(Nairobi) – Hay’adaha dowliga ah ee Soomaliya waa in si dhaqsa ah u sii daayaan weriye iyo sedex qof oo kale oo lala xiriiriyey kiis ku saabsan haweeney sheegtay in ay kufsadeen xoogaga ammaanka ee dowldda, sidaas waxa maanta sheegay hay’adaha, Amnesty International, Committee to Protect Journalists (CPJ), iyo Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch. Dadka xiran waxay haatan xabsiga ku jiraan in ka badan todobaad – mid ka mid ah waxa uu xiranyahay 12 maalmood- iyagoon wax dacwo ah aanan lagu soo oogin.
“ Dowladda cusub ee Soomaliya waxay sheegtaa oo ay ka hadashaa waxyaabaha wannaagsan ee ku saabsan ilaalinta shuruucda iyo xariyadda saxaafadda, balse in la xiro weriye iyo kuwa kale ee ka waramaya kufsiga waxay diraysaa fariin ka gedisan tan ay dowladdu sheegeyso” sidaas waxaa yiri Daniel Bekele oo ah agaasimaha waaxda Afrika ee Human Rights Watch.’ Waa in maamulku sii daayaan afarta qof ee xiran iyo waa in sidoo kale uu hubaal ka dhigo in boolisku ay baaritaan kaamil ah oo wax ku ool ah ku sameeyaan xadgudubyadda galmada.”
10kii Janaayo, 2013-ka Waaxda Dambi Baarista ee Dhexe ee Booliska Soomaaliyeed (CID) oo ku taala gudaha Muqdisho, ayaa waxay xirtay haweeney sheegtay in ciidamada dowladu ay kufsadeen bilo ka hor markaas. Waxay sidoo kale xireen laba qof oo taqiinay gabadha kwaas oo ahaa dadki ku xiriiriyey haweeneyda weriyayaasha. Intii su’aalaha boolisku weydiinayeen ayaa madaxa laanta CID-da, Janaraal Cabdullaahi Xassan Bariisse, waxaa la sheegay in uu haweeneydaa ku qasbay in ay soo gudbiso nambarada taleefanada ee saxafiyiinta ayada wareysiga ka qaaday.
Booliska oo isticmaalaya naagtaa taleefankeeda ayaa waxay waceen weriye waraystay haweeneyda waxayna ku amreen in uu yimaado xafiisyadda booliska. Cabdicasiis Cabdinuur oo ah weriye madaxbanaan oo la shaqeeyey Radio Dalsan iyo Badri Media Productions, waxa uu u.
Boolisku waxay sii daayeen haweeneydii laba maalmood oo ay su’aalo weydiinayeen, ka dib markii ay boolisku sheegeen in ay ka laabatay sheegashaddii ku saabsaneyd kufsiga. Balse ka dib waxay xireen seygeeda 12-kii Janaayo, weli waa uu xiranyahay. Sida ay sheegayaan illo maxali ah oo lagu kalsoonyahay, waxa uu weli sheegayaa ninkan in afadiisa la kufsaday. Laba qof oo kale- qof dumar ah iyo nin kuwaas oo ka caawiyey haweeneydan in ay la kulanto weriyayaasha- ayaa sidoo kale xiran muddo ka badan todobaad.
Xirigan waxa lala xiriirinayaa sida isa soo taraysa ee warbaahinta diiradda u saareyso kufsiga iyo xadgudubyadda kale ee galmadda ee sareeya ee ka dhacaya koonfurta iyo bartamaha soomaliya, oo ay ku jiraan kuwa lagu eedeynayo in ay geysanayaan xoogaga ammaanka. 6-dii Janaayo, Telefishenka Universal oo ah telefishen soomaliyeed ayaa waxa uu ku waramay in rag hubaysan oo ku labisan dareeska booliska kufsadeen haweenay da’yar ah. Isla maalintaa iyada ah, Al Jazeera ayaa waxay daabacday maqaal ay uga faalooneysay kufsiga ay xerooyinka dadka barakacay ka geysanayaan xoogaga ammaanka, xerooyinkaas oo ku yaala magaalada Muqdisho.
