(Nairobi) – Xooggaga Islaamiyiinta ah ee Al-Shabab ayaa gubay guryo badan kadib weerarro dabayaaqadii bishii Mey 2017 ay ku qaadeen tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ee dalka Soomaaliya, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay maanta soo saartay. Warbixinta ayaa ku salayasan waraysiyo lala yeeshay dad goobjoogayaal ahaa iyo qiimayn lagu sameeyay muuqaalo lagu qaaday dayax gacmeed. Dagaalyahannada Al-Shabab ayaa qafaashay dad rayid ah, dhacay xoolo, isla markaana dab qabadsiiyay guryo, taasoo keentay in dad ka badan 15,000 ay ka barakacaan deegaannadooda.

Laga billaabo 21-kii Mey, xooggaga Al-Shabab ayaa duulaan ku qaaday tuulooyin hoos taga degmooyinka Marka iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Gobolkaasi ayaa muddo dheer waxaa ka socday dagaallo u dhexeeya maleeshiya beeleed, ciidamada dowladda federaalka ah, kuwa Al-Shabab iyo ciidamada Midowga Afrika, ayadoo isbahaysi isbedelaya uu ka jiray gobollka, colaadaasi ayaa saamayn ba’an ku yeelatay dadka rayidka ah.

“Wax qiil ah looma samayn karo afduubka ururka Al-Shabab uu kula kacay dadka rayidka ah iyo guryaha uu dadkaasi ka gubay,” ayay tiri Laetitia Bader oo ah cilmi-baare sare oo Human Rights Watch u qaabilsan Afrika. Waxay intaa ku dartay “Ururka Al-Shabab waxa uu mas’uul ka yahay barakicin ballaaran, balse dowladda waxaa looga baahan yahay inay wax ka qabato xiisadda beelaha u dhexeysa, ayna la xisaabtanto kuwa ka dambeeya tacaddiyada.”

Human Rights Watch ayaa si toos ah magaalada Muqdisho oogu waraysatay telefoonkana kalahadashay 25 qof, kuwaasoo ka barakacay deegaannadaasi hoos yimaada labada degmo, una qaxay caasimadda iyo qeybaha kale ee gobolka Shabeellaha hoose, iyo weliba odayaasha deegaanka iyo dad ku xeel dheer arimaha gobolkaasi. Waxa ay sidoo kale qiimaysay sawiro dayax gacmeed uu ka qaaday 30 tuulo oo ka tirsan degmada Marka.

Colaadda beelaha u dhexeysa, gaar ahaan Habar Gidir iyo Biyamaal, ayaa ku badatay gobolka Shabeellaha hoose tan iyo sanadkii 2013. Labada beelba waxa ay la dagaallameen mararka qaarna ka garab dagaallameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabab. Intii ay socotay colaaddan, ayaa waxaa weerarro aargoosi ah lala beegsaday dadka rayidka ah.

Tan iyo Sebtember 2016, waxaa sare u kacay xiisadda iyo dagaalka u dhexeeya Al-Shabab iyo maleeshiyo ay leedahay beesha Biyamaal. Bartamihii Mey, dagaal xooggan oo labada dhinac u dhexeeya ayaa ka dhacay deegaanka KM-50 ee Afgooye oo ah mid ay ku badan tahay beesha Biyamaal, waxaana xigay weerarro kale oo uu ururka Al-Shabab qaaday. Dagaalyahannada Al-Shabab ayaa weerarray tuulooyinka kadib bilooyin ay dadka deegaanka ugu baaqayeen inay ka baxaan guryahooda, sida ay sheegtay Human Rights Watch.

“Cabdi,” oo isaga iyo dadka kale ee la waraystayba aan la adeegsan magacooda dhabta ah si ammaankooda loo ilaaliyo, ayaa u sheegay Human Rights Watch inuu ka qaxay tuulada Ceel Waregow. Waxa uu yiri: “Ururka Al-Shabab ayaa nagu eedeeyay inaan nahay kuwo diinta ka baxay oo ku biiray dowladda. Qaar ka mid ah odayaasheena ayaa u sheegay Al-Shabab in ragga sacboolayda ah ee aan hubka sidan la badbaadiyo. Markii hore caanshuur ayay naga qaadi jireen oo isugu jirta lacag iyo xoolo, haddase waxa ay gubayaan guryaheena.”

