Skip to main content

Soomaaliya

Dhacdooyinkii 2019

Somalis fleeing from drought in the Lower and Middle Shabelle regions of the country carry their belongings as they reach a makeshift camp for displaced persons in the Daynile neighborhood on the outskirts of the capital Mogadishu on May 18, 2019. 

© AP Photo/Farah Abdi Warsameh

Dagaallada socda, amni darrada, kaalinta ilaalinta xuquuqda ee dowladda oo meesha ka maqan iyo xasaradaha bani’aadannimo ee isdaba joogga ah ayaa ka dhigay dadka rayidka ah ee Soomaaliya kuwo khatar ugu jira tacaddiyo ba’an. Tirada dadka ku barakacay gudaha dalka ayaa lagu qiyaasay 2.6 milyan oo qof, kuwaasoo intooda badan aan helin kaalmo, una nugul tacaddiyada. 

Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sheegay in horraantii 2019 ilaa bartamihii bishii Nofembar ee sanadkaasi uu diiwaangeliyay dhimashada iyo dhawaaca1,1154 oo qof oo rayid ah. Boqolkiiba 67 dadkaasi ayaa ku waxyeelloobay weerarro aan kala sooc lahayn iyo kuwa bartilmaameedsan una badan weerarrada loo adeegsado walxaha qarxa ee uu fuliyo ururka Al-Shabaab. Dagaal beeleedyada iyo iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada ka wada tirsan dowladda ee inta badan salka ku haya gacan ku haynta dhulka iyo aargoosi ayaa sababay dhimashada, dhaawaca iyo barakaca dad rayid ah.Waxaa sidoo kale khasaare dhaliyay hawlgallada milateri gaar ahaan duqeymaha cirka ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo kuwo shisheeye oo kale ay kula beegsadaan Al-Shabaab.  

Maamullada heer federaal iyo heer gobol, gaar ahaan Somaliland ayaa sii waday xadgudubyada ka dhanka ah xoriyadda hadalka iyo madax bannaanida warbaahinta, waxaana ay xarig aan loo meel deyin kula kaceen weriyayaasha iyo dadka ay u arkaan inay dhaliilsan yihiin, iyagoo si kumeelgaar ah u xiray qaar kamid ah warbaahinta.

Waxaa sii xumaaday xiriirka dowladda federaalka kala dhexeeya dowlad goboleedyada, arintaas oo dhalisay in laga gaabiyo fulinta isbedello aad loogu baahan yahay, mararka qaarna horseeday inay dhacaan tacaddiyo.

Bishii Janaayo oo ah markii ay Soomaaliya xubin ka noqotaya Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa dowladda federaalka waxaa ay dalka ka cayrisay ergeygii Qaramada Midoobay, Nicholas Haysom, waxaana ay dowladda go’aankaasi u cuskatay warqad uu u diray oo uu uga hadlayay walaac xuquuqda aadanaha ah oo uu ka qabay falalka ay dowladdu ka geysatay magaalada Baydhabo. Dowladda ayaan weli ansixin liiska xubnaha loo magacaabay Guddiga Madaxa Bannaan ee Qaran ee Xuquuqda Aadanaha, oo noqonaya kii ugu horreeyay ee ay yeelato Soomaaliya. Dowladda ayaa xilal sare u magacowday shakhsiyaad loo haysto tacaddiyo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Waxaa bogaadin mudan in Soomaaliya ay saxiixday Axdiga Qaramada Midoobay ee dadka lixaadkooodu kala dhimman yahay ayna soo saartay warbixintii ugu horreysay ee Guddiga Xuquuqda Carruurta.

Tacaddiyada ay Galeen Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Taabacsan

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa awood xad dhaaf ah oo dhimasho sababtay u adeegsaday dad intooda badan si nabad ah u dibedbaxayay. Bishii Mey, ciidamada ammaanka ayaa canug yar ku dilay dibedbax ay si nabad ah arday ugu dhigayeen magaalada Beledweyn, kaasoo ka dhashay go’aan ay dowladdu dib ugu dhigtay imtixaanka.

Bishii Disembar 2018, xilli loo diyaar-garoobayay doorashada madaxtinnimo ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ciidamada Itoobiya waxaa ay xireen Mukhtaar Roobow oo horay uga tirsanaa hogaanka Al-Shabaab, una tartamayay xilka madaxweynaha, arintaasi oo dhalisay dibedbaxyo. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska ayaa dibedbaxyada uga hortagay si xooggan waxaana intii u dhaxeysay 13-15 Disembar ay dileen ugu yaraan 15 qof, halka dhaawacuna uu intaa ka badnaa. Hay’adda Amnesty International ayaa 14-kii Disembar diiwaangelisay dilka nin xildhibaan ahaa iyo canug yar. Tobanaan qof oo sida la sheegay ay ku jiraan carruur ayaa xabsiga loo taxaabay.

