Dadka rayidka ah ee Soomaaliya oo u adkeysanayay tacaddiyada ay kala kulmayeen dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka, ayna taa u dheertahay xaalad adag oo bani’aadannimo, ayaa weli waxa ay dhibaato kala kulmayaan colaadda muddada ka socotay dalkaasi. Ballanqaadkii dowladda ee ahaa in ay wanaajineyso ammaanka deegaannada ay maamusho, isla markaana ay dhiseyso tayada hay’adaha sharciga, ayaanay waxbadan ka hirgelin sanadkii 2016-ka.
Weerarrada lala beegsanayo dadka rayidka ah iyo hantidoodaba, gaar ahaan qaraxyada ay Al-Shabab fuliso, ayaa saamayn ba’an reebay. In ka badan hal milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa weli ku barakacsan gudaha dalka, waxaana ay dadkaasi wajahayaan tacaddiyo ballaaran, iyo adeegyada asaasiga ah oo aad ugu yar. Dagaallada, gaar ahaan duulaanka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabab, iska hor imaadyada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyo isku haya kheyraadka iyo awood siyaasadeed, iyo dad xoog lagu raray, ayaa dhammaantood dhaliyay in dad horleh ay barakacaan, khasaarana ay soo gaarto.
Dowladda Soomaaliya iyo howlwadaagayaasheeda caalamiga ah ayaa xoogga saaray hannaanka doorashada. Wakhtiyo kama dambeys ah oo loo qabtay iyo weliba is-qabqabsiga siyaasadeed, gaar ahaan kii u dhexeeyay dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ee salka ku hayay nidaamka doorashada, ayaa si weyn u dhimay hormarkii laga gaari lahaa cadaalada iyo isbedel lagu sameeyo laamaha ammaanka.
Bishii Agoosto, madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo wanaagsan, asagoo saxiixay sharci lagu samaynayo Gudiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha. Dowladda ayaa sidoo kale samaysay ballanqaadyo muhiim ah oo ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha markii ay ka qeyb gashay kulankii guud ee Qaramada Midoobay, balse ficil ahaan waxa ay ku guuldareysatay in ay wax ka qabato tacaddiyada ka dhanka ah barakacayaasha gudaha, weerarrada lala beegsado weriyayaasha iyo xadgudubyo kale oo waaweyn.
Tacaddiyada ay Geysteen Dowladda iyo Xooggaga Taabacsan
Hay’adda Nabadsugida Qaran (NISA) ayaa sii wada in ay fuliso howlgalo ammaan oo dad badan lagu soo qabqabto, walow aanu dastuurka Soomaaliya awood sharci u siineyn in ay dadka xirto. NISA ayaa dadka xabsiyadeeda ku haysa muddo dheer, ayadoo aan wax dacwad ah kusoo oogin, ama aan la marin hannaan cadaalad, mararka qaarna waxaa dhacda in saraakiisha NISA ay garaacaan tuhunsanayaasha marka ay su’aalaha weydiinayaan. 21-kii July, xubno ka tirsan NISA ayaa xiray shan qof oo u shaqeeya Xarunta Cilmibaarista & Daraasaadka ee Muqdisho, kuwaasoo xirnaa ilaa 6-dii Sebteembar ayaga oo aan wax dacwa ah lagu soo oogin isla markaana aan qareenno loo ogolaan.
Laamaha ammaanka ayaa weli wada in ay si aan loo meeldayin u xiraan, una qortaan carruurta. Warbaahinnada qaar ayaa sheegay in NISA ay u adeegsato carruur u xiran in ay u basaasaan, isla markaana ay u farmuuqaan xubnaha Al-Shabab. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, baaritaan ay dowladda Soomaaliya samaysay, ayaa markii dambe lagu xaqiijiyay in arrintaasi jirto.
Maxkamadda ciidanka ee Muqdisho ayaa weli gasha kiisas aan sharci ahaan la horgeyn karin, hannaankeeduna waa mid aan gaarsiineyn heerka caalamiga ah ee maxkamadeynta cadaalada ah. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, in ka badan 64 xukun oo dil ah ayaa Soomaaliya laga ridday sanadkii 2016-ka. Inta badan xukunnadaasi ayaa ka dhacay Puntland, ka dib markii ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ay howlgalo kusoo qab-qabteen Al-Shabab tiro badan. Maxkamad ciidan oo ku taalla Puntland ayaa bishii Juun 43 qof dil ku xukuntay, kuwaasoo lala xiriiriyay Al-Shabab. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 12 ka mid ah dadkaasi dilka lagu xukumay ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin carruur.