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaal ka dhacay KM-50 mudadii u dhexeysay 21-kii ilaa 23-kii Mey, uu ururka Al-Shabab ku afduubtay qiyaastii 70 qof oo ay ku jiraan dumar iyo carruur. Dadka deegaanka ayaa u sheegay Human Rights Watch in Al-Shabab ay qaateen xoolo badan oo isugu jira geel, lo’ iyo ari, kuwaasoo muhiim u ah noolasha dadka xilligan ay abaarta jirto. Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in boqolaal xoola ah la dhacay, qaar badan ay baqtiyeen, ayadoo tiro kooban loo soo celiyay bulshada halkaa ku nool.


Human Rights Watch ayaa qiimayn ay ku samaysay tiro sawiro ah oo lagu qaaday dayax qacmeed intii u dhaxaysay 8-dii Mey iyo 12-kii Luuliyo ee 2017 ku ogaatay inay jirto caddeyn ah inuu burbur weyn gaaray guryo kuyaal 18 kamid ah 32-da tuulo ee qiimaynta lagu sameeyay ee ka tirsan degmada Marka. Dhamaan astaamaha burburka ayaa muujinayay inuu sababay gubitaan keenay in boqolaal guryo deegaan ah ay halkaa ku basaan. Maadaama sawirada dayax gacmeedka lagu qaaday qaarkood ay shucaac laheeyeen daruuraha jiray awgeed, ma’aanay suura gelin in la qiimeeyo isbadelka kuyimid qeybo badan oo deegaanka ka mid ah waxaana suura gal ah in tuulooyinka ay saameeyeen weeraradii dhawaa ay ka badanyihiin 18-ka haatan la xusay.

Bar internetka ah oo ay macluumaadkeedu dadweynaha heli karaan ayaa sheegtay in 2 ka mid ah 18-ka tuulo uu ka dhacay dagaal dhex maray Al-Shabab iyo maleeshiyo beeleedka Biyamaal oo kaashanaya ciidamada dowladda, waana tuulooyinka ay burburka ku aragtay Human Rights Watch. Qaramada Midoobay ayaa ogaatay in ku dhawaad 100 guri lagu gubay weerarro lagu qaaday degmada Marka, sidoo kalena 23-kii Mey guryo lagu gubay deegaannada Muuri iyo KM-50 oo ka tirsan degmada Afgooye.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 15,240 qof ayaa kubarakacay weerarradii ba’naa ee dhacay intii u dhexeysay 21-kii ilaa 24-kii Mey. Haweeney ka tirsan dadka Buulo Muudey oo aabaheed lagu dilay weerar halkaa ka dhacay, gurigeedana lagu gubay ayaa tiri: “Sideebaad ku joogi kartaa meel lagu hayo weerarro joogta ah, carruurtana guryaha lagu gubayo?”

Dad badan ayaa ku barakacay gudaha gobolka Shabeellaha hoose, halka kuwa kalena ay u qaxeen afaafka hore ee caasimadda Muqdisho. Dadka ka cararay dagaalladaasi ayaa sheegaya inay ku noolaayeen duruufo adag, oo mararka qaarkood ay heli jireen gargaar kooban, halka hoygana ay dhibaato ka haysatay, isl markaana ay wajahayeen khatar dhanka caafimaadka ah.

Shuruucda caalamiga ah ee dagaalka, kuwaasoo qabanaya dhammaan dhinacyada ku dagaallamahya Soomaaliya oo uu ka mid yahay ururka Al-Shabab, ayaa mamnuucaya weerarrada ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo hantidooda. In dadka si qasab ah looga barakiciyo dhulkooda, hadii aanay jirin sababo milateri oo sharci ah, ayaa ah dembi dagaal. Waxaa sharci darra ah in la xiro dad rayid ah oo aan khatar ku ahayn xooggaga hubaysan. Waxaa sidoo kale meel ka dhac ku ah shuruucda dagaalka in hanti shakhsi leeyahay xoog lagu qaato ayadoo loo adeegsanayo howlo ka baxsan kuwa ciidanka. Dadka sida ula kaca ah ama taxadar la’aanta ah meel uga dhaca shuruucda dagaalka ayaa mas’uul ka ah dembiyo dagaal.

“Kuwa dembiyada dagaalka ka gala Soomaaliya waa in ugu dambeyn la horkeenaa cadaallada,” ayay tiri Bader oo intaa raacisay, “Si kastaba dowladda iyo taageerayaasheeda waxaa looga baahan yahay inay degdeg u caawiyaan dadka ku barakacay colaadda.”

