Dagaalka hubeysan ee Soomaaliya ka socday muddada dheer ayaa saameyn weyn ku yeeshay rayidka ku nool koofurta iyo bartamaha dalka. Dhinacyada dagaallamaya ayaa dilayay, dhaawacayay isla markaana xoog ku barakicinayay dadka rayidka ah. Xanibaada gargaarka bani’aadannimo ayaa uga sii dartay xaaladda xuquuqda aadanaha iyo mushkiladda bani’aaddanimo.

Isqabqabsiga siyaasadeed ee socda iyo isku shaandheynta dowladda ee saddex jeer dhacday saddexdii sano ee lasoo dhaafay, iyo dadaallada siyaasadeed ee ku aaddan hirgalinta hannaanka federaalka, ayaa weeciyay isbedalkii laga filayay waaxaha cadaaladda iyo ammaanka. Xiisad ka dhalatay maamul goboleed cusub u sameynta bartamaha Soomaaliya ayaa keentay iska horimaadyo dhexmaray maleeshiyo beeleedyo iyo ciidammada dowladda, waxaana ka dhashay tacaddiyo ka dhan ah rayidka.

Ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo weliba ciidanka Itoobiya ayaa duulaan cusub oo ka dhan ah ururka Islaamiga ah ee Al-Shabaab ka bilaabay koofurta Soomaaliya. Inkasta oo Al-Shabaab laga qabsaday magaalooyin muhiim ah, haddana waxa uu ururkaasi maamulaa dhul ballaaran iyo wadooyin badan oo muhiim ah. Ururka Al-Shabaab ayaa fuliyay weerarro bartilmaansi ah oo ka dhan ah rayidka iyo kaabayaasha ay adeegsadaan ee ku yaalla caasimadda Muqdisho, iyo magaalooyinka kale ee ay dowladdu maamusho ama ay ka taliyaan maamuladda dowladda taageersan. Ururka ayaa sidoo kale kordhiyay weerarrada culus ee ka dhanka ah xarumaha AMISOM. Waxaa jira warar lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in ciidammada AMISOM ay rayid laayeen marar ay fulinayeen howlgalo ama ayaga oo ka jawaabaya weerar uga yimid Al-Shabaab.  

Tacaddiyada ay geystaan Ciidammada Dowladda iyo Xulafadooda

Dad rayid ah ayaa lagu dilay baro koontarool oo ay dowladdu maamusho, iska horimaadyo dhex maray ciidammada dowladda iyo xooggaga Al-Shabaab, kuwo ka dhashay maamul goboleedyo sameynta iyo jawaab celin aan laga fiirsan oo ka dhan ah weerarro.

Ammaanka degmooyinka ay dowladdu maamusho ayaa ah mid aan la isku halleyn karin. Ciidammada dowladda ayaa difaaci waayay rayidka, gaar ahaan suxufiyiinta, odayaal dhaqameedka, culimada, xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta kale ee bartilmaameedka u ah Al-Shabaab iyo dableyda kale, gaar ahaan kuwa ku sugan caasimadda Muqdisho, magaala madaxda gobolka Baay ee Baydhabo iyo xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyn.

Bishii Febraayo, xiisadda taagan ee ka dhalatay maamul u sameynta goboladda dhexe ee Soomaaliya, ayaa iska horimaad magaalada Guriceel ku dhex maray ciidammada dowladda iyo xooggaga Ahlu Sunna Waljamaaca oo ah maleeshiyo Suufi ah, ayaa waxa uu sababay dhimasho dad rayid ah iyo barakac ballaaran. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in boqolkiiba 90 dadka ku nool magaaladaasi, oo qiyaastii u dhiganta 65,000 oo qof ay si kumeel gaar ah u barakaceen. Dagaal beeleed la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen ciidammada dowladda oo ka dhacay gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay dad rayid ah.

Hay’adda nabad sugida ee Soomaaliya, NISA, ayaa sii waday howlgallada ballaaran ee ammaanka ee ay dadka ku qabqabto, inkasta oo aanay awood sharci u lahayn in ay dadka xirto. NISA ayaa mararka qaar dadka xirata muddo dheer ayada oo aan wax garsoor ah la marin, waxaana ay garaacdaa la tuhunsanayaasha marka ay su’aalaha weydiineyso.

Maxkamadda ciidammada ayaa sii waday in ay qaado dacwado aan sharci ahaan khuseynin, ayada oo hannaanka dacwad qaadidaasina aanu gaarsiisneyn heerarka caalamiga ah ee maxkamadeynta cadaalladda ku saleysan. Maxkamadaha ciidammada ayaa Kow iyo toban qof ku xukumay dil, waxaana dadkaasi lagu toogtay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo Puntland.

