Skip to main content

Soomaaliya

Dhacdooyinkii 2018

A Somali girl stands next to her makeshift tent at Tawakal internally displaced persons camp in Mogadishu, Somalia, June 19, 2018. The number of internally displaced people, many living unassisted and at risk of serious abuse, reached an estimated 2.7 milllion in 2018. 

© 2018 MOHAMED ABDIWAHAB/AFP/Getty Images

Dagaallo, amni darro, difaac la’aan dhanka dowladda ah iyo xaaladdo bani’aadannimo oo is xig-xigay ayaa sanadka 2018 saameyn ballaaran kuyeeshay shacabka Soomaaliya. Tirada dadka ku barakacay gudaha dalka, oo intooda badan aan kaalmo helin, khatarna ugu jira tacaddiyo ayaa gaartay qiyaastii 2.7 milyan oo qof.

Ururka Al-Shabaab ayaa dadka kunool deegaannada uu ka taliyo u geystay dhibaatooyin badan oo ay ka mid tahay xoog ku askaraynta, waxaana uu sidoo kale weerarro lagu hoobtay la beegsaday dadka rayidka ah.

Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa sheegay in billowgii 2018 ilaa bishii Oktoobar ay 982 qof oo rayid ah waxyeello soo gaartay, in ka badan kala bar dadkaasina ay ku waxyeelloobeen weerarrada Al-Shabaab. Dagaal beeleedyada, iska horimaadyada dhex mara ciidamada dowladda iyo hawlgallada milateri ee ciidamada Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo kuwa kale ee shisheeyaha ah ay kubeegsadaan Al-Shabaab ayaa sidoo kale dhaliyay dhimasho, dhaawac iyo barakaca dad rayid ah.

In kastoo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay wax xoogaa horumar ah ka sameeyeen kala qeexidda shaqooyinka iyo mas’uuliyadaha dhanka ammaanka iyo cadaallada, ayaa haddana khilaafka siyaasadeed ee dhexdooda ah waxaa uu ka weeciyay isbedellada ballaaran ee looga baahan yahay. Xiisad u dhexeysay gudoomiyihii hore ee golaha shacabka, Maxamed Cismaan Jawaari iyo xukuumadda,ayaa muddo bil ah hakisay hawlihii baarlamaanka, taasoo markii dambe dhalisay inuu xilka wareejiyo gudoomiyaha.

Dowladda ayaan weli ansixin liiska shakhsiyaadka loo soo xulay in ay ka mid noqdaan guddiga madaxa bannaan ee xuquuqda aadanaha oo ah kii ugu horreeyay ee uu dalka yeelanayo, wax horumar la taaban karana kama aysan samayn xakameynta xooggaga ammaanka ee xadgudubyada geysta, gaar ahaan hay’adda sirdoonka, ama soo afjaridda qasab kuraridda loo gaysto dadka soo barakacay.

Tacaddiyada ay Galeen Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Taabacsan

Xooggaga ammaanka ayaa si sharci darro ah kudilay kuna dhaawacay dad rayid ah xilli ay dhexdooda kudagaallamayeen dhul, gacan kuhaynta baro kontorool iyo hawlgallo hub ka dhigis oo ka dhacay Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose. Tobanaan ka tirsan saraakiisha dowladda, xooggaga ammaanka iyo ergo ka qeybqaadatay doorashooyinka ayaa la khaarajiyay; Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda qaar ka mid ah dilalkaasi.

Hay’adaha sirdoonka ee heer federaal, kuwa Puntland iyo Jubaland ayaa xarig aan loo meel dayin oo muddo dheer ah kula kacay shakhsiyaad aan lagu soo oogin wax dacwad ah, isla markaana aan loo ogolaan inay la kulmaan qareenno ama xubnaha qoysaskooda. Dowladda Soomaaliya iyo hawl wadaagayaasheeda caalamiga ah ayaa ballan qaaday inay dhisayaan laamaha amniga qaranka oo lala xisaabtami karo, balse dowladda federaalka ayaa kuguul daraysatay inay meel mariso sharci qeexaya awoodda hay’adda sir doonka.

Inkastoo dacwad oogayaasha milateriga ay maxkamadaha madaniga ah kuwareejiyeen faylasha eedeysanayaal ka tirsan xooggaga ammaanka, ayaa haddana maxkamadaha milateriga waxaa ay qaadaan kiisas ay ka mid yihiin kuwa la xiriira argagixisannimada, hannaanka ay u maraana ma gaarsiisna heerarka caalamiga ah. Sida ay sheegeen warbaahinta iyo Qaramada Midoobay-ba, dowladda ayaa 2018 xukun dil toogasho ah kufulisay ugu yaraan afar xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka kuwaas oo intooda badan lagu helay inay dileen askar ay ka wada tirsanaayeen xooggaga ammaanka.

