Suspected insurgents rounded up during a security sweep in Mogadishu's Wardhigley district in May 2013. Those arrested during security operations have on occasion been tried in mass trials before the military court.

Photo courtesy of Tobin Jones

(Nairobi) – Laga soo bilaabo 2011-kii maxkamadaha militariga ee Soomaaliya waxay si ka baxsan awoodooda sharciyeed u  maxkamadeeyeen boqolaal dad ah, dacwadahaas ayaana u dhacay si ka hooseysa heerarka caalamiga ah ee maxkamadeynta caddaalada ah, sidaasi waxaa warbixin ay maanta soo saartay ku sheegtay, Human Rights Watch. Dowladdu waa inay si degdeg ah ugu wareejiso maxkamadaha madaniga ah dacwadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah. Deeqbixiyayaasha caalamiga ah ee ka caawinaya dowladda Soomaaliya horumarinta hannaanka caddaalada ee sida weyn loogu baahanyahay, waa in aanay iska indha tirin isbedel lagu sameeyo maxkamadaha militariga ah, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

Warbixintan ka kooban 36-da bog, oo loogu magac daray “Maxkamado ‘Awood buuxda leh’: Tacaddiyo ka dhan ah Maxkamadeyn Caddaalad ah oo ay Sameyso Maxkamadda Militariga ee Soomaaliya” ayaa waxay qoreysaa tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aasaasiga ah ee maxamadeynta caddaalada ah ee loo geysto eedaysanayaasha la hor keeno maxkamadaha militariga, oo ay ka mid yihiin askarta militariga, dagaalyahannada laga shakiyo iyo taageerayaashooda, askarta booliska ah iyo waliba dadka caadiga ah. Human Rights Watch, ayaa wareysatay in ka badan 30 eedaysaneyaal ah iyo qaraabadooda iyo weliba saraakiil ka tirsan maxkamadda militariga, qareeno iyo khubaro xagga sharciga ah. Waxaay tilmaameen sida hannaanka maxkamadeynta militariga uu u xaddidayo xuquuqda eedaysanayaasha ee ah inay helaan qareen ay iyagu doortaan, inay diyaarsadaan oo ay soo bandhigaan difaac, inay helaan dhageysi maxkamadeed oo dadweynaha u furan, in aanay iyaga dacwad isku oogin iyo inay racfaan u qaataan maxkamad sare kaddib markii la xukumo. In ka badan tobaneeyo qof oo xukun lagu riday sanadii la soo dhaafay ayaa waxaa lagu xukumay dil waana la dilay, arintaasoo sii weyneyneysa dhibaatada ka dhanka ah xuquuqda aasaasiga ah.  

“Waxay u muuqataa maxkamadeynta kooban ee ay sameyso maxkamadda militariga ee Soomaaliya inay u sahlan tahay masuuliyiinta Soomaaliya, balse taasi cudur daar uma noqon karto in lagu tacaddiyo xuquuqda eedaysanayaasha,” sidaa waxaa tiri Leslie Lefkow, oo ah agaasime ku-xigeenka waaxda Afrika ee Human Rights Watch, waxayna intaa ku dartay “Soomaaliya waxa ay u baahantahay inay dib u habeyn ku sameyso maxkamadda militariga oo ay maxkamadeynta dadka rayidka ah u wareejiso maxkamdaha madaniga ah.”

Bishii August ee sanadkii 2011-ka, kaddib dagaal xooggan oo kadhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyo kaddib markii kooxda Islaamiga ah ee mucaaradka ugu weyn ah ee Al-Shabaab ay kabaxday gudaha caasimadda madaxweynihii hore ee dowladdii ku meelgaarka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmad, waxaa uu xukun degdeg ah ku soo rogay goobihii ay Al-Shabaab ka bexeen. Degreetadaas madaxweynaha ayaa siisay maxkamadda militariga awood ay ku dhageysan karto dhammaan dambiyada lagu galo goobahaas– oo ay xitaa ka mid yihiin kuwa ay galaan dadka rayidka ah. Inkastoo xukunkaasi degdega ah uu dhacay saddex bilood kaddib, haddana maxkamadda militariga waxa ay sii waday dhageysiga dacawado kala duwan oo ka baxsan kuwa ku xusan Xeerka Hab Ciqaabeedka Militariga.

Maxkamadda militariga waxa ay dhageysatay kiisas lala xiriiriyay Al-Shabaab, iyo weliba kiisas dhaqan ahaan ku adag maxkamadaha madaniga ah, sida dacwadeynta askar boolis ah iyo kuwa hay’adaha sirdoonka. Heeraka xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah iyo kuwa Afrikaba waxay mamnuucaan in dad rayid ah la hor keeno maxkamadaha militariga, waxayana si weyn ugu booriyaan wadammada inay xaqiijiyaan in awoodaha maxkamadda militariga lagu koobo dambiyada militariga ee ay galaan ciidammada militariga oo kaliya.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo garsoorkuba waxay cudur daar u sameeyeen maxkamadeynta kiisaska la xiriira Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin kuwa ay ku jiraan eedaysanayaasha rayidka ah, iyaga oo u sababeynaya in maxkamadaha caadiga ah aanay laheyn ilaalo ku filan oo ay baylah u yihiin in la weeraro marka la eego xaaladda adag ee dhanka ammaanka ee wadanka ka jirta. Inkastoo ay tahay walaac dhab ah haddana tani cudur daar uma noqoneyso in lagu tacaddiyo xuquuqda ay leeyihiin eedaysanayaasha ee ah inay helaan maxkamadeyn caddaalad ah. Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

