Dadka rayidka ah ayaa weli waxaa ku dhacaya tacaddiyo xun oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyadoo dawladda cusub ee Soomaaliyana ay la halgameyso sidii ay xukunkeeda ugu ballaarin laheyd goobaha ka baxsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyo magaalooyin kale oo muhiim ah oo kuyaal koofurta iyo bartamaha Soomaaliya 2013-ka. Kooxo ka qeyb qaatay dagaaladii hubaysnaa ee Soomaaliya muddada dheer ka socday ayaa ka masuul ahaa xadgudubyo waaweyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah; iyo tacaddiyo ay ka mid yihiin weeraro aan loo aaba yeelin, xadgudubyo dhanka galmada ah, qabqabasho aan sharci ahayn iyo xiritaan.

Kooxda Islaamiga ah ee hubaysan ee Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haysa in badan oo koofurta Soomaaliya ah, kooxduna waxay sii kordhisay weeraro si weyn loo qorsheeyay oo ay la beegsadeen goobo ay dagan yihiin dad rayid ah oo ku yaal magaalada Muqdisho, oo uu ka mid yahay aqalka maxkamada, maqaaxi caan ah, iyo xerada Qaramada Midoobay, iyagoo dilay dad badan oo rayid ah. Kuwa la dagaalamayo Al-Shabaab – oo isugu jira ciidammada qalabka sida ee dawladda Soomaaliya, howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ciidammada dowladda Itoobiya, iyo mileeshiyaad gacansaar la leh – ayaa sidoo kale geystay tacaddiyo.

Waxqabadka dowladda cusub ee ku aaddan xuquuqda aadanaha ayaa ah mid isku qasan. Inkastoo ay shacabka u ballanqaadeen in ay ka wax ka qabanayaan tacaddiyada xuquuqda aadanaha, ayaa haddana fulinta waxa ay aheyd mid aad u hooseysa. Dowladda iyo ciidammadeeda ammaanka ayaa wiiqay waajibaadkaas, tusaale ahaan, bishii Febaraayo, waxay xireen haweeneey ku andacootay in ay kufsadeen ciidammada dowladda iyo weriyihii wareystayba. Waxaa lagu xukumay in ay jaa’ifeeyeen hay’addaha dowladda, hasayeeshee, ugu dambeyntii waa la sii daayay kaddib markii ay la kulmeen dhaleeceyn caalami ah oo aad u ballaaran.

Dowladda ayaa waxay mudnaanta siisay dib u habeynta caddaalada iyo waaxda ammaanka, iyadoo ay muhiim u aheyd horumarinta xuquuqul insaanka, hasayeeshee ammaan darada ka jirto magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee ay dowladda maamusho ayaa ah caqabad weyn. Fulin la’aanta qorshaha federaalka ee la soo bandhigay ayaa horseeday dagaalo furan iyo tacaddiyo, ayadoo dagaaladaa laga xusi karo  magaalada xeebta ah ee Kismaayo ee sida weyn loogu loolamay, halkaa oo dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad iska soo horjeeda uu dagaal ku dhexmaray bishii Juun.

Tacaddiyada ka dhacay goobaha ay dowladda gacanta ku hayso
Dad rayid ah ayaa lagu dilay oo lagu dhaawacay xabado la is dhaafsaday, taasoo ay ka mid yihiin dagaalo dhexmaray ciidammada dowladda oo isku haysta maamulida isbaarooyin.

Bishii Juun, dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad qabiil oo iska soo horjeeda oo ku sugan magaalada Kismaayo iyo weeraro aan loo aaba yeelin oo lagu qaaday guryo ay dad rayid ah leeyihiin ayaa waxa ay sababeen khasaare soo gaaray tobaneeyo shacab ah. 8-dii bishii Juun, saddex caruur ah ayaa waxa ay ku dhinteen madfac gurigooda ku soo dhacay iyadoo xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay uu burbur soo gaaray.

Goobaha ay dowladda maamusho, dilal qorsheysan oo loo geysto hogaamiye dhaqameedyada, saraakiisha rayidka ah, iyo weriyayaasha ayaa sare u kacay. Dadka falalkaas geystana inta badan lama yaqaan, inkastoo marar badan la rumeysan yahay in ay Al-Shabaab ka dambeeyaan. 26-kii bishii Abriil, Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Sheekh Nuur Maalin ayaa Muqdisho lagu dilay.

Waxaa intaa sii dheer, in maxkamadda militariga ee dowladda ay xukun dil ah ku riday ugu yaraan lix qof – laba qof oo rayid ah oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab iyo afar askar ah – kuwaasoo lagu toogtay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne intii u dhaxeysay bishii Juulay iyo Agoosto iyadoo maxkamadeyntoodana la iska wediiyay su’aalo sida uu sax u ahaa hannaanka la mariyay.

