Skip to main content

Soomaaliya: Ha La Baaro Dilalka Wariyeyaasha

Afar Wariye oo Soomaali ah Ayaa La Dilay 24 Saacadood Gudahood; 13 Wariye ayaa Guud Ahaana La Dilay Sanadkan 2012ka

(Nairobi) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, waa in uu si dhaqso ah amar ugu bixiyo in la sameeyo baaritaanka dilalkii loo geystay afar wariyeyaal kuwaasoo lagu dilay muddo 24 saacadood ah gudaheed 20kii Siteembar, 2012, ururka xaquuqul insaanka u dooda ee Human Rights Watch ayaa sidaa shgeegay maanta. Dowlada cusub waa in ay qaado tillaabooyin lagu siinayo badbaado intii hore ka wanaagsan wariyeyaasha, oo 13 ka mid ahaa la dilay sanadkaan.

“Wariyeyaasha Soomaaliyeed waxay muddo dheer meesha sare ka galeen liisaska dadka ay bartilmaansadaan dhinacyada is haya oo dhan intii uu wadanka ka socday dagaalka sokeeye ee daran,” sidaa waxaa tiri  Leslie Lefkow, oo ah agaasime ku-xigeenka qeybta Afrika ee Human Rights Watch. “Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu qaadi karaa tillaabo si loo soo afjaro falalka isdaba joogga ah ee noocaan ah isagoo amraaya baaritaano dagdag ah oo qotto dheer oo lagu sameynayo dilalkaan.”

Fiidnimadii hore ee maalintii taariikhdu ahayd 20ka Siteembar, saddex wariyeyaal ah ayaa la dilay shan kalena waa la dhaawacay markii laba qof oo is miidaamiyay ay isku qarxiyeen maqaayad caan ah oo kutaala degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi guud ahaan ku dhintay 15 qof. Wariyeyaasha halkaa lagu dilay ayaa waxaa magacyadoodu yihiin Cabdisataar Daahir iyo Liibaan Cali Nuur oo u shaqeyn jiray Talefishinka Qaranka  ee SNTV iyo Cabdiraxmaan Yaasiin Cali oo u shaqeyn jiray Radiyoow Xamar

Subaxnimadii maalintii xigtay ee taariikhdu ahayd Siteembar 21 dablay ahaa labo ama kabadan ayaa si xun u toogtay Xassan Yuusuf Absuge, oo ahaa wariye caan ah oo u shaqeynayay Radiyoow Maanta, waxa uu waqtigaas ku sugnaa meel ku dhow xarunta idaacada ee degaanka Yaaqshiid , ee Muqdisho.

Af hayeen u hadlay kooxda hubeysan ee al-Shabaab ayaa war baahinta u sheegay in taageereyaashoodu ay qaadeen weerarka ismiidaaminta ah ee la qaaday 20kii Siteembar, laakiin wuxuu sheegay in aysan iyagu amrin in weerarkaas la qaado. Dowlada Soomaaliya ayaa sida lagu soo waramayo shaaca ka qaaday in ay la xisaabtami doonto dadkii qaraxaas ka dambeeyay.

Ugu yaraan shan qof oo kale oo wariyeyaal iyo shaqaale warbaahin oo kale isugu jiray ayaa rag hubeysani ay ku toogteen gudaha Muqdisho isla sanadkaan gudihiisa toogashooyinkaas oo la mid ah tan lagu dilay Xassan Yuusuf, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay. Afarta kale waxa loo dilay siyaabo kale .

Tan iyo markii colaadu ay laba kacleysay sanadkii 2007-dii, weriyeyaasha Soomaaliyeed waxay dowr muhiim ah ka ciyaareen soo baarida iyo ka waramida xadgudubyada ay geystaan dhammaan dhinacyada dagaalka Soomaaliya isku haya. Dadaaladooda waxaa ka soo gaaray dhibaato culus. Dowlada iyo xooggaga mucaaradka ahba waxay bartilmaansadeen wariyeyaal waxay xadideen xaqa xorriyatul qowlka. Sida laga soo xigtay Guddiga loogu tala galay Badbaadinta Wariyeyaasha ee  marka magaciisa la soo gaabsho loo yaqaano CPJ,  ugu yaraan 47 wariye ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992.

Laga soo bilaabo bishii Diseembar 2011 kaliya, 13 qof oo isugu jiray wariyeyaal iyo shaqaale kale oo warbaahinta u shaqeyn jiray ayaa lagu dilay meelo dowladu ay gacanta ku hayso. Ayadoo dowladii hore ee Faderaalka Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya ay ballan qaaday in ay soo baarayso dilal ka mid ah dilalkaan, majirto qof dacwad dartood loogu soo oogay.

20kii Agoosto, 2012, ogolaanshihii ama muddadii dowladii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya ayaa dhamaaday intaa kadibna waxaa la xushay afhayeen cusub oo baarlamaan iyo madaxweyne cusub.

Dowladaha taageerada siinaya dowlada Soomaaliyeed ee cusub waa in ay sare u qaadaan xaqa xorriyatul qowlka, taasoo ay kujirto badbaadinta wariyeyaasha, Human Rights Watch ayaa sidaa sheegtay.

“Wadamada sida dhabta ah ugu dhiiran bilowyada cusub ee Soomaaliya waa in ay mudnaan siiyaan ka hortagida dilalka naxariis darrada ah ee loo geysto wariyeyaasha,” Lefkow ayaa sidaa sheegtay. “Taageereyaasha howsha la wada Soomaaliya waa in ay dowlada cusub ku cadaadiyaan in ay samayso baaritaano la aamini karo oo lagu samaynayo dilalkaan waana in ay dowlada arintaa gacan ku siiyaan.”

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.

Region / Country