(Nairobi) – Xooggaga ammaanka Soomaaliya oo adeegsanaya cagaf-cagafyo ayaa tan iyo dhammaadkii bishii Disembar ee 2017 waxa ay burburiyeen tobanaan xeryo aan rasmi ahayn oo ku yaal Muqdisho, waxaana sidaa ku guryo beelay kumannaan qof, sida ay maanta sheegtay hay’adda Human Rights Watch. Hay’adda ayaa qiimeyn ku samaysay sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday kuwaasoo muujinaya in muddadii u dhexeysay 29-kii Disembar ilaa 19-kii Janaayo 2018 qiyaastii 3,000 oo guri la burburiyay ayadoo la adeegsanayo qalab culus.

17-kii Janaayo, wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo hormarinta ee dowladda federaalka, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka jawaabay dhaleeceynta sii kordhaysa ee ay jeedinayaan hay’adaha gargaarka, waxaana uu shaaciyay in dowladda ay baaritaan ku samayn doonto raritaanka dadkaasi. Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay baaritaan lagu kalsoonaan karo ku samayso xooggaga ammaanka ee tacaddiyada ka geystay inta uu socday raritaanka qasabka ah.

“Dowladda Soomaaliya waa inay qaadataa mas’uuliyadda xoog ku raridda dadkaasi badan ee tabaalaysan, kana soo jeeda beelaha la gacan bidixeeyo,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah cilmi-baare sare oo Human Rights Watch u qaabilsan Afrika. Waxa ay intaa ku dartay, “Baaritaan wax ku ool ah waa inay daba socdaan tallaabooyin muuqda oo lagu xaqiijinayo in raritaanka barakacayaasha ee mustaqbalka loo maro qaab sharci ah, qof kasta oo la rarayna la taakuulaynayo.”

Soomaaliya waxaa ku nool 2.1 milyan oo barakacayaasha gudaha ah, kala bar dadkaasina waxay kasoo carareen colaadaha iyo abaarta dalka ka dhacay sanadkii 2017 oo keliya. Dadkaasi badankood waxa ay ku nool yihiin xeryo aan rasmi ahayn oo ku yaal magaalooyinka waaweyn. Tan iyo 2011, Human Rights Watch waxa ay diiwaangelisay tacaddiyo ballaaran oo ka dhan ah dadka soo barakacay ee ku nool Muqdisho, kuwaasoo loo geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin raritaan qasab ah, xadgudubyo galmo, iyo fuquuq ku salaysan qabiil. Dowladda iyo kooxo gaar ah ayaa marar badan xoog ku raray dadkaasi barakacayaasha ah, kuwaasoo aan helin wax cadaalad ah. Hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa sanadkii 2017 diiwaangelisay in xoog lagu raray 153,000 oo qof.

Xaq-Dhowr demolition before/after Xaq-Dhowr demolition before/after

Sawir dayax-gacmeed lagu qaaday ka hor iyo kadib burburintii xerada barakacayaasha ee Xaq-Dhowr

Before: © DigitalGlobe 2018 After: © DigitalGlobe 2018

Human Rights Watch ayaa khadka telefoonka ku waraysatay sagaal qof oo barakacayaal ah, kuwaasoo tan iyo dhammaadkii bishii Disembar qasab looga raray guryihii ay ku lahaayeen xeryaha Xaq-Dhowr iyo Masha’Allaah ee ku yaal meel u dhaw wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho. Waxa ay sheegeen in xooggaga ammaanka ay burburiyeen guryahooda ayaga oo aan wax digniin ah siin, isla markaana hanjabaad iyo mararka qaar xoog isugu daray si ay halkaa uga saaraan. Raritaankaasi ayaa dadka ka dhigay kuwa aan haysan biyo, cunno ama gargaar kale. Qiimaynta ay sameeyeen hay’adaha gargaarka ayaa xoojisay arrimaha ay ka hadleen dadkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in aroornimadii 29-kii Disembar ay askar ka tirsan booliska Soomaaliya, hay’adda sirdoonka ee NISA, iyo ciidanka xoogga dalka ay isku gadaameen xeryaha, ay cagaf-cagaf mariyeen cooshashkii u dhawaa wadada weyn.

“Markii aan soo toosay aroortii hore ayaa waxaan arkay ciidamada booliska, sirdoonka iyo milateriga oo ku wareegsan xeryaheena,” ayay tiri haweeney 56 jir ah oo ku nool xerada Nuurto 2, ayadoo intaa ku dartay, “Dhanka wadada ayay naga soo galeen, waxayna billaabeen inay burburiyaan cooshashka. Cagaf-cagaf ayaa burburinaysay cooshashka, mid kalena waxay guraysay burburka.”

