Skip to main content

World Report 2015: Soomaaliya

Events of 2014

Ciidamada AMISOM oo ilaalinaya xerada barakacayaasha ee loo yaqaan Zona-K ee ku taal xaafada Hodan ee Magaalada Muqdisho bishii Juun ee sandkii 2012-ka.

©2012 Clar Ni Chonghaile

Keynote

 
Tyranny’s False Comfort

Why Rights Aren’t Wrong in Tough Times

Essays

 
Internet en la encrucijada

Cómo la vigilancia del gobierno amenaza nuestra forma de comunicarnos

 
Deadly Cargo

Explosive Weapons in Populated Areas

 
Placer la barre plus haut

Événements sportifs de grande envergure et droits humains

Kooxaha hubaysan ee Soomaaliya mudada dheer ku dagaallamaya ayaa sii wada inay shacabka barakiciyaan, dilaan oo ay dhaawacaan.Xannibaada saaran in gargaar la siiyo dadka ayaa sii badinaya dhibaatooyinka xuquuqul insaanka iyo kuwa gargaar bixinta.

Kooxda hubaysan ee Islaamiga ah ee Al-Shabaab ayaa sanadkii 2014-ka isaga baxay magaalooyin badan kadib markii ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo ciidammada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay dagaal wadajir ah ku qaadeen.Si kastaba, Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haysa dhul badan oo ka tirsan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay ka fuliyaan xukuno dil ah, garaac iyo xanibaadda xuquuqda asaasiga ah. Al-Shabaab ayaa weerarro lagu hoobtay ku qaaday goobaha ay dowladda ka taliso sida Muqdisho, oo waxa ay bar tilmaameedsatay dad shacab ah oo ka mid yihiin xubnaha baarlamaanka iyo saraakiil kale.

Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya, askarta Midowga Afrika iyo maleeshiyaad taabacsan ayaa mas’uul ka ahaa weeraro aan kala sooc lahayn, tacaddiyo galmo iyo qabqabasho iyo xiritaano sharci darro ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu guul daraysatay inay sugto ammaanka iyo xuquuqda aadanaha ee goobaha ay ka taliso. Amni darada ka jirta goobaha ay dowladda ka taliso oo ay Muqdisho ka mid tahay, is qabqabsiyada iyo isku shaandhaynta siyaasadeed ayaa hoos u dhigay guulihii laga gaaray garsoorka iyo isbadeladii lagu samayn lahaa waaxda amniga. Dadaalo siyaasadeed oo lagu doonayay in lagu sameeyo maamulo federaal ah ayaa meelaha qaar ka dhaliyay dagaalo beeleed.

Tacaddiyada ay geysteen Ciidammada Dowladda
Shacabka ayaa dhexda u galay dagaallada ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab u dhexeeya, iska hor imaadyo ciidammada dowladda oo isbaarooyin isku haysta, dagaalo beeleedyo dhul la isku haysto, iyo kuwo kale ee la xiriira dhisida maamulo federaal ah ee sida xun loo siyaasadeeyay loona qasay.Shacabka ayaa dhibaatooyin kala kulmay weeraro kaga imaanaya ciidamada dowladda oo isticmaalaya awood xad dhaaf ah oo ay uga jawaab celinayaan mudaaharaadyada ay dadweynaha sameeyaan iyo weerarrada kaga imaanayo maleeshiyaadka. 13-kii Diseembar ee sanadkii 2013-ka, askar ka tirsan ciidammada dowladda ayaa toogasho ku dilay oday dhaqameed u dhashay beesha Duduble oo lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdinaasir Xuseen Xassan mar uu marayay isbaaro ku taalla Shabeelada Hoose. Maxkamadda milateriga ee dalka ayaa amar ku bixisay in la soo qabto askarta dilka geysatay, balse weli lama soo xirin; waxaa la sheegayaa inuu ilaalinayo taliyahooda.

Hay’ada qaran ee sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa si joogta ah u sameysay hawlgallo amni oo si baahsan dad loogu soo qabqabtay, wallow aanay awood sharci u lahayn inay soo qabqabato oo ay xirto dadka la tuhunsan yahay.NISA ayaa marar badan maxaabiista waqti dheer iska haysa iyadoon maxkamad geynin, oo weliba si xun ula dhaqantay la tuhunsanayaasha marka ay su’aalaha waydiinayaan.

