Skip to main content

Kenya: Bixi Dhul Laga Sameeyo Xeryo Cusub oo Qaxooti

In ku Dhow Nus Malyuun Somali ah Ayaa Kaalmo Deg-deg ah ugu Baahan Gudaha Kenya

(Nairobi) – Dawladda Kenya waa inay si deg-deg ah ku diyaarisaa dhul laga sameeyo xeryo cusub oo qaxooti iyadoo ka jawaabaysa mushkilada bani’aadannimo ee ka jirta xeryaha hadda jira ee ku dhow xuduudkeeda Soomaaliya. Waxa sidaa maanta sheegtey hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch. Kenya waa inay sidoo kale u ogolaataa Soomaalida dhowaan timid ee kasoo cararay abaarta iyo dagaallada inay gabbaad ka raadsadaan xeryo qaxooti oon weli la isticmaalin, ayna joojisaa inay tiraahdo gargaarka waxa kaliya oo lagu bixinayaa gudaha Somaaliya. Ayey tiri Human Rights Watch.

Ku dhowaad 100,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa soo gaarey Kenya illaa iyo Jannaayo, haddana qiyaastii 1,300 ayaa maalintiiba soo gasha. Taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee qaxootiga, oo badankoodu yahay Soomaali, in ku dhow 400,000, oo ku jira Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaan kuna nool xaalad bani’aadannimada ka baxsan. Xeryaha waxa markii hore loogu talo-galay 90,000 oo qof. Hase ahaatee mas’uuliyiinta Kenya waa ay diideen inay furaan xero ‘lagu ballaariyey tan Ifo’ taasi oo u diyaarsanayd qaxootiga tan iyo November 2010-ka, waxayna ku guul-darreysteen ogaanshaha baahi deg-deg ah oo loo qabo dhul kale oo dheeri ah si loo yareeyo ciriiriga ka jira xeryaha hadda jira. Mas’uuliyiinta Kenya waxay sidoo kale yiraahdeen waa in qaxootiga kasoo cararaya abaarta tan iyo horraantii sanadkan lagu caawiyaa gudaha Soomaaliya.

“Hadalka dawladda Kenya ee in qaxootiga Soomaaliyeed ay kasoo cararayaan macluul oo kaliya ee aysan ahayn dagaallo, ama ay ku tiri Soomaaliya xilligan waa ammaan waa mid qaldan” ayuu yiri Daniel Bekele, agaasimaha qaybta Afrika ee Human Rights Watch. “Kenya sida muuqata waxa dulsaaran culays aad u weyn, laakiin halkii ay ka dhihi lahayd Soomaalidu dalkooda ha joogaan waa inay iyadu xaqiijisaa waajibaadkeeda inay soo dhoweyso ayna gargaarto Soomaalida ku sugan Kenya.”

Afar sano kadib markii ugu horreysey ee hay’adda QM ee Qaxootiga (UNHCR) ay dawladda Kenya la billowdey wadahadal dhul oo xeryo cusub laga sameeyo, Ra’iisul wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa ku dhawaaqey July 14-keedii 2011, in UNHCR ay adeegsan karto xerada lagu kordhiyey Ifo oo qaadkeeda rasmiga ahi yahay 40,000 oo qof si ay hoy ugu noqoto qaar ka mid ah qaxootiga. Sidaasoo ay tahay ayaa hadana in yar oo qaxooti ah loo ogolaadey degaan geesta goobtii lagu kordhiyey xerada. .

Human Rights Watch waxay sheegtey in Kenya ay shaki la’aan culays weyn kahaystaan xeryaha Dhadhaab ioyo Kakuma oo ay ku jiraan ku dhowaad 400,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah, oo xerada laga yaabo inay xerada uga tagaan xaalado aan caadi ahayn oo kaliya. Tiro qaxooti oo intaas la mid ah ayaa la rumaysan yahay inay ku nool yihiin labada magaalo ee ugu waaweyn Kenya. Nairobi iyo Mombasa, 95% si ay sharcidarro ayey ku joogaan.

Warbixinteedii ay soo saartey 2009-ka ee “Argagax iyo Quusasho” Human Rights Watch waxay ururisey xaalado ba’an oo ay sababeen ciriirigii ka jiray xeryaha Dhadhaab sida musqulo la’aan xad dhaaf ah, hoy la’aan, helista biyaha oo xadidan, iyo daryeel caafimaad oo liita.  Human Rights Watch waxay ugu baaqdey QM iyo Kenya to qoondeeyaan dhul dheeraad ah oo xeryo laga sameeyo.

Dhadhaab oo ay ku jiraan 400,000 oo qaxooti ah oo ku nool dhul loogu talo galay 90,000 iyadoo illaa 40,000 ay suuro-gal tahay in loo raro xerada lagu kordhiyey Ifo, waxay Human Rights Watch sheegtay in Kenya looga baahan yahay inay keento dhul dheeri ah oo la dejiyo ugu yaraan 300,000 oo qaxooti ah si loo xaqiijiyo in meelaha la dejiyey ay leeyihiin waxa ugu yar ee hoy lahaan karo sidoo kalena meel ay degaan la siiyo qaxootiga imanaya bilaha soo socda.