Cabdicasiis Cabdinuur oo ah weriyaha xiran, wax xiriirr ah la ma laha maqaalka ay daabacday Al Jazeera ama warbixinta uu sii daayey Universal TV, uma shaqeeyo midna. Uga ma aanu waramin qalab warbaahineed sheegashada kufsiga ee ay sheegatay haweeneyda, sidoo kale ma aanu waraysan haweeneyda ilaa laba maalmood ka dib markii warkaasi la baahiyey. Si kasta oo ay ahaataba tani ma ah mid u dhiganta dambi ama ma noqon karto sabab qof uu ku muteysto xerig. Amnesty International ayaa weriyaha ku sifeysay in uu yahay maxbuus loo xiray ra’yigiisa.
Dumarka iyo Gabdhaha la nool bulshooyinka barakcay ee Soomaliya ayaa inta badan ka cagajiida in hay’adaha maamulka uga dacwoodaan kufsiga, sabatoo ah waxay ka baqayaan in ay kala kulmaan aargoosi, sidoo kale kuma kalsoona maamulka iyo sidoo kale waxa jirta in ay koobanyihiin adeegyadda daawada, tan la talinta maxkaxiyadeed iyo ijtimaaciga iyo adeegyadda dhinaca sharciga ee ay heli karaan, sidaas waxa sheegay Human Rights Watch iyo Amnesty International.
Soomaliya waxay qeyb ka tahay oo ay saxiixday heshiiska xuquuqda bulshada iyo siyaasada, oo qofka siinaya xuquuqda xoriyatul qowlka iyo xaqqa uu u leeyhay in uu helo macluumaad. In la xadido xuquuqdaan iyadoo loo kaashanayo sababo macquul ah sida ilaalinta kala dambeynta bulshada iyo ammniga qaran, waxaa qasab ah in loo maraa sharciga, ayna noqdaan kuwa si aad ah muhiim u ah, sababo gaar ah oo la cayimay. Maamulka waxa uu ka baaqsaday in uu soo bandhigo sharci kasta oo uu ku salaynayo ama qiil ugu raadinayo xadidaada xuquuqda dadka la xiray, sidaasi darteed, waxa uu ku xadgudbay shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sidaas waxa sheegay hay’adaha Amnesty International, CPJ iyo Human Rights Watch.
Laanta dambi barista waxay sidoo kale su’aalo waydiisay weriyayaal kale oo Soomali ah oo ay ku jiraan, weriyaha Al Jazeera ee qeybta Carabiga Omar Faruk iyo Weriye raadiye oo lagu magacaabo Cabdicasiis Mohamed Diriye, oo lagu xiray xarunta hay’adda ammniga qaranka, halkaas oo uu ku baryey hal habeen.
“Soomaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu qatarta badan dunida ee u weriye ka shaqeeyo”” sidaas waxa yiri Tom Rhodes, la taliyaha Bariga Afrika ee hay’adda u difaacda weriyayaasha ee Committee to Protect Journalists. ‘’ in qof la waraysto, marka dhjinacaa la iska dhigo in sheekadaas tahay mid dhab ah iyo in kale, weligeed ma noqon dambi. Waa hay’adaha maamulka ay waqtigooda iyo kheyrqaadkooda geliyaan baaritaanka dambiyadda, ma aha in ay iyagu curinayaan ama abuurayaan dambiyadda.”
16-kii Janaayo, taliyaha booliska, Janaraal Sharif Sheekhuna Maye, waxa uu magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo uu ku sheegay in Cabdicasiis Cabdinuur uu gacan ka siieyey Al Jazeera maqaalka ay daabacday. Hadalka taliyaha Booliska waxa uu sara u qaadayaa walaac ah in Cabdicasiis Cabdinur laga yaabo in aanu wajihin oo keliya xeriga sharci daro ah iyo suurtagalnimad ah in dacwado lagu soo oogo, taas oo ka dhalanaysa in uu meel mariyey xuquuqdiisa aadanaha, balse in uu wajihi doono suurtagalnimada in dacwadaas lagu salayo warar.
18-kii Janaayo, Wasiirka ammniga gudaha ayaa waxa soo xigatay warbaahinta dowladda isagoo sheegaya in weriyaha iyo qofka dhibanaha ah ee sheegatay kufsiga in ay masuul ka yihiin mala awaalida ama abuurida sheekada kufsiga. Mar haddiiba lagu dhawaaqay in dadka xiran ay masuul ka yihiin mala awaalida sheekada kufsiga, maamulku waxa uu iska indhatiray in ay xaqqa ay u leeyihiin dadka la haysto in loo aqoonsado in aanany dambiga gelin ilaa laga cadeynayo, arrintaas oo asaas u ah hanaanka saxda ah , waxa sidaasi sheegay hay’adahan.
