(Nairobi) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waa in uu shaaca ka qaadaa natiijooyinka uu ku ogaaday, baaritaanka uu ku sameeyay dilkii sharci darrada ahaa ee ay bishii Luuliyo 2016, ciidammada Itoobiya u geysteen 14 qof oo rayid ah, waxaa sidaa lagu sheegay warbixin ay manta soo saartay hay’adda Human Rights Watch. Ayadoo laga joogo in ka badan lix bilood markii uu falkaasi dhacay, ayaa shacabka ku nool deegaanka Wardiinle ee gobolka Baay aanay weli helin macluumaad ku aaddan baaritaanka ama magdhaw laga siiyo dadkii ka dhintay.

Nin kamid ah qaraabada 14-kii qof ee shacabka ahaa oo ay kujireen odayaal dhaqameed, culimo, macallimiin Quraan ee lagu laayay tuulo yar oo ka tirsan gobalka Baay ee Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa ku murugoonayo goobta.

© 2016 Sawir khaas loo leeyahay

17-kii Luuliyo, ciidammo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM, ayaa rasaas ku furay guri ku yaalla Wardiinle, halkaasi oo ay niman Quraan ku saarayeen nin xanuunsanaa, waxaana rasaastaasi ku dhimatay 14 rag ah, sida ay ku ogaatay baaritaan ay samaysay Human Rights Watch. Dadka halkaasi isugu yimid waxaa ka mid ahaa odayaal dhaqameed, culimo, macallimiin Quraan iyo weliba ehelada ninki xanuunsanaa. Dad goob-joogayaal ah ayaa Human Rights Watch u sheegay in wax dagaal ah aanu goobtaasi ka dhicin, isla markaana aanay maalintaasi deegaankaasi joogin dagaalyahannada Al-Shabaab.

“Dilka odayaasha, macallimiinta iyo culimada ayaa saamayn weyn ku yeeshay dadka saboolka ah ee ku nool deegaanka Wardiinle, mana aha in la sahlado oo la iska iloobo,” ayay tiri Laetitia Bader, oo ah cilmi-bare Human Rights Watch u qaabilsan Afrika. “Midowga Afrika iyo hogaanka Itoobiya waa in ay ciidammadooda la xisaabtamaan, ayaga oo shaacinaya natiijada ka soo baxday baaritaankooda, isla markaana xaqiijinaya in kuwa falkaasi ku kacay cadaaladda la mariyo, iyo in magdhaw la siiyo dhibannayaasha.” ayay raacisay Bader.

19-kii Luuliyo, AMISOM ayaa sheegtay in ay baarayso eedeymaha falkii Wardiinle, waxaana baaritaankeeda hordhaca ah ay ku sheegtay in ay ogaatay in: “Ciidammada AMISOM ay heleen xog sirdoon oo lagu kalsoonaan karo, taasoo sheegaysay in Al-Shabaab ay fikirkooda ku faafinaysay deegaanka, isla markaana ay ciidanka u baxeen si ay xaqiiqada usoo ogaadaan. Ciidankaasi ayaa dhaxda loo galay xilli ay kusii socdeen deegaanka Wardiinle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan.....Xilligan la joogo, ma cadda in dagaalkaasi uu dhaliyay dhimashada dad rayid ah, sida lagu andacoonayo,”

Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegtay in maalinta dilkaasi uu dhacayay, ay deegaanka ku dagaallameen ciidanka Itoobiya iyo xooggaga Al-Shabaab. Bishii Sibteembar, AMISOM ayaa ku wargelisay Kooxda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea, in baaritaanka hordhaca ah ay ku ogaatay in raggaasi ay ku dhinteen rasaas la isweydaarsanayay. Todobo qof oo goob-joogayaal ahaa, isla markaana ay waraysatay Human Rights Watch, ayaa sheegay in maalintaasi aanay arkin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka, ama joojigaanka xooggaga Al-Shabaab.

Sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, ama sharciyada dagaalka, ayaa ku amraya dhinacyada ku lugta leh colaadaha hubaysan, in ay intii karaankooda ah ka taxadaraan dhibaataynta bulshada rayidka ah. Waxaa mamnuuc ah in weerar lala beegsado dadka rayidka ah ama hantidooda, iyo weliba weerarrada aan lagu kala sooceyn dadka rayidka ah iyo xooggaga hubaysan, ama weerarrada ay suuragalka tahay in ay khasaaro badan u geystaan dadka rayidka ah marka loo eego guusha milateri ee laga gaarayo. sharciyada dagaalka ayaa dhigaya in dowladaha ay baaraan eedeymaha lagu kalsoonaan karo ee ku aaddan xadgudubyada waaweyn ee u dhigma dembiyadda dagaal.

