Skip to main content

Soomaaliya

Dhacdooyinkii 2010

Dawladda Federaalka KMG ah, ee uu taageerayo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaalya (AMISOM), ayaa kooxaha mucaaradka ee ka dagaallamaya Somaliya ay kala wareegeen deegaanno hor leh sanadkan 2010-ka, iyadoo dagaalladii qaraaraa ee dhacayna ay ka dhasheen qasaare baaxad leh oo soo gaarey dad rayidka ah, gaar ahaan mudadii ay weerarradu sii xoogeysteen ee bilaha Ogoosto iyo Septeember. Al-Kooxaha hubeysan ee mucaaradka ah ee hormuudka ka yihiin Al-Shabaab and Xisbul Islam ayaa sii adkeystay gacan-kuhayntooda inta badan koonfur-dhexe Soomaaliya, halkasi oo dadweynuhu kala kulmeen xasillooni illaa xad ah basle taa badalkeed ay dadweynuhu la kulmayeen cadaadis ku dheehan naxariis-darro iyo cabburin aan loo dulqaadan karin taa oo ay kooxaha mucaaradka ugu geysnayaan xukunka Shareecada Islaamka qaybaha ugu adaga ee ayagu doorteen. Dhibaato bani'aadannimo ayaa ka jirta dalka oo dhan. Hay'adaha gargaarka ee caawiya dadka ayaa gelitaankoodu xadidan yahay amni darrida ka jirta darteed dalka aawadeed, iyo kooxaha hubaysan oo shaqaalaha gargaarka, suxufiyiinta iyo xubnaha u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ugu hanjabaya weerarro.

Gobolka waqooyi ee Somaliland, oo ah mid iskeed ugu dhawaaqdey Jamhuuriyad Madaxbannaan, ayay ka soo baxeen natiijooyink wax ku ool ah oo aan looga baran gobolka markii doorashooyinkii madaxtinnimada oo in badan dib loo dhigay ay markii dambe ku qabsoontay jawi xor iyo caddaaladba ah bishii Juun 2010.

Dagaal aan kala sooc laheyn oo weli Muqdisho ka soconaya

Dagaal joogto ah oo u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta xag-jirka ah iyo TFG-da ayaa sanadkan 2010-ka guud ahaantiisa ka sii soconayay Muqdisho, iyadoo dhinacyada oo dhammina ay gaysanayeen weerarro aan kala sooc lahayn oo sababey qasaaro baaxad leh oo gaarey rayidka. Dagaalyahanada mucaaradka ah ayaa si sharcidarro ah weerarro uga soo qaadayey goobaha rayidku ku badan yahay mararka qaarna shacabka ka dhiganayey "gabbaad" si ay hoobiyayaal ugu duqeeyaan fariisimada TFG-da iyo AMISOM. Weerarradaas ayaa loo qaadaa si aan loo aabo-yeelayn joogto ah waxayna burburiyaan guryaha rayidka iyadoo si mar la arag ahna hubka la isu adeegsanayo ay ugu dhacaan goobaha bartilmaameedyada militeriga ah. Inta badan AMISOM ama ciidanka TFG-du si la mid ah ayey uga jawaabaan, iyagoo ku qaadaya duqeymo aan kala sooc lahayn oo hoobiyayaal ah xaafadihii ay dagaalyahanka mucaaradku inta wax ka soo tureen ay ka carareen, iyadoo madaafiicdaasina ay guryahooda ugu tagaan dadka aan waxba galabsan halkaasina ay ku baabi'iyaan.

Dagaalyahanada Al-Shabaab waxay sanadkan gudihiisa dowlada KMG ah kala wareegeen deeggaanno hor leh ah. marka qoraalkan la qorayona waxay gacanta ku haysaa oo kaliya dhowr xaafadood oo ku dhow xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrikana ay difaacayaan dekedda caasimadda, garoonka diyaraadaha, iyo dhowr meelood oo kale oo istiraatiji ah.

