Skip to main content

Soomaaliya

Dhacdooyinkii 2021

Mudaharaad ka dhan ah dowladda Soomaaliya iyo dib u dhaca doorashada dalka oo 19-kii Febraayo 2021 ka dhacay caasimadda Muqdisho. 

© 2021 AP Photo

Sanadkii 2021 oo ay 30 sano ka soo wareegtay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ayaa dedaallada gudaha iyo kuwa caalamiga ah waxaa xoogga lagu saaray qorshaha doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ee waqtigooda dib uga dhacay. Xiisadaha siyaasadeed ayaa hakiyay dedaallada lagu hormarinayay xuquuqda aadanaha ee dalka, xilli tacaddiyada ka dhashay colaadda, amni darrada, xaaladaha bani’aadannimo iyo xanuunnada ay saameyn weyn ku yeesheen dadka rayidka ah.

Dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Soomaaliya ayaa geystay xadgudubyo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, qaarkoodna ay gaarsiisan yihiin dembiyo dagaal. Ururka Al-Shabaab ayaa fuliyay weerarro aan kala sooc lahayn oo ka dhan ah rayidka, waxaana uu si qasab ah ku askareeyay carruur. Colaaddo u dhexeeyay beelo ,laamaha ammaanka iyo hawlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay fuliyaan ciidamada dowladda, AMISOM iyo kuwa dowladaha kale ee shisheeye ayaa waxaa ku dhintay, ku dhaawacmay, kuna barakacay dad rayid ah oo ay kamid yihiin carruur.

Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa sii waday cago-jugleynta, weerarrada, xarigga iyo maxkamadeynta ka dhanka ah weriyayaasha, iyagoo mararka qaar adeegsanaya xeerka ciqaabta ee ahaa waqtiga hore. Soomaaliya ayaa weli ku tiirsan go’aannada maxkamadda ciidamada ee aan gaarsiisneyn heerarka caalamiga ah ee u degsan maxkamadeynta cadaallada ku dhisan; kiiska dadka lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab ayaan loo gudbin maxkamadaha madaniga ah.

Waxaa hakad galay isbedallo muhiim u ah shuruucda iyo hay’adaha dowladda. Waxaa joogsaday dib u eegis lagu sameyn lahaa xeerka ciqaabta, mana jirin dedaallo lagu ansixinayo xeerka dembiyada galmada ama xuquuqda muhiimka u ah carruurta. Dowladda ayaa ku guuldaraysatay inay sameyso guddiga qaran ee xuquuqda aadanaha, oo magacaabista xubnaha guddiga ayaa hakad ku jirtay tan iyo 2018.

Eedeymo ku aaddan in ciidan Soomaali ah oo tababar loogu qaaday Eritrea ay ka qeyb qaateen cooladda gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee dalka. Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka la sheegayna in la la’ yahay tan iyo bishii Juunyo ayaa xiisad ka dhex abuurtay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi “Farmaajo” iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo isku hayay cidda maamulaysa hay’addaas awoodda badan ee NISA.

Weerarrada Ka Dhanka Ah Rayidka

Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa diiwaangeliyay in ugu yaraan 899 qof oo rayid ah ay ku waxyeeloobeen colaadaha Soomaaliya, 441 oo kamid ah dadkaasna ay dhinteen muddadii u dhexaysay dhammaadkii Nofeembar 2020 iyo dhammaadkii Luuliyo 2021; tiradaas oo ka badan tii sanadkii ka horreeyay. Inta badan dadkaas ayaa ku dhintay qaraxyada ismiidaaminta ah, duqeymaha iyo weerarrada bartilmaameedsan ee Al-Shabaab.

Go’aankii uu Golaha Shacabka ee baarlamaanka 25-kii Abriil muddo kordhin laba sano ah ugu sameeyay Madaxweynaha ayaa dhaliyay iska horimaad hubaysan oo ka dhacay qeybo ka tirsan caasimadda una dhexeeyay ciidamo kala taabacsan siyaasiyiin mucaarad ah iyo xukuumadda, waxaana dagaalkaas ku barakacay dad tiradoodu u dhexayso 60,000 ilaa 100,000, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Maxkamadaha milateriga ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed ayaa dad ku xukumay kuna fuliyay dil, inkastoo walaac xooggan laga muujiyay hannaanka loo maray xukunnadaas. Puntland ayaa 27-kii Juunyo dil toogasho ah ku fulisay 21 nin  oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ayna dilal geysteen. Toogashada ayaa ka dhacday saddex meel oo kala duwan.