Carruurta ayaa ka mid ah dadka la dilo, la iska xiro, loona qorto askarnimada. Bishii Janaayo ee sanadka 2015-ka, Soomaaliya ayaa saxiixday Xeerka Caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta, bishii Nofembar-na waxaa ay meel marisay Axdiga Iskuulaadka Badqaba, waxaana ay sidaasi ku ballanqaaday in ay tallaabooyin muuqda ka qaadi doonto ilaalinta ardeyda iyo xarumaha waxbarashada.

Tacaddiyada uu Geysto Ururka Al-Shabaab

Ururka Al-Shabaab ayaa si joogta ah u bartilmaameedsada dadka rayidka ah iyo dhismoooyinkooda, gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxaana taasi ka dhalata waxyeello badan. 1-dii bishii Nofember, dagaalyahannada Alshabaab ayaa weerarray huteelka caanka ah ee Muqdisho ku yaalla, ee Saxafi, waxaana ay halkaasi ku dileen ugu yaraan 15 qof, oo ay ka mid ahaayeen wariye ka warramayay weerarka, dad rayid ah iyo mas’uuliyiin. 5-tii bishii Disembar 2014, ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarro mataano ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo, ayna ku dhinteen 19 qof oo ay ku jiraan saddex wariyeyaal ah.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa muujinaya in Al-Shabaab ay maxkamadeyn aan loo meel dayin iyo xanibaada xuquuqda asaasiga ah kula kacdo dadka ku nool deegaannada ay maamusho, isla markaana ay sii wado xoog ku askariyeynta carruurta. Al-Shabaab ayaa dad dilal qorsheysan ku beegsatay, qoorta ka jartay ama toogatay, gaar ahaan kuwa lagu eedeeyay inay basaasayeen. 7-dii bishii Febraayo, Al-Shabaab ayaa magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe ku toogatay laba haween ah oo ay ku eedeysay in ay u shaqeynayeen hay’adda nabad sugida ee NISA. Al-Shabaab ayaa gacanta ku haysa qaar ka mid ah wadooyinka isku xira magaalooyinka, waxaana ay go’doomin saaraan magaalooyinka ay qabsadaan ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Magaalooyinkaasi waxaa ka mid ah Waajid, Buulo Burde iyo Xudur. Al-Shabaab ayaa si weyn u xanibta dhaqdhaqaaqa badeecooyinka iyo raashinka gargaarka ah, mararka qaarna waxay dishaa dadka rayidka ah ee lagu eedeeyo in ay jebiyeen xanibaada.

Tacaddiyada ay Geystaan Ciidammada Shisheeye

Waxaa batay wararka sheegaya in ciidammada AMISOM iyo kuwa kale ee shisheeye ay dad rayid ah laayeen, gaar ahaan rayidka mara baraha koontarool kaddib marka la beegsado kolonyada AMISOM iyo rayid ku dhintay duqeymaha ay fuliyaan diyaaradaha dagaalka.

Bishii Luuliyo, dadka ku nool magaalada Marka iyo weliba warbaahinta ayaa ku eedeeyay ciidammada Uganda ee ka tirsan AMISOM in ay laayeen dad rayid ah ayaga oo ka jawaabayay weerarro ay Al-Shabaab ku qaaday kolonyo saad u waday AMISOM. 31-kii Luuliyo, ciidammada AMISOM ayaa aroos ka dhacayay Marka ku dilay lix qof oo hal qoys kawada tirsanaa. Baaritaan ay sameysay AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidammadeeda ay mas’uul ka ahaayeen dilalkaasi, waxaana baaritaanka lagu sheegay in saddex askari arrintaasi loo xiray, ayna wajahayaan maxkamadeyn.

8-dii Agoosto, ciidammada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ayaa bar koontarool oo ku taalla deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ku dilay shan qof oo rayid ah, waxaana ay dhaawaceen lix kale. Dhammaadkii bishii Shanaad, iska horimaadyo dhex maray ciidammada Liyu boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo xoola dhaqato Soomaali ah oo ku sugan dhanka Itoobiya ee soohdinta Galguduud ayaa waxaa ku barakacay dad badan, waxaana ka dhashay khasaare rayidka soo gaaray, gaar ahaan dumarka iyo carruurta.

