Skip to main content

Weerarka lagu qaaday agaasimaha taleefishinka Soomaaliyeed ee Cabdirisaaq Jaamac – ee ku magac dheer “Black” – kaasoo dabley hubeysan ay ku toogteen si xunna ay ugu dhaawaceen gurigiisa hortiisa ee gudaha caasimadda Soomaaliya, ee Muqdisho, 12-kii bishan Oktoobar, ayaa waxa ay mar kale hoosta ka xariiqaysaa khatarta ay wajahayso warbaahinta Soomaaliya. Waaba iyadoo dilalka iyo toogashada aad moodo in aanay sidii usii xumeyn, ayaa haddana wariyayaasha Soomaalida waxay wajahayaan cabsi hor leh – oo kaga imaanaysa qabyo qoraalka sharciga warbaahinta oo lagu daray dhowr qodob oo walaac keenaya iyo waliba xarig baahsan.

Golaha wasiirada ee Soomaaliya ayaa bishii Sibteembar ansixiyay qabyo qoraalka hasayeeshee qoraalka ayaa dhawaantan un la shaaciyay. Sharciga ayaa waxa uu siinayaa Golaha Qaran ee Warbaahinta awood ay ku soo rogi karaan ciqaab adag, oo ay ka mid tahay ganaax u dhaxeeya US$5,000 ilaa US$10,000, oo lagu soo rogo wariyayaasha iyo warbaahinta lagu helo dambiyo aan sal lahayn, oo ay ka mid yihiin “been abuurad” iyo “borobagaando aan sal lahayn.” Waxaa intaasi dheer, inuu sharcigu sheegayo in Wasaaradda Warfaafinta ay magacaabayso 6 ka mid ah 13-ka xubnood ee golaha uu ka kooban yahay, taasi oo si cad u shaki galinaysa madax banaanida golaha. Qodobada kale ee ku saabsan hab dhaqanka warbaahinta iyo “kuwa aan la diiwaan galin” ayaa baahsan, oo aan si cad loo qeexin, waxaana suuragal ah in si khaldan loo isticmaalo ama ay keento caburin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laf ahaantiisa ballan qaaday inuu tixgalin doono xorriyadda saxaafadda hasayeeshee waxaa jiray xarig taxane ah iyo dacwado lagu soo oogay wariyayaasha intii uu xilka hayay, kuwaasi oo ay fulisay Laanta Sirdoonka Soomaaliya, ee NISA, taasoo aananba awood sharci u lahayn inay  soo qaqabato oo ay xabsi ku hayso shakhsiyaad.

Bishii Febraayo, NISA waxa ay xabsiga ku haysay muddo saddex maalmood ah Maxamed Xaaji Barre oo ka tirsan Idaacadda Danan iyo Ibraahim Maxamed oo ka tirsan Idaacadda Haatuf, iyagoo u cagajugleeyay si xunna u garaacay, iyagoo u sababaynaya inay sawirro ka qaadeen barasaab ku xigeen ku dhaawacmay weerar lagu gaystay gaari ay banbooyin ka buuxeen.

15-kii bishii Agoosto, kaddib markii ay laba idaacadood baahiyeen warar muran dhaliyay, ayaa NISA waxa ay galeen Idaacadda Shabeelle iyo SKY FM waxayna xireen 19 qof oo isugu jiray wariyeyaal iyo hawl wadeeno warbaahineed. Dhowr wariye ayaa sheegay in si xun loola dhaqmay markii su’aalaha lagu waydiinayay goobta loo yaqaan “Godka Jilacow” halkaasi oo ah goob ay wax ku baarto NISA. Saddex kaliya ayaa lagu reebay goobta iyadoo dhammaan intii kalana la sii daayay. Milkiilaha Shabakadda Warbaahinta Shabeelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamed, agaasimaha SKY FM Maxamuud Maxamed Daahir, oo loo yaqaan “Maxamed Carab”, iyo wariye Axmed Cabdi Xasan oo ka tirsan Idaacadda Shabeelle, ayaa lagu xiray eedo ah inay galeen dambiyo aad u sarreeyo oo ah khiyaano qaran iyo inay kicinayeen qalalaase, iyo eedo kale. Tafatiraha Idaacadda Shabeelle Maxamed Bashiir Xaashi, ayaa sidoo kale la xiray. Afartaasi ayaa haatan ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, iyadoon waqti loo qaban dhageysiga dacwadooda.   

3-dii bishii Sibteembar, NISA ayaa waqti kooban xirtay oo su’aalo waydiisay Xasan Cali Geesey, oo ah agaasimaha Idaacadda madaxa bannaan ee Dalsan kaddib markii uu ku dhaleeceeyay amar ka soo baxay NISA oo ugu baaqaya wariyayaasha inay ku koobnaadaan tabinta wararka la xiriira weerrarada ay ciidammada milatariga Soomaaliya iyo Midowga Afrika ku qaadayeen kooxda hubaysan ee Al-Shabaab.

Iyadoo mararka qaar wariyayaasha iyo warbaahinta Soomaaliya ay ka tallaabsadaan hab dhaqanka xirfadooda, ayaa haddana aanu xalka saxda ah ahayn in xanibaadyo cusub lagu soo rogo habka ay u shaqeeyaan. Taa badalkeedana, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo baarlamaanka Soomaaliyaba waa inay xaqiijiyaan in shuruucda cusub ay taageerto saxaafadda xorta ah oo ay dhiirigaliso in xarumaha idaacadaha iyo taleefishinada ay horumariyaan doodo ay bulshada dan ugu jirto oo xirfadaysan laguna tixgalinayo ra’yi kala duwanaanta. Madaxweynaha waa inuu ka joojiyaa ciidammada amniga xadgudubka ay sameeyaan oo uu ku baaqo in baaritaano lagu kalsoonaan karo lagu sameeyo weerarada loo gaysto wariyayaasha, oo ay ka mid tahay eedaha ah in Laanta Sirdoonku ay si xun ula dhaqanto maxaabiista. Wariyayaasha iyo warbaahinta waa inaanan lagu qasbin inay kala doortaan jiritaankooda iyo in ay ka soo waramaan arimaha muhiimka ah.

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.

Region / Country