17-kii Janaayo, boolisku waxa uu codsatay in la siiyo 10 maalmood oo dheeraad ah si uu u baaro kiiskan. Xeer ilaaliyaha guud ayaa waxa uu booliska ugu kordhiyey sedex maalmood oo kale. 20-kii Janaayo, boolisku waxa ay codsaday in la siiyo muddo kordhin kale, balse waxa lagu soo waramayaa in xeer ilaaliyaha guud uu diiday codsigaasi. Dadka loo xiray kiiskan, si buuxda uma aanay helin fursad in ay soo booqdaan qoyskooda, in ay helaan qareen iyo daaweyn, waxaana ka mid ah in laga hor istaagay daawada dhowr mar.
Waxa waalac xooggan laga muujinayaa sida loola dhaqmay haweeneydan intii ay ku jirtay xabsiga booliska, oo ay ka mid tahay in su’aalo la weydiiyey iyadoo aanu goobjoog ahayn qareen, sidaas waxa sheegay hay’adaha Amnesty International, CPJ, iyo Human Rights Watch.
Intii uu socday shirka Jaraa’id ee 16-kii Janaayo, Janaraal Sharif Shekuna Maye, waxa uu si barer ah u soo bandhigay haweeneyda. Waxa uu sheegay in ay qiratay in ay mala awaaltay sheekadaas si ay u hesho lacag iyo in arrintaas uu ku qalqaaliyey ama ku booriyey weriyaha iyo saaxibadeeda dumarka ah ee xiran.
Waxa uu sheegay in shirqoolku u jeedkiisu ahaa “in la dhaawoco sharafta booliska iyo sharafta qaranka Soomaliyeed.”
‘’Sida booliska u maamulayo kiiskan, waxa uu si weyn qatar ugu yahay in uu niyad jabiyo dhibanayaasha kufsiga iyo qaababka kale ee xadgudbyadda galmada iyo warbaahinta in aanay ka hadlin mawduucan loo arko in uu yahay ceeb in laga hadlo: ma aanay si bareer ah warbaahinta horteeda u soo badhigin haweeneydan keliya, balse waxay sidoo kale si bareer ah uga hadleen qof dhibanaha ah diiwaankiisa caafimaad taas oo si cad xadgudub ugu ah xaqqa ay u leedahay in la daboolo waxyaabaha iyada u gaarka ah” sidaas waxa sheegay Audrey Gaughran,agaasimaha barnaamijada afrika ee Amnesty International. “Waa in boolisku si weyn wax uga badalaa qaabka ay u wajahayaan dumarka ka soo dacwooda xadgdubyadda galmada. Waa qasab in ay damaanad qaadaan in la difacayo iyo waa in ay qaadaan baaritaano dhaxdhaxaad ah, halkii ay ka diidi lahayeen kuwa soo dacwooda, dambilayaalna ka dhigi lahayeen kuwa ka hadla kana warama weeraradan.”
Bishii Novembar, Madaxweynaha cusub ee Soomaliya Hassan Sheeikh Mohamud waxa uu si bareer ah u sheegay in ay ka go’antahay in uu la xisaabtamo xoogaga ammaanka ee geysanya xadgudubyadda, oo ay ka mid yihiin kuwa geysanaya kufsiga. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku baaqay in loo isticmaalo ciqaabta dilka kuwa lagu helo dambiga kufsiga. Human Right Watch iyo Amnesty International waxay ugu baaqayaan maamulka in aanay isticmaalin ciqaabta dilka, oo ah heerka ugu dambeya ee qofka looga hor istaagi karo xuquuqdiisa.
Ugu dambeyntii waxa si bareer ah looga hadlayaa xadgudbyadda galmada ee Soomaliya, balse kiiskan waxa si weyn caqab ugu noqon karaa dadaaladan, oo waxa uu ka niyadjab ku noqon karaa dadka xadgudbkan loo geysto in ay dacwoodaan, waxa uu sidoo kale is hortaagi karaa in ay helaan adeegyo dheeraad ah iyo sidoo kale waxa uu liidi karaa ka go’aanshaha uu madaxweynuhu muujiyey ee ku aadan in la maxkamadeynayo dadka geysta xadgudubyaddan, sidaas waxa sheegay Amnesty International iyo Human Rights Watch.