Ururka Al-Shabaab ayaa tobanaan qof u dilay eedeyn ah inay u basaasayeen dowladda iyo ciidamada shisheeye, intooda badana ma aanay helin garsoor caddaalad ah.

Qaramada Midoobay ayaa dilka lix qof oo rayid ah u tiirisay ciidamada AMISOM, dadkaas oo la laayay intii u dhexaysay dhammaadkii 2020 iyo dabayaaqadii Luuliyo 2021. AMISOM ayaa guddi baaritaan u saartay dhacdo 10-kii Agoosto ay ku lug lahaayeen ciidamada Uganda oo weerar gaadmo ah kala kulmay Al-Shabaab xilli ay marayeen deegaanka Golweyn ee Shabeellaha Hoose, isla markaana halkaa ku laayay todobo qof oo rayid ah. Maxkamad ay leeyihiin ciidamada Uganda ayaa dembi ku heshay shan askari, waxaana ay xukun dil ah ku riday laba kamid ah. Waxaa kordhay wararka sheegaya in dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen duqeymaha ay diyaaradaha ka geystaan gobolka Gedo.

Inkastoo baaritaan heer Federaal iyo heer maamul goboleed ah lagu sameeyay weerarkii Maajo 2020 lagu laayay todobo hawlwadeenno caafimaad ah iyo nin farmashi lahaa oo ka dhacay tuulada Gololey ee Balcad, ayaa ilaa haatan aan la ogeyn natiijada baaritaankaas.

Tacaddiyada Galmada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay bateen tacaddiyada galmada iyo jinsiga ku salaysan, gaar ahaan kuwa loo geysto gabdhaha, oo intooda badan loo dilo xadgudubyadaas awgood.

Waxaa hakad galay isbedal sharci oo muhiim ahaa, gaar ahaan ansixinta xeerka la hormariyay ee tacaddiyada galmada ee heer Federaal. Xeerka ciqaabta ee Soomaaliya ayaa ku qeexa tacaddiyada galmada “dembiyo ka dhan ah sharafta iyo karaamada qofka” halkii uu ku tilmaami lahaa ku xadgudubka sharafta jirka qofka, waxaana uu ciqaabaa dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Qodobka 4(1) ee Dastuurka Kumeelgaarka ah (2012) ayaa waxa uu mudnaanta siinayaa Shareecada Islaamka, waxaana lagu adeegsadaa kiisaska dembiyada ee ay dhageystaan maxkamadaha. Taasi waxaa ay dhalin kartaa in xukun dil ah lagu rido dadka isku jinsiga ah ee iyagoo raali isaga ah yeesha xiriir galmo.

Puntland oo ah maamulkii ugu horreeyay ee ansixiya sharciga tacaddiyada galmada ayaa Qaramada Midoobay waxaa ay sheegtay in xukuumadda ay faro-gelin iyo is hortaag ku hayso falalka xadgudubyada galmada.

Tacaddiyada Ka Dhanka ah Carruurta

Carruurta ayaa weli ay dhibaato badan ka soo gaartaa amni darrada, colaadaha iyo isbedal la’aanta ka jirta dalka. Dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Soomaaliya ayaa geystay tacaddiyo ka dhan ah carruurta, sida dilka, dhaawaca, weerarrada goobaha waxbarashada iyo in la askareeyo carruurta.

Laamaha ammaanka ee Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa si sharci darro ah u xiray carruur, gaar ahaan kuwa lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururada hubaysan, arrintaas oo meel ka dhac ku ah ballanqaadkii dowladda ee ahaa in carruurta ay u aqoonsato dhibbanayaal. Dowladda ayaa ku guuldaraysatay inay dejiso hannaan sharci oo wax looga qabanayo cabashooyinka la xiriira xuquuqda carruurta.