Isu diyaarinta doorashooyinka golaha ee maamulka Puntland, oo markii dambana dib loo dhigay, ayaa waxaa lagu dilay weriye iyo laba qof oo u dooda xuquuqda aadanaha. Sidoo kale waxaa jiray dilal toogasho ah oo ay fulisay maxkamada militariga ee Puntland.

Tacaddiyada ay geysteen Al-Shabaab
In la galo oo xog laga soo helo goobaha ay Al-Shabaab maamulaan waa mid aad u xaddidan, hasayeeshee warbixino lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay sameeyeen dilal qorsheysan, qoorgooyo, iyo dilal toogasho ah, gaar ahaan kuwo ay u gaystaan shakhsiyaad ay ku eedeeyeen inay jaasuusiin ahaayeen. Al-Shabaab ayaa sii wada in ay si qasab ah askar uga dhigto dad waaweyn iyo carruurba, waxayna sameeyaan caddaalad darro, oo waxay xakameeyaan xuquuqda aadanaha ee asaasiga ah.

Taageerayaasha Al-Shabaab ayaa waxay qaadeen weeraro qaraxyo ah iyo bambo gacmeeydo iyo weliba qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday dad rayid ah, gaar ahaan magaalada Muqdisho. 14-kii bishii Abriil, Al-Shabaab ayaa waxay weerareen dhismaha guud ee maxkamadda magaalada Muqdisho, iyadoo ay halkaa ku dhinteen 30 qof oo rayid ah, oo ay ka mid ahaayeen saddex qareen iyo garyaqaan. Bishii Juun, weerar ay ku qaadeen xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho waxaa ku dhintay  14 qof. 7-dii Sebteembar, ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerar lagu qaaday maqaayada Village, oo ay aad u yimaadaan weriyayaasha iyo siyaasiyiinta, waa markii labaad muddo sanad gudaheed ah.

Weerarkeedii ugu weynaa ee ay ku qaado meel ka baxsan Soomalaiya, ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay sheegatay mas’uuliyadda weerar weyn oo lagu qaaday xarunta laga dukaameysto ee Westgate, ee ku taal caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, 21-kii bishii Sebteembar, halkaa waxaa ku dhintay 67 qof (eeg cutubka Kenya).

Tacaddiyada Galmada ah
Haweenka iyo gabdhaha ayaa waxa ay wajahaan heerar sare oo tacaddiyo dhanka galmada ah guud ahaan dalka. Haweenka iyo gabdhaha soo barakacay ayaa gaar ahaan waxay baylah u yihiin in ay kufsadaan rag hubeysan oo ay ka mid yihiin ciidammada dowladda iyo kooxo hubeysan. Bishii Janaayo, haweeney soo barakacday, oo ku andacootay in ay kufsadeen ciidammo ka tirsan dowladda, iyo weriye wareystay ayaa waxaa lagu maxkamdeeyay hannaan caddaaladeed oo si weyn u cilladeysan oo sidoo kalena la siyaasadeeyay. Ciidammada ammaanka ayaa sidoo kale cabsi galiyay shakhsiyaad soo tabiyay kufsi iyo dadka gacanta siiya.

Wararka la xiriira tacaddiyada galmada iyo xadgudubyada ay gaystaan AMISOM ayaa iyana korortay. Qaraar soo baxay bishii Maarso, 2013-kii, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu ugu baaqay AMISOM in ay qaado tallaabooyin ay uga hortageyso tacaddiyada galmada ah iyo in wax laga qabto eedaha la xiriira tacaddiyada. Bishii Agoosto, haweeney ayaa ku andacootay in ay afduubteen ciidammo kaddibna ay u gudbiyeen ciidammada AMISOM kuwaasoo kufsaday. Guddi heersare ah oo ka kooban Soomaali iyo AMISOM ayaa loo qabtay in ay sameeyaan baaritaan, iyadoo AMISOM ay si cad u diideen eedaha. Dhibanaha iyo markhaatiyaasha ayaa intii uu socday baaritaanka waxaa u caga jugleeyay saraakiil ka tirsan hay’adaha sirdoonka ee dowladda.

Askariyeynta Carruurta iyo Tacaddiyo Kale
Dhamaan kooxaha Soomaalida ee dagaalada waday waxay geysanayeen tacaddiyo waaweyn oo ka dhan ah carruurta, taasoo ay ka mid tahay in la askariyeeyo oo lagu daro ciidammada hubeysan iyo xiritaano aan sharci aheyn. Al-Shabaab ayaa gaar ahaan waxay beegsadeen carruurta si ay u qortaan iyo in ay ku qasbaan in si qasab ah loo guursado, iyo iyagoo weeraray iskuulada.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa waxa ay waajib iska saareen meelmarinta qorshe la sameeyay Julaay, 2012-ka, oo looga hortagayay askariyeynta carruurta hasayeeshee wadaxaajood ku aadan meelmarinta qorshahaas ayaa soconayay xilliga warbixintan la qoray.