Sida uu dhigayo Xeerka Kampala ee Midowga Afrika ee difaacidda iyo caawinta dadka ku barakacay gudaha dalkooda, kaasoo ay Soomaaliya saxiixday balse aanay u gudbin Midowga Afrika, dowladda waxa uu xil ka saaran yahay inay ka difaacdo dadka barakacayaasha ah in xoog lagu celiyo ama dib u dejin looga sameeyo goob “naftooda, ammaankooda, xorriyadooda ama caafimaadkooda ay khatar ku geli karaan.” Dowladda waxaa sidoo kale laga doonayaa inay la tashato dadka barakacayaasha gudaha ah, oo ay u ogolaato inay qeyb ka noqdaan go’aannada la xiriira difaaciddooda iyo caawintooda, iyo inay u ogolaato inay qaataan go’aanno ay fahansan yihiin xorna u yihiin oo ku aaddan laabashadooda, dib u dejintooda ama inay qeyb ka noqdaan bulshada deegaanka.

Qaar ka mid ah xeryaha dadka xoogga looga raray ayaa ku yaal dhul la isku haysto oo ay kiiskiisa maxkamad geeyeen laba qof oo midba uu sheeganayo lahaanshaha dhulkaasi, sida ay kusoo warrameen hay’adaha gargaarka bani’aadannimo. Human Rights Watch ayaa heshay nuqulka amar uu 23-kii Disembar gudoomiyaha degmada Kaxda siiyay mas’uuliyiinta maxalliga ah, booliska iyo NISA, kaasoo uu ku wargalinayo dadka ku nool agagaarka KM13 ee wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho inay halkaa uga guuraan sida uga dhaqsiyaha badan, maadaama uu muran ka taagan yahay dhulkaasi. Wargelintaasi laguma sheegin xilliga ay dadkaasi guurayaan ama halka loo rarayo ee bedelka u noqonaysa.

Mas’uuliyiinta ayaa ku guuldaraystay inay dadka barakacayaasha ah siiyaan wargelin ku filan iyo magdhow maadaama xoog lagu raray, sidoo kale ma aanay siin goobo kale oo dib u dejin ay ka heli karaan ama fursad ay dadka deegaanka uga mid noqon karaan, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, ayay tiri Human Rights Watch.

Masha'Allaah Demolition Before/After Masha'Allaah Demolition Before/After

Sawir dayax-gacmeed lagu qaaday ka hor iyo kadib burburintii xerada barakacayaasha ee Masha’Allaah

Before: © DigitalGlobe 2018 After: © DigitalGlobe 2018

Qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha gargaarka ayaa lagu ogaaday in inkastoo qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah la siiyay digniin aan rasmi ahayn maalmo ka hor inta aan la rarin, aysan qaar badan oo ka mid ah dadkaasi helin wax digniin ah. Shakhsiyaadka ay waraysatay Human Rights Watch ayaa sheegay inaanay helin wargelin ku aaddan raritaankooda, iyo in mas’uuliyiinta iyo xooggaga ammaanka ee fulinayay raritaanka ay siiyeen waqti kooban si ay u urursadaan alaabtooda ayna u raadsaan meel kale oo ay u guuraan.

“Waxaan ka codsaday ninka mas’uulka ka ahaa raritaanka in ugu yaraan uu ii ogolaado inaan qaato ukumaha ay dhaleen dhigaageyga,” ayay tiri haweeney ka mid ahayd dadka halkaa ku nool, oo intaa ku dartay, “Balse waxa uu cagaf-cagafta u ogolaaday inay burburiso gurigeyga.” Dhowr ka mid ah barakacayaasha ayaa sheegay inay arkayeen xooggaga ammaanka oo dariskooda jiidaya markii ay diideen inay ka baxaan guryahooda, mararka qaarna ulo ku garaacaya.

Qiimeynta ayaa lagu sheegay in 5,800 oo qoys xoog lagu raray, taasoo in ka badan 34,000 qof ka dhigtay hoy la’aan, halka 25 goob oo xerya ahaana la burburiyay. Qiimeyn kale ayaa lagu ogaaday in qalab qiimihiisu ku kacay kumannaan doolar oo loogu talagalay waxbarashada, faya-dhowrka, iyo biyaha lagu burburiyay goobahaasi.