“Kenya waa inay ama xurmaysaa xaqa ay qaxootiga Somalidu u leeyihiin inay si xor ah dalka gudihiisa isaga gudbaan, ama ugu yaraan, xaqiijisaa inay ku nool yihiin xeryo xaaladooda la aqbali karo,” Ayuu yiri Bekele. “Natiijadu nasiib darro waa mid iska cad: Hoy xaaladiisa la aqbali karo waa in la helo dhul dheeri ah oo qaadi kara ugu yaraan 300,000 oo qaxooti ah.”

Hadal si rasmi ah dawladu u soo saartey 21-kii July, oo daba jooga kuwo hore ee wasiirada dawladda, ayaa lagu sheegey in xallinta qaxootiga soo fatahmaya aan laga helayn Kenya oo kaliya ee qaxootiga waa in lagu gargaara dalal kale, gaar ahaan gudaha Soomaaliya qudheeda. Hadalka dawladdu waxa uu sidoo kale ku andacoodey in qaxootigu aysan kasoo qaxin dagaallo balse ay ka soo cararayaan abaaraha oo kaliya.

Sida uu qabo sharciga caalamiga ah, baahida loo qabo in dadka lagu gargaaro laguna ilaaliyo gudaha dalkii ay markii hore ka yimaadeen kama saamaxayso dalka ay qaxootigu tegayaan mas’uuliyaddii ka saarnayd ilaalinta qaxootiga, ayey tiri Human Rights Watch. Oo sidoo kalena diidey sheegashada in qaxootiga dhowaan yimid ay yihiin uun dhibanayaal abaarta oo lagu caawin karo gudaha Soomaaliya. Macluusha iyo dagaalladu si aad ah ayey isugu xiran yihiin, ayey sheegtey Human Rights Watch.

Hadalka dawladda ee in qaxootigu ay ammaan ku ahaanayaan gudaha Soomaaliya waxa uu si aan toos ahayn u tixraacayaa ‘soohdin difaac ah’ oo dhowaan laga abuurey gudaha Soomaaliya oo ay Kenya taageereysey si loogu celiyo qaxootiga iyo hubka sharcidarrada ah ee ku qulqulaya

Kenya. Goobtaasi ma ahan mid ku filan inay ku nabad galaan Somaalida gudaha ku barakacay, ayey sheegtey Human Rights Watch.

Si loo abuuro soohdin difaac, Kenya waxay gacan ka gaysatey iintii u dhexeysey Maarso iyo May daabulidda maliishiyaad ay iyadu soo tababartey si ay uga dhinac dagaalllamaan ciidamadda dawladda TFG-da si al-Shabaab looga kiciyo deeggaannada Soomaaliya ee ku yaalla xuduudka ay la wadaagto Kenya, gaar ahaan deegaannada ku dhow Dhoobley. Al-Shabaab ayaa ka taliya inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa uu dagaalku barakiciyay tobannaan kun oo rayid ah, oo badankood u qaxeen Kenya. Soohdinta difaac ee ka dhalatey oo – qiyaastii 80km oo ballac ah iyo 100km oo dherer ah waxay kasoo billaabataa waqooyi illaa koonfur kuna aaddan qaybo ka mid ah Gobolka Waqooyibari Kenya, ayna ku jiraan Xeryaha Dhadhaab. Madaxweynaheeda is magacaabey, Prof. Abdi Gaandi, wuxuu ugu yeeraa inay tahay is maamul-goboleedka Azania, sidoo kalena loo yaqaan Jubaland.

Inkastoo al-Shabaab ay ka tageen soohdinta difaaca ah, xaaladda halkaasi weli waa mid aad u kacsan nabadna aan ahayn, ayey sheegtey, Human Rights Watch. Ballanqaadyada dawladda Kenya ay ku sheegeyso in deegaanku yahay “mid dagaallo aysan ka jirin” ama ah awooda inuu siiyo meel ay ku badbaadaab dad ku dhowaan kara boqollaal kun oo barakacayaal ah, waa hadal aan sugnayn.

“In ka badan malyuun rayid ah oo ay saameeyeen dagaallada oo ay ku jiraan dad gudaha Soomaaliya ku barakacay ayaa si deg-deg ah ugu baahan gargaar,” ayuu yiri Bekele. “Xitaa haddii kaalmo la geeyo gudaha Soomaaliya, Kenya waa inaysan taas ka dhigan marmarsiinyo ay uga dhuumato waajibaadkeeda inay caawiso ayna ilaaliso qaxootiga Soomaaliyeed.”