Tobanaan isugu jira mas’uuliyiinta dowladda, kuwa ammaanka iyo odayaasha ka qeyb qaatay hannaanka doorashadii 2016 ayaa lagu dilay weerarro qorsheysan, kuwaasoo qaar kamid ah uu sheegtay ururka Al-Shabaab.

Maxkamadaha ciidanka ayaa sii wada xukunnada kiisaska kala duwan oo ay kamid yihiin dembiyada la xiriira argagixisada, hannaankooduna ma aha mid waafaqsan heerarka maxkamadeynta cadaallada ku dhisan. Sida ay sheegeen warbaahinta iyo Qaramada Midoobay, mudadii u dhaxeysay 31-kii Disembar 2018 ilaa horraantii Nofembar 2019, dowladda Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay ugu yaraan 16 qof oo dhammaantood lagu eedeeyay dembiyo la xiriira argagixisanimo.

Tacaddiyada uu Geystay Ururka Al-Shabaab

Ururka Al-Shabaab oo adeegsanaya maxkamadeyn aan cadaalad ahayn ayaa dil ku fuliyay shakhsiyaad uu ku eedeeyay inay la shaqeynayeen ama u basaasayeen dowladda iyo ciidamada shisheeye, iyadoo warbaahintu ay ka warrantay dilalkaasi oo dhacay bartamihii sanadka inay yara kordheen; Ururka ayaa sidoo kale qaadayay “canshuur” baad ah oo ay hanjabaadi la socoto.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale fuliyay weerarro aan kala sooc lahayn oo ka dhan ah dadka rayidka ah iyo hantidooda, weerarradaasi oo loo adeegsaday walxaha qarxa, dad is-miidaamiyay, duqeyn iyo weliba khaarajin, kuwaasoo intooda badan ka dhacay Muqdisho iyo Shabellada Hoose. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, weerarrada Al-Shabaab ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad ka badan 750 qof.

Tacaddiyada ka Dhanka ah Carruurta

Dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Soomaaliya ayaa geystay tacaddiyo waaweyn oo ka dhan ah carruurta, sida dil, dhaawac iyo inay askar ahaan u qortaan.

Sanadkii 2018, Qaramada Midoobay ayaa diiwaangelisay kiisaska ugu badan ee carruurta askar ahaanta loo qorto, taasoo Soomaaliya ka dhigtay dalka ay ugu badan yihiin kiisaskaasi caalamka oo dhan. Arintaasi ayaa sii socotay sanadkii 2019, iyadoo uu ururka Al-Shabaab billaabay olole ballaaran oo uu ku qoranayo carruur badan, beelaha ka horyimaadana uu kula kacayo aargoosi adag.

Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa si sharciga ka baxsan u xiray carruur lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, waxaana mararka qaar carruurta loo haysto argagixisannimada dacwadahooda lagu dhageystay maxkamadaha milateriga. Dowladda ayaa ku guuldaraysatay inay samayso hannaan maxkamadeed oo gaar u ah carruurta, gaar ahaan kuwa loo haysto dembiyada la xiriira Al-Shabaab.

Xadgudubyada Galmada

Dumarka iyo gabdhaha ka tirsan dadka ku barakacay gudaha dalka ayaa si gaar ah khatar ugu jira tacaddiyada galmada iyo jinsiga kuwaasoo ay kala kulmaan ragga hubaysan iyo kuwa rayidka ahba.

Qaramada Midoobay ayaa diiwaangelisay in ka badan 100 kiis oo ah tacaddiyo galmo oo ka dhan ah gabdhaha. Kiisaska laba gabdhood oo loo geystay kufsi wadareed ay geysteen rag rayid ah intaa kadibna la dilay ayaa soo jiitay indhaha shacabka. Caa’isha Ilyaas Aadan oo 12 jir ahayd ayaa la waayay 24-kii Febraayo, waxaana maalintii xigtay meydkeeda laga helay meel u dhaw gurigooda oo ku yaal waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland. Sida ay ku warrameen warbaahinno kala duwan, Caa’isha waxaa loo geystay kufsi, iyo jirdil ka hor inta aan ceejin nafta looga qaadin. Saddex nin oo lagu eedeeyay falkaasi ayaa lagu riday xukun dil ah oo loo cuskaday xeerka tacaddiyada galmada 2016 ee Puntland, kaasoo dhigaya in dil lagu xukumo dadka gala kiisaska  kufsiga foosha xun. Human Rights Watch waxaa ay gebi ahaanba ka soo horjeedaa xukunka dilka ah.

