“Waxaanu Nahay Sida Meydka”

Jirdilka iyo Tacaddiyada Kale ee Xuquuqda Aadanaha ee Ka Dhaca Jeel Ogaadeen, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

 

Soo Koobid

Xaaladda Jeel Ogaadeen waa mid aan la malaysan karin. Marka halkaa lagugu xiro ilaa iyo inta lagaa soo deynayo ma ogid inaad nooshahay ama aad meyd tahay. Maalin iyo habeenba waxaad la kulmaysaa jirdil iyo ceebeyn, gaajo ayaa laguu dilayaa, mana seexan kartid maadaama ay dadku badan yihiin.
—Waxaa sidaa yiri bishii Agoosto 2017 Maxamed oo 42 jir ah, muddo shan sana ahna asagoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin ku xirnaa xabsiga Jeel Ogaadeen.

Bartamaha magaalada Jigjiga, meel u dhaw jaamacadda, waxaa ku yaal xabsi ka mid ah kuwa ugu xun Itoobiya oo dhan. Jeel Ogaadeen oo magaca rasmiga ah ee loo yaqaan uu yahay Xabsiga Dhexe ee Jigjiga, ayaa waxaa ku xiran kumannaan maxaabiis ah, kuwaasoo la kulma tacaddiyo arxan darro ah iyo dayac badan. Qaar badan oo ka mid ah maxaabiistaas ayaan weligood lagu soo oogin wax dacwad ah, oo aan lagu helin wax dembi ah.

Itoobiya: Jirdil Ka Dhaca Xabsiga Deegaanka Soomaalida

Saraakiisha asluubta iyo xooggaga ammaanka ayaa sanado badan si aan kala sooc lahayn xarig iyo jirdil ugu geystay maxaabiista xabsiga deegaanka Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaan Jeel Ogaadeen, Human Rights Watch ayaa sidaa ku sheegtay warbixin ay maanta soo saartay. Waa in Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya, Dr Abiy Axmed, uu degdeg u amro baaritaanno lagu sameeyo xaaladda argagaxa leh ee xabsigaasi, waa in dowladda ay xaqiijiso in xooggaga ammaanka ee deegaanka iyo mas’uuliyiintaba lagula xisaabtamo dembiyaasi. 

Maxaabiis hore oo xabsiga soo martay ayaa sharraxaad ka bixiyay xadgudubyada iyo jirdilka joogtada ah, sida in maxaabiista aanay helin daryeel caafimaad oo wanaagsan, aanay la kulmin ehelkooda iyo qareennadooda, halka mararka qaarna loo diiddo cunnada. Saraakiisha xabsiga ayaa qaawiyay maxaabiista, oo ku hor garaacay, kuna hor ceebeeyay dhammaan dadka halkaa ku xiran, si loo cabsi geliyo. Qolalka xabsiyada oo ah kuwo buux dhaafay, ayaa habeenkii waxa maxaabiista si dhibaateyn ku jirto su’aallo u weydiiya kaabayaasha maxaabiista, kuwaasoo macluumaadka u gudbiya madaxda xabsiga oo sidaa ku doorta maxaabiista la sii ciqaabayo. Ujeedada jirdilka iyo ceebeynta ayaa ah in lagu qasbo maxaabiista inay qirtaan ka mid ahaanshaha jabhadda ONLF oo ah mucaarad laga mamnuucay Itoobiya.

Warbixintan oo lagu saleeyay waraysiyo lala yeeshay ku dhawaad boqol qof oo ay ka mid yihiin 70 qof oo maxaabiis hore ahaa, ayaa diiwaangelisay jirdil iyo tacaddiyo kale oo ba’an sida kufsi, xarig aan loo meeldeyin oo muddo qaatay iyo xaalado argagax leh oo ka jira Jeel Ogaadeen oo ku yaal dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya mudadii u dhexeysay 2011 ilaa horraantii 2018. Dadka la waraystay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa mas’uuliyiin dowladda ah iyo xubno ka tirsan xooggaga ammaanka ee deegaankaasi.