Waxaa weli sii socotay raridda qasabka ah ee barakacayaasha gudaha, gaar ahaan kuwa ay geystaan ciidammada dowladda. Sida lagu sheegay tirakoob ay samaysay Qaramada Midoobay, sideedii bilood ee ugu horeeyay 2016, in ka badan 80,000 oo qof ayay ciidanka dowladda iyo ilaalo gaar ah xoog uga rareen goobihii ay degannaayeen, oo u badan Muqdisho.
Dagaal beeleedyo iyo weliba kuwo u dhexeeya maamul goboleedyo, isla markaana salka ku haya samaynta maamullada federaalka ah ee cusub, ayaa dhaliyay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah, sidoo kalena burburiyay hanti dadweyne. Bishii Oktoobar, dagaal ayaa ka dhex bilowday ciidanka maamul goboleedka kumeelgaarka ah ee Galmudug, oo la sameeyay 2015-ki, iyo kan Puntland . Ugu yaraan 22 qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay, halka dhaawacana uu dhaafay tobanaan kale, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in ku dhawaad 90,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalkaasi.
Tacadiyadda Al-Shabab
Al-Shabab ayaa samaysay dilal bartilmaameedsan, qoor goyn, iyo dilal kale, gaar ahaan dadka lagu eedeeyay in ay u jaajuusayeen ama la shaqeynayeen dowladda. Ururkaasi hubaysan ayaa sii wadda adeegsiga cadaalada aan loo meeldayin, qorashada iyo askareynta carruurta, waxaana uu si weyn u xannibay xuquuqda asaasiga ah ee deegaannada uu ka taliyo. Qaar ka mid ah dhalinyaro iyo carruur laga celiyay xeryaha qaxootiga ee Kenya, isla markaana tegay deegaanno ay Al-Shabab ka taliso sida Bu’aale iyo Saakow ayaa wajahay caddaadis ah in ay ku biiraan ururkaasi.
Al-Shabab ayaa si joogta ah u beegsata dadka rayidka ah iyo hantidooda, waxaana uu ururkaasi kordhiyay weerarrada ka dhanka ah iskuullada, huteellada iyo maqaayadaha ku yaalla Muqdisho, weerarradaasi oo dhaliyay khasaare baahsan. 21-kii Janaayo, dagaalyahanno Al-Shabab ah ayaa weerar agaasiman ku qaaday maqaayad ku taalla xeebta Liido ee Muqdisho, waxaana halkaasi ku dhintay dad ka badan 20 qof oo ay ku jiraan dumar iyo carruur. Dhaawaca ayaa gaaray tobanaan kale.
Al-Shabab ayaa xannibaad iyo go’doomin saartay deegaannada ay ciidanka dowladda iyo kan AMISOM ka qabsadeen, waxaana xanniban dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee deegaannadaasi iyo weliba gargaarka bani’aadannimo ee la gaarsiin lahaa.
Al-Shabab ayaa sii wadda u hanjabidda iyo beegsiga weriyayaasha ka shaqeeya deegaannada ay dowladda maamusho, waxaana uu ururkaasi deegaannadiisa ka mamnuucay in ay ka warranto warbaahinta madaxa bannaan. Al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii 3-dii Diseembar 2015-ki gaariga loogu xiray, isla markaana ay ku dhimatay Hindiya Xaaji Maxamed, oo ahayd 31 jir u shaqeyneysay warbaahinta dowladda.
Tacadiyadda ay geystaan ciidammada shisheeye
Waxaa jira warar badan oo sheegaya in ay jiraan dilal aan kala sooc lahayn oo ay ciidammada AMISOM iyo kuwa kale ee shisheeye u geystaan dadka rayidka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada ay socdaan howlagalada ka dhanka ah Al-Shabab iyo duqeymaha cirka ah.
17-kii July, ciidammada Itoobiya ayaa si aan kala sooc lahayn 14 qof oo rayid ah ugu dilay gobolka Baay ee Soomaaliya, halkaasi oo ay ka wadeen howlgal ka dhan ah Al-Shabab. In kastoo uu taliska AMISOM ballanqaad sameeyay, guddi baaritaan oo AMISOM ay samaysana uu jiray, ayaan ilaa iyo hadda lashaacin wixii ka soobaxay baaritaankaas, bulshadii iyo dadkii ay dhibaatada gaartayna wax magdhaw ah aan lasiin.
