Colaada mudada dheer ka socotay Soomaaliya welina ka socota ayaa weli waxaa ku dhimanaya dad rayid ah, halka dad kale oo rayid ahna ay ku dhaawacmayaan isla markaana ay ku bara kacayaan dad tiro badan oo rayid ah. In kastoo kooxda Islaamiyiinta ah ee hubaysan ee al-Shabaab sanadkii 2012 meelo badan laga saaray, ayagoo ka baxay magaalooyin muhiim ah sida Baladweyne, Baydhabo, iyo magaalada dekada leh ee istaraatiijiga ah ee Kismaayo, hadana waxay weli sii wadaa kooxdaasi weeraro iyo dilal bartilmaameedsi ah oo ka dhaca meelo caasimada Muqdisho ay ka mid tahay.
Waxaa dhibaatooyinkaas geysta al-Shabaab iyo xooggaga ka soo horjeeda—ciidamada ammaanka ee dowlada Soomaaliya, ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ciidamada dowlada Itoobiya, iyo maleeshiyaad ay isbahaysteen—ayaa dhammaantood waxay sameeyeen xad gudubyo, sida weeraro aan loo meel dayin ayagoo dhibaato u geystay dad rayid ah isla markaana sameeyay xirxirid aan caqligal ahayn iyo qabqabasho. Meelaha kooxda al-Shabaab ay ka taliso waxay kooxdaasi ka samaysay caddaalad darro aan caqli gal ahayn waxayna xaquuqaha asaasiga ah ku soo rogtay xaddidaadyo xun. Dowladii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya waxay si baahsan uga baaqsatay in ay badbaadiso xaquuqaha asaasiga ah ee dadka ku sugan meelaha ay ka talisay; ciidamadeeda iyo maleeshiyo isbahaysi la lahaa ayaa waxay galeen xad gudubyo xunxun oo ka dhan ah dadka rayidka ah.
Sanadkii 2012, xaalada Muqdisho waxoogaa way soo hagaagtay, ayadoo colaadii hubeysneyd ee iska socon jirtay ay yaraatay. Ogolaanshaha dowladii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya wuxuu ku ekaa 20kii Agoosto ee sanadkaa kadib caleema saarkii maamulka cusub ee lahaa madaxweynaha cusub, raisul wasaaraha, iyo afhayeenka baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, horumarinta ammaanka ayaa weli ku ah xujo adag Dowlada Qaran ee Soomaaliya, taasoo ay ugu wacan yihiin kordhitaanka dilalka lala beegsado saxafiyiinta iyo dagaalo dhex mara ciidamada dowlada qudhooda iyo maleeshiyaad.
Xadgudubyada Ka Dhacay Meelaha Dowladu Ka Taliso
Dilalka lala beegsado rayidka, gaar ahaan saxafiyiinta ayaa ku batay meelaha dowlada Soomaaliya ay ka taliso. Waxaa la dilay shan iyo toban saxafi sanadkii 2012, kuwaasoo dilalkii loo geystay Dowlada Federaalka Ku-meelgaarka ah (DFK) ay ka baaqsatay in ay baaritaan ku samayso. Ciidamada DFK iyo maleeshiyaad isbahaysi la leh waxay sameeyeen xad gudubyo badan oo ka dhan ah barakacayaasha ku sugan Muqdisho, xad gudubyadaas oo ay ku jiraan kufsi, bililiqeysiga raashin gargaar ah oo ay ka boobeen xerooyinka barakaceyaasha, iyo xiritaan iyo qabqabasho aan macquul ahayn.
Waxaa weli sii socotay dilalkii dadka rayidka ah loo geysanayay iyo dhaawacyadii ka soo gaarayay xabadaha la isweydaarsanaayo, gaar ahaan intii uu socday dagaal u dhexeeyay qeybo ka wada tirsan ciidamada DFK oo ku dagaalamayay gacan ku haynta isbaarooyin, iyo qaraxyada miinooyinka iyo weerarada bambaanooyinka kuwaasoo asaas ahaan ay soo qaadeen dagaalyahaniinta al-Shabaab. Al-Shabaab waxay soo qaaday dhawr weerar oo aad u waaweyn oo ismiidaamin ah kuwaas oo ka dhacay Muqdisho kuwaas oo uu kujiray kii dhacay 20kii Sitember kaasoo ay kudhinteen ugu yaraan 18 qof,oo ay kujireen saddex wariye. Sida laga soo xigtay Ururka Caafimadka Aduunka (ee WHO), intii u dhexeysay bishii Janaayo iyo dabaayaqadii Sitembar, afar isbitaal oo kuyaala Muqdisho ayaa waxaa lagu daaweeyay dad dhaawac ahaa oo tiradoodu ahayd 5,219, ayadoo dad kaloo tiradoodu ahayd 118 ay u dhinteen dhaawacyo kasoo gaaray hub la isu adeegsaday.