Qaar badan oo ka mid ah maxaabiista hore ee la waraystay ayaa sheegay inay arkeen dad ku dhintay xabsiga gudahiisa, ka dib markii ay jirdil u geysteen saraakiisha xabsiga. Maxaabiista dumarka ah ayaa sheegay inuu jiray kufsi. Ilaalada xabsiga iyo xubno ka tirsan ciidanka Liyu boolis ayaa tacaddiyo u geystay maxaabiista, ayagoo amar ka haysta maamulka deegaanka. Ma jiro baaritaan ama kormeer micna leh oo lagu sameeyo xabsgaasi.

Jirdilka, falalka dulleynta ah, ciriiriga, cunno yarida, hurdo u diididda iyo daryeel caafimaad la’aanta ka jirta Jeel Ogaadeen ayaa la jaanqaadaya ciqaab wadareedka mudda dheer jiray ee ay dowladdu kula kacdo dadka lagu tuhmo inay taageeraan ONLF. Human Rights Watch ayaa horay u diiwaangelisay qaabkii ay ciidamada Itoobiya sanadihii 2007 iyo 2008 deegaanka Soomaalida uga geysteen dembiyo ka dhan ah aadanaha iyo kuwo dagaal intii uu socday howlgalkii ka dhanka ahaa ONLF, waxaana tacaddiyadaasi ka mid ahaa; dilal sharciga ka baxsan, jirdil iyo kufsi.

Halkii ay baaritaan micna leh ku samayn lahayd dembiyadii xilligaasi dhacay, ayaa dowladda Itoobiya waxa ay dhistay ciidanka Liyu boolis, kuwaasoo tan iyo 2008 deegaankaasi ka geystay dembiyo waaweyn oo kala duwan. Ciidankaasi ayaa si toos ah u hoos taga madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar, oo loo yaqaan Cabdi Illey.

Cudurrada, biyaha aan nadiifka ahayn iyo fayadhawr xumida ayaa ku badan Jeel Ogaadeen, maxaabiistuna waxa ay ka warrameen dad cudurro dilaacay ugu dhintay gudaha xabsiga. Maxaabiistii hore qaarkood ayaa Human Rights Watch u sheegay in qaar ka mid ah meydadka ay qolalka yaaleen muddo dhawr maalmood ah.

Qaar ka mid ah dumarka maxaabiista ah ayaa ku dhex dhalay xabsiga, ayagoo aan haysan umulisayaal xirfad leh, ama goob nadiif ah. Waxaa sidoo kale xaalad adag ku nool carruurta ku xiran Jeel Ogaadeen, oo qaarkood ku dhashay kufsi la sheegay inay geysteen ilaalada xabsiga. Maxaabiistii hore ayaa sheegay in hooyooyinka nuujinaya aanay helin cunno dheeraad ah, oo aysan jirin waxbarasho loo fidiyo carruurta. Tan iyo 2013, waxaa la sheegay in maxaabiista aan loo ogolaan cid soo booqata, ama in loo geeyo cunno iyo waxyaabaha kale.

Sii deynta maxaabiista ayaa ku dhacda si aan qorshaysneyn, inta badanna kuma xirno sanadaha uu qofka xabsiga ku jiray.

Maxaabiistii hore ayaa sheegay in siyaasiyiin sarsare oo uu ka mid yahay Cabdi Illey, madaxa ammaanka iyo taliyaha Liyu boolis, Cabdiraxmaan Labagole, ay si joogta ah u booqdaan xabsiga si ay ula hadlaan dadka halkaa ku xiran. Kuwa ugu daran ee tacaddiyada ka geysta Jeel Ogaadeen ayaa waxaa ka mid ah saraakiisha xabsigaasi. Maxaabiistii hore ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha xabsiga ay amraan jirdilka, kufsiga iyo cunno u diididda, mararka qaarna ay iyaguba ka qeyb qaataan kufsiga iyo jirdilka qaar.

