Sanadku wuxuu mid ay astaan u ahaayeen dagaallada ka soconaya Soomaaliya iyo xadgudubyada ay gaysanayeen dhinacayada dagaallamaya, sida weerarro aan kala sooc lahayn oo dhibaataynaya rayidka. Inkasta oo kooxda Islaamiyiinta hubaysan ee al-Shabaab ay weli ka talinayeen deegaanno ka badan inta kooxaha kale ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, hadana Dawladda Federlaaka Soomaaliya (TFG)—oo kaashanayasa Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya (AMISOM) iyo maliishiyaadka isbahaysiga la ah TFG-da, gaar ahaan Ahlu Sunna Wal-Jameeca (ASWJ) iyo Raaskambooni—ayaa gacanta ku dhigey deegaanno cusub oo ka tirsan caasimada Muqdisho, iyo deeganno kooban oo ku yaal xuduudka Kenya iyo Itoobiya. Ogoosto 6-deedii ayaa al-Shabaab isaga baxeen Muqdisho, iyagoo ku sheegey inay xeelad ahaan ula jeedaan, waxayse sii wadeen weerarradoodii caasimadda, oo ay ku jiraan qaraxyo is miidaamin ah.
Al-Shabaab waxay deegaanada ay xukumaan kasii wadaaan fulinta garsoor aan sharci waafaqsanayn, oo ay ku jiraan madaxyo-goyn, garaacis iyo jirdil. Ciidanka TFG-da iyo maliishiyaadka xulafada la ah sidoo kale waxay gaysteen xadgudubyo waaweyn oo lagula kacay rayidka, TFG-duna guud ahaan wey ku guul-darreysatey inay ilaaliso xuquuqda aadanaha ee aasasiga ah ee shacabka ku nool deegaannada hoos yimaada. Dagaalku saamayn toos ah ayuu ku lahaa masiibada bani’aadannimo ee ka sii dareysey iyo macluumashii ku dhufatey Soomaaliya bartamihii 2011-ka. Xadgudubyada ay gaysanayeen al-Shabaab iyo TFG-da aanse xaddi ahaan u dhigmin ayaa ka xannibey gargaarka bani’aadanimmo inuu gaaro dadkii loogu talo galay inay ka faa’iideystaan.
Xadgudubyada Xeerarka Dagaalka
Weerarro aan kala sooc lahayn ayey gaysteen dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka intii ay socdeen duullaamo xiriir ah oo ay hoggaaminaysey TFG-da oo kaashanaysa AMISOM iyo ASWJ, oo dhacay dabayaaqadii 2010-ka iyo intii u dhexeysey Febraayo iyo May 2011-ka. Al-Shabaab si joogto ah ayay goobaha rayidka ku badan yahay uga soo tuureysey si aan kala sooc lahayn madaafiic ay la beegsanayso fariisamaha TFG/AMISOM, iyagoona badanaa si sharci darro ah khatar u geliya rayidka. Xoogagga TFG iyo AMISOM waxay aalaaba kaga jawaabeen weerar-celis aan kala sooc lahayn, gaar ahaan gudaha iyo agagaarka suuqa Bakaaraha. Sida ay sheegtey Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), intii u dhexeysey Jannaayo iyo dabayaaqadii Sebtembar saddex isbitaal oo Muqdisho ku yaal ayaa daaweeyey 8,430 dhaawac ah oo qabey dhaawacyo rasaaseed. Diiwaanka isbitaallada ayaa muujinaya in qaybta ugu weyn ee qasaaraha rayidka ay ahaayeen dumar iyo carruur.
Sidoo kale duqeymo aan kala sooc lahayn ayaa lala beegsadey goobaha rayidka intii ay socdeen weeararrada ay maliishiyaadka xulafada la ah TFG-da ee ku sugan deegaannada xuduudka ku yaal ee Dhoobley iyo Baardheere ku qaadayeen al-Shabaab. Dagaallo soo cusboonaadey oo si lama filaan ah uga dhex qarxey Raaskambooni iyo Maliishiyaadka kale ee TFG-da la safan iyo Al-Shabab oo horraaantii Oktobar ka dhacay Dhoobley ayaa keeney dhimashada ugu yaraan 11 rayid ah, oo la sheegey inay heshey rasaaaastii la is-weydaarsanayey.
Ma jirin isku dayo lagula xisaabtamayo kuwii mas’uulka ka ahaa weerarrada aan kala sooca lahayn.