Xiisad ka dhalatay gobolka Sool ee ay kumuransan yihiin Somaliland iyo Puntland ayaa horseeday iska horimaadyo hubaysan, gaar ahaan bishii Janaayo markaas oo ay Somaliland la wareegtay gacan kuhaynta deegaanka istaraatiijiga ah eeTukaraq. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalkaasi ay ku barakaceen 12,500 oo dad rayid ah.

Dadka rayidka ah ayaa lagu beegsaday ama wajahay weerarro aan kala sooc lahayn inta ay socdeen dagaal beeleedyada, gaar ahaan kuwa ka dhacay deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag iyo deegaanno ka tirsan gobollada Galguduud iyo Hiiraan.

Warbaahinta ayaa bishii Luuliyo tebisay in ciidamo Kenyan ah oo aan ka tirsaneyn kuwa AMISOM ay saddex dumar ah iyo laba gabdhood kukufsadeen deegaan ka tirsan degmada Beled Xaawo ee xuduudda la leh Kenya.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay bishii Diseembar 2017 ayaa lagu muujiyay hufnaan la’aanta kugedaaman baaritaannada iyo maxkamadeynta ay samayso AMISOM, waxaana ay walaac ka muujisay jiritaan la’aanta dedaal rasmi ah oo lagu difaacayo dhibbanayaasha iyo marqaatiyaasha si aan looga aargoosan.

Tacaddiyada uu Geystay Ururka Al-Shabaab

Ururka Al-Shabaab ayaa geystay tacaddiyo waaweyn oo ay ka mid yihiin inay xoog kuqortaan carruur iyo dad waaweyn; dilal aan loo meel deyin gaar ahaan kuwa loo geystay dadka lagu eedeeyay inay u basaasayeen dowladda iyo xooggaga shisheeye; iyo “canshuur” baad ah oo ay si hanjaadi kujirto dadka uga qaadaan. Weerarrada Al-Shabaab ay u adeegsato qaraxyada gawaaridda laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo duqeynta ee ka dhanka ah dadka rayidka ah iyo xarumahooda kuyaal Muqdisho ayaa dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca boqolaal qof oo rayid ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa weli sii wada xayiraadda uu saaray hay’adaha samafalka iyo dhammaan kuwa Qaramada Midoobay ee ka hawlgeli lahaa deegaannada uu ka taliyo. Waxaa uu sidoo kale go’doomin ku hayaa magaalooyinka ay dowladdu maamusho, isagoo weerarro la beegsada dadka rayidka ah ee aan dhawrin  go’doominta, islamarkaana ka burburiyaa alaabta iyo gaadiidkooda.

Tacaddiyada Ka Dhanka ah Carruurta

Dhammaan dhinacyada kulugta leh colaadda Soomaaliya ayaa sii wada tacaddiyada ka dhanka ah carruurta oo ay ka midka yihiin dilka, dhaawaca, qoroshada iyo u adeegsigooda hawlgallada milateri.

Ururka Al-Shabaab ayaa adeegsaday olole xooggan oo uu kuqoranayo carruurta islamarkaana uu weerarro aargoosi ah kula beegsanayo beelaha diidda inay soo dhiibaan carruurtooda, gaar ahaan kuwa kunool Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Taasi ayaa dhalisay in boqolaal carruur ah oo aan qaarkood la wehlin ay ka soo cararaan guryahoodda si ay uga baxsadaan Al-Shabaab. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dadka deegaanka Xaradheere ayaa bishii Luuliyo iskacaabin kala hortegay Al-Shabaab ka dib markii marar badan lagu cadaadiyay inay carruur keenaan, waxaana iska horimaadkaasi ka dhashay dhimasho iyo barakac ballaaran oo dadka rayidka ah soo gaaray.

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwo Maraykan ah ayaa 18-kii Janaayo kasoo badbaadiyay 36 carruur ah xarun uu ururka Al-Shabaab kulahaa Shabeellaha Dhexe.Todobaad ka dibna waxaa carruurtaasi lagu wareejiyay Qaramada Midoobay si ay dhaqan-celin ugu samayso.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa si sharciga ka baxsan u xirtay, mararka qaarna soo taagtay maxkamadaha milateriga carruur lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab. Ka dib markii ay racfaan qaateen ayaa garsoorayaal kusugan Puntland waxaa ay yareeyeen balse aanay meesha ka saarin xukun xabsi ah oo maxkamad milateri sanadkii 2016 kuriday 40 carruur ah oo ka garab dagaallamay Al-Shabaab.