Sanadkii 2011, mas’uuliyiinta gobolka Soomaalida ayaa sameeyay qiimeyn 11 maalmood socotay oo ku aaddan waxqabadka ilaalada xabsiga, taasoo sii xaqiijisay inta badan tacaddiyada ay maxaabiistii hore u sheegeen Human Rights Watch. Qiimeynta ayaa muuqaal ahaan loo duubay, ka dib markii uu sidaa codsaday Cabdi Illey, waxaana dhawr sano ka dib la wadaagay Human Rights Watch lataliyihii Cabdi Illey oo markaa ka baxsaday Itoobiya. Muuqaalka ayaa muujinaya ilaalada oo faahfaahin ka bixinaya jirdilka, kufsiga iyo lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan maxaabiista iyo qaabka ay saraakiisha sarsare ee Jeel Ogaadeen amarka ugu siiyeen inay geystaan jirdilka iyo kufsiga.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC), oo ah mid ay dowladda federaalka awood u siisay inuu baaritaan ku sameeyo tacaddiyada xuquuqda aadanaha, ayaa tan iyo 2011 marar badan kormeer ku tagay Jeel Ogaadeen, balse lama shaacin warbixinnada uu ka diyaariyo booqashooyinkaasi. Ma cadda tallaabooyinka laga qaaday, haddiiba ay jiraan, dadka mas’uulka ka ahaa tacaddiyada lagu ogaaday kormeerradaasi. Qaar badan oo ka mid ah maxaabiistii hore ayaa sheegay in mas’uuliyiinta xabsiga ay u meerin jireen waxa ay ku dhihi lahaayeen guddiga. Dadka qaba dhaawacyada muuqda, carruurta iyo haweenka uurka leh ayaa la geyn jiray qolal qarsoodi ah ama waxaaba laga saari jiray xabsiga ka hor inta aanay booqan xubnaha guddiga. Kuwa sida daahfuran ugu warramay saraakiisha guddiga ayaa booqashada ka dib la kulmi jiray jirdil ama xitaa dil. Guddiga EHRC ayaan ka jawaabin warqad aan kaga codsanay macluumaad ku aaddan waxa ay ka qabteen tacaddiyada ka dhaca Jeel Ogaadeen.

Hannaanka federaalka Itoobiya ayaa awood ilaa xad ah siiya dowlad deegaannada oo uu ka mid yahay deegaanka Soomaalida, si ay u fuliyaan inta badan howlaha dowladda. Dowladda federaalka ayaan si wanaagsan dusha ugala socon xabsiyada deegaanka Soomaalida, halka dowlad deegaankana aanay rabin amaba awood u lahayn dusha kala socoshada xaaladda xabsiyadeeda.

Maxaabiis aad u tira yar oo ka mid ah kuwa aan waraysanay ayaa sheegay in la geeyay maxkamad ama lagu soo oogay dembi. Xitaa marka maxaabiista la horgeeyo maxkamadaha, intooda badan ma helaan qareenno difaaca, waqti ay ku keenaan caddeymahooda, ama waxaa u muuqda cadaalad darrada ka jirta maxkamadaha iyo sida ay uga cagajiidayaan inay wax ka qabtaan tacaddiyada ay geysato dowladda. Tani ayaa ka dhigaysa maxaabiista Jeel Ogaadeen kuwo aan haysan qaab ay cadaalad ku heli karaan.

Jirdilka iyo la xisaabtan la’aanta kuwa geysta ayaa ah dhibaato si weyn uga jirta guud ahaan Itoobiya. Human Rights Watch waxaa si joogta ah usoo gaara warar ku aaddan tacaddiyada dalkaasi ka dhaca xilliga su’aalaha la weydiinayo tuhunsanayaasha, sida garaaca xad dhaafka ah, adeegsiga biyaha iyo jirdilka loo geysto xubnaha taranka, si la mid ah dhibaatooyinka ay sharraxeen dadkii soo maray Jeel Ogaadeen. Ilaa iyo inta ay ogtahay Human Rights Watch, ma jirto cid la sheegay in dowladda federaalka ah ay kula xisaabtantay jirdilka, maxkamadaha waxa ay si joogta ah isaga indha tiraan cabashada ah in jirdil uu ka dhaco xabsiyada.