In meesha aanay xilligaasi ku sugneyn dagaalyahanno Al-Shabaab ah, ayaa muujinaysa in weerarka guriga lagu qaaday uu ahaa mid sharci darro ah, ula kac ah ama aan kala sooc lahayn, ayna suuragal tahay in lagu tilmaamo dembi dagaal. Waa in Midowga Afrika iyo garsoorka Itoobiya ay ka wada shaqeeyaan sidii loo hubin lahaa in kuwa ka dambeeyay falkaasi cadaaladda la horgeeyo, si looga hortago in dembiyo noocaasi ah ay markale dhacaan. Sidaa ayay sheegtay Human Rights Watch.

Itoobiya ayaa si rasmi ah ugu biirtay AMISOM sanadkii 2014, waxaana dalka Soomaaliya ka jooga ciidammo badan oo aan ka tirsanayn howlgalka Midowga Afrika. Dalalka ay ciidammada kaga jiraan AMISOM ayaa awood sharci u leh baaritaanka iyo maxkamadeynta dembiyadda ay askartooda ka geystaan gudaha Soomaaliya. Dalalkaasi ayaa waxaa hagaya Heshiiska Is-Afgaradka ah ee ay la galeen Midowga Afrika, hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha iyo waajibaadka bani’aadannimo ee ka saran in ay baaraan oo ay maxkamadeeyaan kuwa dembiyadda geysta. Human Rights Watch kama warqabto wax baaritaan ah oo ay Itoobiya ku samaysay falkaasi ka dhacay Wardiinle.

Heshiiska Is-Afgaradka ah ayaa awood u siinaya Midowga Afrika in uu billaabo baaritaan, marka uu dal ciidan ku deeqay kari waayo ama uu diido in uu baaritaanka isaga sameeyo. Bishii Agoosto, Human Rights Watch ayaa warqad u dirtay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, danjire Francisco Madeira, si ay ula wadaagto baaritaankeeda hordhaca ah iyo walaaca ay ka qabto dib u dhaca ku yimid baaritaanka AMISOM ee ku aaddan falkaasi. Bishii Oktoobar, Human Rights Watch ayaa ogaatay in AMISOM ay samaynayso baaritaan.

Human Rights Watch ayaa ogaatay in ay aad u kooban yihiin jawaabaha ay AMISOM iyo waddamada ciidammada soo diray, ay ka bixiyaan eedeymaha ku aaddan tacaddiyada loo geysto dadka rayidka ah. Baaritaannada ayaa inta badan xoogga saara hal dhinac, ayagoo si weyn ugu tiirsanaada waxa ay u sheegaan askarta AMISOM ama mas’uuliyiinta dowladda, inta badana lama xiriiraan dadka goob-joogga ah ama dadka deegaanka, isla markaana xoogga ma saaraan sidii ay u ilaalin lahaayeen ammaanka markhaatiyaasha ama in ay ku warceliyaan bulshada ay dhibaatadu ku dhacday. AMISOM ayaa waraysatay dadkii ka badbaaday falkii Wardiinle, kuwaasoo qaar ka mid ah u sheegay Human Rights Watch, in ay diyaar u ahaayeen in ay u sharraxaan wixii ay halkaa ku arkeen maalintii uu falka dhacayay.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo 27-ka Janaayo ka arrinsan doona xaaladda Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee taageera AMISOM, waa in ay si weyn xoogga u saaraan xaqiijinta in ciidammada AMISOM ay raacaan siyaasadda ku aaddan xuquuqda aadanaha ee u degsan Qaramada Midoobay, iyo in ay gutaan waajibaadka ka saran sharciga caalamiga ah, ayay tiri Human Rights Watch.

Bishii Luuliyo, Golaha Ammaanka ayaa AMISOM waqtiga u kordhiyay, waxaana uu ugu baaqay howlgalkaasi in uu wanaajiyo xiriirka kala dhexeeya bulshada maxalliga ah. Bishii Agoostana, AMISOM ayaa shaacisay in ay billabayso magdhaw siinta dadka rayidka ah ee ay waxyeellada kasoo gaarto howlgalladeeda milateri. Dhibanayaasha Wardiinle iyo qoysaskooda ayaa xaq u leh lacago magdhaw ah, taasoo aan ka dhignayn in AMISOM ay dembi qirato, ayay tiri Human Rights Watch.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ugu baaqay ciidammada Midowga Afrika in ay wanaajiyaan xiriirka kala dhexeeya bulshooyinka uu sida weyn u saameeyay dagaalka,” ayay tiri Bader, oo intaa raacisay “In si shaac baxsan loo sheego natiijada baaritaanka ku aaddan falkii Wardiinle iyo kuwa la midka ah, iyo in magdhaw ku filan la siiyo dhibanayaasha ayaa noqon kara billow wanaagsan.”