Ciidammada dowladda iyo maleeshiyo beeleedyo ayaa marar badan iska horyimid, taasoo sababtay dhimasho dad rayid ah, dhaawacyo iyo burbur hanti.Bishii Diseembar 2013-ka, ciidammada dowladda ayaa weeraray deegaanka Lambar Konton, oo ay kula dirirayeen maleeshiyo; halkaasi waxay ku garaaceen qaar ka mid ah dadka deegaanka, waxay boobeen hanti, waxayna gubeen guryo iyo dukaamo.Dhowr qof oo shacab ah ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkaasi, kuwa kale oo badanna waa ay ku barakaceen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sii waday inay ku tiirsanaato maxkamadda militariga si ay u fuliso garsoorida dembiyo badan oo aanay awood sharci u lahayn. Dacwadahaasi ayaa ahaa kuwo aan gaarsiisnayn heerarka dacwadeynta cadaaladda ah ee caalamiga ah.Maxkamadda ayaa sanadkii 2014-ka dil ku xukuntay oo dil toogasho ah ku fulisay 15 qof, 13 ka mid ah dadkaas ayaa ahaa kuwo aan ka tirsanayn ciidammada qalabka sida.

Tacaddiyada ay geysteen Al-Shabaab
Warbixino lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay sii wadeen dilalka qorsheysan,  oo ay kamid yihiin qoorgooyn, iyo dilal toogasho ah oo loo geysto shacabka. 2-dii bishii Juun, kooxda ayaa meel fagaaro ah oo ku taal magaalada xeebta ah ee Baraawe ku toogatay saddex nin oo lagu eedeeyay inay u basaasayeen dowladda federaalka ah iyo dowlado kale oo ajanabi ah. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sameeya cadaalad darro ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee asaasiga ah.

Al-Shabaab ayaa si joogta ah u beegsanayay shacabka iyo goobaha ay shacabka leeyihiin, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sii kordhay intii lagu guda jiray fasaxyadii bishii Ramadaanka.13-kii Bishii Febraayo, gaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa weerar ismiidaamin ah la beegsaday kolonyo baabur ah oo ay wateen Qaramada Midoobay meel u dhow garoonka diyaaraha ee caalamiga ah ee Muqdisho, waxaana ugu yaraan ku dhimatay lix shacab ah oo wadada marayay.Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilal loo geystay saddex xildhibaano ah bilihii Luuliyo iyo Agoosto.

Tacaddiyada Galmada
Soo sheegitaanka iyo macluumaadka la xiriira tacaddiyada galmada ee ka dhaca Soomaaliya oo yar awgeed ayaan cadaynaynin baaxadda ay dhibaatada gaarsiisan tahay, waxaana iska cad in haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha ah ay si gooni ah ugu nugul yihiin kufsi ay u geystaan ragga hubaysan, oo ay ka mid yihiin askarta dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaad.Ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taabacsan ayaa sidoo kale ka faa’iidaystay ammaan darrada ka jirta magaalooyinka dhawaan la qabsaday, si ay u kufsadaan haweenka iyo gabdhaha. Dowladda ayaa dajisay qorshe wax looga qabanayo tacaddiyada galmada balse hirgalintiisa ayaa gaabis ahayd.

Qaar ka tirsan askarta Yugaandha iyo Burundi oo loo geeyay Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Hawlgalka Midowga Afrika, ayaa si xun uga faa’iidaystay oo u galmooday waxyeelana ugu geystay xeryaha ay ku leeyihiin Muqdisho gabdho iyo haween Soomaali ah. Mararka qaar haweenka iyo gabdhaha waxaa la siinayay gargaar bini’aadamnimo, dawo iyo raashin oo looga badalanayay in loo galmoodo.Haween aad u yar ayaa cabasho soo gudbiyay cabsi ay ka qabaan in laga aargoosto iyo qaabab wanaagsaan oo ashtakooyinka lagu soo gudbiyo oo aan jirin awgeed.Xilliga warbixintan la qorayay, Midowga Afrika iyo wadammada ciidammada geeyay Soomaaliya ayaa baarayay eedaymaha la xiriira tacaddiya galmada iyo si xun uga faa’iidaysiga ay ku kaceen ciidamada AMISOM.Ilaa iyo hadda, isla xisaabtanka ku aadan tacaddiyadan ayaa yaraa iyadoo ay jireen balanqaadyo AMISOM ay sameysay.

Askariyeynta Carruurta iyo Tacaddiyo Kale
Al-Shabaab ayaa gaar ahaan waxay askariyeeyaan carruurta sidoo kalana waxaa jirta inay ku qasbaan inay guursadaan, waxayna sidoo kale weeraraan dugsiyada.Qaramada Midoobay ayaa diiwaan galisay in ciidammada dowladda iyo maleeshiyaadka taabacsan intaba ay isticmaalaan oo ay askariyeeyaan carruurta.