Dadka Barakcayaasha ah iyo Helitaanka Gargaarka Bini’aadamnimo
Sida ay Qaramada Midoobay sheegtay, ugu yaraan 870,000 oo qof, oo intooda badan ay yihiin dad barakacayaal ah, ayaa weli u baahan gargaar bini’aadamnimo oo degdeg ah. Kumanaan kun oo qof oo barakacayaal ah ayaa Muqdisho dhexdeeda xaalad adag ku sugan ayagoo baylah u ah kufsi, in xoog meesha ay dagan yihiin looga raro, iyo takoorid ku salaysan qabiil oo ay u geysanayaan ciidammada dowladda, maleeshiyaad gacan saar la leh, iyo shakhsiyaad gaar ah oo ay ka mid yihiin maamulayaasha xeryaha ee loo yaqaan “Horjoogayaal.” Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka maamula xeryaha ayaa sidoo kale waxa ay weeciyeen oo ay xadeen raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah.

Bishii Janaayo, dowladda ayaa waxa ay ku dhawaaqday qorshe dib u dejin loogu sameynayo barakacayaasha ku nool caasimadda oo lagu geynayo xeryo cusub degmada Dayniile, halkaa oo Al-Shabaab ay si xooggan ugu sugan yihiin, taasi ayaa keentay walaac ku aadan sida xeryahaas cusub aanay u laheen ammaan asaasi ah, ilaalo iyo weliba addeegyo kale. Waxaa kaloo jiro, in ay si socoto in dadka barakacayaasha si khasab ah looga saarayo meelaha ay dagan yihiin oo ay ka mid tahay xeryaha la qorsheeyay in dib udejinta loogu sameeyo.

Hay’addaha gargaarka ayaa waxa ay wajahaan caqabado kaga timaado sidii ay ku gaari lahaayeen dadka baahan, taasoo ay keentay weerrarada joogtada ah iyo xanibaadyo ay soo rogeen kooxaha dagaalamayo. 14-kii, bishii Abriil, gaari lagu soo rakibay banbaano ayaa ku qarxay wadada gasho gagida diyaaradaha ee Muqdisho kaasoo ku dhacay gaari ay saarnaayeen shaqaale samafal oo reer Turki ah. 14-kii, bishii Agoosto, Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduuda Laheyn ee loo yaqaan Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa joojisay howlgaladii ay Soomaaliya ka wadday 22 sano, arrintaas ayaa waxa ay u sababeysay weerraro joogta ah oo shaqaalaha caafimaadka uga imaanayay kooxo hubeysan iyo hogamaamiyaal rayid ah. Ka hor inta aysan guurin MSF ayaa waxa ay daweyn jirtay ilaa 50,000 oo qof bishiiba iyadoo Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee World Health Organization ay qiyaasayso in ilaa 1.5 milyan oo qof ay haatan soo wajahday daryeel caafimaad la’aan.

Weerraro Lagu Qaaday Saxaafada
Soomaaliya ayaa weli ah mid ka mid ah wadammada ugu qatarta badan dunida ee weriye laga noqdo. Shan weriye iyo howlwadeeno saxaafadeed ayaa la dilaly 2013-kii, afar ka mid ah waxaa lagu dilay Muqdisho. 21-kii, bishii Abriil, Maxamed Ibraahim Raage, oo ahaa weriye la shaqeynayay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho iyo Taleefishinka Qaranka ee Somali Naitonal Television mar dhawna kusoo laabtay Muqdisho isagoo dibad joog ku ahaa Uganda ayaa lagu dilay gurigiisa hortiisa. Tiro kale oo weriyayaal ah ayaa iyana sidoo kale lagu weeraray  meelo kale, oo ay ku jirto magaalada Kismaayo.

Waxaa jira wax ka qabasho la’aan ku aaddan dilalkaas. Hal qof ayaa lagu xukumay dil bishii Maarso iyadoo loo haystay dilkii loo geystay weriye Xasan Yuusuf Absuge bishii Sebteembar ee sanadii 2012-kii kaddibna la toogtay bishii Agoosto markii la mariyay maxkamadeyn aan gaarsiisneyn heerarka hannaanka maxkamadeynta heer caalami.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa si ku meel gaar ah u xiray warbaahinta iyagoo mamnuucay in la baahiyo qaar ka mid ah barnaamijyo caalami ah. Bishii Abriil, Wasaarada Warfaafinta ayaa xayiraad ku soo rogtay Idaacadda Radio Daljir, One Nation iyo Codka Nabada (Voice of Peace).

