(Nairobi) – Ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan (AMISOM) waxaa looga baahan yahay inay baaritaan madax bannaan ku sameeyaan askar Uganda ka socota, oo lagu eedeeyay inay lix nin ku dileen aroos taariikhdu markay ahayd 31-kii Luuliyo 2015-ka ka dhacay magaalada dekadda ah ee Marka, Soomaaliya. Baaritaanka waa in la sameeyaa ayadoo si buuxda loo ilaalinayo marqaatiyaasha, dowladda Uganda-na waa inay maxkamad cadaalad ah soo taagtaa askarteedda gala dembiyada.
“Ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya waxaa haysta caqabado, balse taasi waxa ay muhiimad gaar ah u yeeleysaa ilaalinta xeerarka dagaalka,” waxaa sidaa tiri Maria Burnett, oo ah cilmi baare sare oo Afrika uga shaqeysa Human Rights Watch. “Toogashada dad ku sugan goob aroos, ama goob kaleba, iyagoo loo ciqaabayo weerarrada ay geystaan fallaagada, waxa ay mustaqbalka xaalka ku adkaynaysaa ciidammada Midowga Afrika.”
Sida uu dhigayo xeerka bani’aadannimada oo ah mid khuseeya dagaalka Soomaaliya, dhinacyada dagaallamaya, oo ay ka mid yihiin dalalka ciidammada nabad ilaalinta ku biiriyay AMISOM, waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay inay baaraan eedaha dembiyada dagaalka ee ay galeen ciidammadooda ama ka dhacay deegaannada ay ka taliyaan,oo si ku haboonna loo maxkamadeeyo kuwa mas’uulka ka ah.
Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa Human Rights Watch u sheegay: “Kaddib marka uu qaraxa dhacay, qof kasta wuu cararay, maadama ay dadku aad uga cabsadaan AMISOM. Waxaan filayaa in qoyska la dilay ay islahaayeen arooska ayaa la idinku dhaafi oo AMISOM idinma dileyso. Balse AMISOM ayaa arooska ka dhigtay meel dhiig ku daato.”
Ragga la dilay ayaa kala ahaa: Macalim Ciidey Xeyle, Cumar Macalim Ciidey, Yuusuf Macalim Ciidey oo ku magac dheeraa “Bikole,” Xuseen Macalim Ciidey, Siid-Cali Macalim Ciidey iyo Aweys Xasan Xuseen oo ku magac dheeraa “Xamarow.”
Sanadkii 2012-ka, ciidammada AMISOM oo taageeraya kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Al-shabab ka qabsaday magaalada Marka, balse Al-shabab ayaa haysta dhul ballaaran oo ka tirsan baadiyaha gobolka Shabeeladda Hoose. Ciidammada AMISOM ee hadda Marka ku sugan ayaa ah kuwo ka socda Ciidammada Difaaca Dadka reer Uganda ee (UPDF).
AMISOM ayaa war saxaafadeed ay soo saartay 4-tii bisha Agoosto ku sheegtay in kolonyo sahay u waday ay marar badan gudaha Marka ku weerarreen dagaalyahannada Al-shabab, balse ciidammadooda oo “is-difaacaya” ay ku jawaabeen “awood u dhiganta.” War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in AMISOM ay wax ka qaban doonto eedaha ah in shacab la dilay, iyo in taliyaha ciidammeeda Marka loogu yeeray si su’aallo loo weydiiyo.
“AMISOM waa inay dhacdada Marka iyo kuwa meelaha kaleba, ku sameysaa baaritaan lagu kalsoonaan karo, oo u muujinaya Soomaalida in howlgalka nabad ilaalinta ay ka go’antahay la xisaabtanka ciidammada xadgudba,”ayay tiri Burnett. “Baaritaanka waa inuu dhaafsiisnaadaa su’aallo weydiinta ciidammada AMISOM , oo uu jiraa qaab lagu ilaalinayo marqaatiyaasha, si dhinacyada oo dhan loo dhagaysto.”
Waa in sidoo kale la baaraa eedaha kale ee ah in dhawaan ay ciidammada AMISOM dad rayid ah ku dileen magaalada Marka, ayay sheegtay Human Rights Watch.