Jawaabta ay dowladda Itoobiya bixiso marka laga codsado inay baaritaan ku samayso tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee la sheegay ayaa ah in Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC) uu samayn karo baaritaannadaasi, balse baaritaannada uu sameeyay EHCR ayaa ah kuwo aan gaarsiisneyn heerarka asaasiga ah ee dhexdhexaadnimada. Waxaa aad u yar hufnaanta howsha uu qabto. Dowladda ayaa si joogta ah u diidday baaq ah in baarayaal caalami ah oo madax bannaan ay eegaan tacaddiyada la sheegay. Waxa ay sidoo kale iska dhaga tirtay codsi uga yimid khabiirka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan jirdilka, falalka ka baxsan bani’aaddannimada iyo kuwa dulleynta ah, iyo 8 kale oo ka tirsan khubarada Qaramada Midoobay kuwaasoo doonayay inay booqdaan Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya, Dr Abiy Axmed, ayaa xilka la wareegay bishii Abriil 2018. Tan iyo markaas waxa uu ballanqaaday inuu fulinayo isbedello waxtar leh, dowladdiisana waxa ay xirtay xabsiga Maekelawi ee ku yaal Addis Ababa, kaasoo ku caan-baxay jirdilka iyo tacaddiyada ka dhanka ah maxaabiista. Khudbad uu bishii Juun ka jeediyay baarlamaanka, ayaa ra’iisal wasaaraha waxa uu qiray in jirdilka uu ka dhaco Itoobiya, taasoo ah arin aan looga baran hogaamiye Itoobiyaan ah.

Haseyeeshee ilaa iyo hadda, ra’iisal wasaaraha cusub kama aanu hadlin qaabka ay dowladdiisa wax uga qabaneyso dhibaatada la xisaabtan la’aanta kuwa geysta jirdilka. Inkastoo ay qaar badan oo ka mid ah maxaabiistii hore ay soo dhaweyn lahaayeen xiritaanka Jeel Ogaadeen, ayaa haddana taasi aanay waxba ka tari doonin nidaamka xadgudubka ku dhisan ee xooggaga ammaanka, la xisaabtanka kuwa geysta dembiyada waaweyn ama sarreynta sharciga ee aadka ugu liidata gobolka Soomaalida.

Waa in Itoobiya ay ku dhaqanto qodobada dastuurkeeda, ayna fuliso waajibaadka asaasiga ah ee ka saaran sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, gaar ahaan in gebi ahaanba ay mamnuucdo jirdilka, falalka arxan darrada ah ee ka baxsan bani’aadannimada iyo dulleynta, ayadoo si nidaamsan wax uga qabanayso eedeymaha joogtada ah ee ku aaddan jirdilka iyo xariga sharci darrada ah. Waa in ra’iisal wasaaraha cusub iyo mas’uuliyiinta sarsare, gaar ahaan kuwa booliska federaalka iyo milateriga ay si degdeg ah oo shaac baxsan u cambaareeyaan tacaddiyada loo geysto maxaabiista Jeel Ogaadeen iyo xabsiyada kale ee Itoobiya, si ay u diraan farriin shaac baxsan oo muujinaysa in aan loo dulqaadan doonin dhibaateynta maxaabiista iyo inay ku xoojiyaan farriintaasi tallaabooyin edbin ah iyo maxkamadeyn lala beegsado saraakiisha ku lugta leh falalkaasi.

Xilli ay soo baxayaan eedeymo badan oo argagax leh, ayaa waxaa looga baahan yahay Dr Abiy Axmed iyo baarlamaankaba inay deegaanka Soomaalida u sameeyaan Guddi Khubaro heer federal ah. Waa in guddigaasi uu baaro tacaddiyada ka dhaca Jeel Ogaadeen, uuna ka tala bixiyo saraakiisha ay tahay in loo maxkamadeeyo dhibaateynta maxaabiista, ayadoo aan loo eegeyn darajadooda. Waa in arintaasi ay qeyb ka noqoto baaritaan gaar ah oo lagu samaynayo mas’uuliyiinta sare ee deegaanka Soomaalida sida madaxweyne Cabdi Illey iyo taliyaha hadda haysta ciidanka Liyu boolis, Cabdiraxmaan Labagole.