Ciidamo dowlada daacad u ah iyo maleeshiyaad is bahaysi la ah ayaa waxay ku kaceen dilal bartilmaameedsi ah iyo dilal aan loo aaba yeelin kuwaasoo ay ka geysteen gudaha magaalooyinka dhawaan kooxda al-Shabaab ay ka baxday. Ciidamadaas iyo maleeshiyaadkaas ayaa waxay sidoo kale si aan macquul ahayn u xireen dad rayid ah, gaar ahaan dad rag ah, intii ay ku guda jireen howlo ammaanka lagu sugayay. Intii u dhexeysay bartamihii Janaayo iyo bartamihii Maarso gudaha Baladweyne, ciidamada Gobolka Dooxada Shabeele ee isbahaysiga la ah DFK iyo maleeshiyaad kale ayaa ugu yaraan waxay dad gaaraya todobo u geysteen dilal aan loo aaba yeelin. Daba yaaqadii bishii Shanaad, ciidamada DFK oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan Hayada Ammaanka Qaranka (NSA) waxay si aan macquul ahayn u xireen una qabteen boqolaal niman iyo wiilal ah arintaasoo ka dambaysay la wareegidii magaalada Afgooye.
Dad rayid ah ayaa la dilay lana dhaaawacay kadib markii si aan loo meel dayin ay ciidamada DFK iyo maleeshiyaadka isbaheysiga la leh ay hub u rideen. 21kii Maarso, kadib markii weerar bam gacmeed ah lagu qaaday maleeshiyo is bahaysi la leh DFK, maleeshiyadaasi waxay ku jawaabtay in ay xabado ku furto dad rayid ah gudaha magaalada Baydhabo, ayadoo halkaas ku dishay ugu yaraan lix qof.
Maxkamada militariga ee DFK ayaa waxay sii waday in ay ku xukunto dil isla markaana la dilo shaqaale ka tirsan DFK; oo ugu yaraan lix qof ayaa xukun dil ah lagu fuliyay sanadkii 2012.
Xad Gudbyada Ka Dhacay Meelaha Kooxda al-Shabaab ay Ka Talisay
Al-Shabaab waxay galeen xad gudubyo xunxun sida dilal bartilmaameedsi ah, madaxyo goyn, iyo toogashooyin, waxayna si qasab ah u qorteen dad qaan gaar ah iyo carruur intaba meelaha ay ka taliyaan. 22kii bishii todobaad, 2012, gudaha magaala xeebeedka Merka, al-Shabaab waxay meel fagaare ah ku toogteen saddex nin oo ay kooxdaasi ku eedeysay in ay ahaayeen basaasiin ay Reer Galbeedku adeegsanayeen. Al-Shabaab waxay sii waday in ay ku dhaqanto qaab ama nooc xag jir ah oo ka baxsan sharciga Islaamka meelaha ay ka taliso, ayadoo kooxdu ay xaddiday dhaqdhaqaaqa dadka u baahnaa cawimaad baniaadminimo ama doonayay in ay ka cararaan dagaal ka jiray Kismaayo.
Askaraynta Carruurta iyo Xadgudubyo Kale
Dhammaan darafyada dagaalka iskala soo horjeeda ee Soomaaliya waxay sii wadaan in ay galaan xad gudubyo xun xun oo ka dhan ah carruurta, kuwaasoo ay kujirto in ay carruurta ku daraan ciidamadooda. Al-Shabaab waxay la bartilmaansatay carruurta askareyn, guur qasab ah, iyo kufsi, waxayna weerartay macallimiin iyo iskuulo.
Bishii todobaad ee sanadkaa 2012, DFK waxay saxiixday qorshe ka dhan ah askarayta carruurta; laakiin isla bishaa gudaheeda, 15 carruur ah ayaa waxaa laga dhex helay xubnaha koox askar cusub ah oo markaa la diiwaan galiyay kuwaasoo loo diray tababar Midowga Yurub uu maal gashay oo ka dhacayay wadanka Uganda. Dowladu waxay sidoo kale xirtay carruur horay loola xiriirshay al-Shabaab, waxayna u adeegsatay sidii jaasuusiin oo kale.
