(Nairobi) – Dadka qaba xanuunka dhimirka ee ku nool Somaliland ayaa waxaa sii kordhaysa in lagu qasbo xarumaha lagu hayo, halkaas oo ay ku wajahaan tacaddiya ba’an iyo xaalado xun. Mas’uuliyiinta Somaliland waa in ay dusha kala socdaan dhammaan xarumaha lagu daweeyo dadka qaba xunuunka dhimirka, oo ay mamnuucaan jeebaynta, ayna sameeyaan adeegyo iskaa wax u qabsa ah oo loo fidiyo dadka qaba xanuunkaasi.
Warbixinta oo ka kooban 81-bog, oo cinwaan looga dhigay “Loo Jeebeeyay Sidii Maxaabiis’: Tacaddiyada ka dhanka ah Dadka Cudurada Dhimirka Qaba ee ku nool Somaliland,” ayaa waxaa lagu ogaaday in ragga looga shakiyo ama qaba xanuunka dhimirka ay wajahaan xarig xadgudub ah, garaac, daweyn qasab ah, iyo in la geeyo xarumo caafimaad oo guud ama gaar loo leeyahay oo buux dhaafay. Intooda badan raali kama aha in la xiro islamarkaana awood uma laha in ay diidan xarigga. Gaar ahaan goobaha gaarka loo leeyahay ayaa dadka qaba xanuunka dhimirka waxa ay wajahaan ciqaab iyo jeebayn waqti dheer jirta, in kali loo xiro, oo la karantiilo weliba lagu soo rogo xayiraado adag oo dhanka dhaqdhaqaaqa ah. Daraasada ayaa lagu ogaaday muhiimada adeegyada caafimaadka maskaxda ay u leedahay deegaannada kasoo kabanaya dagaalka. Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka, Somaliland ayaa waxaa ka jira heer sareeya oo ah xanuunka dhimirka.
“Halkii ay ka siin lahaayeen daweyn ku habboon oo ay raali ka yihiin ama soo kabsasho, ayaa xarumahan waxa ay ku dhaqaan dadka ku nool xeerar la mid ah kuwa xabsiga, karantiilid iyo daweyn qasab ah,” waxaa sidaa tiri Laetitia Bader, oo ah cilmi baare Human Rights Watch u qaabilsan Afrika. Waxa ayna intaa ku dartay “Mas’uuliyiinta Somaliland waa in ay si degdeg ah wax uga qabtaan tacaddiyada ka dhaca gudaha xarumaha lagu daweeyo dhimirka.”
Human Rights Watch ayaa waxa ay daraasad ka sameysay magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Gabiley, waxaana ay wareysatay in ka badan 115 qof, oo ay ka mid yihiin 47 qof oo looga shakiyay ama qaba xanuunka dhimirka, kuwaas oo xarumo lagu hayay. Intooda badan waxa ay wajahayeen tacaddiyo. Hannaanka asaasiga ah, dusha kala socoshada garsoorka iyo qaababka ay cadaalad ku heli karaan ayaan dhammaantood jirin. Daraasada ayaa inta badan diiradda saartay xarumaha gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo dadka cudurada dhimirka qaba ee ku yaalla Hargeysa. Maadaama inta badan xarumahaasi lagu hayo rag, ayaa waxyaabaha lagu ogaaday daraasadda waxa ay inta badan ka hadlayaan xaaladahooda, inkasta oo haweenka cudurada dhimirka qaba ay sidoo kale la kulmaan tacaddiyo ba’an.
Somaliland ayaanan kaydin macluumaadka rasmiga ah ee ku saabsan tirada dadka qaba xanuunka dhimirka, balse daraasado la sameeyay ayaa muujinaya in tirada dadkaasi ay aad u sareyso, iyadoo middaa loo tiirinayo rabshadihii iyo jah-wareerkii ka dhashay dagaalkii sokeeye, adeegyada caafimaad oo aan jirin iyo cunista badan ee jaadka. Muddo sanado ahba, dadka qaba xanuunka dhimirka ayaa faraha laga qaadi jiray, iyagoo wajihi jiray faquuq ay bulshada kala kulmaan, ama waxa ay inta badan ku tiirsanaan jireen qaraabo aan fahansanayn oo aan macluumaad badan ka haysan xaaladooda caafimaad, isla markaana aanan haysan cid caawisa.