Dadka Barakacay iyo Helitaanka Gargaarka Bani’aadannimo

Ku dhawaad 2.6 milyan oo barakacayaal gudaha ah ayaa muddo dheer kunool xeryo kuyaal Soomaaliya sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, waxaana ay dadkaasi wajahayaan tacaddiyo ba’an oo ay ka mid yihiin dilal aan kala sooc lahayn, xoog kurarid, tacaddiyo galmo iyo adeegyada asaasiga ah oo aanay si kufilan u helin.

Sida ay sheegeen hay’adaha bani’aadannimada ka shaqeeya, barakacayaal ka badan 204,000 oo qof ayaa si xoog ah lagu raray sideedii bilood ee ugu horreysay 2018, waxaana sidaa kusameeyay ciidamo ay ka mid yihiin kuwa dowladda oo kusugan Muqdisho iyo gobolka Baay.

Bishii Diseembar 2017, xooggaga ammaanka ayaa burburiyay daraasiin xeryo aan rasmi ahayn ah oo ay kujiraan dhismayaal bani’aadannimo, iyagoo aan digniin kufilan siin barakacayaasha halkaa deganaa, waxaana sidaa guryo la’aan kunoqday kudhawaad 30,000 oo qof. Maamulka gobolka Benaadir ayaa baaritaan kusameeyay rariddaasi, waxaana bishii Abriil uu soo jeediyay qaabka wax looga qaban karo dhacdooyinkaasi, balse xoogga ma uusan saarin isla xisaabtanka.

Hay’adaha bani’aadannimada ayaa caqabado waaweyn kala kulmay sidii ay u gaari lahaayeen dadka nugul ee u baahan gargaarka, waxaana caqabadahaasi ka mid ah amni darrada, xayiraado ay soo rogeen dhinacyada kulugta leh colaadda, jid-gooyooyin sharci darro ah iyo weliba lacago baad ah. Waxaa sii socda weerarrada lagu beegsado shaqaalaha gargaarka. 2-dii Mey, haweeney ka tirsan shaqaalaha hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa laga afduubtay xarunta ay hay’adaasi kuleedahay Muqdisho, taasoo aan la siideyn xilliga warbixintan la qorayay.

Xadgudubyada Galmada

Haweenka iyo gabdhaha soo barakacay ayaa weli khatar ugu jira xadgudubyada galmada iyo kuwa kale ee jinsiga ah ee ay geystaan ragga hubaysan oo ay ka mid yihiin askarta dowladda, maleeshiyaadka iyo ragga rayidka ah.

Tallaabada wanaagsan ee ay qaadeen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa ah wanaajinta awooddooda sharci ee ay ku maxkamadeyn karaan kiisaska xadgudubyada galmada. Bishii Mey 2018, golaha wasiiradda ee dowladda federaalka ayaa ansixiyay Hindisaha Xadgudubyada Galmada; xilliga warbixintan la qorayayna waxaa uu hindisahaasi horyaallay baarlamaanka. Saameynta iyo hirgelinta xeerkan, gaar ahaan sharciga xadgudbyada galmada ee Puntland ayaa ahaa kuwo yar.

Xeerka Ciqaabta ee Soomaaliya oo hadda dib u eegis lagu samaynayo ayaa dhigaya in xadgudubyada galmada ay yihiin "dembiyada lagu waxyeellayo sumcadda iyo sharafta jinsi" halkii ay ka ahaan lahaayeen tacaddiyada loo geysto sharafta jirka qofka. Sidoo kale waxaa uu xeerku ciqaabaa dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, halka uu ganaaxo hadallada loo arko inay meel ka dhac kuyihiin mas'uuliyiinta dowladda dadka ku qawla.

Xoriyadda Hadalka

Weerarrada lala beegsaday warbaahinta, caga jugleynta iyo xarigga aan loo meel deyin ee lagula kaco shaqaalaheeda ayaa sii socday. Dowladda Soomaaliya ayaan inta badan baarin kiisaska dilka iyo weerarrada lagula kaco weriyayaasha.

26-kii Luuliyo, askari boolis ah ayaa toogasho kudilay Cabdirisaaq Qaasim Iimaan oo ahaa muuqaal-duube ka tirsan telefishin maxalli ah oo gaar loo leeyahay xilli uu marayay bar koontorool oo kutaal Muqdisho. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, booliska Soomaaliya ayaa baaritaan kusameeyay arinkaasi, balse xilliga warbixintan la qorayay ma jirin cid loo soo xiray dilkaasi.

Somaliland

Bishii Diseembar 2017, Muuse Biixi Cabdi ayaa loo dhaariyay madaxweynaha Somaliland. Dowladda Somaliland ayaa xarig aan loo meel deyin kula kacday weriyayaal badan iyo dadka dhaliilsan, iyadoo beegsatay dadka ka hadla “arimaha la isku khilaafsan yahay,” gaar ahaan xiisadda xuduudeed ee kala dhexeysa Puntland iyo la midowga Soomaaliya.