Waxaa intaa dheer in dowladda ay ogolaato in Jeel Ogaadeen iyo dhammaan xabsiyada kale ee dalka ay booqan karaan kormeerayaal Itoobiyaan iyo caalamiba ah, oo ay ka mid yihiin kuwo ka socda hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo kuwa samafalka, xubno ka tirsan diblomaasiyiinta, guddiga xuquuqda aadanaha ee Midowga Afrika, khabiirka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan jirdilka, falalka ka baxsan bani’aadannimada iyo kuwa dulleynta ah iyo Kooxda ka Shaqaysa Xariga Aan Loo Meeldayin.

Waa in ra’iisal wasaare Abiy uu si degdeg ah u qaado tallaabooyin uu isbedel muuqda ugu samaynayo ciidanka Liyu boolis, iyo inuu kula xisaabtamo taliyayaasha ciidankaasi iyo dowlad deegaanka Soomaalida tacaddiyada xuquuqda aadanaha oo uu ka mid yahay jirdilka ka dhaca Jeel Ogaadeen.

 

Talooyin

Ku Socda Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya

  • Inuu si cad oo shaac baxsan u cambaareeyo jirdilka, falalka ka baxsan bani’aadannimada iyo kuwa dulleynta ah ee ka dhaca Itoobiya. Inuu hoosta ka xariiqo in aanay jiri karin sabab loo sameeyo jirdil.
  • Inuu taageero samaynta Guddi Khubaro heer federal ah oo baara tacaddiyada ka dhaca Jeel Ogaadeen. Waa in howlaha guddiga ay ka mid noqdaan:
    • Hannaan lagu qiimeynayo kiiska maxbuus kasta oo ku xiran Jeel Ogaadeen, si loo xaqiijiyo:
    • sii deynta kuwa dhamaystay sanadaha lagu xukumay,
    • degdeg u maxkamadeynta maxaabiista aan la xukumin ee caddeynta loo hayo, ama sii deynta kuwa aan caddeynta loo hayn, iyo
    • In kuwa la maxkamadeeyay ay fursad u helaan is-difaaciddooda, ayagoo helaya qareenno, lana horgeynayo maxkamad cadaallad ah.
    • Baaritaan lagu sameeyo eedeymaha jirdilka ee ay soo jeediyaan maxaabiista marka go’aanka laga gaarayo kiiskooda; iyo,
    • Soo jeedin ku aaddan dacwad dembiyeedka ka dhanka ah saraakiisha ku lugta leh tacaddiyada ayagoo aan loo eegeyn darajadooda. Waxaa kuwaasi ka mid ah shakhsiyaadka geystay jirdilka, kuwa amarka bixiyay, kuwa ay saaran tahay mas’uuliyadda talis ee ay hoos tagaan saraakiisha xabsiyada ka geysta tacaddiyada.
  • Haddii aan la samayn guddigaas, waa inuu degdeg u amro in baaritaan daahfuran oo dhexdhexaad ah lagu sameeyo eedeymaha jirdil iyo dhibaateynta, iyo xaqiijinta in dhammaan dadka lagu helo tacaddiyadaasi la edbiyo ama la maxkamadeeyo ayadoo aan loo eegeyn darajadooda. Waa inuu si shaac baxsan u baahiyo warbixinno faahfaahinaya hormarka iyo natiijada laga gaaray baaritaannada, iyo tallaabooyinka laga qaaday dadka ku lugta lahaa tacaddiyadaasi.
  • Inuu kala shaqeeyo baarlamaanka diyaarinta iyo qeexidda awoodda sharci ee ay leeyihiin ciidamada gaarka u ah dowlad deegaannada sida Liyu booliska oo kale.
  • Inuu si degdeg ah isbedel muuqda ugu sameeyo Liyu booliska, gaar ahaan qeexidda mas’uuliyadaha talis iyo kala diridda cutubyada geysta tacaddiyada.
  • Inuu xaqiijiyo in dhaqaale ku haboon, dusha kala socosho iyo nidaamin ay helaan xabsiyada Itoobiya, si loo wanaajiyo xaaladahooda ayna u gaarsiisnaadaan shuruucda ugu hooseeya ee Qaramada Midoobay ay u dejisay la tacaalidda maxaabiista.
  • Inuu ogolaado in kormeerayaal madax bannaan oo xuquuqda aadanaha ah ay booqdaan Jeel Ogaadeen iyo xabsiyada kale ee Itoobiya. Waa inay kormeerayaashaasi awood u yeeshaan inay kulamo gaar ah oo aan xogtooda la shaacineyn la qaataan maxaabiista.
  • Inuu ku martiqaado hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u qaabilsan xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin khabiirka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan jirdilka, falalka ka baxsan bani’aadannimada iyo kuwa dulleynta ah iyo Kooxda ka Shaqaysa Xariga Aan Loo Meeldayin booqasho ay ku tegaan Itoobiya.