Sanadkii 2014-ka, mas’uuliyiinta Somaliland ayaa ansixiyay qorshayaal u aqoonsanaya dadka qaba xanuunka dhimirka in ay yihiin kuwa muhiimad gaar ah leh, waxaana ay ku baaqeen in la diyaariyo xeer waafaqsan Axdiga Xuquuqda Dadka Naafada ah. Hasayeeshee qorshayaashaasi lama meel marin, taageerada caalamka ee ku aaddan adeegyada caafimaadkana waxa ay si weyn u hareer martay daryeelka caafimaadka dhimirka. Somaliland ayaa iminka waxaa ka hawlgalo oo keliya laba dhakhtar oo ah kuwa dabiibo xanuunka dhimirka kuwaasoo ay tahay inay daweeyaan qiyaastii 3.5 milyan oo ruux.
Sanadihii dambe, waxaa Hargeysa ku soo batay xarumaha gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo xanuunka dhimirka, kuwaasi oo ka faa’iideysanaya baahida ballaaran ee loo qabo adeegooda, iyadoo ay markii hore jireen tiro kooban oo xarumahaasi ah oo ay dadweynaha leeyihiin, isla markaana burbursan oo aan dhaqaale badan haysan. Adeegyada iskaa wax u qabso ah ee bulshada ayaan jirin.
Halkii ay daryeel caafimaad oo ku habboon iyo la talin u sameyn lahaayeen dadka ay ogolaanshaha ka haystaan, ayaa xarumahaasi waxa ay inta badan yihiin kuwo dadka lagu hayo oo karantiil ah, sida ay ogaatay Human Rights Watch. Inta badan dadka la wareystay ayaa sheegay in ayagoon raali ka ahayn ay xarumahaasi geeyeen ehelkooda. Qaarkood ayaa halkaa lagu hayay ilaa shan sano, iyagoo aan awood u lahayn in ay diidaan xarigooda. Tiro ka mid ah dadka halkaasi lagu hayo ayaa laga keenay qurbaha.
Ilaalada iyo shaqaalaha kale ee xarumaha gaarka loo leeyahay ayaa dadka ku haya deegaan aad u ilaalsan, mararka qaar ay ciqaab ka jirto, waxaana ay kula dhaqmaan xarig, jadwal adag, karantiil dheer, garaacid iyo jeebayn.Jeebaynta ayaa inta badan la adeegsadaa marka dadkaasi la geeyo xarumaha gaarka loo leeyahay, si loo xakameeyo iyo weliba qaab ciqaab ah, inkastoo aanay aad u badnayn, waxaa sidoo kale jeebaynta laga adeegsadaa qeybta lagula tacaalo xanuunka dhimirka ee Cisbitaalka Guud ee Berbera.
“Waa xeer u yaalla dhammaan dadka cusub in ay jeebaysnaadaan,” waxaa sidaa yiri nin 27 sano jir ah oo muddo laba bilood ah ku qaatay xarun gaar ah, kaddib markii ay halkaasi si qasab ah ku geeyeen waalidkiis. Waxa uu intaa ku daray “Waan jeebaysnaa labadii bilood ee aan halkaasi joogay.Waxaan dareemay sidii in xoriyadda la iga qaaday.”
Qeybta dhimirka ee Cisbitaalka Hargeysa ayaa ah kan keliya ee ay Human Rights Watch ku aragtay in aanay ka jirin jeebayn. Waa in xarumaha kale ee ay dowladdu maamusho ama kuwa gaarka loo leeyahay ay ku daydaan tusaalahaasi, ayay tiri Human Rights Watch.
Human Rights Watch ayaa ogaatay in ilaalada ay mararka qaar garaacaan dadka xarumaha ku xiran ee diida in ay dawadooda qaataan, ama ay raacaan amarada ama muujiya calaamadaha dabeecado gardara ah.
