Skip to main content

(Nairobi) – Xukun ay maxkamad racfaan riday kaasoo lagu taageerayo xukun horay loogu riday wariye wareysi ka qaaday haweeney soo sheegatay in ciidamada dowladu ay kufsadeen ayaa wuxuu dib u dhac weyn ku yahay xorriyada saxaafada ee Soomaaliya.  Haweeneyda, oo sidoo kale horay loogu riday xukun ah “in ay cayday dowlada” iyo dambiyo kale oo lagu soo eedeeyay, ayaa haatan wax dambi ah lagu waayay.

3dii Maarso, 2013, maxkamada racfaanku waxay taageertay xukun maxkamad  ayada ka hooseysa ay ku riday wariye  Cabdicaziiz Cabdinuur Ibraahim, laakiin xukunkii lagu riday asaga ayaa waxaa laga soo dhimay hal sano oo waxaa lagu soo koobay iminka lix bilood. Xaakimku wuxuu caddeeyay in Cabdicaziiz Cabdinuur uusan qaddarin sharuucda wadanka iyo anshaxa saxaafada kadib markii uu warbaahinta usoo tabin waayay wareysigii uu la yeeshay qofka dhibbanaha ah ee la sheegay in la kufsaday. Waxaan caddeyn waxa ay yihiin sharuucda gaar ahaan lagu helay inuu ku xad gudbay.

“Maxkamadu waxay xornimadeeda u soo celisay haweeneyda oo ay ahayd in aanba weligeed la xukumin ayadoo taageereysa xukun aan caddaalad ahayn oo lagu riday wariyaha,” sidaa waxaa yiri  Daniel Bekele, oo ah agaasimaha Waaxda Afrika. “Kiiskaan kadib, waa kuma qofka asagoo maskaxdiisu taam tahay kula talin kara dhibbane dowladu ku xad gudubtay in uu soo sheego fal dambiyeedka loo geystay? Ama in uu u sheego waxa qabsaday wariye?”

5tii Febraayo, haweeneey soo sheegtay in shan askari oo dowlada ka tirsan ay kufsadeen bishii Agoosto 2012, iyo  Cabdicaziiz Cabdinuur Ibraahim, oo ah wariye wareysi ayada ka qaaday ayaa, waxaa lagu xukumay in ay si been abuur ah ugu soo eedeeyeen  hayad dowladeed  in ay gashay dambi arintaas oo dhaawac u geysanaysa ammaanka qaranka mid kastoo labadooda ka mid ahna waxaa lagu xukumay xarig hal sano ah. Haweeneyda xukunkii lagu qaaday  fulintiisa dib ayaa loo dhigay ilaa inta ay ka dhammaynayso nuujinta ilmo yar oo ay dhashay oo ay nuujiso. Cabdicaziiz Cabdinuur wuxuu ku qaadanayay xarigiisa Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Kiiska waxaa qaribay xadgudubyo daran oo loo geystay xaquuqda dadka la soo eedeeyay marka loo eego qaanuunka xaquuqul insaanka ee caalamiga ah. Ka hor intii aan dacwada la dhagaysan,  boolisku waxay  si qasab iyo handadaad ah u wareysteen  haweeneyda  oo ay markaa gacanta ku hayeen ayada oo aan lahayn wax abuukaate ah. Mid ka mid ah caddeymaha ay dacwad oogeyaashu soo bandhigeen maxkamada gudaheeda waxay ahayd maragkacii umuliso ayadu arinta ku soo koobtay in haweeneyda aan la kufsan ayadoo arintaa ku salaynaysa “baaritaan far ah,” oo ah ‘baaritaan’ aan saynis ku salaysnayn, baniaadminimada ka baxsan, oo sharaf ridis ah kaasoo aan lahayn qiime daliileed. Maxkamada hoose uma ogolaan in dadka la soo eedeeyay ay soo bandhigaan kiiskooda ama ay keenaan marqaatiyo.

Maxkamda racfaanku waxay samaysay laba dhagaysi oo kiiska ay ku samaysay 20kii iyo 27dii Febraayo. Xaakimku wuxuu ogolaaday in dadka eedeysaneyaasha ahi ay soo gudbiyaan dukumiintiyo muujiyay in si lidi ku ah sheegashada dacwad oogeyaasha uusan wariyuhu soo daabicin wareysigii uu qaaday. Eedeysaneyaashu waxay u yeereen saddex marqaati oo  marag kacay isla markaana taageeray sheegashada haweeneyda  taasoo ah in la kufsaday bishii Agoosto 2012.

Dowladaha deeqda baxsha iyo ka qeybgaleyaasha kale ee caalamiga ah oo mar horeba cambaareeyay sida dowlada Soomaaliya ay ula tacaamushay kiiskan waa in ay sii wadaan ku dhawaaqida diidmooyinkooda. Human Rights Watch waxay ku soo celisay baaqeedii ay hayadaha dowliga ah ee Soomaaliya ugu baaqday  in ay meesha ka saaraan haysashada  Cabdicaziiz Cabdinuur oo si dhaqso ah u sii daayaan.

“Dowladu waxay ku dooday in caddaaladu ay waddadii loogu tala galay mari doonto marka laga hadlayo kiiskaan, laakiin tillaabo kasta waxay ahayd caddaalad lagu xad gudbay,” Bekele ayaa sidaa yiri. “Burinta kiiska iyo si aan shardi lahayn u sii deynta Cabdicaziiz Cabdinuur waxay muujin doontaa in dowladani ay diyaar u tahay in ay diirada saarto badbaadinta xorriyatul qowlka iyo ku dhiirigalinta dhibbaneyaasha carqalada dhanka galmada in ay soo baxaan oo sheegaan wixii loo geystay.”

Your tax deductible gift can help stop human rights violations and save lives around the world.

Region / Country