Baaritaan madax bannaan, laguna kalsoonaan karo oo lagu sameeyo qasab ku raridda ayaa looga baahan yahay in lagu eego dhacdooyinka ka horreeyay raridda, isla markaana lagu ogaado mas’uuliyiinta ka dambeeyay ayada oo aan loo eegeyn xilkooda ama darajada ay leeyihiin, gaar ahaan kuwa ciidamada dowladda u diray xeryahaasi, lagana qaado tallaabooyinka edbinta iyo kuwa ciqaabta ah ee ay mudan yihiin. Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda looga baahan yahay inay cadaalad siiso qoysaska dadka ku waxyeeloobay raritaanka qasabka ah, ayna xaqiijisaa in barakacayaasha khatarta ugu jira in mustaqbalka la raro ay helaan difaacid sharci iyo kuwa kale ee ku haboon.

Sawirrada lagu qaaday dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in dad badan oo ka mid ah kuwa laga barakiciyay xeryaha Xaq-Dhowr iyo Masha’Allaah ay markiiba teendhooyinkooda ama guryo cusub ka dhisteen deegaanno goobahaasi u dhaw. Dadka deegaannadaasi ayaa sheegay in maalmihii xigay markii la raray ay ku noolaayeen dhul banaan ah, halka qaarkoodna ay dulsaar ku ahaayeen barakacayaasha kale isla markaana aanay haysan biyo iyo hoy toona.

Sida lagu sheegay qiimeynta ay samaysay hay’adda NRC, durbadiiba markii la raray barakacayaasha, qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa heli waayay biyo nadiif ah iyo faya-dhowr, halka kala-bar dadka ay waraysatay NRC aanay haysan hooy, gaar ahaan qoysaska ay hogaanka u hayaan dumarka.

Sawiradda ayaa sidoo kale muujinaya in muddadii u dhexeysay 31-kii Disembar iyo 19-kii Janaayo ay samaysmeen dhowr xerooyin waaweyn ah oo ay barakacayaasha ka dhisteen meel hal kilo mitir koonfur kaga beegan xeradii Xaq-Dhowr. Dhowr ka mid ah dadka deegaanka oo la waraystay ayaa xaqiijiyay in hay’ad gargaarka ka shaqeysa ay siisay bacyaha guryaha laga sameeyo.

Sida uu dhigayo xeerka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, in shakhsiyaad, qoysas ama bulsho si kumeelgaar ah ama joogta ah looga saaro guryahooda ama dhulka ay ku nool yihiin, ayagoo aan helin difaacid sharci ama noocyada kale ee difaaca, waxa ay taa ka dhigan tahay in dadkaasi xoog lagu raray.

Dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa bishii Disembar 2014 ansixisay siyaasad ku aaddan dadka soo barakacay, taasoo qeexaysa hannaan cad oo lagu difaacayo dadka barakacayaasha ah marka la rarayo, isla markaana xaqiijinaysa in raritaankooda loo maro hab sharci ah. Haseyeeshee siyaasaddaasi ayaan inta badan fulin, ayadoo wadashaqeynta ka dhaxaysa hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa federaalka iyo maamulka Muqdisho, ee lagu wanaajin lahaa ammaanka dadka la raray ay ahayd mid aan ku filneyn, ayay tiri Human Rights Watch.

Baarlamaanka Soomaaliya waa inuu ansixiyaa siyaasaddaasi, uuna aqoonsadaa wasaaradaha ay howshaasi khuseyso sida tan arrimaha gudaha ee looga baahan yahay inay meelmariso siyaasadda, ayadoo kaashaneysa dowladda hoose, isla markaana wadatashi la yeelanaysa dadka barakacayaasha ah iyo ururada gargaarka si waafaqsan mabaadii’da Qaramada Midoobay ee barakacayaasha gudaha, ayay tiri Human Rights Watch.

“Mas’uuliyiinta ku lugta lahaa raritaannadii dhawaan ka dhacay Muqdisho waxay ay ku xadgudbeen siyaasaddii u degsaneyd,” ayay tiri Bader, oo intaa ku dartay, “Haddii mas’uuliyiinta federaalka iyo kuwa maxalliga ah ay doonayaan inay raraan barakacayaasha, marka hore waa inay la tashadaan dadkaasi ayna isla meel dhigaan qorshe lagu xaqiijinayo in barakacayaasha ay heli karaan ammaan iyo adeegyada asaasiga ah.”