(Nairobi) – Hayadaha dowliga ah ee Soomaaliya waa in ay sii daayaan qof saxafi ah oo ay hayaan iyo laba qof oo kale oo lala xiriirshay eedeyn ku saabsan qof dumar ah oo la sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladu ay kufsi u geysteen, Human Rights Watch ayaa maanta sidaa sheegtay. Booliska Muqdisho ayaa waxay xireen saxafi madax bannaan oo lagu magacaabo Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim asagoon wax dacwad ah lagu soo oogin waxayna u qabteen in muddo dheer ay su’aalo weydiiyaan taasoo ah min 10kii Janaanyo, 2013.
“Booliska Soomaaliya waxay hayaan saxafi waxayna dhibaataynayaan haweeney sheegta in la kufsaday, ayadoo kuwii lagu soo eedeeyay in ay kufsiga gaysteena ay madax bannaan yihiin,” sidaa waxaaa sheegay Daniel Bekele, oo ah agaasimaha waaxda Afrika ee Human Rights Watch. “Dowlada Soomaaliya waxay u baahan tahay in ay xaqiijiso in boolisku ay qeyb ka yihiin xalka xad gudubyo baahsan oo ciidamada ammaanku ay ku kacaan, isla markaana waa in ay xaqiijiso in boolisku aysan dhibka qeyb ka ahayn.” Sidaa ayuu raaciyay.
10kii Janaayo, Waaxda Dambi Baarista ee Dhexe ee Booliska Soomaaliyeed (CID) oo ku taala gudaha Muqdisho ayaa waxay xirtay haweeney sheegtay in ciidamada dowladu ay kufsadeen bilo ka hor markaas, ayada iyo naag kale oo ay saaxiibo yihiin oo ku xirtay saxafiyiin. Human Rights Watch ma aysan awoodi karayn in ay soo baarto sheegashada kufsigaa. Intii su’aalaha boolisku weydiinayeen ayaa madaxa laanta CID-da, Janaraal Cabdullaahi Xassan Bariisse, waxaa la sheegay in uu haweeneydaa ku qasbay in ay soo gudbiso nambarada taleefanada ee saxafiyiinta ayada wareysiga ka qaaday.
Booliska oo isticmaalaya naagtaa taleefankeeda ayaa waxay waceen Cabdicasiis Cabdinuur oo u shaqeynayay Dalsan Radioiyo Badri Media Productions,kaasoo dhawaan wareysi la yeeshay qofkaa la sheegay in uu yahay dhibbanaha, waxayna u sheegeen in ay tahay in uu yimaado xafiisyadooda. Sidii ayuu yeelay 10kii Janaayo tan iyo markaana waxaa uu ahaa mid xiran. Boolisku waxay sidoo kale baareen gurigiisa, inkastoo aysan caddeyn in ay haysteen ogolaansho ay baaritaankaa ku samayn karaan iyo in kale.
Haweeneydii waxaa la sii daayay fiidkii markay ahayd taariikh 11 Janaayo kadib markii ninkeedu uu tagay saldhiga booliska oo asaga la xiray baddalkeedii, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo maxali ah oo la rumaysan karo waxa ay sheegeen. Waxaa sidoo kale weli xiran haweyneydii kale ee ay saaxiibada ahaayeen naagtaa la sii daayay.
Dhacdooyinkaasi waxay u muuqdaan in ay yihiin kuwo la xiriira maqaal ay daabacday Al Jazeera, 6dii Janaayo, kaasoo sheegaya in kufsi uu ka jiro xerooyinka loogu tala galay dadka barekaceyaasha ah ee kuyaala Muqdisho. Sida laga soo xigtay saxafiyiin maxali ah, su’aal weydiinta CID-du ay la yeesheen Cabdicasiis Cabdinuur ayaa sida muuqata diirada saartay eedeyn lagu soo eedeeyay asagu in uu ku lug lahaa soo saarida maqaalkaa. Cabdicasiis Cabdinuur uma shaqeeyo Al Jazeera wuxuuna wareysiga la yeeshay haweeneyda labo maalmood ka dib markii maqaalka la daabacay.
CID-du waxay sidoo kale su’aalo weydiiyeen dhowr kale oo ah saxafiyiin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan wariyaha qeybta afka Carabiga ee Al Jazeera, Cumar Faruuq, iyo wariye idaacadeed oo lagu magacaabo Cabdicasiis Maxamed Diiriye oo lagu xiray hal habeen dhismeyaasha Hayada Ammaanka Qaranka. Marka loo eego ilo-wareedyo maxali ah iyo kuwo caalami ah oo ku sugan Muqdisho, boolisku waxay 11kii Janaayo sidoo kale su’aalo weydiiyeen qof xubin ka ah shaqaalaha urur u dooda xaquuqda dumarka oo caawiyay qofkaa la soo sheegay in uu yahay dhibbanaha kufsiga.
Bishii Nofembar 2012, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, wuxuu si cad u sheegay in ciidamada ammaanka ee dowlada ee gala xad gudubyo lala xisaabtami doono, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa mas’uulka ka ah kufsiga. Wuxuu sheegay in ciqaabta dilka ah ay noqon karayso mid ku habboon dadka kufsiga geysta; hase yeeshee Human Rights Watch waxay ka soo hor jeedaa ciqaabta dilka ah daruuf kasta oo jirta maadaama ay sida dabiiciyanka ah tahay tillaabo baniaadminimada ka baxsan isla markaana ah mid aan qofkii loo geysto dib loo soo nooleyn karin.
Dowlada cusub waa in ay la xisaabtanto ciidamada ammaanka ee ka dambeeya kufsiga iyo xad gudubyada kale ee xun xun iyo weliba booliska ku xad gudba xaquuqda dhibbaneyaasha fal dambiyeedka iyo saxafiyiinta soo tebinaya warbixinada ku saabsan fal dambiyeedka, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Deeq bixiyeyaasha caalamiga ah, gaar ahaana kuwa taageeraya booliska Soomaaliyeed waa in si cad iyo si gaar ahba ay sare ugu qaadaan dareenada waaweyn ee laga qabo arinkan.
“Aamusinta dhibbaneyaasha kufsiga iyo saxafiyiintu ma dhammayn doonto carqalada dhanka galmada ah, laakiin waxay un sii xoojinaysaa cimilada Soomaaliya ee ah isla xisaabtamid la’aanta,” Bekele ayaa sidaa yiri. “Madaxweyne Xassan Sheekh waa in uu dhowro ballan qaadkii uu sameeyay asagoo xaqiijinaya in booliska la tacaamulaya arinkan aysan ka niyad jabin saxafiyiinta in ay soo tebiyaan xad gudubyada dowladu geysato ama in aysan ka niyad jabin dhibbaneyaashu in ay caddaalad raadsadaan.”