“Shalay, mid ka mid ah bukaannada ayaa la dagaallamay waardiyaha, kaddib waxay ku gacaareen suun,” waxaa sidaa yiri bukaan ku jira goobaha gaarka loo leeyahay ee lagu daweeyo xanuunka dhimirka.Waxa uu intaa ku daray, “Waxa uu rabay in laga furo silsiladda. Shan ilaa lix jeer ayay la dhaceen suunka.”
Qaar ka mid ah dadka ku jira xarumaha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa lagu qasbaa dawooyinka, ama la suuxiyaa si loo siiyo.Dawooyinka dhimirka ayaa inta badan loo qoraa iyadoo lagu saleynayo baaritaan caafimaad oo aan laga fikirin.Bukaanka ayaan inta badan loo sheegin waxa laga helay.
Human Rights Watch ayaa ogaatay in inta badan ay xarumaha ku guuldareystaan sidii dadkaasi ay bulshada ugu laaban lahaayeen. Waxay bixiyaan hawlo fara ku tiris ah oo macno leh. Inta badan dadka ku xiran xarumaha gaarka loo leeyahay ayaa waqtigooda ku qaata gudaha qolalkooda, iyagoo inta badan jeebaysan, ama ku jira qolal xiran oo mararka qaar mugdi ah.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in wax ka qabashada dhibaatada xanuunka dhimirka ee Somaliland ay u baahan tahay dadaal dheeri ah. Dowladda ayaa howshaasi ka bilaabi karta iyadoo mamnuuceysa jeebaynta, nidaamineysa oo dusha kala soconeysa dhammaan xarumaha lagu daweeyo dhimirka, iyo iyadoo xaqiijineysa in dadka xarumahaasi la geeyo ay haystaan qaab ay cadaalad ku heli karaan.
Waa in sidoo kale ay Somaliland diiradda saartaa hakinta tallaabooyinka dadkaasi xarumaha lagu geynayo, ayna la shaqeysaa dadkaasi qaba xanuunka dhimirka, qoysaskooda, iyo bulshada oo ay ka mid yihiin qurba joogta si wax looga qabto faquuqa dadkaasi lagula kaco. Dowladdu waa in ay sameysaa habab ku haboon oo ay dadka dhimirka qaba ay ku noolaanayaan ammaan, madax bannaani iyo sharaf bulshada dhexdeeda ah.
Marka la eego tirada badan ee dadka xarumaha dhimirka loo geynayo adeegsiga jaadka awgiis, mas’uuliyiintu waa in ay dadka daroogada adeegsada u sameeyaan adeegyo la mid ah kuwa heerka bulshada.
Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay howlwadaaga yihiin ayaa hadda dib u eegis ku sameynaya qorshayaasha caafimaadka, waana in ay fursaddaasi uga faa’iideystaan sidii ay caafimaadka maskaxda ugu dari lahaayeen qorshahooda iyo barnaamijyadooda, waxaa sidaa tiri Human Rights Watch.
Somaliland oo gacan ka heleysa hay’adaha caalamiga ah ee ay howlwadaaga yihiin, waa in ay shaqaaleysiisa ayna tababartaa xirfadlayaal badan oo dhanka dhimirka ah, ayna ku dadaashaa bixinta daryeelka asaasiga ah ee caafimaadka maskaxda, ballan qaadida helitaanka daweynta iyo la talinta ku dhisan madax bannaanida iyo ogolaanshaha bukaanka, iyo xaqiijinta in si joogta ah oo nidaamnsan loo helo dawooyinka dhimirka.Dowladdu waa in sidoo kale ay xoojisaa siyaasadaheeda ku aaddan caafimaadka maskaxda, iyo hirgelinta qorshayaashaasi, oo ay ka mid tahay ansixinta xeerka caafimaadka maskaxda kaasoo waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
“Waa hayb sooc; in xarumo lagu hayo mudda dheer dadka qaba xanuunka dhimirka, waxaana ay xadgudub ku tahay xuquuqdooda asaasiga ah, mana siineyso adeegyada ay u baahan yihiin,” ayay tiri Bader, oo intaa sii raacisay “Balse, Somaliland waxa ay fursad u haysataa in ay dhisto nidaam dadka qaba xanuunka dhimirka siinaya taageero iyo weliba madax bannaani.”