Sanadkii 2020, isbedallo lagu sameyn lahaa shuruucda ayaa ka shaqeynayay in hoos loo dhigo da’da guurka carruurta, gaar ahaan hindise sharciyeed muran dhaliyay oo ku aaddan dembiyada galmada oo aan ilaa hadda la ogeyn halka uu marayo, kaasoo u oggolaan lahaa carruurta inay guursan karaan marka ay baaluqaan iyadoo aan loo eegeyn da’dooda.

Markii uu bilowday xanuunka safmarka ah ee Covid-19 horraantii 2020, iskuullada ayaa gebi ahaan ama qeyb ahaan xirnaa muddo 134 maalmood ah oo ay ku jiraan dhowr todobaad oo kamid ah bilihii Maarso iyo Abriil 2021, arrintaas oo saameysay ugu yaraan 1.2 milyan oo canug.

Xorriyadda Hadalka iyo Isu-imaatinka

Maamullada heer Federaal iyo maamul goboleed ee guud ahaan dalka ayaa si joogta ah u handaday, xiray isla markaana weerarro la beegsaday weriyayaasha. Xilliyada ay jireen xiisadaha ka dhashay hannaanka doorashooyinka ayaa waxaa sare u kacay xadgudubyada ka dhanka ah weriyayaasha.

Qaramada Midoobay iyo Amnesty International ayaa sheegay in saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadka ay sare u kaceen xayiraadaha ay la kulmaan weriyayaasha Puntland. Bishii Maarso, maxkamadda racfaanka ee ciidamada Puntland ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Kilwe Aadan Faarax, iyadoo u cuskatay xeerka ciqaabka ee waqtiga hore ahaa. Waxaa loo haystay inuu tebiyay dibedbax ka dhan ah dowladda. Goor sii horreysayna, maxkamad ciidan ayaa ku riday saddex bilood oo xabsi ah, inkastoo uu garsooraha qiray in aan lagu hayn caddeyn. Weriyaha ayaa markii dambe lagu sii daayay cafis madaxweyne.

Dhowr weriye oo tebinayay dibedbaxyo ka dhacay Muqdisho ayaa muddo kooban la xiray, oo loo caga-jugleeyay. 5-tii Sebtembar, Bashiir Maxamuud oo barnaamij soo-saare ka ah warbaahinta Goobjoog, ayaa muuqaal laga duubay xilli ay askar boolis ah ku jiidayeen dhulka mar uu tebinayay dibedbax lagu dalbanayo inay caddaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax. Muddo saacado ah ayaa lagu hayay saldhigga booliska ee degmada Hodan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil 1-dii Maarso magaalada Gaalkacyo loogu geystay weriye Jamaal Faarax Aadan.

Barakaca iyo Helitaanka Gargaarka Bani’aadannimo

In ka badan 2.6 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, intooda badana waxaa ay ka soo carareen colaadaha taagan. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad ka badan 570,000 oo qof ay barakaceen mudadii u dhexaysay Janaayo iyo Agoosto 2021. Abaaro, fatahaado iyo ayax - oo noqday kuwo intii hore ka soo degdega isbedalka cimilada awgii - ayaa dowr ka qaatay barakaca dadkaas. Qaramada Midoobay iyo hay’adda qaxootiga ee Norway (NRC) ayaa sheegay in bilihii Janaayo iyo Agoosto ay abaaraha iyo fatahaadaha ku kala barakaceen 90,000 oo qof iyo 49,000 oo qof. Tobanaan kun oo qof oo barakacayaal ah ayaa si xoog ah looga raray goobihii ay deganayeen, gaar ahaan Muqdisho.

Ku dhawaad  3.5 milyan oo qof ayaa la filayay inay wajahaan xaalad cunno yari baahsan ah, isla markaana ay u baahdaan gargaar cunno oo degdeg ah saddexda bilood ee ugu dambeysa sanadka.

