Skip to main content

(Nairobi) – Dagaal u dhexeeyay dabley qabaail oo horraantii bishaan ka dhacay Kismaayo, Soomaaliya ayaa wuxuu khasaaro u geystay dad rayid ah oo aan tiradooda la garanayn arrintaasoo sida muuqata u eg in weeraro aan loo aabayeelin lagu qaado dhismeyaal rayid.

Qaramada Midoobay waxay ku warbixisay in ugu yaraan 31 qof oo rayid ah la dilay, 38 qof oo kalena la dhaawacay intii uu socday dagaalkaas taariikh 7 iyo taariikh 8 Juun, 2013, dagaalkaas oo dhacay kadib xiisad muddo asbuucyo ah ka taagnayd maamulida dakada faa’iidada badan ee magaaladaas. Wararka ka soo baxay tirooyinka ayaa is khilaafaya sababtoo ah dadka dhintay iyo dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo kala qaaday meelo kala duwan oo caasimaddaa ka tirsan. Xogta ku saabsan xaaladda dadka khasaaradu soo gaartayna waa mid xaddidan.

“Dableyda ku dagaalamaya Kismaayo ayaa u muujiyay tixgalin yar sida muuqata badbaadada dadka rayidka ahaa ee hareerahooda ku sugnaa, kuwaasoo meelaha ay joogeen ay kujireen suuq iyo isbitaal,” sidaa waxaa tiri Leslie Lefkow, oo ah agaasime ku-xigeenka waaxda Afrika. “Dhammaan dhinacyada dagaalamaya waa in ay sameeyaan taxaddaro ay ku badbaadinayaan dadka rayidka ah. Sharuucda dagaalka ayaa waxay khuseeyaan dhammaan kooxaha hubeysan.” Sidaa ayay raacisay.

Human Rights Watch waxay la hadashay dhowr qof oo halkaa daggan iyo shaqaale caafimaad oo caasimaddaa kusugnaa kuwaasoo sheegay sidii weeraradu ay u galaafteen nolosha dad rayid ah dhaawacna u gaarsiiyeen dhismeyaal dad rayid ahi leeyihiin.

Dagaalka intiisa badan wuxuu ka dhacay xaafada Dalacaada ee dagmada Calanley oo ku taalla koofurta galbeed ee magaalada Kismaayo, gaar ahaana waddada garoonka diyaaradaha loo maro. Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa la dilay markii dagaalku uu qarxay 7 dii Juun. Dad maxaliyiin ah ayaa u sheegay Human Rights Watch in Kusa Nurow Xasan, oo ahayd haweeney naafo ah, ay xabbadi uga dhacday madaxa iyo gacanta bidix ayadoo ku sugnayd suuqa Calanley halkaas oo caano ay ku iibin jirtay. “Waxaanu dhulka ka soo uruurinay ilkaheedii dhinaceedii bidixna waa uu burburay,” sidaa waxaa tiri haweenney wax kasoo qaadday meydkeeda. “Waxaa aad u xanuun badan in la xasuusto sida loo dilay.”

8 dii Juun, dagaal ayaa qarxay qiyaastii markii ay saacaddu ahayd 8da subaxnimo wuxuuna socday illaa qiyaastii saacaddu markay ahayd 6da galabnimo. Il-wareed maxali ah ayaa waxay u sheegtay Human Rights Watch in xabado wiifto ahaa ay ku dhaceen macalin dugsi Quraan iyo hal qof oo ka mid ahaa ardaydiisa intii uu dagaalku socday subixii. Marqaatiyaal ayaa sheegay in duqeyn culus ay galabkii ka dhacday Dalacaada. Saddex carruur ah, oo laba ay walaalo ahaayeen kuwaasoo afar jir iyo shan jir kala ahaa iyo gabar kale oo toddobo jir ahayd, ayaa dhintay kadib markii madfac, sida macquulka ah marqaatina uu sheegay uu ku habsaday ayagoo joogay meel u dhow gurigooda oo kuyaala xaafada Dalacaada. Ugu yaraan shan qof oo kale oo rayid ah oo guriga kujiray ayaa duqeynta lagu dhaawacay, dadkaas oo ay ku jireen gabar kale oo todobo jir ah iyo haweeney dhallinyaro ah. Ilo-wareed maxali ah ayaa kusoo waramay in guri kale oo xaafaddaa ku yaalay uu madfac ku dhacay isla weerarkaa intii uu socday, oo uu haweeney dhaawacay.