Xadgudubyada ay Geystaan Ciidamada Ajnabiga ah
Ciidamada ajnabiga ahi waxay galeen xad gudubyo xunxun bartamaha iyo koofurta Soomaaliya, xad gudubyadaas oo ay kujiraan duqeyn aan loo meel dayin. Laga soo bilaabo bishii Oktoobar 2011,ciidamada cirka iyo kuwa badda ee Kenya waxay si aan taxaddar lahayn u garaaceen oo u duqeeyeen meelo dad badan ay ku nool yihiin, ayagoo dilay oo dhaawacay dad rayid ah iyo xoolo. Bishii Agoosto 11keedii, ciidamada badda ayaa duqeeyay Kismaayo taasoo keentay dhimashada dad rayid ah oo saddex ah, oo ay ku jireen laba wiil.
Ciidamada Itoobiya ayaa si aan macquul ahayn u xiray oo qabqabtay, isla markaana si xun ula tacaamulay shakhsiyaad ay gacanta ku hayeen, gaar ahaan gudaha magaalada Baladweyne iyo gudaha magaalada Baydhabo.
Xaddidaada Saaran Cawimaada Biniaadminimo
Bishii Febraayo 2012, QM waxay shaaca ka qaaday in macaluushii ka jidhay Soomaaliya ay dhammaatay, laakiin waxay ku adkaysatay in ugu yaraan laba milyan oo dad ah ay weli u baahnaayeen cawimaad biniaadminimo. Helitaanka cawimaada biniaadminimo ayaa waxay weli tahay mid xaddidan taasoo ay ugu wacan tahay colaada sii socota, ammaan darrada, xaddidaada ay soo rogeen darafyada colaada isku haya, iyo weecinta gargaarka.
Kooxda al-Shabaab waxay sii wadaa xaddidaadii cawimaada biniaadminimo waxayna ka mamnuucdaa in ka badan16 urur oo biniaadminimo ah, oo ay ka mid yihiin Sanduuqa Carruurta ee QM (UNICEF) iyo Action Contre la Faim (ACF), in ay ka shaqeeyaan meelaha ay ka taliso. 8dii bishii Oktoobar, 2012, kooxda al-Shabaab waxay ka mamnuucday mid ka mid ah ururadii ugu dambeeyay ee soo haray ee gargaarka ee caalamiga ahaa, oo ah Islamic Relief, in uu ka shaqeeyo meelaha maamulkeeda hoos yimaada.
Gudaha magaalooyinka dhawaan kooxda al-Shabaab ay ka baxday, ammaan darro, ay ku jirto dagaal u dhexeeya isla ciidamada ka wada tirsanaa ciidamada isbahaystay ee DFK, ayaa wuxuu xaddiday waddooyinkii ay hayadaha gargaarku mari lahaayeen. Weeraro bartilmaansi ah oo lagu qaado shaqaalaha biniaadminimada ayaa weli ka socda wadanka qeybihiisa oo dhan.27dii Agoosto, 2012, xubin ka tirsan shaqaalaha Soomaalida ah ee Ururka Qaramada Midoobay ee Raashinka iyo Beeraha (FAO) ayaa waxaa lagu dilay Merka.
Weecinta gargaarka biniaadminimo ee ka jirta gudaha Muqdisho taasoo ay ciidamada dowlada, maleeshiyo isbahaysi la leh, saraakiil iyo dad kale ay sameeyaan, iyo ammaan darro ka jirta goobaha raashinka lagu qeybsho ayaa si weyn u xaddiday helitaankii dadka soo barakacay ay heli lahaayeen cawimaad.
Somaliland
Dowlada Somaliland waxay si ku celcelis ah oo aan macquul ahayn u qaqabatay una xirxirtay saxafiyiin—gaar ahaana kuwo soo tebinayay arimaha siyaasada ee xasaasiga ah sida Maamul-goboleedka is magacaabay ee Khatumo State—waxayna demisay bannaan baxyo ay sameeyeen mucaaradku. Bishii Abriil 2012, dowladu waxay jawaabo ka bixisay bannaan baxyo is daba joog ahaa oo xubno ka tirsan xisbi mucaarad ah ay soo qabanqaabiyeen ka dib markii laga reebay doorashooyin maxali ah ayadoo si ku meel gaar ah u xirxirtay una soo qabqabatay taageereyaasha xisbigaa. 8dii Maarso, 2012, boolisku waxay si aan macquul ahayn u xirxireen dad tiradoodu ahayd 71, oo ay kujireen carruur, kana yimid Laas Caanood walow ay si nabad ah u sameeyeen bannaan bax ay ku taageerayeen Khatumo State. Xad gudubyo hannaan, oo ay ku jiraan dad inta lasoo qabto muddo dheer rumaan ku qaata xabsiga iyo qabqabashada carruurta, ayaa ah arin aad murugo u leh. 17kii bishii shanaad, 2012, maxkamada militariga ayaa 17 qof ku xukuntay dil.
