Skip to main content

Somalia

Events of 2023

Soomaali barakacayaal ah oo ka baxaya xeryahooda kaddib markii daadad xooggan ay soo galeen hoygooda ku meel-gaarka ah oo ku yaalla Muqdisho, Soomaaliya, Nofeembar 13, 2023.

© 2023 AP/Faarax Cabdi Warsameh

Dagaallo ka qarxay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya ayaa sababay dhimashada boqolaal qof oo rayid ah iyo barakaca dad kudhow 650,000. Inkastoo waddanku uu ka badbaaday xaalad macluul ah, ayaa shan xilli roobaad oo si xiriir ah u baaqday waxay horseedeen saameyn xooggan oo ku aaddan helitaanka cunnada iyo caafimaadka, iyada oo ugu yaraan 4.3 milyan oo qof ay si degdeg ah ugu baahan yihiin cunno gargaar ah.

Dagaal culus ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ee ay isku hayaan Somaliland iyo Puntland, waxaana uu dagaalku u dhexeeyay ciidamada ammaanka ee Somaliland iyo maleeshiyo beeleed taabacsan beesha Dhulbahante. Waxaa dagaalkaas ku dhintay tobannaan qof oo rayid ah, halka in ka badan 154,000 oo qof ay ka barakaceen guryahooda, ama, in badan oo ka tirsan ay u qaxeen  Itoobiya.

Ururka hubeysan ee Al-Shabaab ayaa fuliyay weerarro aan kala sooc lahayn iyo kuwo bartilmaameedsan oo ay ku dhinteen boqolaal qof oo rayid ah. Duullaan ka dhan ah Al-Shabaab oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud shaaciyay 2022 isla markaana ay bartamaha dalka ka billaabeen ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleed taabacsan ayaa sababay barakaca dad rayid ah. Bishii Maarso, Madaxweynaha ayaa shaaciyay in hawlgal cusub uu ka billowday koonfurta Soomaaliya.

Bishii Juunyo, Hawlgalka Kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya (ATMIS) ayaa dalka ka saaray 2,000 oo askari oo ka mid ah ciidamadiisa lagu qiyaasay 20,000, tallaabadaas oo qeyb ka ah bixitaankooda la filayo inuu soo gebagaboobo dhammaadka 2024. Dowladda Soomaaliya ayaa bishii Siteembar codsatay in dib loo dhigo bixitaanka 3,000 oo askari oo dheeraad ah.

Dowladdu waxba kama aysan bedalin sharciga aan casriga la jaanqaadi karin ee Xeerka Ciqaabta. Waxay dowladdu meelmarisay sharci u oggolaanaya hay’adda dhibaatada badan geysatay ee sirdoonka qaranka awooddo ballaaran oo ay dadka ku xiri karto kuna dabageli karto. Dhammaan maamullada ka jira dalka ayaa handaday oo si aan loo meeldayin u xiray weriyayaal.

Waxaa Soomaaliya dembi ka ah in dadka isku jinsiga ah ay wax iska dayaan, waxaana dadka arrintaa lagu ogaado ay mutaysan karaan saddex sano oo xabsi ah.

Weerarrada loo geysto dadka rayidka ah

Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), dagaallada ku soo kordhay qeybo kamid ah dalka ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawacyo badan oo dadka rayidka ah.

Weerarrada bartilmaameedsan iyo kuwa aan kala sooca lahayn ee uu ururka Al-Shabaab u adeegsado gawaaridda laga soo buuxiyay walxaha qarxa, shakhsiyaadka is qarxiya, hoobiyayaasha iyo weliba dilalka qorsheysan ayaa dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah. Ururka ayaa weerarro ka fuliyay deegaannada ay dowladdu ku qabsatay hawlgallada ka socda bartamaha Soomaaliya.

Bishii Juunyo, ciidamada amniga ee Puntland iyo xooggag mucaarad ah ayaa ku dagaallamay magaalo madaxda maamulkaas ee Garowe, kadib markii uu baarlamaanku ka dooday in wax ka bedal lagu sameeyo hannaanka doorashada, iyada oo mucaaradku ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Puntland inuu doonayo muddo kororsi. Warbaahinta ayaa ku warrantay in ugu yaraan 26 qof ay ku dhinteen iska hor imaadkaas.