Xadgudubyada Galmada

Sanadkii 2014-ka, dowladda ayaa ansixisay qorshe waxqabad oo lagula tacaalayo heerarka sareeya ee xadgudubyada galmada. Balse, si la mid ah qeybaha kale ee ay dowladdu mundaanta siisay, meel marinta qorshayaashaasi ayaa gaabis ahaa, mana jirin wax difaac ah oo loo sameeyay kuwa ugu nugul bulshada. In kasta oo aan si dhab ah loo ogeyn xaddiga uu gaarsiisan yahay xadgudubka galmada, hadda waxaa cad in haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha gudaha ah ay u nugul yihiin kufsiga ay geystaan kooxaha hubeysan, oo ay ka midka yihiin askarta dowladda iyo xubnaha maleeshiyaadka.

Qaar ka mid ah askarta Uganda iyo Burundi ee ka tirsan ciidammada AMISOM ayaa xadgudubyo dhanka galmada ah u geystay dumar iyo gabdho ku sugnaa xarumahooda Muqdisho. Xaaladaha qaar, dumarka iyo gabdhaha ayaa galmada looga bedashay gargaar loo fidiyay, sida cunno iyo dawo la siiyay. Tiro yar oo ka mid ah haweenkaasi ayaa dacwooday, maadaama inta badan ay ka cabsi qabeen in laga aargoosto, isla markaana uusan jirin qaab wax ku ool ah oo dacwadaha lagu gudbiyo. Midowga Afrika, iyo dowladaha Burundi iyo Uganda ayaa baaritaan ku sameeyay eedeymo gaar ah, walow xilliga warbixintan la qorayay aanu jirin qof loo maxkamadeeyay eedahaasi.

Barakacayaasha iyo Helitaanka Gargaarka Bani’aadannimo

1.1-ka milyan ee barakacayaasha gudaha ku ah Soomaaliya, gaar ahaan dumarka iyo carruurta ayaa ah kuwo nugul, aadna ugu tiirsan gargaarka bani’aadannimo. Hay’adaha gargaarka ayaa caqabado kala kulmay sidii ay u gaari lahaayeen bulshooyinka u baahan, maadaama ay jirto amni darri iyo xanibaado ay sameeyeen dhinacyada dagaallamaya.

Weerarrada lagu bartilmaameedsanayo hay’adaha gargaarka ayaa sii socday. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ah oo 20-kii Abriil ka dhacay xarunta Puntland ee Garowe, kaasoo lagu dilay afar ka mid ahaa shaqaalaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF iyo laba askari oo ilaalo u ahaa. 15-kii Nofembar, qandaraasle u shaqeyn jiray hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan miinooyinka ayaa ay rag hubeysan ku dileen magaalada Beledweyn.

Howlgalo milateri oo ay fuliyeen ciidammada AMISOM ee Kenya iyo Itoobiya iyo ciidanka dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ka dhan ahaa Al-Shabaab, iyo weliba dagaal beeleedyo ka dhacay dalka, ayaa sababay in dad badan oo rayid ah ay barakacaan. In ka badan 350,000 oo qof oo ay ka mid yihiin haween, carruur iyo dad naafa ah, kuwaasi oo Muqdisho usoo barakacay xilligii ay jirtay abaartii 2011-ka, ayaa weli xaalad adag ku wajahaysaa caasimadda. Waxaa lagula kacaa raritaan qasab ah, xadgudubyo galmo ah iyo faquuq haybtooda ku saleysan, tacaddiyadaasi oo ay kala kulmaan ciidammada dowladda, maleeshiyaadka taabacsan iyo shakhsiyaad gaar ah.

Bishii Disembar 2014-ka, dowladda ayaa meel marisay siyaasadda ku aaddan barakaca, oo inteeda badan waafaqsaneyd sharciga caalamka, sidaa oo ay tahayna qasab ku rarid ballaaran oo ay qeyb ka yihiin ciidammadda dowladda ayaa ka dhacay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo. Intii lagu jiray labadii bilood ee ugu horeeyay sanadka 2015-ka, barakacayaal ka badan 40,000 oo qof ayaa qasab looga raray Muqdisho. Ciidammada dowladda ayaa xoog ku raray dad ka badan 21,000 oo qof mar ay howlgal sameeyeen bishii Maarso, ayaga oo garaacay qaar ka mid ah dadkaasi, burburiyay cooshash isla markaana dadkaasi dhigay gargaar la’aan iyo weliba biyo iyo cunno la’aan.