Ugu yaraan laba jeer, dowlada Somaliland waxay masaafurisay dad tiro badan oo Itoobiyaan ah, oo ay kujireen qaxooti iyo magan galyo doon. 31dii Agoosto, Somaliland waxay si qasab ah dib ugu dirtay Itoobiya 100 ruux oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo u badnaa haween iyo carruur,dadkaas oo ay kujireen dad qaxooti ah iyo dad magangalyo doon ahaa. Arintan ayaa waxay ka dambeysay markii 3kii Agoosto iyo 31dii Agoosto, ay boolisku weerar ku qaadeen dhismeyaal cooshado ah oo dad ku noolaayeen oo ku yaalay Hargeysa. Boolisku intii weerarka ay wadeen waxay rideen xabado noolnool, oo waxay dhaawaceen ugu yaraan lix qof oo Itoobiyaan ah, intaa kadibna waxay soo qabqabteen oo xireen 56 qof oo Itoobiyaan ah.
Ka Qeyb Galeyaasha Waaweyn ee Caalamiga ah
Wadamada iskaashiga caalamiga ah la ahaa DFK, oo ay ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, iyo Turkiga, waxay isku dayeen in ay dhisaan awooda hayadaha dowliga ah ee taagta darnaa ee Soomaaliya iyo xoogaa maamul goboleedyo ah. Diirada waxay shirkooyinka ajnabiga ah iyo wadamada dariska aha aad u saarayeen sanadkii 2012 hirgalinta geedi socodka (roadmap) oo loo sameeyay si uu u hago fulinta howlaha ku meel gaarka ahaa ee mudnaanta lahaa, oo ay ku jireen ansixinta dastuurka iyo isbadal samaynta baarlamaaniga ahayd, ka hor intii uusan dhammaan waqtiga ku meel gaarka ahaa.
Waxay sidoo kale diiradu saarneyd taageerada militari ee la siinayay AMISOM iyo ciidamada DFK, taasoo inta la xusi karo Mareykanka iyo Midowga Yurub ay siinayeen. Mareykanku wuxuu markii ugu horeysay xusay 2012, in uu ogolaaday in hawada al-Shabaab lagaga soo duuqeeyo diyaaradaha duuliyeyaashu aysan saarnayn ee drones-ka loo yaqaano iyo howlgalada Ciidamada Gaarka ah ee ka dhanka ah isla kooxdaas gudaha Soomaaliya. Dowlada Ingiriiska waxay ka howl galisay cutub military ah caasimada Muqdisho.
22kii Febraayo, 2012, Golaha Ammaanka ee QM wuxuu ogolaaday in la kordhiyo tirada ciidanka Midowga Afrika ka jooga soomaliya, iyadoo howgalka aanu haysan adeegyo ku filan oo ku saabsan isla xisaabtanka. Ciidankaas oo markii hore tiradiisu ahayd 12,000 ayaa waxaa la ansixiyey in la gaarsiiyo 17,731.
Joogitaanka militari fara badan uu joogo gudaha Soomaaliya waxaa dheer in dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay sii wadeen in ay tababaraan, taageero militarina ay siiyaan maleeshiyo taabacsanayd DFK. Waxay dan gaar ah ka leeyihiin maamulada ka taliya meelaha xaduudka la leh wadamadooda sida: Gedo, iyo Jubada Hoose iyadoo magaalada Kismaayona ay meelahaa ka mid tahay.
QM waxay howsheedu tahay hannaan hiigsi ah oo lagu tijaabinaayo joogitaankeeda wadanka gudihiisa isla markaana lagu horumarinaayo isku xirka ka jira gudaha Soomaaliya. Xoojinta nidaamyada QM ee xaquuuqul insaanku waxay muhiim u yihiin guusha dib u eegida.
Ayadoo horumarinta isla xisaabtanka ah heerka qaran uu haatan ku saabsan yahay ajendaha caalamiga ah ayaa waxaa loo baahan yahay in wax badan la qabto si loo xaqiijiyo in dhiiranaantaan la soo cusboonaysiiyay ay horseedo horumarino wax ku ool ah oo wadanka laga sameeyo. Marka la eego xaddiga dambiyada la galay ee ka dhacay gudaha Soomaaliya, isla xisaabtanka heerka caalamiga ah, oo laga xusi karo kan loo sii marayo hirgalinta guddi xaqiiqo raadin ka shaqeeya oo QM ay leedahay—ama nidaam habboon oo loo barbar dhigi karo—ayaa wuxuu yahay muhiim si loo caddeeyo dambiyada xunxun isla markaana talo looga bixiyo tillaabooyinka habboon.