Xeerka Ciqaabta ee Soomaaliya oo hadda dib u eegis lagu samaynayo ayaa dhigaya in xadgudubyada galmada ay yihiin "dembiyada lagu waxyeellayo sumcadda iyo sharafta jinsi" halkii ay ka ahaan lahaayeen tacaddiyada loo geysto sharafta jirka qofka. Sidoo kale waxaa uu xeerku ciqaabaa dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda. Xeerka tacaddiyada galmada ee heer federaal ayaa loo gudbiyay baarlamaanka Soomaaliya, balse weli kama aanu doodin xilliga warbixintan la qoray.

Xoriyadda Hadalka

Dowladda federaalka, maamul goboleedyada gaar ahaan Puntland iyo Jubaland iyo ururka Al-Shabaab ayaa sii waday caga jugleynta, dhibidda iyo weerarrada ka dhanka ah weriyayaasha. In kastoo mas’uuliyiinta Soomaaliya ay si dhif iyo naadir ah baaritaan ugu sameeyaan dilalka iyo weerarrada ka dhanka ah suxufiyiinta, ayaa urur u dhaq-dhaqaaqa warbaahinta waxaa uu sheegay in maxkamada milateriga ee Muqdisho ay shan sano oo xabsi ah ku riday asagoo maxkamada ka maqan nin boolis ah oo Luuliyo 2018 dilay sawir qaade Cabdirisaaq Qaasim Iimaan.

Laba weriye oo lagu kala magacaabo Maxamed Sahal Cumar iyo Hodan Nalayeh oo haysatay dhalashada Canada ayaa ku dhintay weerar ay 12-kii Luuliyo dagaalyahanno Al-Shabaab ah ka fuliyeen huteel ku yaal magaalo xeebeedka Kismaayo.

Maamulka Puntland ayaa bilihii Sebtembar iyo Oktoobar si isdaba joog ah u dhibaateeyay weriyayaal ka tirsan idaacadda Daljir, kadib markii ay ka warrantay dad si aan loo meeldayin loo xiray, iyo maxaabiis lagu dhibaateeyay xabsiga gaar ahaan in mid kamid ah maxaabiista uu u dhintay dhibaato ay u geysteen laamaha ammaanka ee Puntland.

Dabayaaqadii bishii Mey, booliska Soomaaliya ayaa saddex maalmood xabsiga ku hayay Cali Aadan Muumin oo ka tirsan weriyayaasha Goobjoog oo ah idaacad si gaar ah loo leeyahay, kaasoo loo haystay inuu Facebook ku dhaliilay Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA) gaar ahaan sida ay ula dhaqanto maxaabiista iyo inuu hayay nuqullo kamid ah imtixaanka Qaranka. Waxaa lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay mas’uuliyiin dawladeed, hakad geliyay hawlaha dowladda isla markaana faafiyay warar been abuur ah.

Dadka Barakacay iyo Helitaanka Gargaarka Bani’aadannimo

Xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ayaa weli taagan, waxaana sabab u ah colaadda, rabshadaha iyo abaaraha soo noqo-noqday. Qaramada Midoobay ayaa si cad xaaladda bani’aadannimo ula xiriirisay isbedelka cimillada iyo arimo kale. Waxaa ay shaacisay in dhammaadkii Sebtembar ay 2.1 milyan oo kamid ah shacabka Soomaaliya ay wajahayeen cunno yari ba’an, dadkaasi oo u badan carruur iyo barakacayaal.

Qaramada Midoobay iyo hay’adda Norwegian Refugee Council ayaa sidoo kale sheegay in dad ka badan 300,000 oo qof ay barakaceen wixii loo gaaray bishii Sebtembar. Dadkaasi ayaa wajahayay tacaddiyo ba’an oo ay kamid yihiin xadgudubyo galmo, xoog ku rarid iyo adeegyada asaasiga ah oo aanay si kufilan u helin sida cunnada iyo biyaha. Sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka, dad ka badan 173,255 ayaa intooda badan xoog guryahooda looga raray mudadii ka horreysay Agoosto 2019, kuwaasoo intooda badan ku noolaa Muqdisho.