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan warbixinta Human Rights Watch, fadlan eeg hoos

Colaadda Shabeellaha hoose

Shabeellaha hoose waa gobol beerashada ku wanaagsan, kaasoo tan iyo burburkii Soomaaliya ee 1991 ay ka dhacayeen dagaallo beeleed salka ku haya dhul, ganacsi iyo siyaasad. Wixii ka dambeeyay 2012, ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya ayaa deegaanno muhiim ah oo gobolkaas ka tirsan ka qabsaday ururka Al-Shabab oo ka talinayay tan iyo 2008.


Ka bixitaanka Al-Shabab ee qeybo ka mid ah Shabeellaha hoose iyo dowladda Soomaaliya oo bilowday hannaanka dhisidda maamul goboleedyada dalka, ayaa sii huriyay xiisadda gobolka ka taagan, gaar ahaan colaadda u dhexeysa beelaha Biyamaal iyo Habar Gidir oo labaduba awood ku leh Shabeellaha hoose. Sidoo kale Al-Shabab iyo ciidamada dowladda ayaa la kala saftay maleeshiyo beeleedka dagaallamaya, ayadoo marar badan uu isbedelay isbahaysigaasi. Ururka Al-Shabab ayaa inta badan isu muujiya inuu yahay dhexdhexaadiyaha colaadaha deegaannadasi. Sidoo kale Maraykanka ayaa howlgalo milateri ka fuliyay gobolkaasi, oo ay ka mid yihiin duqeymo bartilmaameedsan oo ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabab.

Dhammaan dhinacyada ku dagaallamaya Soomaaliya ayaa si joogta ah u weerarra dadka rayidka ah, waxaana ay u geystaan dil, kufsi iyo burburin hanti. Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dusha kala socoshada Soomaaliya iyo Eritrea (SEMG), oo ay shaqadeedu tahay inay qiimayso cunaqabateynta hubka ee dalalkaasi saran iyo adeegsiga hubka rasmiga ah, ayaa marar badan walaac ka muujisay taageerada ay ciidamada dowladda Soomaaliya siiyaan maleeshiyaadka Habar Gidir, iyo saamaynta ay taageeradaasi ku yeelatay dadka rayidka ah, gaar ahaan kuwa beesha Biyamaal. Human Rights Watch ayaa dabayaaqadii 2013 waxay ka warrantay weerarro ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku qaadeen deegaanka KM-50 oo ay ku badan tahay beesha Biyamaal, waxaana ciidamada ay halkaa ka geysteen garaac ay kula kaceen dadka deegaanka, boob iyo gubidda guryo iyo goobo ganacsi. Dhowr qof oo rayid ah ayaa halkaa lagu dilay sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa, waxaana deegaankaasi ka barakacay dad badan.

Maleeshiyada beesha Biyamaal ayaa markii hore taabacsanayd Al-Shabab, balse markii dambe waxay taageertay ciidamada AMISOM ee fadhigoodu yahay deegaannada ay ku badan tahay beeshaasi. Tan iyo Sibteembar 2016, waxaa sare u kacay xiisadda colaadda u dhexeysa Biyamaal iyo Al-Shabab.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Shabeellaha hoose, ahna kuwa ka socda dalka Uganda, ayaa dhankooda galay tacaddiyo ka dhan ah dadka rayidka ah. Tusaale ahaan bishii Luuliyo ee 2015, Human Rights Watch ayaa diiwaangelisay weerar ciidamada AMISOM ee Uganda ay lix qof oo rayid ah si aan kala sooc lahayn ugu dileen magaalada lagu muransan yahay ee Marka.

Weerarradii dhawaan ka dhacay Shabeellaha hoose ayaa u muuqda kuwa ururka Al-Shabab uu uga jawaabayo taageerada ay beesha Biyamaal siisay ciidamada AMISOM. Human Rights Watch uma aanay suuragelin inay xaqiijiso hogaanka Al-Shabab ee amray weerarradii dhacay bishii Mey, gaar ahaan inay ku lug lahaayeen beelo gaar ah oo ka tirsan Al-Shabab iyo maleeshiyo beeleed.