Weerarrada lala Beegsado Warbaahinta iyo Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha

Weerarrada lagu bartilmaameedsanayo warbaahinta oo ay ka midka yihiin isku dayga dil, dhibaateynta iyo u cagajugleynta ayaa sii socday. 20-kii Abriil, rag hubeysan ayaa magaalada Baydhabo ku dilay wariye Daa’uud Cali, xaaskiisa iyo qof daris la ahaa xilli uu gurigooda joogay. Waxaa sidoo kale joogta ah cagajugleynta ay maamul goboleedyada kula kacaan warbaahinta, gaar ahaan marka laga hadlayo sameynta maamulada federaalka.  Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa si kumeel gaar ah u xiray wariyayaal, xarumo warbaahin, isla markaana ka mamnuucay idaacaddaha qaar in ay gudbiyaan barnaamijyada qaarkood.

In kasta oo ay dowladda federaalku ballanqaaday in ay la xisaabtameyso kuwa dila wariyayaasha, haddana waxaa muuqata in arrintaasi aan waxba laga qaban.

Somaliland

Dowladda Somaliland ayaa mararka qaar xarig aan loo meel dayin kula kacday wariyayaal, gaar ahaan kuwa ka warrama arrimaha xasaasiga ah ee siyaasadda ku lugta leh. Maamulkaasi ayaa sidoo kale xiray siyaasiyiin mucaarad ah iyo kuwa dhaliila dowladda ayada oo aanay jirin la socosho garsoor oo ku filan. Bishii Abriil dowladda Somaliland ayaa dacwad kusoo oogtay qareen caan ah oo u dooda xuquuqda aadanaha, Guuleed Axmed Jaamac, oo ay ku eedeysay dacaayad “qaran -diid” ah iyo dembiyo kale. Guuleed ayaa walaac ka muujiyay hannaanka loo maray dad lagu xukumay dil. Maxkamad ayaa markii dambe tuurtay dhammaan eedihii loo haystay qareen Guuleed.

13-kii Abriil, dowladda Somaliland ayaa toogatay lix nin oo lagu helay in ay dilal geysteen, waxaana xukunnadaasi dilka ah ay noqdeen kuwii ugu horreeyay ee Somaliland ay fuliso tan iyo sanadkii 2006-da.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale ku guuldareystay inuu si wanaagsan u nidaamiyo xarumaha gaarka loo leeyahay ee sida qasabka ah loogu hayo dadka qaba xanuunka dhimirka, silsilado lagu xiro, mararka qaarna la garaaco.

Xubnaha Caalamka ee Muhiimka ah

Howlwadaagayaasha ajnabiga ah iyo kuwa gobolka ayaa sii waday in ay taageero dhaqaale iyo mid kalaba u fidiyaan AMISOM, gaar ahaan tababarka iyo diyaarinta ciidammada ammaanka ee Soomaaliya  ee ku howlan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. 28-kii Luuliyo, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waqtiga u kordhiyay AMISOM ilaa iyo bisha Shanaad ee 2016-ka. Qaraarkaasi ayaan hoosta ka xariiqin muhiimadda ay leedahay in AMISOM lagula xisaabtamo tacaddiyada ay geystaan askarteeda.

Inta badan Beesha Caalamka —iyo urur goboleedka —ayaa diiradda saaray dadaallada federaaleynta dalka, oo loo arkayo mid shardi u ah xilliga kala guurka siyaasadeed ee 2016-ka.

Kenya iyo Itoobiya oo ay ciidammo badan ka joogaan Soomaaliya ayaa tababar milateri siiya maleeshiyaadka dowladda taabacsan. Labada dal ayaa diiradda saaraya xaaladda soohdimaha ay la wadaagaan Soomaaliya, waxaana Itoobiya ay ka qeyb qaadataa wadaxaajoodka lagu sameynayo maamul goboleedyada deriska la ah.

Mareykanka ayaa sheegtay mas’uuliyadda saddex duqeyn oo ay fuliyeen diyaaradaha bilaa duuliyaha ah tan iyo 29-kii Disembar 2014-ka, waxaana uu sheegay inuu ku bartilmaameedsaday shakhsiyaad la sheegay inay ku lug lahaayeen weerarkii xarunta dukaameysiga Westage ee Nairobi ka dhacay Sitembar 2013. Tan ayaa muujineysa in adeegsiga diyaaradahaasi uu ku badanayo Soomaaliya.

In kastoo Waaxda Difaaca Mareykanka ay si cad u qirtay in ay fulisay weerarradaasi ay geysteen diyaaradaha bilaa duuliyaha ah, haddana waxay si joogta ah ugu guuldareysatay in ay shaaciso macluumaad sax ah oo ku aaddan khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray weerarradaasi.