Oktoobar 4-teedii qarax is miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho, uuna shegtey al-Shabaab, ayaa ka dhacay dibedda xarun weyn oo hoy u ah dhowr wasaaradood, oo ay ku jirto Wasaaradda Waxbarashda. Ugu yaraan 100 qof oo rayid ah ayaa lagu diley, oo ay ku jireen ardey iyo waalidiin ku sugayey wasaaradda natiijooyin imtixaan.
Xadgudubyada ka Dhaca Deegaannada TFG-da
Rayid badan ayaa lagu diley laguna dhaawacay mar uu socdey dagaal u dhexeeyey ciidanka TFG-da iyo mucaaaadka iyo intii lagu jirey hawlgallada TFG-da ee “hirgelinta sharciga.” Dhacdo dabayaaqadii Jannaayo ka dhacdey Muqdisho ciidanka TFG-da ayaa la sheegey inay rasaas ku fureen dad rayid ah, iyagoo diley 12 illaa 20 qof dhaawacayna ugu yaraan 30 qof.
Xoogagga TFG-da iyo maliishiyaadka ku safka ah tacadiyo baahsan ayey u gaysteen barakacayaasha Muqdisho, sida boobka raashinka gargaarka ah ee xeryaha barakacayasha, soo xirid iyo xabsi aan sharci ahayn iyo kufsi. Iyadoo TFG-du ay si caddaan ah u sheegtey inay ka fiirsanayso hakad-gelinta ciqaabta dilka ah, maxkamada ciidamadu waxay maxkamadaysey oo dil toogasho ah ku xukuntey ugu yaraan 17 askarta TFG-da ah iyo qof rayid ah tan iyo bishii Ogoosto, markii Madaxweynaha TFG-da Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku dhawaaqey xukun deg-deg ah oo lagu soo rogayo deegaanno ka tirsan Muqdisho. Ogoosto 22-keedii laba ka tirsan ciidanka TFG-da ayaa dil-toogasho lagu fuliyey.
Deegaannada hoos taga maliishiyaadka ka tirsan TFG-da, rayidka ayaa loogu gaystey soo qabasho iyo xirid aan sharci ku imaan. Bishii Maarso ASWJ ayaa Buulo-Xaawo boqollaal dad rayid ah, oo ay ku jireen dumar iyo carruur, ku xirtey si aan sharci ahayn, kadib weerar bambaano. Dadkii u qaxay Kenya ee sii marey jidka Dhoobley waxay ku warrameen in rag labisan oo ay rumeysan yihiin inay qayb ka yihiin TFG-da, ay qabteen kuna eedeeyeen inay yihiin taageerayaasha al-Shabaab. Shaqsiyaad lagu eedeeyey ama loo qaatey inay taageeraan al-Shabaab ayaa sidoo kale si sharci darro ah loo diley. Ugu yaraan saddex rayid ah ayaa ASWJ ay toogasho deg-deg ah ku dileen markii ay la wareegeenBuulo-Xaawo bishii Maarso; mid ka mid ah waxaa la wareyiyey inuu ahaa wiil 17-jir ah. Bishii May afhayeenka ASWJ ayaa saxaafada kasoo xigatey inuu yiri in kooxdu ay dili doonto ciddii lagu helo iyagoo u basaasaya al-Shabaab.
Toogasho aan loo meel dayin ee AMISOM ayaa sidoo kale keentey dhimasho rayid; dhacdooyinka qaar waxay horseedeen baaris gudaha ah in la sameeyo. Sebteembar 2-deedii, ciidanka AMISOM ee Muqdisho ayaa toogasho ku diley Suxufi u dhashey Malaysiya qof kale oo la shaqeynayeyna way dhaawaceen . Baaritaan gudaha ah ayaa ku heley saddex askarta Burundi ah inay mas’uul ka ahaayeen dilka. Saddexdii waxaa loo celiyey Burundi, si loo maxkamadeeyo sida la sheegey.