Ku Socda Baarlamaanka Itoobiya

  • Inuu kala shaqeeyo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha samaynta Guddiga Khubaro ah oo heer qaran ah sida kor lagu sharraxay.
  • Inuu wax ka bedelo qodobada Hannaanka Xeerka Ciqaabta ee khilaafsan waajibaadka sharciga caalamiga ah ee saaran Itoobiya, si loo xaqiijiyo in maxaabiista ay degdeg ku heli karaan qareenno, looga hortago in dadka muddo badan la hayo ka hor inta aan maxkamad lasoo taagin, la qeexo heerarka caddeynta si loo xaqiijiyo in qoraal, qirasho ama macluumaad lagu helay qaab jirdil ama dhibaateyn ah aanay noqon karin caddeyn.
  • Inuu sare u qaado dusha kala socoshada heer federaal ee dhammaan xabsiyada deegaanka Soomaalida.
  • Inuu xaqiijiyo in booliska federaalka, milateriga, booliska deegaannada, booliska gaarka ah, ilaalada xabsiyada iyo xubnaha kale ee nabad sugidda ay helaan tababar ku haboon oo ku aaddan qaababka su’aallo weydiinta tuhunsanayaasha ee waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
  • Inuu ansixiyo Borotokoolka Khiyaariga ah ee Xeerka ka dhanka ah jirdilka, falalka ka baxsan bani’aadannimada iyo kuwa dulleynta ah iyo Borotokoolka Khiyaariga ah ee Xeerka Caalamiga ah ee xuquuqda madaniga ah iyo kuwa siyaasadda.

Ku Socda Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya

  • Inuu Jeel Ogaadeen iyo xabsiyada kaleba ku sameeyo booqashooyin joogta ah oo aan lasii shaacin, uuna si gaar ah oo aan xogta la shaacineyn u waraysto maxaabiista, inuu tixgeliyo waraysiga maxaabiistii hore ee la sii daayay isla markaana aan ka cabsi qabin aargoosi, iyo inuu dabagal ku sameeyo eedeymaha sheegaya in la dhibaateeyo maxaabiista.
  • Inuu tallaabooyin degdeg ah u qaado yareynta suuragalnimada ah in aargoosi ay la kulmaan maxaabiista la hadasha xubnaha guddiga ee booqashada sameeyay, gaar ahaan in booqashooyin kale loogu tago maxaabiista u warrantay guddiga. Inuu xaqiijiyo in xubnaha guddiga oo keliya ay dooran karaan cidda ay waraysanayaan.
  • Inuu daabaco dhammaan warbixinnada ku aaddan qaabka loola dhaqmo iyo xaaladda maxaabiista ee guud ahaan xabsiyada Itoobiya. Inuu warbixinta Jeel Ogaadeen si shaac baxsan ugu diyaariyo luuqadaha Amxaariga iyo Soomaaliga, uuna ku qeexo tallaabooyinka (haddiiba ay jiraan) uu u qaaday wanaajinta xaaladda xabsiyada iyo inuu la xisaabtamo shakhsiyaadka, oo ay ka midka tahay cidda ay hoos tagaan.

Ku Socda Golaha Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay

  • Inuu caddaadis ku saaro dowladda sii deynta dhammaan maxaabiista siyaasadeed ama dadka loo xiray si aan loo meeldayin ee lagu hayo deegaanka Soomaalida iyo qeybaha kale ee Itoobiya.
  • Inuu ugu baaqo dowladda Itoobiya inay ku martiqaado hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin khabiirka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan jirdilka, falalka ka baxsan bani’aadannimada iyo kuwa dulleynta ah iyo Kooxda Xariga Aan Loo Meeldayin booqasho ay ku tegaan Itoobiya.
  • Inuu xaqiijiyo in baaritaan lagu kalsoonaan karo, madax bannaan oo daahfuran lagu sameeyo dhibaatada jirdilka ee ka taagan xabsiyada tirada badan ee Itoobiya.