Bishii Juun, maxkamad kutaal Somaliland ayaa waxa ay hakisay shaqada wargeys maalinle ah oo caan ah oo loo yaqaan Hubaal kaddib markii uu sidaa codsaday xeer ilaaliyaha guud. Xayiraada ayaa la qaaday bishii Agoosto kaddib dikreeto madaxweyne. Hoggaanka wargeyska ayaa loo cagajugleeyay lana dhibay, iyadoo tifatiraha iyo agaasimaha guud lagu riday fal dambiyeed jaa’ifaysi ah bishii Juulay.

Kooxaha Caalamiga ah ee Muhiimka ah
Shirar waa weyn oo heer sare ah oo lacago lagu deeqay ayaa waxaa qabtay Boqortooyada Midoowday ee United Kingdom iyo Midowga Yurub bilihii Meey iyo Sebteembar, deeqbixiyayaasha caalamiga ah ayaa ku deeqay maalgalino wax ku ool ah oo loo fidinayo hannaanka isbadalka ee xukuumadda cusub. Qorshaha ayaa waxaa ka mid ahaa howlaha xuquuqda aadanaha hasayeeshee ma aanay jirin qorshe lagula soconayo arrintaas.

Bishii Nofeembar, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxa ay meelmariyeen in Midowga Afrika ay kordhiyaan tirada ciidammada AMISOM oo gaaraysa 17,731 lana gaarsiiyo 22,126, waxayna kaloo ansixiyeen in la siiyo gargaar aan hub aheyn ciidammada Soomaaliya. Kaddib weerarkii bishii Sebteembar ee lagu qaaday xarunta laga dukaameysto ee Westgate ee dalka Kenya, ayaa Mareykanka waxa ay sheegteen in ay fuliyeen ugu yaraan hal howlgal oo lagu qaaday kooxda Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya.

Markii lagu daro joogitaanka ballaaran ee ciidammada militariga ee gudaha Soomaaliya, ayaa dowladaha Kenya iyo Itoobiya waxa ay tababar siiyeen oo ay taageero militari u fidiyeen maleeshiyaad gacan saar la leh dowladda. Labaduba waxa ay diirada saareen deegaanada xuduuda sida Jubbada Hoose iyo Gedo, halkaa oo ay si gaar ah ugu lug lahaayeen wadahadalo heersare ah oo lagu sameynayay maamul goboleedka Jubaland. Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaan “Madoobe” oo gacan saar la leh Kenya, ayaa loo doortay inuu madax ka noqdo maamulka kumeelgaarka ah.

Qaramada midoobay ayaa waxa ay sameysay qorshe cusub oo ay ku joogeyso Soomaaliya, kaasoo loo bixiyay magaca ah Gacansiinta Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), oo ay ka mid tahay la socodka iyo soo tabinta xuquuqda aadanaha.

Wadamada martigaliyay qaxootiga Soomaalida, gaar ahaan Kenya, ayaa waxa ay ka faa’iidaysanayaan horumarka dhanka ammaanka ah ee ka jira magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka qaarkood ay la wareegeen ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda ayagoo sababtaa gun dhig uga dhigay macquulnimada in Soomaalida loo celiyo dalkooda. Intaa waxaa dheer, qaar ka mid ah xubnaha dalalka Midowga Yurub ayaa Soomaali ku guulaysan wayday in la siiiyo magangalyo dib ugu celiyay Muqdisho, iyagoo sheegayay in ammaanka Muqdisho oo soo hagaagayo dartii aan loo baahneyn in la siiyo dhowris iyo ilaalin ku aaddan xuquuqda aadanaha. Iskudhacyada hubeysan ee ka socda gudaha koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa macnahoodu wuxuu yahay in si taxadar leh ay Midowga Yurub u eegaan, iyagoo ku saleynaya kiiska qofkasta, iyo suuragalnimada in qofka lagu celinayo Muqdisho ay ku dhici karaan dhibaatooyin waaweyn.

Bishii Sebteembar, Maxkamada Xuquuqul Insaanka ee Yurub ayaa qeexday in aan la aqbaleyn dacwad uu soo gudbiyay qof Soomaali ah oo loo diiday magangalyo, taasoo wadada u xaartay in ay dowladda Sweden dib ugu celiso Soomaaliya. Maxkamadda ayaa ku guul dareysatay in ay tixgalin weyn siiso dhibaatooyinka soo wajaha dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Muqdisho iyo xaaladda liidata ee dhanka ammaanka ah, taasoo labaduba ay macquul tahay in qofka ay ku dhacdo dhibaato xun markii lagu celiyo caasimadda.