Mudadii u dhexaysay Janaayo ilaa Siteembar, 1.5 milyan oo qof oo horleh ayaa ka barakacay guryahooda, 40% dadkaas waxay ka soo carareen colaado, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka wareejin maxkamadda ciidamada kiisaska dadka loo haysto Al-Shabaab, si dacwadooda loogu qaado maxkamadaha rayidka. Dhammaan maamullada ka jira Soomaaliya ayaa fuliyay xukunno dil ah, oo intooda badan ay xukuntay maxkamadda milateriga taas oo hareer marsan heerarka caalamiga ah ee maxkamadeynta cadaallada ku salaysan.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa iyaguna xukun dil ah ku fuliyay shakhsiyaad ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen dowladda iyo ciidamo shisheeye, dadkaas oo aan inta badan la marsiin xukun cadaalad ah.

Bishii Maarso, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay xeerka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA), kaas oo hay’adaas tacaddiyada geystaya siiyay awooddo ballaaran oo ay kamid yihiin xarig, xabsi ku hayn iyo dabagalka dadka, iyada oo aanay jirin cid si madax bannaan dusha ugala socota hawlaheeda.

Barakaca iyo Helitaanka Gargaarka Bani’aadannimo

Dhibaatooyinka bani’adaannimo ee Soomaaliya ayaa weli ah kuwo adag. Kadib shan sano oo uusan dalku helin roobab ku fulin, ayaa gugii bisha Maarso ilaa Juunyo waxaa uu noqday mid ka roob badan sidii la saadaalinayay, waxaana ay taasi gacan ka geysatay in ay yaraadaan culaysyadii jiray, gaar ahaan sicirka cunnada. Hase yeeshee roobabka ayaa dhaliyay fatahaado sababay in tobanaan kun oo qof ay ka barakacaan qeybo kamid ah dalka.  

Qaramada Midoobay ayaa saadaalisay in inta u dhexeysa Oktoobar iyo Diseembar 2023, la filayo in ku dhawaad 4.3 milyan oo qof ay si weyn ugu baahdaan gargaar cunno; inta u dhexeysa Agoosto 2023 iyo Luuliyo 2024,iyada oo 1.5 milyan oo carruur ah ay ku dhici doonto nafaqa darro. Soomaaliya ayaa si weyn ugu tiirsan cunnada dibedda looga soo dhoofiyo.

Ururka Al-Shabaab ayaa sii waday go’doominta uu ku hayo magaalooyinka ay maamusho dowladda. Bishii Luuliyo, muddo 10 maalmood ah ayaa waxaa uu ururkaas xiray wadooyinka soo gala magaalada Baydhabo.

Hay’adaha samafalka ayaa waxaa ku adkaatay in ay gaaraan dadka u baahan gurmadka. Caqabadaha ay wajaheen waxaa kamid ah colaadaha, weerarrada lagu bartilmaameedsado shaqaalaha gargaarka, xayiraado ay soo rogeen dhinacyada dagaallamaya, canshuur aan loo meeldayin, caqabado dhanka maamulka ah, iyo wadooyinka oo xirmay roobabka awgood.

Bishii Luuliyo, Médecins Sans Frontières (Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn ee MSF) ayaa shaacisay in ay ka baxayso magaalada Laascaanood kadib dagaal muddo socday iyo weerarro soo noq-noqday oo lagu beegsaday xarumaheeda ayna ku dhaawacmeen qaar kamid ah shaqaalaheeda caafimaadka.

Shacabka Soomaaliya ayaa weli wajahaya argagax heerkiisu sareeyo oo ka dhashay colaadda daba dheeraatay iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo. Sidaa oo ay tahayna, waxaa dalka aad u kooban xarumaha lagula tacaalo xanuunnada dhimirka.

Xorriyada Hadalka

Maamullada heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa sii waday cadaadiska, cagajugleynta iyo xariga ay u geystaan weriyayaasha. Cabdalle Axmed Mumin oo ah xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa bishii Febraayo waxaa xukuntay maxkamad, afar bilood kadib markii xabsiga loo taxaabay, isagoo loo haystay in uu walaac ka muujiyay amar ka soo baxay dowladda oo lagu xakameynayay tebinta wararka la xiriira arrimaha amniga qaranka. Maxkamadda ayaa marka ay xukunka riday amartay in la sii daayo Cabdalle, maadaama uu xabsiga ku qaatay mudada lagu xukumay. Waxaa markale la qabtay 10 beri kadib, isaga oo ugu dambeyn la sii daayay 26-kii Maarso. 