Lix goobjoogayaal ah ayaa Human Rights Watch u sheegay in 21-kii Luuliyo ay ciidammada AMISOM dileen ugu yaraan 11 qof oo rayid ah, ayna ka mid ahaayeen haweeney, laba qof oo dhowr iyo toban jir ah, laba nin oo waayeel ah, kuwaas oo ku dhintay dhacdooyin kala duwan oo ka dhacay Jujuuma, Aw Balle iyo Rusiya oo kawada tirsan Marka. AMISOM ayaa markii hore beenisay in rayid ay dileen, ayadoo sheegtay in ciidammadeeda ay howlgal roondo ah ku dileen 5 ka tirsan Al-shabab.
AMISOM ayaa baaritaan hordhac ah ku sameysay dilkii 21-ka Luuliyo, waxaana markaa kaddib ay sameysay gudi baaritaan oo ay u saartay dhacdooyinkii Marka ka dhacay 21-kii iyo 31-kii Luuliyo. Dhammaan dadkii ka badbaaday dhacdooyinkaasi ee ay Human Rights Watch wareysatay ayaanay wali la hadal baarayaasha AMISOM.
Goobjoogayaasha dhacdooyinkii 21-ka iyo 31-ka Luuliyo ayaa Human Rights Watch u sheegay inay ka baqayaan aargoosi uga yimaada Al-Shabab iyo AMISOM. Al-shabab ayaa dilay rayid ay ku eedeysay inay kaalmeynayeen AMISOM. Hoggaanka AMISOM iyo dalalka ay ciidammada ugu jiraan howlgalka waxaa looga baahan yahay inay si taxadar leh ula shaqeeyaan marqaatiyayaasha marka ay wareysanayaan, ayagoo hubinaya qarinta shakhsiyadahooda, oo sugaya ammaankooda, ayay sheegtay Human Rights Watch. Waxaa taasi qeyb ka ahaan karto in marqaatiyaasha ay usoo qaadaan Muqdisho, oo ay ku wareystaan meel ammaan ah.
Afhayeenka AMISOM ayaa Human Rights Watch u sheegay in marka laga soo tago baaritaanka ay sameeyaan, hadda ay socota dhisida gudi ka kooban AMISOM iyo wakiilo ka socda dowladda Soomaaliya oo baari doona rayidka ku dhintay Marka. Baaritaan wadajir ah oo 2013-ka lagu sameeyay xadgudubyada ay ciidammada AMISOM ka geystaan Muqdisho ayaa waxaa hareeyay khaladaad ba’an oo dhanka hannaanka ah. Si gudiga wadajirka ah uu qaab wanaagsan dusha ugala socdo ciidammada, dowladda Soomaaliya waa in ay hubisaa in hawsha gudiga ay tahay mid hufan, ay wadaan dad shaqadaasi khibrad u leh, isla markaana xoogga la saaro ilaalinta marqaatiyaasha, waxaa sidaa tiri Human Rights Watch.
Golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa ciidammada nabad ilaalinta ee AMISOM geeyay dalka Soomaaliya sanadkii 2007-da, ayagoo ku howlgalaya amarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Wixii markaa ka dambeeyay, sharciyadda, tirada iyo dhulka ay AMISOM joogto ayaa si tartiib ah u ballaartay. AMISOM ayaa hadda wadda howlgalo cusub oo ka dhan ah xooggaga Al-shababab ee dhowr gobol oo ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
28-kii Luuliyo, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib u cusbooneeyay sharciyadda AMISOM ilaa bisha Mey 2016-ka, waxaana qaraarka go’aankaasi lagu gaaray uu ahaa mid ku guuldareystay hoos-ka-xariiqida muhiimada ay leedahay in lala xisaabtamo xadgudubyada ay galaan ciidammada AMISOM. Si kastaba, qaraarka Golaha Ammaanka ayaa sheegay in Midowga Afrika uu cidda ay khuseyso, oo ay Qaramada Midoobay ka mid tahay, la wadaagi doono macluumaadka lagu ururiyay Hannaanka La Socoshada Waxyeeladda Soo Gaarta Rayidka, iyo Unugga Jawaabcelinta.
“Howlagada ciidan ee ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa ka dhigaya kuwo degdeg loogu baahan yahay macluumaad sax ah iyo ka warramida xadgudubyada rayidka loo geysto,”ayay tiri Burnett. “Ogolaanshaha AMISOM iyo dalalka ciidammada ku biiriyay ay ogolaanayaan in si dhow loola socdo hab dhaqankooda, ayaa muujineysa sida ay uga go’antahay isla xisaabtanka.”