Xadgudubyada ka dhacay deegaannada Mucaaradka
Al-Shabaab ayaa weli xukuma inta badan koonfurta Soomaaliya halkaasoo dhinac walba nolosha dadka lagu maamulo qaab adage ee Sharciga Islaamka. Haweenka iyo gabdhaha ayaa si gaar ah dhibaato ugasoo gaartey sharciyadan qallafsan. Xorriyadii ay dumarka Soomaliyeed ku haysteen dhaqanka Soomaaliyed ayaa ciriiri adag la geliyey si looga joojiyo is dhexgalka raga. Taasi waxay sidoo kale xadaysey awooddii dumarku ay ku geli lahaayeen meheradaha ganacsi ee yar-yar. Ciqaabaha adag—sida karbaashida, dilka maxkamad la’aanta ah, iyo madaxyo-goynta lasoo bandhigo—ayaa noqdey joogto. Ciqaabaha caynkan ah ayaa aalaaba dhaca kadib xukun maxkamadeed oo si deg-deg ah loo rido iyadoon nidaamka garsoor la raacin. Ogoosto 23 al-Shabaab ayaa goob fagaare ah degmada Dayniile ee Muqdisho ku toogtey 3 nin oo lagu eedeeyey inay u basaasayeen TFG-da.
Carruurta ku Jirta Ciidamada Qalabka Sida iyo Kooxaha
Dugsiyada ayaa si muuqata qayb uga ahaa hawlgallada dagaal ee al-Shabaab. Kooxdu dugsiyada ayey gantaallo kaga soo tuureysey AMSISOM iyo xoogagga TFG-da. Taasi oo si ula-kac ah ardayda iyo macalimiintaba u keenta in lagu soo rido rasaas aargoosi ah, mararka qaarna si toos ah ayey u weeraraan ardayda iyo dhismayaalka dugsiyada, waxayna farageliyaan waxbarashda. Weerarrada socda darteed, ayaa macallimiintii qaxeen—meelaha aan dugsiyada gebi ahaan la xirinna—carruurta markii loo diidey waxbarasho macno leh ayna amnigooda u baqeen ayay badankood isaga hareen dugsiyada. Askaraynta qasabka ah ee dadka waaweyn iyo carruurta ee al-Shabaab waa mid baahsan welina socota. Al-Shabaab si joogto ah ayey carruurta ciidan ahaan u adeegsataa. Waxa sidoo kale weli sii socota in la helayo carruur ka tirsan ciidamada TFG-da iyo kuwa maliishiyaadka dawladda; Dawladda TFG-du waxay ka baaqsatey illaa waqtiga qoraalkan la qorayo inay xaqiijiso in dhammaan askarta cusub, oo ay ku jiraan kuwii hore uga tirsanaa maliishiyaadka ku safka ah, inay maraan baaritaan lagu kala soocayo da’dooda si looga hortago askaraynta carruurta.
Xayiraadaha la Saarey Kaalmada Bani’aadannimo
July 20-keedii waxaa gobollada koonfureed ee Bakool iyo Shabeellada Hoose lagu dhawaaqey in ay ku jiraan xaalad macluuli ah, Ogoostana lix deegaan oo badankoodu ku yaal Koonfurta Soomaaliya ayaa QM ku dhawaaqdey inay ka jirto macluul. Bishii Ogoosto 2011 in ka badan kala-bar dadka Soomaaliyeed—dad lagu qiyaasey 4 malyuun oo qof—ayaa u baahnaa raashin gargaar ah.
Xayiraadihii ay Al-Shabaab saareen gargaarka bani’aadannimo ayaa sii socdey iyadoo ay weliba sii fideysay masiibada ban’aadannimo. Waxa xayiraadaasi ay ka mamuucaysey in ka badan 12 hay’adaha gargaarka ah inay ka hawlgalaan deegaannada iyaga hoos yimaada, iyagoona sii wadey weerarradoda shaqaalaha gargaarka.
Al-Shabaab waxay sidoo kale canshuur lacag iyo xooloba isugu jirta ku soo rogtey dadweynaha ay maamusho, taasoo sababtey xaalad aad u adag. Waxay sidoo kale si adag u xayirtey dhaqdhaqaaqa dadka u baahan gargaarka, iyagoo dadka ka hor istaagey, gaar ahaan wiilasha iyo raga dhalinyarada ah, inay u qaxaan Kenya si ay gargaar u helaan. Dabayaaqadii Sebtembar Al-Shabaab ayaa dad barakacayaal ah ka hor-istaagey inay gaaraan Muqdisho, iyagoo ku joojiyey jidka Afgooye ee duleedka magaalada waxayna dib ugu celiyeen meelihii ay ka yimaadeen. Barakacayaal ka yimid Baydhaba ayey sidoo u celiyeen miyiga.