Ku Socda Hawlwadaagayaasha Caalamiga ah ee Itoobiya

  • In ay si guud iyo si gaar ahba ugu muujiyaan mas’uuliyiinta Itoobiya walaacooda ku aaddan xariga aan loo meeldayin, jirdilka, dhibaateynta iyo tacaddiyada kale ee xuquuqda aadanaha ee ka taagan Jeel Ogaadeen iyo xabsiyada kale ee dalka.
  • In deeq bixiyayaasha dhaqaalaha siiya mashaariicda ay ku lug leeyihiin xooggaga ammaanka ay sameeyaan baaritaan qoto dheer oo ku aaddan eedeymaha ah in laamaha ammaanka ay tacaddiyo ka geystaan xabsiyada, si loo xaqiijiyo in dhaqaalahaasi aanu gaarin cutubyada xadgudubka sameeya.
  • Inay si weyn ugu dadaalaan ka caawinta hay’adaha caalamiga ah ee samafalka iyo xuquuqda aadanaha sidii ay u kormeeri lahaayeen xabsiyada si ay u eegaan xaaladda dadka lagu hayo ayna u diiwaangeliyaan kiisaska dadka lagula kacay xariga aan loo meeldayin.
  • Inay ugu baaqaan dowladda Itoobiya inay ku martiqaado hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha oo ay ka mid yihiin khabiirka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan jirdilka, falalka ka baxsan bani’aadannimada iyo kuwa dulleynta ah iyo Kooxda ka Shaqaysa Xariga Aan Loo Meeldayin booqasho ay ku tegaan Itoobiya.
  • Inay si shaac baxsan ugu baaqaan baaritaan lagu kalsoonaan karo, madax bannaan oo daahfuran lagu sameeyo tacaddiyada xuquuqda aadanaha ee laga soo sheego xabsiyada Itoobiya.
  • Inay baaritaan ku sameeyaan inta ay la egtahay qoondada lacagaha kaalmada ah ee ammaan ahaan uu u helo deegaanka Soomaalida, gaar ahaan miisaaniyadda ay ka helaan ciidanka tacaddiga badan ee Liyu boolis.
  • Inay ku cadaadiyaan dowladda Itoobiya inay isbedel ku samayso ciidanka tacaddiga badan ee Liyu boolis.

Ku Socda khabiirka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Jirdilka, Falalka ka Baxsan Bani’aadannimada iyo Kuwa Dulleynta ah iyo Kooxda ka Shaqaysa Xariga Aan Loo Meeldayin

  • Inay raadiyaan martiqaad ay ku booqan karaan Itoobiya, haddii ay waayaanna ay raadiyaan qaabab kale oo ay macluumaadka ku ururin karaan, kagana warrami karaan dhibaatooyinka taagan.

Ku Socda Khabiirka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Madax Bannaanida Garsoorayaasha iyo Qareennada

  • Inay raadiyaan martiqaad ay ku booqan karaan Itoobiya si ay u baaraan arimaha la xiriira madax bannaanida garsoorka dalkaasi, ayadoo si gaar ah diiradda loo saarayo deegaanka Soomaalida. Haddii aanu jirin martiqaad, waa inay raadiyaan qaabab kale oo ay macluumaadka ku ururin karaan, kagana warrami karaan dhibaatooyinka taagan.

Ku Socda Guddiga Midowga Afrika u Qaabilsan Xuquuqda Aadanaha, Khabiirka Gaarka ah ee Xabsiyada, Xaaladaha Xariga iyo Booliska Afrika

  • Inay raadiyaan martiqaad ay ku booqan karaan Itoobiya si ay u baaraan xaaladda jirdilka, falalka ka baxsan bani’aadannimada iyo kuwa dulleynta ah ee ka dhaca xabsiyada Itoobiya, gaar ahaan Jeel Ogaadeen.

 

Region / Country