Duqeymo ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya ka geysteen gobolka Gedo, ka dib weerarkii 15-kii Janaayo lagu qaaday saldhigeedii Ceel-Cadde, ayaa waxaa ka dhashay dhimasho dad rayid ah soo gaartay, barakac, xoolo la laayay, iyo hanti dadka rayidka ah ay leeyihiin oo ku burburtay. Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay adeegsiga bambooyinka Cluster-ka ee sii laba qarxa, kuwaasoo la sheegay in Kenya ay ku ridday gobolka Gedo, eedeyntaasi oo ay beenisay xukuumadda Nairobi.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa marar badan ugu baaqay waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, in ay macluumaadka la wadaagaan waaxda shibilka ah ee AMISOM u qaabilsan tirakoobidda khasaaraha, balse arrintaasi ayaan si joogta ah u dhicin.
Tacaddiyada Galmada
In kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn inta ay gaarsiisan yihiin tacaddiyada galmada ee ka dhaca Soomaaliya, ayaa dumarka iyo gabdhaha barakacayaasha gudaha ah waxa ay si gaar ah ugu nugul yihiin in ay kufsadaan ragga hubeysan, oo ay ka mid yihiin askarta dowladda iyo maleeshiyaadka. Bulshada ugu nugul tacaddiyadaasi ayaan helin wax difaac ah. AMISOM ayaa qaaday tallaabooyin ay ku xoojineyso awoodeeda dabagal ee ku aaddan tacaddiyada iyo xadgudubyada galmada ku salaysan. Sidaa oo ay tahayna, awoodaasi ayaa ku kooban xarunta dhexe, ayadoo aan si ku filan u gaarin qeybaha kale ee ay ka howlgalaan ciidammadaasi nabad ilaalinta ah, isla markaana xaddideysa awoodda baaritaan ee xadgudubyadaasi. Qaramada Midoobay ayaa diiwaangelisay eedeymo ah in 14 askari oo AMISOM ka tirsan ay kufsadeen laba gabdhood oo Galgudud ku sugnaa. Baaritaan ay AMISOM samaysay ayaa lagu sheegay in eedeymahaasi aanay sax ahayn.
Dadka Barakacayaasha ah iyo Helitaanka Gargaarka Bani’adaannimo
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, 1.1 milyan oo qof ayaa ku barakacsan gudaha Soomaaliya, qiyaastii 400,000 oo dadkaasi ka mid ahna waxa ay ku noolyihiin Muqdisho oo qura, kuwaasi oo ah dad nugul, kuna tiirsan gargaar. Human Rights Watch iyo ururada kale ayaa wada diiwaangelinta tacaddiyo ballaaran oo ka dhan ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool deegaannada ay dowladda maamusho, gaar ahaan kufsiga iyo raridda qasabka ah. Tiro ka mid ah qaxootiga ka laabtay Kenya ee ay maalgelineysay Qaramada Midoobay, ayaa iyagana ku biiray xeryaha barakacayaasha ee aan rasmiga ahayn.
Hay’adaha gargaarka ayaa wajahaya caqabado ku aaddan sidii ay u gaari lahaayeen dadka caawimaada u baahan, waxaana caqabadahaasi ka mid ah amni darro, xannibaadyo ay kala kulmaan dhinacyada colaadu u dhexeyso, iyo weliba weerarro bartilmaameedsan.
Weerrarada ka dhanka ah Warbaahinta, Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha iyo Mucaaradka Siyaasadeed
Weerrarada bartilmaameedsan ee lagu qaado warbaahinta, oo ay ka midka yihiin cagajugleynta iyo hanjabaadaha kaga yimaada dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo weliba Al-Shabab ayaa sii socda.
Sagal Salaad Cismaan, oo u shaqeyneysay warbaahinta qaranka, ayaa waxaa la dilay 5-tii Juun, halka 27-kii Sebteembar la dilay Cabdicasiis Maxamed Cali oo weriye ka ahaa Raadiyo Shabelle. Labaduba waxaa toogtay rag aan heybtooda la aqoonsan.
Dowladda Soomaaliya ayaan sida caadiga ah baarin kiisaska la xiriira dilalka iyo weerarrada ka dhanka ah weriyayaasha, mana maxkamadeyso dadka dembiyadaasi gala. Dowladda ayaa baarita oo maxkamadeysa keliya weerarrada loo tiiriyo Al-Shabab, waxaana ay arrimahaasi ugu tiirsan tahay hay’adda nabadsugida qaran iyo maxkamadda ciidanka qalabka sida, kuwaasoo baaritaannadooda iyo maxkamadeyntooda aanay gaarsiisneyn heerarka caalamiga ah.
3-dii Maarso, maxkamadda ciidanka ayaa xukun dil ah ku ridday Xasan Xanafi, oo ahaa weriye u shaqeeyay idaacadda Andulus ee ay Al-Shabab leedahay. Waxaa lagu eedeeyay in uu ka qeyb qaatay dilal loo geystay in ka badan 5 weriye, waxaana xukunka dilka ah lagu fuliyay 11-kii Abriil.