Bishii Agoosto, Khabiirka Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ku sugan gobaha ay ka jiraan dagaallada hubaysan, ayaa walaac ka muujiysay xiritaanka 55 carruur ah oo la sheegay inay ka tirsanaan jireen kooxo hubaysan, oo lagu hayo xarunta dhaqan celinta ee Serendi ee ku taalla Muqdisho.

Saraakiisha dowladda ayaa horay u ballan qaaday inay fuliyaan qorshe la saxiixay sanadkii 2012-ka oo lagu doonayay in lagu dhameeyo adeegsiga carruurta la askariyeeyo iyo dilitaanka iyo dhaawacyada loo geysto carruurta, balse horumarka laga gaaray arrinkaas ayaa gaabis ahaa.

Helitaanka Gargaar Bini’aadamnimo
Sida ay Qaramada Midoobay sheegtay, in ka badan milyan qof, oo u badan barakacayaal, ay soo foodsaartay cunno yari ba’an iyo Soomaali ka badan 120,000 ayaa dhawaan ku barakaceen gudaha Soomaaliya ilaa iyo bilowgii 2014-kii, taasi oo ay sababeem hawlgallada milateri ee soconaya.

Tobanaan kun oo barakacayaal ah ayaa xaallad adag ku nool gudaha Muqdisho, sida barakicin, tacaddiyo galmo iyo midab takoorid ku salaysan qabiil oo ay kala kulmaan ciidamada dowladda, maleeshiyaad taabacsan iyo shakhsiyaad gaar ah oo ay ka mid yihiin maamulayaasha xeryaha. Qorshihi dowladda ay ku damacsanayd inay bulshada barakacayaasha ah ay dib u dajin ugu samayso meelo ku yaallo daafaha Muqdisho ayaa hakaday, balse waxaa bilihii Luuliyo iyo Agoosto sare u kacay rarida khasabka ah oo ay u gaysanayeen shakhsiyaadka gaarka ah iyo mas’uuliyiinta.

Weerarada lagu hayo shaqaalaha gargaarka, amni darrada, hardanka siyaasadeed ee gudaha iyo xanibaadyada ay soo rogayaan kooxaha is haysta ayaa carqalad wayn ku noqday hay’adaha gargaarka ee isku dayayay inay wax ka qabtaan baahida asaasiga ah. Tusaale, 18-kii Diseembar 2013-ka, dabley aan la aqoon ayaa dilay saddex dhakhaatiir Suuriyaan ah iyo mid Soomaali ah mar ay u socdeen xarun caafimaad oo ku taalla bannaanka Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa xayiraad ku sameeyay magaalooyinka Xudur, Buulo-Burde, Ceelbuur iyo Qoryooley iyo magaalooyin kale oo ay la wareegeen xooggaga AMISOM iyo kuwa dowladda, iyagoo xanibay safrinta alaabta, gargaarka iyo dadka—oo ay ka mid tahay inay weerareen gawaarida shacabka.

Weerraro lagu qaaday Saxaafada
Soomaaliya ayaa weli ka mid ah wadammada ugu khatarta badan dunida ee wariye laga noqdo; saddex xirfadlayaal dhanka saxaafada ah, oo ay ka mid yihiin labo wariye ayaa la dilay sanadkii 2014-ka. 21-kii Juun, Yuusuf Axmed Abuukar— oo ahaa weriye u shaqeynayay Radio Mustaqbal, oo ah idaacad si gaar ah loo leeyahay kuna taalla Muqdisho, iyo Idaacada Ergo, ee tabisa arrimaha bini’aadamnimada— ayaa la dilay ka dib markii bambo ay ku qaraxday gaarigiisii. Wax ka qabasho la’aanta dilalka noocaan ah ayaa weli jira.

Dhibaataynta iyo cagajuglaynta ay dowladda ugu gaysato wariyayaasha Muqdisho, gaar ahaan NISA, iyo hanjabaadda ka dhanka ah war baahinta ayaa sare u kacay. 11-kii Febraayo, NISA ayaa xirtay Maxamad Xaaji Danan oo ka tirsan idaacadda Danan iyo Ibraahim Maxamad oo ka tirsan idaacadda Haatuf oo haysay muddo saddex maalmood ah, iyagoo garaacayay una hanjabayay, waxaana la sheegay in lagu eedaynayay inay sawiro ka qaadeen barasaab ku xigeen kal hore ku dhaawacmay qarax gaari.

15-kii Agoosto, ka dib labo barnaamij oo dood badan dhaliyay, oo uu ka mid yahay mid lagu dhaleecaynayay sheegashadi madaxwaynaha uu sheegay in idaacadaha madaxa banana ay si baahsan u taageeraan Al-Shabaab, NISA ayaa weerartay idaacadda Shabelle iyo Sky FM oo soo xirxirtay 19 wariye iyo shaqaale ka tirsan warbaahinta. 16 ka mid ah gadaal ayaa laga sii daayay, balse madaxda idaacadaha ayaa waxaa la sheegay in lagu dacweeyay dambiyo ah inay kicinayeen colaad. Tiro wariyayaal ah ayaa ka cawday in si xun loola dhaqmay markii wax la su’aalayay.

