(Nairobi) – Baarlamaanka Soomaaliya waa inuu dib u eeged kusameeyo sharciga qabyo-qoraalka ah ee lagu hirgalinaayo guddiga qaran ee xaquuqul insaanka si loo xaqiijiyo helitaanka guddi adag oo madax bannaan isla markaana leh ogolaansho ballaaran iyo awoodo wax lagu dhaqan galiyo, sida Human Rights Watch ayaa ku sheegtay warbixin manta la soo saaray. Baarlamaanku waa inuu sameeyo dhagaysiyo dadweynaha laga dhagaysanayo aaraadooda ku saabsan sharciga qabyo-qoraalka ah isla markaana waa inuu si ballaaran ula tashado bulshada rayidka ah inta uu hannaanka dib u eegida ahi socdo.

“Guddiga la qorsheeyay ee xaquuqul insaanku wuxuu dowr qiime leh ka cayaari karaa sidii wax looga qaban lahaa carqalada dhanka xaquuqul insaanka ah ee haatan ka socota Soomaaliya,” sidaa waxaa sheegtay Leslie Lefkow, oo ah Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Afrika ee Human Rights Watch. “Laakiin sharci aan xoogganayn wuxuu curyaamin doonaa guddiga ugu horeynba baarlamaankuna waa inuu xaqiijiyo in arintaasi aysan dhicin.” Sidaa ayay raacisay.

Dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya wuxuu dhigayaa hirgalinta guddi qaran oo xaquuqul insaan. Wasaarada Caddaaladu waxay usoo bandhigtay baarlamaanka nooc ah sharcigaa qabyo-qoraalka ah 30kii Maayo, 2013. Wuxuu waqti u qabtay aqrin labaad in lagu sameeyo ka hor inta aan loo soo bandhigin Guddiga Baarlamaaniga ah ee Xaquuqul Insaanka, Arimaha Dumarka,iyo Arimaha Baniaadminimada, kaasoo awood u leh inuu kutaliyo in waxyaabo kujira la badalo.

Dhammaan waqtigii colaada Soomaaliya ee tobanaanka sano qaadatay ay jirtay, Human Rights Watch waxay qoraysay xadgudubyo ba’an sida dilal, kufsi, jirdil, xiritaan dad si aan sharci ahayn loo xiryay iyo dad si aan sharci ahayn loo qabqabanayay, iyo bililiqeysi hanti oo daraf waliba uu ku kacayay. Maadaama ay jirto taariikhda xadgudubyadaas waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo guddiga si uu u soo baaro xataa xadgudubyada siyaasad ahaan xasaasiga ah, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

Sharcigan qabyo-qoraalka ah waxaa kujirta in sare loo qaado isla markaana la badbaadiyo xaquuqul insaanka Soomaaliya, sida faahfaahinta xilka ah in lala socdo isla markaana la soo baaro xadgudubyada ka dhanka ah xaquuqul insaanka. Si kastaba ha ahaatee, sharuudo badan oo muhiim ah oo looga baahan yahay guddi xaquuqul insaan oo wax ku ool ah ayaa waxay ama yihiin kuwo maqaar saar ah ama waxaaba laga saaray qabyo-qoraalka haatan jira, sida Human Rights Watch ay sheegtay.

Guddigu waa inuu haysto ogolaansho ballaaran oo waa inuu lahaado awoodaha muhiimka ah si uu shaqadiisa si wax ku ool ah uga soo baxo, sida inuu si aan la xaddidin ula hadli karo marqaatiyida, heli karo xog, booqan karo goob waliba, iyo in la siiyo awoodaha lagu xaqiijinayo in talooyinkiisa la qaato.