Weerarada iyo Iska hor-imaadyada waxay meeshoodii ugu darneyd gaareen bilihii Ogoosto iyo Septeember-xilligaasoo lagu jiray bisha Barakaysneyd ee Ramadaan-kadib markii al-Shabaab ay sheegatey mas'uuliyadda qaraxyadii 11-kii July ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Ugandha. Ugu yaraan 76 rayid ah ayaa ku geeriyoodey qaraxyadaasi kuwaasoo lala beegsadey goob dadweyne isugu yimaadeen maalintii ay dhacaysey ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka. Dalka Ugandha ayaa keeney cutubka ugu ballaaran ciidanka 7,100-ka askari ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ciidamda AMISOM ayaa lagu eedeeyey inay gaysteen duqeymo aan kala sooc lahayn oo ay kaga aargoosanayeen qaraxyadii Kampala, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha. Bakaaraha iyo deegaanno kale oo dadku ku badan yahay ayaa loo duqeeyey si joogto ah 12-kii iyo 13-kii July, sidoo kalena dabayaaqadii Ogoosto iyo Septeember; tobaneeyo dad rayid ah ayaa lagu diley laguna dhaawacay weerarradaas.

23-kii Augusto ee sanadkan 2010ka al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ku baaqey in dagaalka ay dowlada Soomaaliya kula jiraan la sii ballaariyo, iyadoo Al-Shabaabna ay sheegteen mas'uuliyaddii qaraxii is-miidaaminta ahaa ee 24-kii Ogoosto lagu weerarey Hotel Muna, kaasoo lagu diley 32 qof oo, oo isugu jiray rayid iyo xubno ka tirsanaa Baarlamaanka. Weerar kale oo is miidaamin ahaa oo 9-kii September ka dhacay garoonka diyaaaradaha ee caalamiga ah ee Muqdisho ayaa lagu diley ugu yaraantii 9 qof oo ay ku jiraan rayid.

Iintii yareyd ee ka haray shacabkii Muqdisho ee intiisii badnaa ay dagaalladu barakiciyeen ayaa iyaguna maray wadadii ay kuwii hore mareen,iyagoo ka cararaya dagaallada markale soo cusboonaadey waxayna hadda ku barakacsan yihiin xeryo kmg ah oo ku yaal duleedka caasimadda, xerooyinkaasi badankood waxay ku yaallaan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, mana jiro gargaar bani'aadannimo oo wax ku ool ah oo ay helaan, waxana u wehlisa cagajuglayn uga imanaysa kooxaha maliishiyadaka xagjirka ah.

Kooxaha mucaaradka ah iyo TFG-da labaduba carruur ayey u adeegsadaan dagaallada.

Xadgudubyo kajira Deegaannada-Mucaaradku kataliyo

Koonfur-dhexe Soomaaliya waxaa maamulayay 2010-ka oo dhan maamullo hoose oo deegaan oo ku xiran kooxaha hubaysan ee mucaaradka. Deeggaanno badan xukunka al-Shabaab waxa uu ka abuurey xasilooni iyo kala danbayn illaa xad ah, taasi oo aad uga duwan qalalaasaha iyo amni darrida ka jirta Muqdisho. Dadka meelahaas deggan waxay al-Shabaab ku ammaanaan soo afjaridda dhibataato burcadnimo, baad iyo dil joogto ahaa oo ay geysan jireen burcadda iyo maliishiyaad iskood u qawlaysta. Laakiin taa badalkeed waxay maleeshiyaadka sharafkii ka qaadeen dadka gaar ahaan dumarka oo qiimo sare ku lahaa bulshada marka loo eego dhaqanka Soomaalida.

Xukunka adag ee lasoo dersey nolosha maalin kasta ee shucuubta ay xukumaan al-Shabaab iyo maamullo badan oo deegaannada kajira waxa lagu doonayaa hirgelinta tallaabooyin qallafsan oon dulqaad lahayn oo loola jeedo magaca Xukunka Shareecada Islaamka. Maleeshiyaadka waxa ay xukumayaan waxkasta ee qofka noloshiisa kutaxaluqa, oo ay ka mid yihiin habka qofku u labisanayo una shaqeysanayo. Dambiyada iyo xadgudubyada xitaa aadka u yar-yar ee qofka laga yaabo inuu ka dhaco waa mid loo fuliyo si naxariis darro ah iyo hadba sidii la doono iyadoo nidaam xukun oo la marsiiyana aysan jirin. Xaalad baqdin ayaana dadka ka soo wajaha taasi oo gaarsiisa inay ka hadli waayaan sida ay maleeshiyaadka ugu tagri falaan awoodda. nin deggan magaalada Ceelwaaq oo sababo amaan dartood u qariyay magaciisa ayaa yiri sidan "Waa iska aamusnaa. Hadday noo sheegeen wadadaas raaca, waan raacnaa."

