Skip to main content

Soomaaliya: Balanqaadyo Weyn iyo Isbadel Yar

Waa in la maxkamadeeyaa kuwa ku tunta xuquuqda aadanaha, waana in la sameeyaa isbadelo

(Nairobi) – Dowladda Soomaaliya intii lagu guda jiray sanadkii 2013-ka waxa ay ku guuldareysatay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca caasimadda, Muqdisho, iyo meelo kale oo ka tirsan dalka, sidaasi waxa ay maanta hay’adda Human Rights Watch ku sheegtay Warbixinteeda Caalamka ee 2014-ka.

Inkastoo oo ay jireen ballanqaadyo dhaqaale iyo taageero caalami ah, ayaa awood darada dowladda cusub ee ku aadan in ay sameyso horumar iyo ilaalinta shacabka waxa ay soo muujisay taagdarida iyo hami xumida siyaasadeed ee lagu sameyn lahaa isbadelka, Human Rights Watch ayaa sidaasi sheegtay.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay aheyd in 2013-ka ay dhaqan galiso ajandaheeda dib u habeynta,” ayey tiriLeslie Lefkow, oo ah Agaasime kuxigeenka Afrika ee Human Rights Watch. Waxa ayna intaa ku dartay “Waxaa jiray ballanqaadyo badan hasayeeshee taaba galinta ayaa waxa ay noqotay in aan waxba laga qaban waajibaadka asaasiga ah ee lagu joojin lahaa dhaqanka baahay ee dadka aan waxba laga qaadi karin haddii ay dambi galaan iyo sidii lagu soo gabagabeyn lahaa tacadiyada xagga galmada ee faraha badan.”

Warbixintan oo ka kooban 667 bog, ayey Human Rights Watch ku eegaysaa sida xuquuqda aadanaha looga taabagaliyo in ka badan 90 dal. Dilalkii baahay ee ka dhacay waddanka Suuriya ee loo geystay dadka shacabka ah ayaa argagax laga qaaday balse hogaamiyayaasha caalamka ayaa ka gaabiyay joojinta arrinkaas, Human Rights Watch ayaa sidaa tiri. Nidaamka soo shaac baxay ee loo bixiyay “mas’uuliyadda ilaalinta” ayaa waxa ay u muuqataa in ay ka hortagtay dhibaatooyin waa weyn oo Afrika ka dhici lahaa. Aqlabiyadda awooda haysa ee Masar iyo wadammo kale ayaa caburiyay mucaardka iyo xuquuqda kuwa laga tirada badan yahay. Halka shaac ka qaadidii barnaamijyada la socodka sirdoonka Mareykanka ee uu sameeyay Edward Snowden ay ka qeylisiisay caalamka.

Ma’uuliyiinta waxa ay ku guuldareysteen in ay wax ka qabtaan xaalada liidato ee haysata barakacayaasha ku sugan magaalada Muqdisho ama sugida ammaanka deegaanada ay dowladda la wareegtay gacan ku heyntooda waayadii dambe. Ugu yaraan haweeney ka cabatay in la xoogay ayaa la maxkamadeeyay intii la ilaalin lahaa ama loo gargaari lahaa, halka dowladda ay sameysay qorshooyin waa weyn ee ku aadan caddaalada, ciidammada booliska, iyo dib u habeynta ciidammada qalabka sida, ayaanay sameyn tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu fulinayo arrinkaas, Human Rights Watch ayaa tiri.

Ammaan dari iyo cagajugleyn ka dhan ah dadka rayidka ah ayaa ku badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, taasoo ay ka mid tahay deegaanada ay dowladda ka taliso, Human Rights Watch ayaa sidaa tiri. Kooxda hubeysan ee Islaamiga ah ee al-Shabaab ayaa waxa ay kordhisay weerarada ay ku qaado dadka rayidka ah iyo dhismooyinka ay dadka rayidka ah ku badan yihiin ee magaalada Muqdisho. Qof is miidaamiyay ayaa bishii April waxa uu ku dilay 30 qof oo rayid ah dhisme maxkamad oo ku yaal magaalada Muqdisho. Dagaal ayaa waxa uu ka soconayay deegaanada ka baxsan caasimadda. Gobolada ay maamulaan al-Shabaab, waxay ku soo rogeen xanibaadyo addag oo ka dhan ah xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha, waxayna fuliyeen dilal qorsheysan iyo khaarijin ay u geysteen dad lagu eedeeyay in ay yihiin basaas.

Bishii January, dowladda ayaa waxa ay ku dhawaaqday qorshe ay dib u dejin ugu sameynayso tobonaanka kun ee barakacayaasha ah ee ku nool gudaha magaalada Muqdisho kuwaas oo khatar ugu jira tacaddi ka dhan ah xuquuqdooda oo ay uu geysanayaan ciidammada dowaladda, maleeshiyaad gacan saar la leh, iyo shakhsiyaad ay ku jiraan maareeyayaasha xeryaha oo loo yaqaan “horjoogayaasha.” Qorshahaas ayaa u hakaday sababo la xiriira awood darida dowladda ay ku sameyn laheyd ilaalo asaasi ah oo laga fulin lahaa deegaanada dadkaasi la geyn lahaa.

Dowladda ayaa waxa ay ballanqaaday in ay ka hortageyso heerarka tacaddiyada galmada ee kusii kordhaya dalka. Sikastaba, marar badan ayaa mas’uuliyiinta dowladda iyo xubno ka tirsan ciidammada ammaanka waxa ay laaleen isku daygaas iyagoo u cagajugleynaya dadka soo sheega kufsiga, Human Rights Watch ayaa sidaa ogaatay.

Dowladda ayaa sidoo kale horay u ballanqaaday in ay ka hortagto dhaqanka baahay ee dadka aan waxba laga qaadi karin haddii ay dambi galaan iyo xisaabtan la’aanta ku aadan tacadiyada khatarta ah ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha, oo ay ka midka tahay weerarada loo geysto weriyayaasha, kuwaas oo shan ka mid ah la dilay sanadkii 2013-ka. Hasayeeshee dowladda waxa ay ku guuldareysatay in ay sameyso maxkamado rayid oo leh ammaan asaasi ah, waxayna si weyn ugu tiirsaneyd maxkamadda militariga oo xukumaysay dhamaan ciidammada dowladda iyo rayidkaba, maxkamdeyntoodana waxaa hareeyay walaac weyn oo ku aadan hannaanka maxkamadeynta.

“Taageerayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay sheegayaan in waddanka uu saaran yahay wadadii uu ku xasili lahaa,” Ayey tiri Lefkow, “Hasayeeshee awood darida dowladda ay ilaalo ugu sameyn waysay bulshooyinka ku nool deegaanada ay ka taliso ayaa waxa ay tilmaamaysaa wax ka duwan arrintaas.” Sidaa ayey ku soo gabagabeysay hadalkeeda.

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.

Region / Country