Hay’adaha samafalka ayaa wajahaya caqabad weyn oo ka haysata gaaritaanka dadka dhibaateysan waxaana sabab u ah colaadda, weerarrada lala beegsado shaqaalaha gargaarka, qalalaase guud, xayiraado ay ku soo rogeen dhinacyada dagaallamaya oo ay kamid tahay “canshuur” aan loo meeldeyin, caqabado dhanka maamulka ah, iyo dhibaatooyin ka dhashay cimilada xumaatay. Al-Shabaab ayaa weli xayiraad ku haya qaar kamid ah magaalooyinka ay dowladda gacanta ku hayso, gaar ahaan degmada Xuddur, waxaana ay mararka qaar beegsadaan shacabka jebiya go’doominta.

Warbixin ay diyaarisay hay’adda Amnesty International ayaa lagu diiwaangeliyay jawaabta aan ku filneyn ee ay dowladda Soomaaliya ka bixisay xanuunka Covid-19, waxaana lagu iftiimiyay dhaqaale xumida haysata hannaanka caafimaad ee waddanka.

Somaliland

Somaliland ayaa 31-kii Maajo qabatay doorashooyinka golayaasha deegaannada iyo golaha wakiillada oo muddo badan dib u dhacay, waxaana guddoonka baarlamaanka la wareegay mucaaradka. Xitaa hal xildhibaan oo dumar ah kuma aysan soo bixin doorashada baarlamaanka. Ka hor doorashadaas, urur maxalli ah oo u dooda xuquuqda ayaa ku warramay in todobo musharrax oo mucaarad ah iyo todobo weriye ay muddo u xirnaayeen dowladda.

Horraantii Oktoobar, maamulka Somaliland ayaa si qasab ah uga barakiciyay magaalada Laascaanood una gudbiyay dhanka Puntland dad lagu qiyaasay 1750 qof oo ay kamid yihiin dumar, carruur iyo waayeel kuwaas oo u badnaa dadka ku hadla lahjadda Maayga ee ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xubnaha muhiimka ah ee Beesha Caalamka

Bishii Janaayo, iyadoo la fulinayo amar uu bixiyay madaxweynihii xilligaas ee Donald Trump, ayaa Maraykanka waxaa uu Soomaaliya kala baxay qiyaastii 700 oo askari oo gudaha ku sugnaa. Inkastoo ay aad u yaraadeen duqeymaha uu Soomaaliya ka fuliyo Maraykanka, ayaa haddana taliska AFRICOM waxaa uu sheegtay mas’uuliyadda 11 duqeyn oo dhacay marka warbixintan la qorayay ilaa horraantii sanadka. AFRICOM ayaa qirtay mas’uuliyadda dhaawac soo gaaray saddex qof oo rayid ah kuwaas oo lagu beegsaday duqeyn dhacday 1-dii Janaayo 2021. Ilaa iyo maanta, AFRICOM wax magdhaw ah ma siin dhibbanayaasha rayidka ah ama qoysaskooda.

Wakiillada gobolka iyo kuwa caalamka ayaa xoogga saaray khilaafka siyaasadeed ee hareeyay arrimaha doorashada iyo walaaca amni, iyagoo ka weecday dedaallada lagu taageerayo isbedallada muhiimka u ah xuquuqda aadanaha. Ururada caalamiga ah, gaar ahaan Midowga Yurub ayaa hakiyay taageerada miisaaniyadeed ee ay siiyaan Soomaaliya iyagoo taa uga jawaabaya dib u dhaca doorashada. Hakinta ayaa weli taagneyd xilliga la qorayay warbixintan.

Intii ay socotay Dib U Eegista Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ee bishii Maajo, deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa ku cadaadiyay Soomaaliya in ay dejiso siyaasado iyo shuruuc wax looga qabanayo xadgudubyada galmada ayna ansixiso sharciga xuquuqda carruurta si waafaqsan Axdiga Xuquuqda Carruurta. Qaar badan oo kamid ah hay’adaha caalamiga ah ayaa ku baaqay in la wanaajiyo xoriyadda saxaafadda, oo dib u eegis lagu sameeyo xeerka cusub ee saxaafadda. Dalalka Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku baaqay in si kumeelgaar ah loo mamnuuco xukunka dilka ah. Maraykanka ayaa dhankiisa ku baaqay in la joojiyo dadka rayidka ah ee lagu xukumo maxkamadda ciidamada.