Xornimadii ay dumarka Soomaaliyeed ku lahaan jireen dhaqanka soojireenka ah ee Soomaaliyeed ayaa si xad-dhaaf ah loo baabi'iyay. Deegaanno badan dumarka waxaa laga mamnuucey inay qabtaan shaqo kasta oo u keeni karta inay raga is dhexgalaan, xitaa qabashada shaqooyinka ganacsiga yar-yar ah oo in badan oo ka mid ah ay noloshoodu ku tiirsan tahay. Madaxda al-Shabaab ayaa qabqabtey, u hanjabay islamarkaana karbaashey haween aan tiro yareyn isku dayey inay qoysaskooda ku dabaraan iibinta shaaha.

Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee mucaaradka ayaa badanaa dil ugu hanjaba dadka ay uga shakisan yihiin inay la shaqeeyaan ama taageero u hayaan mucaaradkooda ama diida inay iyaga kuso biiraan. Hanjabaadahaasi ma ahan kuwo cidlo ah, oo kooxaha mucaaradku si joogto ayey dadka rayidka ah u dilayeen iyadoon cidina kula xisaabtamayn.

Doorashooyinkii Somaliland iyo Xasilooni-darrida Waqooyiga

Kadib ku dhowaad laba sano o dibudhac ah, Somaliland waxay ugu dambayn qabatey doorashooyinkii madaxrtinnimada bishii Juun 26-keedii 2010. Goobjoogayaasha caalamiga ah waxay codeyntu ku tilmaameen ilaa xad inay cadaalad aheydiyadoo dadkuna ay si xor u dooranayeen hadba murashaxii ay doonayeen inkastoo shaqaaqo ka jirtey gobolka Sool maalintii doorashada hal qof lagu diley. Madaxweynihii xilka hayey Dahir Riyaale ayaa aqbalay in laga guuleystey waxaana uu awooddii ku wareejiyey si nabadgelyo ah musharixii mucaaradka, taasoo sare u qaadey rajada laga qabo xasilooni ka dhalata gobolllada Waqooyi.

Xasilooni darro ayaa ka jirta gobollada lagu hardamayo ee Sool, Sanaag iyo Cayn kuwaasoo ku yaal inta u dhaxaysa Somaliland, ee W/Galbeed Soomaaliya, iyo maamul-goboleedka Puntland oo ku yaal Waqooyibari. Kumannaan rayid ah ayaa ku barakacay bishii Juun iska-hor imaadyada iyo dagaallo beeleedyo salka ku haya khayraadka deegaannada lagu muransan yahay.

Weerarrada lagu beegsanayo suxufiyiinta, difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Shaqaalaha Gargaarka

Soomaaliya waxay weli tahay mid ka mid ah meelaha ugu khatarsan dunida ee ay suxufiyiintu ka shaqeeyaan. Ugu yaraan saddex suxufi ayaa lagu diley 2010-kii taasoo ka dhigeysa isugaynta tirada la diley tan iyo 2007-dii 22 wariye. Llabo ka mid dilalkii wariyayaasha lala beegsaday sanadan 2010 waxay ahaayeen dilal qorsheysan; Sheekh Nur Abkey oo ka tirsanaa Idaacadda dawladdu ay maamusho waxaa bishii May diley 3 nin oo hubaysan, C/hi Cumar Geeddi waxa isna middi ku diley Gaalkacyo qof soo weerarey oon la garanayn. Barkhad Cawaale waxaa Muqdisho ku dishey xabbad wiifto ah 24-kii Ogoosto xilli dagaallada u dhaxeeya dowlada iyo mucaaradku ay Muqdisho ka soconayeen. TFG-da iyo xoogagga mucaaradku labadaba qashqashaad joogto ah ayey ku hayaan suxuufiyiinta tiradoodu gabaabsiga sii noqonayso ee la daalaa-dhacaya inay ka shaqeeyaan Somaliya. Bishii April al-Shabaab waxay mamnuucdey dhammaan hawlaha warbaahineed ee BBC-du ka waddo Soomaaliya waxayna la wareegtey qalabkeedii warbaahineed oo idil.

