka Soomaaliya ee la filayo in uu dhaco 11-ka Mey 2017, ayaa waxa uu muhiim u yahay hogaanka Soomaaliya iyo howlwadaagayaashooda caalamiga ah, si ay u sameeyaan ballanqaad ku aaddan in wax laga qabanayo tacaddiyadii dhacay iyo in la wanaajin doono ka jawaab-celinta mustaqbalka ee dhibaatooyinka ka dhasha dagaalka, macluusha iyo siyaasad xumada.

8-dii Febraayo ayaa baarlamaanka Soomaaliya ee ka kooban labada gole waxa uu madaxweynaha dalka u doortay ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ka dib hannaan doorasho oo muddo dheer qaatay. Waa in dowladda cusub oo taageero ka helaysa howlwadaagayaasheeda caalamiga ah ay tallaabooyin wax ku ool ah qaadaa, gaar ahaan in kuwa tacaddiyada galay ay ka saartoo ciidamada ammaanka, ay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah dadka ku barakacay gudaha dalka ee ka badan 1.1 milyan oo qof, carruurta ay ka reebto askarnimada, ay samayso maxkamadeyn cadaalad ah oo ku aaddan tacaddiyada galmada iyo in ay wanaajiso xorriyada warbaahinta.

“Hogaanka cusub ee Soomaaliya waxa uu wajahayaa dhibaatooyin badan oo u baahan in degdeg wax looga qabto,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah cilmi-baare Human Rights Watch u qaabilsan Afrika. Waxa ay intaa ku dartay “Dowladdu waa in ay si degdeg ah u difaacdaa dhammaan dadka rayidka ah ee khatarta ku jira, si aanay dhibaato dheeraad ah ugu dhicin, ayadoo la xisaabtamaysa kuwa gala tacaddiyada xuquuqda aadanaha.”

Shacabka ku nool guud ahaan dalka ayaa waxaa saameeyay dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo ururka Al-Shabab iyo weliba dagaal beeleedyo siyaasad salka ku haya. Dhammaan dhinacyada dagaallamaya ayaa tacaddiyo waaweyn u geystay dadka rayidka ah, gaar ahaan inta ay dagaallada socdeen iyo weliba dadka ku sugan deegaannada ay maamulaan. Marka la eego qorshaha ay dowladda shaacisay ee ay duulaanka milateri ugu qaadayso Al-Shabab, ayaa waxaa muhiim ah in la helo dusha kala socosho wax ku ool ah iyo hannaan lagu edbinayo ciidamada ammaanka si loo difaaco dadka rayidka ah, ayay tiri Human Rights Watch.

Hay'adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa iska indha tirtay xuquuqda asaasiga ah ee dadka ay qabato, ayadoo dadka xabsiyada ku hayso muddo dheer ka hor inta aan maxkamad lasoo taagin, u diidda helitaanka matalaad sharci iyo ayadoo ku qasabta in ay dembiyo qirtaan. Doodaha socda ee ku aaddan samaynta qaab-dhismeed ammaanka qaranka ayaa ilaa haatan hareermaray laamaha sirdoonka. Dowladdu waa in ay qeexdaa awoodda sharci ee ciidamada ammaanka waana in ay samaysaa dusha kala socosho wanaagsan si loo xaqiijiyo in NISA lagula xisaabtamo tacaddiyada ay gasho.

Sanadihii dambe, maamulayaasha Soomaaliya ayaa ku tiirsanaa maxkamadaha ciidanka si ay u qaadaan kiisas kala duwan oo ka baxsan awoodda sharci ee maxkamadahaasi, sida dembiyo la xiriira argagaxisada iyo dacwado ka dhan ah dad rayid ah si khilaafsan heerarka caalaamiga ah. Dowladdu waa in ay shirka London ku ballanqaadaa in ay ilaalinayso in dhammaan eedaysanayaasha ay helaan maxkamadayn cadaalad ah, ay mamnuucayso in dacwadaha dadka rayidka ah lagu qaado maxkamadaha milateriga iyo in ay joojinayso fulinta xukunnada dilka ah.

Dhammaan dhinacyada ku dagaallamaya Soomaaliya ayaa askar ahaan u adeegsaday carruur da’doodu ka yartahay 18 jir, taasoo khilaafsan sharciga caalamiga ah, waxaana dhinacyadaasi ka mid ah ciidamada qaranka, inkastoo ay dowladda si shaacbaxsan u ballanqaaday in aanay carruur askarayn doonin. Dowladdu waa in ay samaysaa tallaabooyin wax ku ool ah oo si joogta ah loogu ogaanayo da’da dhammaan askarta ay qoranayso, oo ay ka midka yihiin askarta horay uga tirsanaa maamul goboleedyada iyo maleeshiyaadka, iyo in ay joojiso in carruurta dembiyada loo haysto ay horgeyso maxkamaha milateriga ee aan adeegsan cadaallada heerka carruurta.

Ayadoo uu dalka qarka u saaran yahay macluul kale, ayaa dowladda cusub waxa ay mudnaanta siisay wax ka qabashada dhibaatadaasi bani’aadannimo. Waa in dadaalladaasi ay qeyb ka noqotaa soo afjaridda xadgudubyada ba’an ee ka dhanka ah dadka ku barakacay gudaha dalka, gaar ahaan in si sharci darro ah xoog looga raro goobahooda.

Dowladdu waa in ay wax ka qabataa hanjabaadaha, caga-jugleynta iyo weerarrada ka dhanka ah weriyayaasha, kuwaasoo muddo dheer caqabad ku ahaa xorriyada warbaahinta. Waa in ay dhiiragelisaa in si madax bannaan looga warami karo arimaha xasaasiga ah sida musuqmaasuqa iyo ammaanka, in ay dib u eegis ku samaysaa sharciga saxaafadda si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah, iyo in ay si buuxda oo lagu kalsoonaan karo u baartaa hanjabaadaha iyo weerarrada ka dhanka ah weriyayaasha. Dowladdu waa in sidoo kale ay samaysaa guddi qaran oo xuquuqda aadanaha ah kaasoo madax bannaan awoodna leh.

“Howlwadaagayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya waa in ay taageeraan dib u habaynta muhiimka ah ee looga gol leeyahay in cadaalad loo helo tacaddiyada ba’an iyo in isbedel micno leh laga sameeyo Soomaaliya,” ayay tiri Bader, oo intaa ku dartay “Waa in kaalmadooda ay ku hagaajiyaan sidii loo soo afjari lahaa tacaddiyada ka dhanka ah dadka rayidka ah, samaynta ciidamo ammaan oo lala xisaabtami karo, iyo in ay dowladda kala shaqeeyaan caawinta bulshooyinka sida weyn loo gacan bidixeeyay ee dalka ku nool.”