Bishii Agoosto, weriye Maxamed Ibraahim Cismaan Bulbul oo ka tirsan telefishinka gaarka loo leeyahay ee Kaab TV iyo ururka SJS ayaa la xiray oo lagu eedeeyay in uu “sharaf dhac ku sameeyay Qaranka” iyo in uu “faafiyay warar been abuur ah.” Xarigiisa ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii uu tebiyay war sheegaya in dowladdu ay si khaldan u isticmaashay lacag Midowga Yurub uu u qoondeeyay tababarka booliska. Garsoore ka tirsan maxkamada sare ayaa sheegay in weriyaha aan lagu qaadi karin xeerka ciqaabta, waxaana markii dambe uu bishii Oktoobar amray in la sii daayo Maxamed. Sida ay ku warrantay hay’adda CPJ, bogga internet-ka ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa bishii Agoosto la kulmay weerarro lagu jabsan rabay.

Tacaddiyada Galmada iyo Jinsiga

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay weli jiraan dhacdooyinka tacaddiyada galmada iyo xadgudubyada kale ee jinsiga ee ka dhasha colaadaha ayadoo ay kujiraan tacaddiyo ka dhan ah gabdhaha. Qaramada Midoobay ayaa diiwaangelisay sare u kac ku yimid tacaddiyada jinsiga laga soo billaabo 2022, iyadoo dhacdooyinka ugu badan laga diiwaangeliyay dhibaatooyinka dumarka iyo gabdhaha yaryar loogu geystay xeryaha dadka soo barakacay.

Xilliga la qorayay warbixintan, waxaan weli baarlamaanka Soomaaliya la horgeyn hindise sharciyeedka dembiyada jinsiga 2018, oo ah xeer si wanaagsan loo dhigay, kaas oo hakad galay kadib khilaaf ka dhashay oo salka ku haya arrimo diini ah. Xeerka ciqaabta ee Soomaaliya ayaa ku qeexa tacaddiyada galmada “dembiyo ka dhan ah sharafta iyo karaamada qofka” halkii uu ku tilmaami lahaa ku xadgudubka sharafta jirka qofka.

Tacaddiyada ka dhanka ah Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa diiwaangelisay tacaddiyo waaweyn oo ka dhan ah carruurta, sida dil iyo dhaawac, askareyn iyo xadgudubyo galmo. Waxaa sii socday weerarrada ka dhanka ah goobaha waxbarashada.

Carruurta ayaa loo xiraa in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab. Khabiirka madaxa bannaan ee xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ayaa ku warrantay in laamaha ammaanka ee dalka oo ay kamid yihiin xubnaha hay’adda NISA, ay kordhiyeen qabashada iyo xariga ka dhanka ah carruurta ee deegaannada ay dhawaan dowladdu ka qabsatay Al-Shabaab. Khabiirka ayaa walaac ka muujisay xukun dil ah oo maxkamadda ciidamada ee Puntland ay ku riday lix dhalinyaro ah oo qaarkood aysan qaangaar ahayn goorta uu dhacay fal dembiyeedka lagu eedeeyay.

Bishii Luuliyo, dowladda federaalka ayaa ansixisay hab lagu xaqiijinayo da’da, tallaabadaas oo ay Qaramada Midoobay sheegtay in loogu tala galay in lagu yareeyo askareynta carruurta iyo in lagu xiro ama lagu maxkamadeeyo hannaanka loo dejiyay dadka waaweyn.

Xilliga la qorayay warbixintan, hindise sharciyeed si maxalli ah loogu hirgelinayo Axdiga Xuquuqda Carruurta ayaa weli horyaallay baarlamaanka.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta (UNICEF) ayaa sheegtay in qiyaastii 45% gabdhaha Soomaaliya la guursado iyaga oo aan gaarin 18 jir. Lama soo bandhigin qiyaasta wiilasha ee guurka xilliga hore.

Somaliland

Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyo beeleed taabacsan beesha Dhulbahante ayaa bishii Febraayo 2023 ka bilowday magaalada Laascaanood, kadib bilooyin ay xiisad ka taagneyd magaaladaas lagu muransanaa.

Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Qeybtiisa Xuquuqda Iyo Difaaca Aadanaha, ayaa diiwaangeliyay in rabshadaha ka dhacay magaalada mudadii u dhexaysay Diseembar ilaa Juunyo ay 552 qof oo rayid ah ku waxyeeloobeen, 87 kamid ah ay dhimasho ahayd. Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen dagaalka halka dhaawacu uu kor u dhaafay 600 oo qof, tobanaan kamid ahna ay ahaayeen rayid isugu jira carruur, dumar iyo shaqaalaha caafimaadka. Hay’adda ICRC ayaa daweysay dhaawacyada 1,700 oo qof oo ku waxyeeloobay dagaalka.