Qoraalku wuxuu bixinayaa hufnaan ku saabsan muddada xubnuhu shaqeynayaan, arintaasoo muhiim u ah madax bannaanida guddiga. Laakiin hannaanka lagu soo xulayo laguna soo magacaabayo xubnaha guddiga waa in wax laga baddalo si loo yareeyo suurtagalnimada in dowladu soo faragashato, iyo in la xaqiijiyo dad badan oo la soo magacaabay oo karti u leh gudashada howlaha guddiga iyo dowr cad oo bulshada rayidka ah ay ku yeelato hubinta murashaxiinta. Baaq cad oo loogu tala galay dadka la soo magacaabayo kaasoo uu daba socdo hannaan soo magacaabid oo hufan oo la tashi oo si sharci ah loo hirgashay waa muhiim.

Intaa waxaa dheer, qaabka soo xulida xubnaha guddiga waa inuu muujiyo muhiimada ah in lagu soo daro xubno dumar ah iyo xubno ka tirsan dadka dhibaatooyinka u nugul, iyo weliba muujinta kala duwanaanshaha qabaailka iyo gobalada Soomaaliya.

“Ma jirto hal qaacido oo qura oo lagu abuuro guddi dhab ahaantii wax ku ool ah oo xaquuqul insaan, laakiin xubnaha guddiga ayaa ah gunta,” Lefkow ayaa sidaa tiri. “Hannaan soo xulid oo furan ee la tashi oo dhala xubno guddi oo aqoon iyo maan xor ah leh wuxuu sare u qaadi doonaa xaqnimo iyo aaminaada dadku ku qabaan.” Sidaa ayay raacisay.

Awoodaha guddigu ku dhaqan galinayo ogolaanshihiisa waxay u baahan yihiin in la sii qeexo. Qabyo-qoraalka haatan jira wuxuu ogolaanayaa inuu bilaabo baaritaano xaquuqul insaan, kuwaasoo guddiga awood u siin doona inuu dejiyo ajendihiisa. Laakiin guddigu wuxuu sidoo kale u baahan doonaa awoodaha bixinta amarka marka la doonayo in qof amar lagu siiyo inuu maxkamad gudaheed marqaati kac ka sameeyo iyo awooda uu ku cunaqabataynayo kuwa hor istaaga shaqadiisa.

Hadii guddiga lagu dhisi lahaa si waafaqsan sharciga qabyada ah asagoo ah sida uu haatan yahay, wuxuu u muuqan lahaa in uusan waafiqi doonin heerarka Mabaadiidii Paris ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa hirgalinta iyo ka shaqeysiinta guddiyada qaran ee xaquuqul insaanka, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Mabaadiidii Paris waxay sheegayaan in guddiyada qaran ay tahay in la siiyo “ogolaanshaha ugu ballaaran ee la awoodo.” Intaa waxaa dheer, guddiga waa in la xoojiyo si uu wax uga dhagaysto qofkii uu doono una helo wixii xog ah iyo wixii dukumiintiyo ah ee lagama maarmaan u ah qiimeyn ku samaynta xaaladaha meelaha uu ka howlgalo ka jira.

Human Rights Watch waxay kula talisay dowlada Soomaaliya in ay dib u eegid ku samayso sharciga qabyo-qoraalka ah si uu u waafaqo Mabaadiidii Paris iyo in la xaqiijiyo in guddigu uu ku soo baxo guddi awooda inuu gacan ka geysto abuurida dhaqan xaquuqul insaan gudaha Soomaaliya.

“Shiriikyada caalamiga ah ee Soomaaliya shirkada la ah waxay aad u jecel yihiin in ay taageeraan hayadaha dowlada, laakiin waa in ay caddeeyaan in taageeradooda loogu tala galay guddi xaquuqul insaan oo cusub ay ku xiranaato sida hayadaha dowliga ah ay ugu dhiiran yihiin guddi firfircoon oo la awood siiyay,” Lefkow ayaa sidaa tiri. “Sharci tabar daran oo si dagdag ah baarlamaanka lagula dhex orday wuxuu ku noqonayaa dhaawac qotto dheer dhibanayaasha xadgudubyada loo geystay ee Soomaaliya.” Sidaa ayay raacisay.