Hay’adaha bani’aadannimada ayaa caqabado waaweyn kala kulmay sidii ay u gaari lahaayeen dadka u baahan gargaarka, waxaana caqabadahaasi ka mid ah amni darrada, weerarrada lagu beegsado shaqaalahooda, rabshadaha guud iyo xayiraado ay soo rogeen dhinacyada kulugta leh colaadda. Ururka Al-Shabaab ayaa weli wada xayiraada uu ku hayo hay’ado badan oo aan dowli ahayn iyo dhammaan kuwa Qaramada Midoobay ee deegaannada uu ka taliyo, waxaana uu sidoo kale go’doon geliyay deegaannada ay ka arrimiso dowladda qaarkood.

Somaliland

Dowladda Somaliland ayaa si ba’an u xayirtay wararka iyo xoriyadda hadalka ee ku saabsan arimaha ay u aragto inay xasaasiga yihiin ama aad u dhaliilsan hay’adaha dawliga ah.

Waxaa jiray tiro badan oo ah saxafiyiin loo xiray si aan loo meeldayin iyo xarumo warbaahin oo si ku meel gaar ah loo xiray. 10-kii Febraayo, maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa xayiraad sanad ah saartay wargeyska Foore, iyadoo tifaftiraha wargeyskaasi, Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 3 milyan oo shillin (US$300). Foore ayaa lagu eedeeyay inuu faafiyay warar been abuur ah kadib markii uu daabacay war ku saabsan dhismaha xarun madaxtooyo oo cusub oo Hargeysa laga dhisayo. Wargeyska ayaa xayiraadda laga qaaday Agoosto.

Dowladda ayaa sidoo kale xarig aan loo meeldayin kula kacday dadka loo arko inay dhaliilsan yihiin. 12-kii Janaayo, abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (oo loo yaqaan “Cabdiraxmaan Abees”) ayaa loo xiray maanso uu ka tiriyay dhaliilaha hannaanka cadaallada ee Somaliland. Waxaa lagu eedeeyay inuu “aflagaadeeyay booliska”. Wuxuu xorriyadiisa dib u helay 25-kii Febraayo.

Xubnaha Muhiimka ah ee Beesha Caalamka

Taageeradda caalamka iyo dareenka ayaa aad loogu adeegsaday dhismaha laamaha ammaanka ee Soomaaliya, wanaajinta xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo hannaanka doorasho ee maamullada gobolada. Waxaana yaraa xaqiijinta isla xisaabtanka ku aaddan xadgudubyada.

Kadib rabshadihii ay booliska ka geysteen magaalada Baydhabo Disembar 2018 ayaa xubnaha muhiimka ah ee Beesha Caalamka sida Midowga Yurub, UK iyo Jarmalka waxaa ay si kumeelgaar ah u hakiyeen taageerada ay siiyaan booliska maamulka Koonfur Galbeed.

Kadib markii ay Soomaaliya eriday ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Haysom, Qaramada Midoobay waxaa ay joojisay warbixinnada bil kasta ay uga hadasho arimaha xuquuqda aadanaha.

Milateriga Maraykanka ayaa sii kordhiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya iyo hawlgallada  wadajirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Warbaahinta iyo hay’adaha ayaa diiwaangeliyay khasaare soo gaaray dhowr qof oo rayid ah. Bishii Abriil, taliska AFRICOM ayaa qiray khasaare ka soo gaaray laba qof oo rayid ah duqeyn ay fuliyeen Abriil 2018, isagoo sheegay in khalad gudaha ah uu arinkaasi dhaliyay.

Bishii Agoosto, lix kamid ah xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horjoogsaday qorshe ay Kenya cunaqabateyn dheeraad ah ku saari lahayd Al-Shabaab, kaasoo caqabad ku noqon lahaa bixinta gargaarka bani’aadannimo.

Deeq bixiyayaasha caalamiga ah ayaa taageeray dhisidda maxkamad cusub oo madani ah iyo xabsi casri ah oo Muqdisho laga hirgeliyay. Xilliga warbixintan la qoray, ma caddeyn awoodda maxkamadda, mana jirin qeybo gaar u ah carruurta.

Waxaa sii socday loolanka u dhexeeya Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Qatar ee ku aaddan galaangalka siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya, kaasoo xoojiyay xiisadda u dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo weliba Muqdisho iyo Somaliland.