Gudaha Somaliland, mas’uuliyiinta waxay dhibaateeyeen jaraa’id caan ah. 25-kii Juun, maxkamad heer gobol ah ayaa ku kala xukuntay Yuusuf Cabdi Gaboobe, gudoomiyaha Shabakada Warbaahinta Haatuf, iyo Axmed Cali, tafaftiraha shabakada, min saddex iyo afar sano oo xabsi ah, markii lagu eedeeyay dembiyada kala ah, jaa’ifaysi, daabacaad been abuur ah, iyo been dowlad diid ah. Mar dambe ayaa la sii daayay kadib markii loo fidiyay cafis madaxweyne.Haatuf ayaa shatigii dib loogala noqday sida la sheegay markii ay soo tabiyeen warbixino taxana ahaa oo ku saabsanaa musuqmaasuq ka jiray Wasaarada Tamarta.

Kooxaha Caalamiga ah iyo kuwa Gobol ee Muhiimka ah
Taageerayaasha caalamiga ah iyo kuwa gobol ayaa mudnaanta siiyay taageerada dhaqaale oo ay siinayaan howlgalka milateri ee AMISOM ay kula dagaalamayso Al-Shabaab iyo inay tababarto ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.22-kii Janaayo, 4,395 askar Itoobiyaan ah ayaa si rasmi ah ugu biiray AMISOM, iyagoo ka mid noqday ciidammada ka kala yimid Burundi, Yugaandha, Siiraliyoon, Jabuuti iyo Kenya taaso tirada ciidamada ka dhigtay ilaa 22,126 askari. Taageerada dowladda Soomaaliya ayaa diiradda saartay dhisida hay’adaha ammaanka, taasi ayaana sababtay badashada hay’adaha cusub ee ammaanka iyo is dhex galka maleeshiyaadka.

Bishii Janaayo, dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay u dirtay Soomaaliya tiro la taliyayaal milateri ah si ay u caawiyaan AMISOM iyo ciidammada amniga Soomaaliya.Wasaarada Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegatay mas’uuliyada inay qaaday weerar diyaaradeed oo dhacay 1-dii Sebtembar ee lagu khaarajiyay hogaamiyihii Al-Shabaab ee Axmed Cabdi Godane.

Inta badan, dadaalada beesha caalamka iyo kuwa gobol intaba, oo ay ka mid yihiim Qaramada Modoobay iyo Midowga Yurub, waxa ay diirada saarayeen sidii loo hirgalin lahaa qaab dowladeedka federaaliga ah.Waqtiga warbixintan la qorayay, taageerada caalamiga ah ee ku aadan ajendaha horumarka ee wadanka waxaa hakiyay khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Marka lagu daro in ciidamo milateri ah oo badan ay ka joogaan Soomaaliya, dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa tababarayay oo taageero militari siinayay maleeshiyaadka taabacsan dowladda.Labada wadan ayaa diirada saaray xaaladaha aagagga xudduudka oo waxay ku lug lahaayeen gorgortan ah sidii maamul goboleedyo federaal ah looga dhisi laha meelahaas.

Wadammada marti galiyay qaxootiga Soomaalida, oo ay kamid yihiin Kenya iyo dhowr wadan oo Yurub ah, ayaa u isticmaalay horumarka xaga ammaanka ee lasheegay inuu ka jiro Muqdisho, marmarsiyo ay dib ugu celiyaan Soomaalida qaxootiga iyo magangalyo doonka ah, iyadoo ay weli qasantahay xaaladda gudaha ka taagan oo ay jirto suuragalnimo in khataro waaweyn ay ku dhici karaan qofkii dib loo celiyo.

Intii u dhaxeysay Abriil iyo bartamihii Mey, Kenya ayaa Muqdisho u tarxiishay 359 Soomaali ah, oo ay ka mid ahaayeen qaxooti la diiwaan galiyay iyagoon helin fursad ay kula kulmaan hay’ada qaxootiga ee Qaramada Midoobay, taasi oo ka dhan ah waajibaadkeeda sharciyeed ee caalamiga ah.

Sucuudi Carabiya ayaa sidoo kale tarxiishay 33,605 Soomaali ah intii u dhaxeysay Diseembar 2013-ka iyo Mey 2014-ka iyadoon siin fursad ay ku xaraystaan sheegashada kusaabsan inay u qalmaan in la siiyo badbaadin.