Xanafi ayaa xirnaa muddo sanad ka badan asagoo aan maxkamad la horkeenin, waxaana muuqaal laga duubay asagoo “qiranaya dembigiisa” ka hor inta aan la maxkamadeyn, muuqaalkaasi oo laga sii daayay warbaahinta qaranka. Qareennadiisa waxa uu la kulmay oo keliya maalintii xukunka lagu ridayay.
Bishii Janaayo ayuu madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu saxiixay sharci cusub oo hagaya warbaahinta, kaasoo khatar sii gelin kara xoriyadda hadalka, isla markaana ay ku jiraan qodobo aan si cad loo qeexin oo xannibaya warbaahinta xorta ah.
23-kii Juun, wasiirka warfaafinta ee Puntland ayaa amray in guud ahaanba deegaankaasi laga xiro idaacadda Daljir, ka dib markii sida la sheegay ay wareysatay nin ku kacsan dowladda. Idaacadda Daljir ayaa hawada ka maqneyd muddo 12 maalmood ah.
Somaliland
Maamulka Somaliland ayaa sii wadda in uu xaddido dhaliisha dadweynaha ee ku addan dowladda iyo siyaasadaheeda. Bishii Mey, wasiirka cadaalada ayaa shatiga kala laabtay qareen xuquuqda aadanaha u doodda oo lagu magacaabo Guuleed Axmed Jaamac, kaasoo lagu eedeeyay in mihnadiisa qareennimo iyo gudoomiyaha uu ka yahay urur xuquuqda aadanaha u doodda aanay is qaadan karin. Gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa markii dambe laalay go’aankaasi. Dowladda ayaa inta badan xirta weriyayaasha, qaarkoodna waxa ay ku qaadaa dacwado dembiyeed ah.
Somaliland ayaa waxaa weli ka jira xukunka dilka ah, ayadoo todobo qof xukunno dilal ah lagu fuliyay 2016-ki.
Dowladda Somaliland ayaa ku guuldareysatay in ay si wanaagsan u xakameyso oo ay u nidaamiso xarumaha dhimirka ee gaarka loo leeyahay, kuwaasoo bukaanka xira idin la’aan, isla markaana kula kaca xadgudubyo ay ka mid yihiin jeebeyn iyo mararka qaar qaraacid. Mid ka mid ah xarumahaasi gaarka loo leeyahay ayaa wanaajiyay qaabka uu ugu adeego dadka qaba xanuunka dhimirka, ka dib markii la xiray qeybtii bukaanka lagu hayn jiray, isla markaana ay xaruntaasi bilowday in ay caawiso bukaanka bulshada ku dhex nool.
Howlwadaagayaasha Caalamiga ah ee Muhiimka ah
Howlwadaagayaasha shisheeye iyo kuwa gobolkaba waxa ay sii wadaan in ay taageero dhaqaale iyo mid noocyo kaleba leh siiyaan AMISOM, halka Maraykanka iyo UK ay bixiyaan mushaarka ciidanka xoogga Soomaaliya. Deeq bixiyayaasha ayaa sidoo kale taageero toos ah siiya ciidammada maamul goboleedyada iyo booliska. Taageerada bani’aadannimo, tan siyaasadeed iyo weliba midda dhaqaale ee uu Turkiga ka wado Soomaaliya, ayaa waxaa dheer in waddamada Khaliijka, gaar ahaan Isu-tagga Imaaraadka Carabta ay kordhiyeen kaalmada milateri iyo tan siyaasadeed ee ay siiyaan Soomaaliya.
Sanadkii 2016-ki, waxaa si weyn sare ugu kacay weerarrada cirka iyo kuwa dhulka ee uu Maraykanka kula dagaallamayay Al-Shabab. Bishii Nofeembar, waaxda gaashaandhigga Maraykanka ayaa xaqiijisay in 28-kii Sebteembar ay weerar ku qaadeen maleeshiyo maxalli ah, halka markii hore ay sheegtay in bartilmaameedkeedu ahaa xubno ka tirsan Al-Shabab.
Marka la eego heerka siyaasadeed, inta badan beesha caalamka iyo tan gobolkuba waxa ay diiradda saareen hannaanka doorashada, in kastoo hormar kooban laga sameeyay deegaanno muhiim ah oo isbedel u baahan.
Bishii Sebteembar, Maraykanka ayaa cunaqabateyn milateri oo qeyb ah kusoo rogay Soomaaliya, maadaama ay dalka kasii socoto qoroshada iyo adeegsiga carruurta askarta ah, waxaana sidaa looga mamnuucay in qaab ganacsi ah hub looga iibiyo iyo dhowr qeybood oo kaalmo milateri ah sanad-maaliyadeedka 2017.