Dhowr bilood ka hor weerarradii Mey, ururka Al-Shabab ayaa ku amray dadka deegaanka inay ka guuraan tuulooyinkooda. Dhowr ka mid ah tuulooyinkaasi bishii Mey loogu hanjabay in qasab lagu rarayo ayaa ku teedsan wadada muhiimka ah ee Marka ku xirta Afgooye. Haweeney bishii Febraayo kasoo qaxday deegaanka Ceel Waregow soona gaartay Muqdisho, kadib markii loogu hanjabay in xoog lagu rarayo ayaa tiri: “Dagaalyahannada Al-Shabab ayaa tuulada yimid saddex goor ka hor inta aan soo tegin. Markii koobaad, todobo nin oo hubaysan ayaa noo yimid oo nagu wargeliyay inaan guurno ka hor duhurka maalintaas. Waxay ku hanjabeen inay dilayaan qofkii rag ah ee ay arkaan.” Nin xoolo dhaqata ah oo kasoo barakacay tuulada Canbanaane kadib weerar ka dhacay 31-kii Mey, ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-Shabab ay tuulada ugu yimaadeen ayna u sheegeen inay “caanahooda u iib geeyaan” deegaannada uu ururkaasi ka taliyo.

Dad ka warramaya tacaddiyadii dhacay intii ay socdeen weerarradii Mey iyo Juun 2017

Qoysas Soomaali ah oo kasoo barakacay abaarihi kadhacay gobolka Shabeellaha hoose ayaa kunasanaya meel udhaw xero qaxooti ee caasimda Muqdisho kutaal. Waxa ay ku biireen kumanaan kale oo horay u soo barakacay. Xooggaga Al-shabab ayaa weeraray tuulooyin kuyaal gobolka shabeellaha hoose oo bilooyin abaara ah soo maray. 

© 2017 REUTERS/Feisal Omar

Laga billaabo 21-kii Mey, kadib dagaallo soo noq-noqday oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose, ayaa dagaalyahannada Al-Shabab waxay gubeen guryo, dhaceen boqolaal xoolo ah, waxayna afduubeen tobanaan rag ah oo u badan beesha Biyamaal.

“Cabdi” ayaa ka warramaya weerar ay dagaalyahannada Al-Shabab fuliyeen 23-kii Mey:

Abaare 3-dii galabnimo ayaa waxaan maqalnay inay gubayaan guryo ku yaal tuulooyin nagu dhaw [Nagad Weyne iyo Garaas Weyne]. Kadibna abaare 5-tii galabnimo ayay nasoo weerarreen. Waxaan arkay ku dhawaan 20 dagaalyahannada Al-Shabab ah oo soo galay tuuladeena, waxaana la ii sheegay in 20 kale ay aadeen dhinaca kale. Dadkii tuulada oo dhan ayaa cararay.

Waxa uu sheegay in guryaha ay gubeen kadib salaadii Maqrib: “Waan arkayay guryaha gubanaya. Dab weyn ayaa halkaa ka kacay. 15 guri ayaa gubtay. Markii aan tuulada ku laabtay waxaan u tegay guryigeyga oo gubtay. Waxaa ii badbaaday oo keliya afar kutubta Quraanka ah iyo boorso dhar ah.

Laba haween ah ayaa sheegay in ilmahooda ay dhaawacyo kasoo gaareen xilli ay ka baxsanayeen guryaha la gubay. Hooyo 7 dhal ah oo ka tirsan dadka tuulada Muuri ayaa sheegtay in laba canug oo 3 iyo 4 jir ah ay uga dhaawacmeen dabka gurigooda la qabadsiiyay.

“Aniga iyo laba wiil ayaa xoolaha la jirnay, markii ay nasoo weerarreen rag wajiga soo xirtay,” ayuu yiri nin ka tirsan dadka tuulada Bullo Mudey, oo intaa ku daray, “Waan cararnay, waxaana meel fog ka arkaynay ayagoo kaxaystay xoolaheena. Waxaan halkaa ku waayay 14 sacaad iyo ari.”

Laba ka mid ah dadka deegaanka oo aan iyagu cararin markii tuuladooda lasoo galay, ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-Shabab ay ku amreen inay ka baxaan guryahooda oo ay ka saaraan carruurta, kadibna ay dab qabadsiiyeen. “Xaliimo” oo ah haweeney 40 jir ah oo ka tirsan dadka tuulada Sagaarole ayaa sheegtay: “24-kii Mey kadib markii ay igu amreen inaan ka baxo guriga, ayaa waxa ay ku shubeen baasiin, kadibna waxay ku tureen caag gubanaya.”