Bishii Abriil, Naciima Axmed Ibraahim oo ah gabar gabayada tirisa, Maxamed Kayse Maxamuud oo internet-ka wax kuqora iyo Boqor Cismaan Aw-Maxamuud oo ah madax dhaqameed aan hadalka la gaban ayaa dhammaantood lagu qaaday qodob dembiyeed aan micnihiisu caddeyn islamarkaana dhinacyo badan taabanaya, oo ku aaddan inay si shaac baxsan u dhaliileen siyaasadaha dowladda iyo mas’uuliyiinta. Saraakiisha dowladda iyo garsoorayaasha maxkamadaha ayaa ku xadgudbay hannaanka saxda ah inta ay dadkaasi u xirnaayeen ama la maxkamadeynayay. Dhammaan saddexdaasi qof ayaa markii dambe lagu sii daayay cafis madaxweyne. Sida ay sheegtay Xarunta Xuquuqda Aadanaha oo ah hay’ad madax bannaan oo aan dowli ahayn, tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynaha cusub ee Somaliland, 18 weriyayaal ah ayaa la xiray, 5 ka mid ahna waxaa lagu xukumay qodob keliya. Afar ka mid ah kiisaskaasi ayaa xabsigooda markii dambe loo bedelay ganaax lacageed.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa bishii Luuliyo qaaday tallaabo wanaagsan ka dib markii uu diiday ansixinta isbedello dhibaato sababi lahaa oo uu Golaha Guurtidu kusameeyay hindisaha Xeerka Kufsiga iyo xadgudubyada galmada, kaasoo ka dhigay da’da qaangaarka 15 sano, islamarkaana meesha ka saaray mas’uuliyadda dembi ee ragga qaraabada la ah gabdhaha qasabka lagu guursado. Bishii Agoosto ayaa madaxweynaha waxaa uu sixiixay hindisahaasi, sidaa ayuuna sharci kunoqday.

Xubnaha Muhiimka ah ee Beesha Caalamka

Taageeradda caalamka ayaa xoogga lagu saaray dhismaha laamaha ammaanka ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin iskudhafka ciidamada maamul goboleedyada, iyadoo la raacayo fulinta qorshaha kala guurka ee dowladda; waxaana yaraa xaqiijinta in si cadaalad ah loogula xisaabtamo tacaddiyada ay geystaan.

Dalalka ciidamada kubiiriyay hawlgalka AMISOM ayaa walaac ka muujiyay awoodda ay ciidamada dowladda Soomaaliya u leeyiiin la wareegidda mas’uuliyadda ammaanka. Bishii Luuliyo, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa aqbalay baaq uga yimid Midowga Afrika oo ahaa in muddo bilooyin ah dib loo dhigo bixitaanka 1,000 askari oo AMISOM ka tirsan.

Waaxda gaashaan dhigga Maraykanka ayaa sii waday duqeymaha iyo hawlgallada wadajirka ah ee ay ka fuliso gudaha Soomaaliya. Waxay duqeymaheeda kubadisay deegaannada Jubaland. Maraykanka ayaa sheegay in hawlagalladiisa milateri ee Soomaaliya ka dhacay 2018 aanay geysan khasaare rayid, balse ma uusan soo bandhigin caddeyn arintaa xoojinaysa. Hase yeeshee warbaahinta  iyo Qaramada Midoobay ayaa bishii Mey ku warramay in shan qof oo rayid ah ay kudhinteen hawlgal milateri oo ay wadajir uga fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka meel ka tirsan degmada Afgooye. Waaxda gaashaan dhigga Maraykanka ayaa bishii Juun shaacisay in eedeyntaasi aan lagu “kalsoonaan karin.” Ka dib markii ay warbaahintu shaacisay dilal la sheegay in loo geystay 10 qof oo rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Bariire, ayaa qeybta baaritaannada dembiyada ee ciidamada badda Maraykanka waxaa ay bilowday baaritaan labaad oo ku aaddan dhacdadii Agoosto 2017, balse natiijadda baaritaankaasi ayaan soo bixin xilliga la qorayay warbixintan.

Xiisadda diblomaasi ee u dhexeysa Qadar iyo wadamada kale ee Khaliijka ayaa khilaaf dhex dhigtay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, siyaasiyiinta Muqdisho iyo weliba Somaliland, iyadoo uu muran badan ka dhashay maal gashiga uu Isutagga Imaaraadka Carabtu ku samaynayo dekedda muhiimka ah ee Berbera.