Baaritaan ay samaysay hay’adda Amnesty International ayaa lagu ogaaday in ciidamada Somaliland ay magaalada u geysteen duqeyn aan kala sooc lahayn, isla markaana ay duqeyntaas waxyeelo ka soo gaartay cisbitaallo, iskuullo iyo masaajid. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in markii uu dagaalku bilowday ilaa bishii Abriil ay magaalada ka barakaceen dad tiradoodu u dhexayso 154,000 ilaa 203,000 oo qof, intooda badanna ay yihiin dumar iyo carruur. Dadkaas badankood waxay u qaxeen deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Dagaalka ayaa socday xilliga la qorayay warbixintan.

Maamulka Somaliland ayaa sii waday xayiraadda uu ku hayo xorriyada hadalka iyo warbaahinta. 15-kii Maayo, booliska Somaliland ayaa ku xiray meel u dhaw xuduudda Itoobiya weriye Bushaaro Cali Maxamed. 15-kii Agoosto, Bushaaro ayaa lagu xukumay hal sano oo xabsi ah, iyada oo lagu eedeeyay in ay sharaf dil ku samaysay hay’adaha dowladda.

Daneeyayaasha Caalamiga ah ee Ugu Waaweyn

Lacagaha lagu bixiyo kaalmada bani’aadannimo ee Soomaaliya ayaa soo hagaagay dhamaadkii 2022, balse weli waxay ka hooseeyeen intii loo baahnaa si wax looga qabto xaaladda. Xilliga warbixintan la qorayay, deeqaha la helay ayaa dhamaa 36% inta ay Soomaaliya u baahnayd. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Soomaaliya booqday bishii Abriil ayaa ugu baaqay deeq bixiyayaasha in ay kordhiyaan lacagaha ay ku caawiyaan qorshaha bani’aadannimada ee Soomaaliya.

Bishii Siteembar, Midowga Yurub ayaa si kumeelgaar ah u hakiyay dhaqaalaha uu siiyo Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) kadib markii baaritaan gudaha ah oo ay samaysay Qaramada Midoobay la sheegay in lagu ogaaday caddeymo muujinaya in macaawinada ay leexsadaan ama ay xadaan bakhaarleyda, maamullada maxalliga ah iyo ciidamada ammaanka. Bishii Maarso, Midowga Yurub ayaa ansixiyay kaalmo dheeraad ah oo dhan 110 milyan oo Euro taas oo lagu caawinayo ciidamada Soomaaliya iyo hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa qiray in uu fuliyay ugu yaraan 13 duqeyn cirka ah oo uu ku taageerayay ciidamada dowladda Soomaaliya ee bartamaha dalka kula dagaallamaya Al-Shabaab. Bishii Siteembar, taliska Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in uu gacan ka geystay daadgureynta dad rayid ah oo ku dhaawacmay hawlgal ay ciidamada dowladda ka fuliyeen degmada Ceel Lahelay. Bishii Janaayo, Maraykanka ayaa siiyay ciidamada Soomaaliya kaalmo milateri oo dhan 9 milyan oo dollar, taasoo ahayd kaalmadii ugu horreysay ee si toos ah uga timaada Maraykanka tan iyo markii uu ciidamadiisa, oo ay ku jiraan kuwa sida gaarka ah u tababaran dib ugu soo celiyay Soomaaliya sanadkii 2022.

Ururka ka warrama xasaradaha caalamka ICG ayaa sheegay in diyaaradaha drones-ka Turkiga ay sidoo kale duqeymo ka fuliyeen gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe.

Wakiillo ka socda waddamada Soomaaliya ka taageera amniga ee loo yaqaan “Quintet” oo kala ah Qatar, Turkiga, Isutagga Imaaraadka Carabta(UAE), Maraykanka iyo UK ayaa kulan ay yeesheen bishii Juunyo waxay ku taageereen duullaanka milateri ee ay qaaday dowladda Soomaaliya iyo dedaalladeeda ay ku xaqiijinayso in ay gaarto “shuruudaha farsamo ee ku xiran maareynta hubka iyo rasaasta si Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu gebi ahaanba uga qaado Dowladda Federaalka ee Soomaaliya cunaqabateynta hubka.”

Bishii Febraayo 2023, Isutagga Imaaraadka Carabta(UAE) iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis amni oo lagu xoojinayo iskaashiga milateri, amni iyo ka hortagga argagixisada. Heshiiska ayaa u oggolaanaya Imaaraadka in uu saldhigyo milateri ka dhisto Soomaaliya.