Qiyaastii markii saacaddu ahayd 6 da galabnimo, isbitaal si gaar ah loo leeyahay oo yar oo lagu magacaabo Waamo Hospital, kaasoo adeegyo caafimaad siiya dadka bukaan-socodka ah kuna yaala xaafadda Dalacaada, ayaa sidoo kale ku dhacay hub la soo riday.Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa aaminsan in madfac lagu riday isbitaalka balse sawirada caddeynta ah ee halkaas laga soo qaaday ma muujinayaan caddeyn dhameystiran. Isbitaalka si waadax ah ayaa boorkiisu u muuqanayay. Dhowr ilo-wareed ayaa u sheegay Human Rights Watch in madfacu uu sheybaarkii isbitaalka burburiyay iyo sidoo kale in qolkii latalinta caafimaadka lagu bixin jirayna uu dhaawac gaarsiiyay. Qofna kuma dhaawacmin halkaa, maadaama aysan cidna joogin qolalkaa, laakiin qalab sheybaar ayaa la burburiyay.

Dagaalka Kismaayo asaas ahaan wuxuu u dhexeeyay dableyda qabiilka Cawrmale iyo dableyda Ras Kamboni. Marka loo eego il-wareed maxali ah, dableyda Gaaljecel waxaa sidoo kale loo malaynayaa in ay ka qeybqaadatay dagaalka. Human Rights Watch ma aysan awoodin in ay xaqiijiso maleeshiyada masuulka ka ahayd hubka lagu garaacay guryaha iyo isbitaalka kuyaala xaafada Dalacaada, iyo hubka la adeegsaday.

“Xogta aan tooska ahayn ee ku saabsan isku dhacyadii dhawaan ka dhacay gudaha Kismaayo iyo waxyeellada ay gaarsiiyeen dadka rayidka ah waxay mar kale sharraxaysaa baahida loo qabo wax qorid iyo soo tebin nidaamsan,” Lefkow ayaa sidaa sheegtay. “Hawlgalka QM ee cusub ee Soomaaliya – UNSOM – waa inuu si dhaqso ah u hirgasho qeybtiisa baahsan ee la socoshada xaquuqul insaanka.” Sidaa ayay raacisay.

Sharciga caalamiga ah ee baniaadminimada, ama shuruucda dagaalka, waxay ku waajib yeelayaan dhammaan dhinacyada dagaal ka qeyb qaadanaya, oo ay kujiraan ciidamada qalabka sida ee wadan leeyahay iyo kooxo hubeysan oo dowli aan ahayn, inay qaataan taxaddar kasta oo macquul ah si loo yareeyo dhibka soo gaaraya dadka rayidka ah. Weerarada lagu bartilmaansado dad rayid ah ama ahdaafta rayidka waxaa loo mamnuucay si la mid ah sida loo mamnuucay weerarada aan u kala aaba yeelin ahdaafta rayidka iyo ahdaafta militariga, ama la filayo inay rayidka u geysan karaan dhib ka weyn faaiidada militari ee la filayo.

Ayadoo shuruucda dagaalku aysan mamnuucin dagaalada ka dhaca magaalooyinka, joogitaanka meel ay joogaan dad badan oo rayid ah waxay saareysaa waajibaadyo intii hore ka weyn dhammaan dhinacyo dagaalamaya si ay u qaadaan tillaabooyin lagu yareynayo dhibka soo gaaraya dadka rayidka ah.

Kismaayo waxay kacsaneyd laga soo bilaabo 15 kii Maayo, markii hoggaamiyeyaal qabiilo maxali ah ay shaaca ka qaadeen ismaamul-hoosaad goboleed oo cusub oo loo yaqaano “Jubaland,” kaasoo hoos imaanaya hoggaanka Axmed Maxamed Islaan oo loo yaqaano, “Madoobe,” oo ah madaxa dableyda Ras Kamboni. Shaacintaasi waxay keentay in hoggaamiyeyaal qabaail oo kale oo ku sugan Kismaayo ay shaaca ka qaadaan in ay iyaguna yihiin hoggaamiyeyaasha Jubaland, waxaana ka mid ah Iftin Xassan Baasto. Dagaalka ayaa qarxay 7dii Juun markii dableyda Ras Kamboni ay sida la sheegay ka hor istaagtay Baasto inuu la kulmo wafdi kasocday dowlada federaalka Soomaaliya oo ka yimid Muqdisho.

“Ayadoo aan la haynin faahfaahin sax ah oo ku saabsan dagaalka, hadana sida waaddaxa ah rayidka ayaa khasaaradu soo gaadhay,” sidaa waxaa tiri Lefkow. “Hayadaha dowliga ah ee Soomaaliya iyo dhammaan dhinacyada kale ee ku jira colaadaan waxaa laga doonayaa in ay badbaadada rayidka ka dhigaan mudnaan.”

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.

Region / Country