Human Rights Watch waxay sheegtey in inkastoo mas’uuliyiinta Kenya ay qabaan walaac sax ah oo ku saabsan saamaynta qaxootiga faraha badan ku reebayo deegaan ahaan iyo ammaan ahaanba, hadana tani cudurdaar uma noqonayso diidmadooda in la abuuro xeryo dheeri ah ama soo jeedintooda in qaxootiga dhowaan soo gelay lagu caawiyo gudaha Soomaaliya. Qaxootiga oo laga hor-istaago inay galaan Kenya ama dib loogu celiyo xeryo ku yaalla Soomaaliya waxay xadgudub ku tahay waajibaadka saaran Kenya sida sharciga caalamiga ahi qabo, ayey sheegtey Human Rights Watch. Gaar ahaan Cahdigii qaxootiga Afrika ee 1969-kii, ee mamnuucayay “in xuduudka laga celiyo” sidoo kalena in qaxootinnimo loo aqoonsado dadka ka soo cararaya cadaadiska oo kaliya ma ahane ee sidoo kale kuwa ay saameeyeen dhacdooyin wax u dhimaya xasiloonida guud oo ka jira qayb ama gebi ahaan dalkaooda oo dhan.

Human Rights Watch waxay sidoo kale sheegtey in iyadoo tiro aad u badan oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay ku jiraan xeryahay Dhadhaab, hadana Kenya sanadoba ku socotey siyaasad lagu xakamaynayo Soomaalida magangalyo doonka ah iyadoo lagu salaynayo walaac laga qabo ammniga guud.

Bishii Jannaayo 2007, mas’uuliyiinta Kenya waxay rasmi ahaan xireen xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya iyagoon ka reebeyn dad magangalyo doonka ah oo sida uu qabo sharciga Kenya xaq u leh inay galaan Kenya ayna codsadaan magangalyo. Xuduudka la xirey waa uu UNHCR ku qasbey inay xirto xarunteedii qaabilaadda qaxootiga ee ku taal magaalada xuduudka Kenya ku taal ee Liboi. Soomaalida badankoodu waxay Kenya kasoo galaan dhinaca Liboi ka hor intaysan u safrin xeryaha Dhadhaab oo 90km u jira.

Xaruntii baarista – oo lagu diiwaangelinayey qaxootiga oo dhan, baaritaan caafimaadna lagu samayeynayey inta aan si nabadgelyo ah loogu kala gudbin xeryaha weli waa ay xiran tahay. Waxaana taas ka dhashey in tan iyo 2007-dii ay tobannaan kun oo magangalyodoon ah isticmaalaan habab ay si qarsoodi ah uga soo tallaabayaan xuduudka dhibka badan oo ay Kenya soo galaan si ay xeryaha u gaaraana waxay sii maraan dhul qarda-jeex ah iyagoo ka dhuumanaya boliiska Kenya iyo tuugadaba.

Warbixintii ay Human Rights Watch, soosaartey Juun 2010-ka ee “Kusoo dhowow Kenya: Xadgudubyada Boliisku u geysto Qaxootiga Soomaalida” waxaa lagu ogaadey in horraantii 2010-ka oo kaliya boqollaal, lagana yaabo kumannaan, Soomaali ah oo bixinwaayey lacagta baadda ah ee boliisku ka dalbado in dib loogu celiyey Soomaaliya. Dib u celinta qasabka ah waxay xadgudub ku tahay sharciyada Kenya iyo kan caalamiga ahba, oo mamnuucaya in qasab dib loogu celiyo cadaadis, jirdil, iyo xaalad ay jirto xadgudubyo baahsan. Dawladdu waxay samaysey koox baarayaal khaas ah oo soo eega xadgudubyada boliiska, oo ay ku jiraan kufsi, iyo boliiska oo ka baaqsadey inuu joojiyo weerarrada ay dembiilayaashu kula kacaan dadka magangalyo doonka ah marka ay u kala socdaan xuduudka iyo xeryha, laakiin wixii kooxdu baaritaankooda ku heshey lama faafin.

Warbixinta Human Rights Watch ee 2010-ka waxay sidoo kale heshey siyaasadda Kenya ee ay si sharci-darro ah uga mamnuucdey in qaxootiga badankiis oo ka diiwaangashan xeryaha ay u safraan qaybaha kale ee dalka Kenya, haddii aysan wadanin ruqsad gaar ah oo ah sababo ay ka mid yihiin ballan caafimaad ama waxbarasho Nairobi ah. Sida sharciga caalamiga ahi qabo Kenya waa inay sabab u yeesahaa mamnuucidda caynkaas ah, ayna ahaadaan xayiraad aad u yar so loo ilaaliyo amniga qaranka, kala-dambaynta iyo caafimaadka dadweynaha, taasoo ay Kenya ku guuldarreysatey inay samayso. Sanadkii 2009-, maamulayaashu 6,000 oo kaliya ayey u ogolaadeen inay dibedda uga bixi karaa xeryaha dadku isaga batey ee Dhadhaab oo ay ku jiraan in ku dhow 300,000 oo qaxooti ah.

“Sida ay kenya uga lug jiideyso inay bixinta dhul dheeri ah iyo soojeedinteeda in soomaalidu joojiyaan inay Kenya soo magansadaan waxaa u wehliya sanado siyaasado xayiraad ah oo ka dhan ah qaxootiga Soomaalida”. Ayuu yiri Bekele. “Kenya waa inay firsadan u isticmaashaa mid ay isbedel ku samayso ayna ku xoojinayso taageerada caalamiga ah ee lagu gargaarayo laguna ilaalinayo Soomaalida ku caddiban gudaha Kenya.”

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.

Region / Country