Dhawaantan un ayey garsoorayaasha maxkamadda militariga ay u fidiyeen eedaysanayaasha inay helaan qareeno u dooda. Si kastaba, marka la eego qareeno la’aanta ka jirta gobollada koofurta iyo bartamaha ee ay maamusho dowladda iyo hab dhaqanka maxkamadda ay ku maxkamadeyso eedaysanayaal badan, ayaa eedaysanayaashu inta badan waqti kooban oo kaliya waxa ay u helaan qareenada loogu tala galay. Tusaale ahaan, bishii Luuliyo ee sanadkii 2013-ka, maxkamadda wareegta ee militariga ayaa ku dhageysatay magaalada Baydhabo tobanaan kiis mudo afar maalmood gudohood ah. Mid ka mid ah qareenada aqoonta leh ee magaalada ayaa la keenay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee maalintii koobaad ee dhageysiga dacwadda; waxaan layaab laheyn in aanay u suurta galin in uu la kulmo dhammaan eedaysanayaasha, iskaba dhaaf in uu helo fursad uu ku diyaariyo difaac wax ku’ool ah. Waxaa intaa dheer, in qareenada difaaca ay kooban tahay awooddooda ku aaddan inay diyaarsadaan difaac sababtoo ah ma helaan waqti ku filan oo ay ku diyaarsadaan difaaca iyo macluumaadka ku saabsan ashtakooyinka.

Qareen ayaa ku eedeeyay garsoorayaasha maxakamadda inay ka xayiraan in uu helo dukumiintiyada iyo faylasha uu u baahan yahay: “Haddii ay ahaan laheyd maxkamad madani ah waxaa ii fududaan laheyd in aan weydiisto [xukun qoraal ah], balse nimankan jooga maxkamadaha militariga awood buuxdo ayey leeyihiin, lamana hadli kartid. Waxbo ma weydiin kartid, mana ay xushmeeyaan xuquuqul insaanka.’’

Iyadoo aanay caddeyn nidaamka la raaco inta aan eedaysanayaasha la hor keenin maxakamadda militariga, ayaa Human Rights Watch waxay ogaatay in eedaysanayaal badan lagu soo xirxiro hawlgallo ballaaran oo dhanka ammaanka ah oo ay fuliyaan hay’adda sirdoonka iyo mida Amniga Qaranka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (NISA).  NISA ayaa mar maxaabiis heysay muddo dheer iyagoo wax garsoor ah aan helin.

“In laga xaddido eedaysanayaasha inay helaan qareen iyo inay awood u helaan inay difaac sameystaan ayaa sare u qaadeysa halista ah in lagu waxyeeleeyo xabsiyada waxayana wiiqaysaa fursadahooda ku aaddan inay maxkamadeyn caddalad ah helaan,” Lefkow ayaa sidaa tiri. Waxay intaa ku dartay, “Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo deeqbixiyayaasha waa inay taageeraan nidaam adag oo adeeg sharciyeed ah oo xaqiijinaya in dhammaan eedaysanayaasha ku sugan waddanka ay helaan qareeno ku filan.”

Dowladda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo taageerayaasheeda caalamiga ah ayaa waxay sameeyeen dadaal lagu taageerayo sidii dib loogu dhisi lahaa nidaamka caddaalada ee waddanka. Iyadoo xoogga la saarayay isbadal lagu sameeyo maxkamadaha madaniga ah, ayaa deeqbixiyayaal yar oo kaliya waxay doonayaan inay hawlgal ka sameeyaan maxkamadaha militariga.

“Iyadoo la eegayo walaaca ka taagan nidaamka suuban ee caddaalada ee maxkamadaha militariga, Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud waa in uu durbo joojiyo xukunnada dilka ah ee aan weli la fulin si ay u noqoto tallaabadii koowaad ee lagu joojin lahaa xukunka dilka ah”, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Dowladda iyo deeqbixiyayaasha caalamiga ah waa inay xoojiyaan baaxada, isla xisaabtanka iyo amniga maxkamadaha madaniga ah, la ballaariyana tababarro haboon oo la siiyo dhammaan garsoorayaasha, xeer ilaaliyayaasha iyo qareenada difaaca.

Garsoorayaasha maxkamadda militariga waa inay ogolaadaan kormeerayaal maxkamadeed oo madax bannaan, waana inay xaqiijiyaan in dadweynaha ay si wanaagsan u arki karaan hannaanka maxkamadeynta haddii uu amnigu ogolaan karo, Human Rights Watch ayaa sidaa tiri. Baarlamaanka Somaaliya waa inuu dejiyaa xeerar lagu siinayo eedaysanayaasha difaac wanaagsan markii la hor keeno dhammaan maxkamadaha. Xeerarkaasi waa inay ka mid ahaadaan sharci taageeraya helitaanka gargaar sharciyeed iyo sharci ku aaddan amniga qaranka oo tixgalinaya xuquuqaha qeexaya dowrarka kala duwan ee hay’adaha amniga qaranka, sida ku xusan dastuurka ku meel gaarka ah iyo weliba sharciyo xaddidaya awoodda maxkamadda militariga.  

“Dib u dhiska hannaanka caddaalada ee Soomaaliya waqti ayuu qaadanayaa, hasayeeshee tallaabooyin wax ku ool ah ayaa hadda la qaadi karaa,” Lefkow ayaa sidaa tiri. Waxayna intaa ku dartay “Maxkamadaha madaniga ah waxay u baahan yihiin xoojin dhab ah, maxkamadaha militarigana waa inay dib ugu laabtaan maxkamadeynta kiisaska militariga.” Sidaa ayey hadalkeeda ku soo gebagebaysay.