Leexsashada gargaarka bani’aadannimo ee isla Muqdisho gudaheeda ah iyo weerarrada ay ciidanka TFG-da iyo maliishiyada xulafada lah gaystaan xilliyada cunto qaybintu socoto ayaa xannibaad kale ku noqdey barakacayaasha inay helaan gargaar ay si weyn ugu baahi qabaan. Ogoosto 5-teedii ugu yaraan 3 rayid ah ayaa lagu diley xerada badbaado kadib markii maliishiyaad la sheegey inay ka tirsan yihii TFG-da ay rasaas ku fureen goob cunto-qaybin ah. Ra’iisul Wasaaraha dhowaan la magacaabey Cabdiweli Maxamed Cali ayaa dhisey guddi soo baara dhacdadaas. Waxaa intaas dheer, cuna-qabateyntii Mareykanka saarey kooxaha argagixisada ah ayaa xadidey gargaarka Mareykanka ee gelaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo kaalmadii hay’adaha gargaarka qaarkood.
Dalalka Muuhiimka ah ee Caalamka
Dawladaha reer Galbeedka, QM, Midowga Afrika iyo dalalka deriska ah, marka laga reebo Ereteriya, waxay ka mideysan yihiin taageeradooda dawladda TFG-du inay tahay dawladda xaqa ah ee Soomaaliya. Taageerada TFG-du waxay ahayd mid iska muuqata inkastoo ay jirtey walaac laga qabo hardan siyaasadeed oo gudaheeda ah iyo horumar la’aanta arrimihii aasaaska u ahaa heshiiskii Jabuuti, sida diyaarinta dastuurka, dib-u-habaynta baarlamaanka iyo wax ka qabashada arrimo la xiriira musumaasuqa.
Ereteriya waxay Soomaaliya ka dhigatey masrax ku habboon dagaalka aaan tooska ahayn ee ay kula jirto Itoobiya. Bishii July Kooxda QM ee Kormeerka Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa ka warrantey taageerada joogtada ah ee Ereteriya siiso al-Shabaab.
Kenya waxay bishii Jannaayo 2007 xirtey xuduudkeeda Soomaaliya; waxay si qasab ah dalkoodii ugu celisey Soomaali, ay ku jiraan magangalyo-doon, waxayna si isdaba joog ah ugu baaqdey in Soomaalida gargaarka lagu siiyo gudaha dalkooda oo kaliya, sidaas oo ay tahay ayaa hadana illaa waqtiga qoraalkan Kenya waxay qaabilaysaa maalin kasta illaa 1,000 qaxooti Soomaali ah oo cusub oo ku sugan xeryaha buux-dhaafey ee qaxootiga ee ku yaalla magaalada waqooyi ee Dhadhaab.
Kenya iyo Itoobiya waxay tababareen taageero milaterina u fidiyeen kooxaha maliishiyada ah ee la-safan TFG-da, sida Raskambooni iyo ASWJ. Wararka ayaa tilmaamaya in Kenya iyo Itoobiya ay labaduba galeen Soomaaliya si ay hawlgallo ammaan uga fuliyaan xuduudka agtiisa. Oktoobar 16-keedii, Xoogagga Milateriga Kenya ayaa galay gudaha Soomaaliya kuna dhawaaqey dagaal ay la gelayaan Al-Shabaab, taasoo ka dambeysey afduubyo xiriir oo loo gaystey shishiiye ku sugnaa Kenya.
Milateriga Mareykanka ayaa garaacey isagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliye wadin goobo loo malaynayo inay yihiin bartilmaameedyada al-Shabaab.
Golaha Ammaanka ee QM ayaa meelmariyey in 12,000 oo nabad-ilaaliyaal Midowga Afrika ah la geeyo Soomaliya, balse illaa hadda 9,000 oo Ugaandha iyo Burundi ah ayaa la geeyey, inkastoo Midowga Afrika ku baaqey in la kordhiyo tirada ciidamada.
Khabiirka madaxabannaan ee QM ee ku xeel-dheer arrimaha Soomaaliya iyo xubnaha muhiimka ah ee beesha caalamka ayaa garawsadey in ka-xisaabtamida xadgudubyadii hore uga dhacay Soomaaliya ay muhiim u tahay hirgelinta geedi-socod nabadeed oo rasmi ah loona dhan yahay, balse muhiimad weyn ma aysan siin arrintan. Dadaallada isla-xisaabtanka caynka oo kale ah waa inay ku jiraan diiwaan-gelinta xadgudubyadii dhacay tan iyo dhiciddii dhammaadkii dawladdii Siyaad Barre ee 1988-kii iyo, in si kama dambays ah, guddi QM ka socda uu soo baaro dembiyadii dagaal ee la gaystey illaa iyo markaa.