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-Shabab ay qafaasheen tobanaan qof oo rayid ah. Human Rights Watch uma aanay suuragelin inay xaqiijiso tirada saxda ah ee dadkaasi la qafaashay, balse waxa ay waraysatay afar nin oo ka tirsan dadka Marka oo sheegay inay ka mid ahaayeen tobanaan rag ah oo ay ku jiraan odayaal, kuwaasoo la xiray intii ay socdeen weerarradaasi. Waxay sheegeen in lagu hayay goob ka tirsan deegaanka Mubarak ee uu ka taliyo ururka Al-Shabab muddo u dhexeysa lix maalmood ilaa saddex todobaad. Raggan ayaa intaa ku daray inaan fursad loo siin inay ka cawdaan xarigooda oo ay u dacwoodaan cid dhexdhexaad ah oo ka tirsan Al-Shabab.

Dadkaasi la xiray ayaa sheegay inay yaraayeen biyaha iyo cunnada la siin jiray iyo in kuwa ilaalinayay ay hal mar maalinkiiba cunno u keeni jireen. Ragow Walaal Hilow oo ahaa nin da’ dhexaad ah, ayaa shuban u dhintay asagoo u xiran Al-Shabab, sida ay sheegeen ragga la soo daayay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ilaaladda waardiyeyneysay oo uu wajiga u xirnaa, ay u diideen gargaar caafimaad markii uu ninkaa jiraday, sidaana uu xabsiga ugu dhintay.

Nin ay dagaalyahannada Al-Shabab ka qafaasheen degmada Marka, kuna xireen saldhigooda Mubarak ayaa ka warramay xaaladda adag ee ay ku noolaayeen raggaasi la haystay:

Markii nala soo xiray, waxaa nalagu amray inaan hadlin oo aan qol galno. Waxa ugu dhibka badan ayaa ahaa inaanay meesha ka jirin wax nadaafad ah. Hal musqul keliya ayaa ku taalay, waxay ahayd qol god yar laga dhex qoday. Biyo ma aanan helin, sidaa awgeed maanan tukan karin. Gogol ma oolin, sidaa darteedna waxaan ku seexanaynay ciida madow.

Nin oday ah ayaa yiri: “Arinta ugu adag ayaa ahayd inaanay noo ogolaan salaada. Weyso ma aanan heli karin maadaama ay biyaha yaraayeen, waxaana ay nagu amreen inaan iska fadhino.”

Inkastoo lasoo daayay ugu yaraan 20 nin oo ka mid ah kuwii ay dagaalyahannada Al-Shabab qafaasheen, kadib markii ay ka odayeeyeen madax dhaqameed, ayaa waxaa weli gacanta ururkaasi ku jira rag aan tiradooda la ogeyn.

Dadka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay uga barakaceen deegaannadooda ay tahay guryaha laga gubay. “Xaliimo” oo ka tirsan dadka tuulada Sagaarole, oo marar badan ay weerarreen dagaalyahannada Al-Shabab, ayaa sheegtay in weerarradii hore marka ay dhacaan, “waan carari jirnay ka dibna waan soo laaban jirnay, balse markii gurigeyga la gubay, waxaan go’aansannay inaan u qaxno Muqdisho.”

Dhowr qof ayaa sheegay in markii ay ka cararayeen weerarrada ay kala dhumeen qaraabadooda oo ay ka mid yihiin carruur. Human Rights Watch ayaa waraysatay laba haween ah oo sheegay inay hayaan carruur ay dhaleen dad deris la ahaa. Waxa ay rumaysan yihiin in dadkaasi deriska la ahaa ay ku dhinteen weerarradii dhacay ama aanay garaneyn halka ay eheladooda ku sugan yihiin.

Qaar ka mid ah dadka barakacay ayaa sheegay inay tuulooyinka uga soo carareen dad waayeel ah iyo kuwo kale oo qaraabo la ah. Haweeney ayaa sheegay in aabaheed oo da’ ah isla markaanka macallin ahaa ay dileen dagaalyahannada soo weerartay, kadib markii ay uga soo carartay tuulada Bullo Mudey 26-kii Mey. Ninkaasi ayaa u haray si uu u ilaalshado xoolihiisa:

Waxaan soo cararnay habeenkii nalasoo weerarray. Aabahay ayaa inoo sheegay inaan dhammaanteen baxno, asna uu xoolaha ku hari doono. Dagaalyahannada nasoo weerarray ayaa gawracay. Waxaan tuulada ku laabanay subixii xigay, markaas ayaana aragnay meydka aabaheen.