Suxufiyiintu waxay sidoo kale xarig iyo canaad kala kulmeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee Somaliland iyo Puntland. Bishii Jannaayo mas'uuliyinta Puntland ayaa sii daayey Mohamed Yaasiin Isaaq, oo ahaa weriye Soomaali ah oo u soo waramayey idaacada Codka Mareykanka VOA, kadib 17 maalmood oo uu xirnaa iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin.

DIfaacayaasha xuquuqda aadanaha intoodii badneyd sanadihii tegey ayey dalka isaga carareen kadib cagajuglayn sii kordheysey oo ay bulshada rayidka ah iyo saxaafaddu la kulmeen; shaqsiyaadka tirada yar ee ku harey Soomaaliya iyaga ayaa faafreeb isku sameeya.

Gaarsiinta Sahayda gargarka bani'aadannimo ee Koonfurdhexe Soomaaliya waxaa qayb ahaan xannibey amni-darro taasi oo ay wehliso talaabooyin ay soo rogeen kooxaha mucaaradka ah ee hubaysan oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanyo hay'adaha gargaarka. Ugu yaraan sideed hay'adood ayaa al-Shabaab waxaa ay ka eryeen Soomaaliya tan iyo bishiiJannaayo. Waxaa taas wehliya in cunaqabatayntii Mareykanka ee taageerada la siiyo kooxaha argagixisada ah ay hoos u dhac ku keentey gaarsiinta cuntada gargaarka ee la geeyo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Waxana taas ka dhashey in hay'adaha qaar ay qasab ku noqotey inay joojiyaan hawlahoodii, waxaana la sheegayaa in gelitaankuna uu gaarey heerkii ugu hooseeyey tan iyo 2006-dii.

Xubnaha Muhiimka ah ee Beesha Caalamka

Dawladaha reer Galbeedka, QM, Midowga Afrika, iyo dawladaha deriska marka laga reebo Ereteriya waxay ka mideysan yihiin taageerida TFG-da iyo inay tahay dawladda kaliya ee ay Soomaaliya leedahay.Qaraxyadii bisha July 2010-ka ka dhacay Kampala waxay sii kordhiyeen walaaca dawladaha gobolku ka qabaan khatarta al-Shabaab iyo ku xirnaashahooda al-Qaacida.

Illaa xilliga qoraalkan la qorayana jawaabta ugu weyn ee la bixiyey waa in tirada ciidanka AMISOM la kordhiyaa lana gaarsiiyo qiyaastii 7,100 laguna yaboohaa dhaqaale dheeraad ah.

213-dii Milyan dollar ee ay sida wadajirka ah ugu yabooheen QM, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika shirkii lagu qabtey Brussels April 2009-kii, in aad u yar ayaa gaartey Soomaaliya. Midowga Yurub, Itoobiya, Ugandha iyo Kenya waxay askarta TFG-da iyo Boliiska ku tababarayeen dalalka deriska sanadka 2010-ka oo dhan. Laakiin dadaalka lagu xoojinayo awoodda milateri iyo boliis ee dawladda taagta daran ee TFG-da waxaa la degey eedeymo musuqmaasuq iyo goosashada ciidamada dhowaan lasoo tababarey, weliba qaarkood iyagoo hubkoodii wataan u gala kooxaha mucaaradka. Inta badan ciidamada la tababaray ayaa ka cabanaya inaysan weligood helin mushaharadoodii.

Tan iyo markii ay ka baxeen Muqdishu horraantii 2009-ka, ciidanka Itoobiya si isdaba joog ah ayey u soo gelayeen Soomaaliya si ay hawlgallo nabadgelyo uga fuliyaan agagaaraha deegaano xuduuda Soomaaliya ay la wadaagaan. Itoobiya iyo Ereteriyaba weli waa xubno kaalin firfrcoon ka ciyaaraya arrinta Soomaaliya, waxayna taageero nuucyo kala duwan ah kala siiyaan kooxo ay kala taageeraan, inkastoo taageerada Ereteriya ee kooxaha hubaysan lagu soo warramayo inay hoos u dhacdey, sida ay qabaan khubarro ka tirsan QM.